SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

ASCWW

XOGWARAN IYO TALO BIXIN KU SAABSAN XAWILAADII DALSAN....

W/Q Abdi Farah

Maanta oo ay bishu tahay 17kii May 2006,waxaa ka soo wareegta laba asbuuc markii albaabada loo laabay Shirkadii DALSAN INTERNATIONAL, waxaana nasiib daro ah in madaxdii Shirkadii aysan ilaa iyo hadda wax xiriir ah oo la taaban karo aysan la soo yeelan dadkii ay u hayeen saamiyada (sherarkii) taas oo aan oran karno waa wax mustaxiil ah oo aan marna la qaadan karin.-

Si kastaba ha ahaatee waxay mas'uuliyaddaan ay taabanaysaa waa labada ODAY oo kala ah :-

Sheekh Maxamed Sheekh Cusmaan & Cabdi Qani Xaji Aadan loo Yaqaan (Huruuse).-

Akhristow waxaan ka mid ahay dadka ay xoolaha ugu jiraan Dalsan in kastoo aan anigu xog badan aan la socon karin haddana waxaan hubaa in ay shirkadu sanooyinkii 2002 ilaa 2003 ay lacago ku maqnaadeen wakiilada u kala fadhiyay dacalada aduunka waxaan ogaa in wakiiladii lala xisaabtamay ayadoo loo nastexeeyay in ay bil waliba soo xareen jireen wixii ay lunsadeen (si kastaba ha u lunsaden) qayb ka mid ah taasu si fiican ayay u socotay inta aan ka war qabay.-

Sannadihii 2004 iyo 2005 ilaa afartaan bilood ee sanadkaan shirkadu wax khasaara ah lama sheegin ayadoo laga faaiidestay sannadihii ay shirkadu khasaartay,ma garan karo sida ay wax u jiraan.-

WAXAASE DHACAy:-

3/5/2006 ayaa hal mar albabada loo laabay shirkadii DALSAN oo wakiiladii hayay hantidii dadwaynaha la aamuseen waxaase taas ka daran in ay labadii BOOS ay taleefanadoodii xirteen oo aysan oran sidee wax ugu sheegnaa dadkii hantida lahaa.-

Taas markii ay dhacday maxaad u malayn kartaa dadkii xoolaha lahaa ee sheerka ka ahaa ?

Hadaba waxaa is waydiin leh ma dhici kartaa in shirkadii Dalsan oo aan filayo hantida ku jirtay qiyaas ahaan lagu qiyaasay 8,000,000.00 ilaa 9,500,000.00 in ay iska aamusaan labada BOOS oo ka aahaa musu'uulka lacagta intaas tiro le'eg,WAA HASHU MAAKAYGAY GADEE MA MASAARBAY LIQDAY.=

TALO SOO JEEDIN :-

-Waxaa leeyahay labada ODAY :-

1-Ragii hayay Masu'uuliyadda iyo wakiiladdii Dalsan la xisaabtama,wax waliba waxay leeyihiin raad la taaban karo dib ugu noqda Computradii iyo xisaabaadkii .-

2-Wixii soo kordha waxaa noogu soo tabisaan webseedyada

3-Dadku waa rajo ku nool ee noo sheega mudadda aad xoolihii dadwaynaha aad ku bixinaysan.

-Waxaan leeyahay Wax garadka Soomaliyeed iyo Samajeelka -

- Waxa dhacan waa Walaalihiin,Caruurtiinii & Haweenkiinii,sidaas darteed u nasteexeeya masu'uliyiinta dalsan gaar ahaan labada Oday si aysan u fududaysan arintaan taagan.

Gabagabo:- waxaan ognahay in Shirkadii DALSAN aysan khasaarin sidaas darteed lacagaha lagu kala hayo A/C da waxa mas'uul ka ah waa labadiina ODAY ( DULMIGA WAA LA ISKA QABTA ) AAMUSNAANTUNA WAA KA RAALI AHAANSHO.-

Wa billahi towfiiq.-

W/Q Abdi Farah
xandulle60@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2006


Siminaar looga hadlaayey dhibaatooynka qaadka oo ka dhacay Bosaso.

Shariif Xasan oo ka soo horjeestay in xilka laga qaado Muuse iyo Qanyare..
»
Cudur halis ah oo Soomaaliya lagu arkay
»Khilaaf ka taagan maamul Jubadda dhexe loo..
»Dhaqdhaqaaq ay Sii-Sii ka wadaan maleeshiyooyin...
»Xaaladda Jawiil oo shalay degganeyd kadib...
»Furista waddada Muqdisho iyo Afgooye oo.
»Deegaanka Ceel-Cirfiid oo laga deyrinayo dhinaca...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... May 17

Shirwaynaha Badhan Iyo Khudbadii Suldan Siciid Suldan