SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SOMALIA

 Qaar ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga Tamarata Qoraxda

   

20 haween ah oo ka socday degmooyinka G/Banaadir ayaa magaalada Muqdisho uga furmay Tabar la xariira qaabka ugu wanaagsan ee looga faaiideysto tamarta Qoraxda, isla markaasna cuntada loogu karsan karo qoraxda, iyadoo la adeegsanaayo qalab ay Unafrik bixisay oo isugu jira Baako iyo baco loogu talagalay in lagu karsado Raashinka iyo wixii kale ee loo baahdo in la kariyo.

Waxaa ugu horeyntii halkaas ka hadlay sarkaal sare oo ka socday ururuka beera yaqaanada Soomaaliyeed ee Sacra C/qaadir Nuur Hadaafow oo isagu haweenkaaas ku booriyay inay aqoonta ay halakaan ka korarsadaan ay u gudbiyaan dhigooda aan u saamixin tababarkaa inay ka qeyb qaataan.

"Mashruucaan waxaan ku rajaweynahay inaan gaarsiino gobolo dhowr ah oo aan laga fulin" ayuu yiri C/qaadir Nuur Hadaafow oo sheegay in Ururka Un Afrik uu xafiiskiisu ku yaal dalka Sweden, wuxuuna cadeeyay in deegaanada Baydhabo iyo jowhar horay looga hirgeliyay Mashruucaan ka faaiideysiga Tamarta qoraxda, isagoo xusay in deegaano Cadle iyo Warshiikh ka mid ah la gaarsiin doono dhawaan Mashruucaan.

Sidoo kale waxaa halkaas haweenkii tababarka la siiyay lagu gudoonsiiyay agabkii looga faaiideysanaayay Tamarta qoraxda, iyagoo bartay qaabka wax loogu karsan karo qalbkaas iyadoo laga faaideysanaayo tamarta Qoraxda.



Dhinaca kale waxaa goobtaas lagu soo bandhigay qlabkaas oo isla goobtaas lagu kariyay raashin ay ka mid yihiin Bariis iyo Suugo, iyadoo ugu dambeyntii uu halkaas hadalo ka soo jeediyay sarkaal ka socaday Unafrik oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Calasow oo sheegay in masruucaan uu xiligaan dadka Soomaaliyeed wax weyn u tarayo, isagoo sabab uga dhigay fatahaada webiyada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sidoo kale dadka lama dagaanada ama deexada degan uu wax weyn u tarayo mashruucaan.

Dawlada mareykanka oo diyaarinaysa Qorshe Qabyo ah oo ay hor dhigeyso Golaha amaanka ee Qaramada midoobay

Dawlada mareykanka ayaa diyaarisay Qoraal Qabya ah oo ay hor dhigeyso Golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo ay ku dooneyso in cunaqabateynta hubka laga Qaado dawladda Somalia oo kaliya , laguna doonayo inay dalka soomaaliya ciidamo usoo diraan dowladaha urur goboleedka IGAD warkan ayaa waxaa faafisay wargayska kasoo baxa dalka maraykanka ee waashington post.

Wargayska ayaa wuxuu soo qaatay qorsha lagu doonayo inay cuna qabataynta kaga qaadaan dfkmg si loo helo ciidamo ka socda dowladaha IGAD oo suga amaanka dowlada taasoo ay dalka maraykanku ku doonayso qorshahan mid u dhaqan gala si xal loogu helo xaalada murugsan ee geeska afrika sidoo kale waxay warbixintu intaasd ku daraysaa inay qorshahan ay ku taageereen dawladda mareykanka dowlada Britain iyo France,waxaana la filayaa in dawladaha China iyo Russia inay taageeri doonaan.Dawladahaasi waa 5ta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha amaanka.

Hase ahaatee in cunaqabataynta hubka laga qaado dawladda somalia iyo in ciidamada dalalka IGAD loo oggolaado in ay galaan somalia waxaa dood ka keenay warbixin ay diyaariyeen koox khubaro yurub ah oo arrimaha somalia kala taliya ururka Eu.

Kooxdan khubarada ah ayaa fadhigoodu yahay Nairobi oo guddiga European commissionka ka dhaadhicinaya in ay taageeraan maxkamadaha soomaaliyeed oo dadaal dheer u galay sidii amaanka loogu soo celin lahaa koonfurta soomaaliya .

Sidoo kale waxay khubaradaasi warbixntooda kaga hadleen ,haddii la oggoaado in dawladda somalia laga qaado xayiraadaha hubka oo ciidamada IGAD ay tagaan somalia,waxaa khasab ku noqoneysa EU inuu wax ka bixiyo kharajka ku bixi doona ciidamada IGADSOM,saas awgeed yurub ay diidaan ayna ka hortagaan qorshahaas dawladda mareykanka.waxaa kale oo khubarada reer yurub ee la taliya European Commission ay qabaan haddii qaramada midoobay,ay sida mareykanku doonayo ay yeesho oo go'aankaas la qaato ay dhici karto inuu soo dedejiyo dagaal aan wax la isula hadhin oo somalia ku dhexmara dawladda oo itoobiyaanka uu gacansiinayo iyo golaha maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed .

Sikastaba ha ahaatee khubarada ayaa waxay kula taliyeen , inay EU inuu dhiirigaliso wada hadal dhexmara dawladda iyo maxkamadaha oo keeni kara nabad waarta ,Waxaa lagu wadaa golaha amaanka ee UN inuu ka shiro oo uu go'aan ka qaato arrinta somalia daba yaaqada bishan Nofember taasoo lagu gaadhi doono go,aan kasoo baxa UNka .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com

002521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2006

Batroolka Dad-u-dhexeeyaha: Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne... Akhri..

Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD