SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QAADKA
Daabaco Boggan | Print


Siminaar looga hadlaayey dhibaatooynka qaadka oo ka dhacay Magaalada Bosaso. 

Siminaar loo agaasimey si sare ayaa lagu qabtey hoolka shirrarka ee Hotel Panarama ee Magaalada bosaso maanta oo taariikhdu tahay 16.05.2006, siminaarkan ayaa waxaa soo agaasimey NGO-ga Somali Khat Awareness Organization kaas oo dhawaan ka hawlbilaabey deegaanada Puntland ahna kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah ee looga dhawaaqo deegaanada Puntland. 

Siminaarkan aya waxaa ka soo qaybgaley xubno ka socda Dawlad Goboleedka Puntland, Mas'uuliyiinta Gobolka Bari, Qaybta Amniga Gobolka Bari,  inta badan hay'adaha Caalaamiga ah iyo NGO--yada maxaliga ah sida UNICEF, Save The Children, Care International, shabakada WAWA, Tadamun Socail Socaity. 

Ugu horeyntii ayaa waxaa ku furey aayado qur'aan ah iyo wacdi Shiikh C/rizaq Xaydarig intaas kadib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha ururka ka wacyi gelinta qaadka (Somali Khat Awareness Organisation) Sharma'arke Maxamed Faarax.






 

Gudoomiyaha ayaa ka hadley sababaha loo sameeyay ururka SKAO iyo muhimada uu lee yahay. Mudane Sharmarke M Farax ayaa ka haldey dhibaatooyinka qaadku uu lee yahay iyo bur burka uu ku hayo umada dhinaca caafimaadka, dhaqaalaha, iyo akhlaaqiyaadkaba sidoo kale Mr.Sharmarke ayaa sheegey in qaadku yahay dhibta keliya ee maanta haysata mujtamaca Soomaalida. 

Gudoomiyaha ururka SKAO ayaa soo bandhigay diraasad ka hadleysa qiimaha maalintii ku baxa qaadka la keeno magaalada Bosaso taas oo u muuqata bur bur dhaqaale, maalintii waxa magaalada Bosaso oo keliya ku qayishaa $52,000 maalinkasta, taas oo gaaraysa sanadkii $19,000,000 (sagaal iyo toban milyan oo Doolarka maraykanka ah). diraasadan ayaa waxaa sameeyay ardey ka qalin jebiyey jaamacadda Bariga Africa ee Bosaso laguna magacaabo Axmed Weli Nux Cismaan. 

Mar uu ka hadlaayey dhanka caafimaadka ayuu sheegey in caafimaad daradda ugu badan ay ka timaado qaadka iyada oo laga qaado cuurada kansarka, dhiig karka, baawasiirka, waalida , wadne xanuunka iyo cuduro kale oo faro badan. 

Intaas ka dib waxaa goobta ka hadley Maxamed Yusuf  oo ka socdey jaamacadda Bariga Africa, Maxamed Yusuf ayaa sheegey in baaritaan ay sameysey jaamacaddu lagu ogaadey in dhibta ugu weyn ee haysata bulshada uu yahay qaadka haddii aan si deg deg ah wax looga qabana ay umaddu jiritaan beelayso. 

Sidoo kale waxaa siminaarkan ka haldey Drs. Xaawo Cali Jaamac oo ka socotey shabakada WAWA ( We Are Women Activist)  Xaawo ayaa sheegtey in uu ku hayo haweenka dhib aan la soo koobi karin dhinac akhlaaq iyo mid dhaqaaleba ayna quman tahay in laga hortago gebi ahaantiisba. 

Dhanka culimada waxaa ka haldey Sh. Fuaad Xaaji Nuur, Shiikhu waxa uu soo bandhigey muxaadaro aad loogu bogay isaga oo horey u sameeyay baaritaano ku saabsan qaadka kana jeediyey muxaadaraad tiro beelay, sidoo kale waxa uu shiikhu meesha ka akhriyey sugaan horey loogu ceebeeyay qaadka. 

Intaas kadib waxaa hadal qiimi badan ka jeediyey goobta siminaarka Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Dekadaha prof.Cabdiweli Cabdiraxmaan geyre waxa uu sheegey in dhibta uu ku hayo bulshada qaadku ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale maamulka puntland naf'aahaantiisa uu aafeeyay qaadku loona baahan yahay mustaqbalka dhaw in maamulka ay wadaan dad ka fog cunidda qaadka, waxana uu sheegey sida ay uga go'an tahay in uu ula shaqeeyo ururkan isla markaana uu u soo dhaweynaayo maamulkiisu.

 

Dr.Ismaaciil Ciise rooble oo ah madaxa dhakhaatiirta gobolka Bari (BARMA)  ayaa soo bandhigey diraasad ka hadleysa dhinaca caafimaadka dhakhtarka ayaa uga hadley si cilmiyeysan oo aad u qoto dheer aadna u qancisey ka soo qaybgalayaashii shirka. 

Dhanka Gobolka ayaa waxaa u hadley Ku xigeenka barasaabka Yusuf Muumin Bidde, barasaabka ayaa sheegey in aysan ahayn wax hadda la isu sheegayo in qaadku uu yahay daroogo balse ay u baahan tahay in magaca laga bedelo looguna yeero daroogo waxa uu sheegey in gobol ahaan ay aad u taageerayaan ururkan cusub ee SKAO. 

Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii halkaas ka hadley Dr.Abdirashiid Maxamed Yusuf oo ka socdey hay'adda Save The Children, Raage maxamed oo ka socdey UNICEF waxayna ku nuux nuuxsadeen sida weyn ee ay ula shaqeynayaan ururkan isla markaasna uu yimi waqti ku haboon. 

Ugu danbeyntii waxaa ka hadley halkaas Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Col. Maxamed Rashiid, Taliyaha ayaa sheegey in qaadku uu yahay midka keena nabadgelyo xumida ugu daran midka ku haya gobolka, inta badan shilalka dhaca waxa ay ku yimadaan sabab qaadku keenay, sidoo kale dhalinta fawadada ka wada Bosaso ee Fay Cali dhamaantood waxa ay isticmaalaan qaadka ayuu yiri taliyaha oo sheegey in ay haboon tahay inaan maamul loo dhiibin qof qaad cuna ama daaqa. 

Taliyaha ayaa sheegey in uu aad u necebyahay qaadka isla markaasna uu la dagaalamaayo isla markaasna uu la shaqeynaayo SKOA. 

Ugu danbeyntii ayaa waxa la qabtey shaqo kooxeed ( Work Group) waxaana laga niqaashey sadex su'aalood. 

1. Waa maxay Qaadku?

2. Waa maxay raadka uu ku reebaa bulshadda

3. Sidee wax looga qaban karaa. 

Jawaabaha ka soo baxay doodan ayaa ahaa kuwo dhaxal gal ah isla markaasna ay ka qaybqaateen dhamaan qaybaha bulshadu, waxaana ka soo baxay halku dhiga ah in qaadka loo ictiraafo DAROOGO. 

Eng Ismail Said Aw musse
G/kuxigeenka Somali Khat Awareness Organisation
www.skao.info
contact@skao.info

khat_awareness@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005


SIDA REER PUNTLAND LOO SIRAY

Dawladda Itoobiya xaq miyaa in  khayraadka soomaaliyeed ay daldalato kuna bedelato Maandooriyaha cagaaran ee Qaadka ! 
CARRUURTA KU DAYACAN BOOSAASO

Caruurta ku Dayacan Wadooyinka.. Guji...



Qaranka aan Dawladda lahayn, Dumarka waxbartay waxa ay door weyn ka qaataan iibinta Geedka Daroogada ee sida fooqal-xadka ah loo Isticmaalo


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...


2002: Qaadka oo Kusoo Qulqulaya Ameerika

2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD