SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

  • Raysal wasaraha dalka itoobiya oo shaaca ka qaaday inuu dagaal la geli doono golaha maxaakiimta soomaaliyeed.
  • Khilaaf soo dhex galay Maamulka Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho
  • Culimaa'udiin u dhashay gobolada Bay iyo Bakool oo laga qabqabtay deegaanka iidaale .
  • Munaasabad lagu furayo ceel biyood laga hirgalinayo Tuulada Kalabayr ee Gobalk Bari

Raysal wasaraha dalka itoobiya oo shaaca ka qaaday inuu dagaal la geli doono golaha maxaakiimta soomaaliyeed.

SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Mudane Faarax Macallin Dawaara oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya... Halkan ka dhegeyso...

Raysal wasaaraha dalka itoobiya Meles Zenawi, ayaa ku hanjabay inay lama huraan tahay inuu dagaal la galo golaha maxakiimta soomaliyeed maadaama ayuu yiri hadii lagu guul daraystay wada xaajoodkii laga dhex waday dfkmg ah iyo golaha maxakiimta .

Melez zanawi , ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Barlamaanka dalkiisa, wuxuuna ka dhawaajiyay inay Dowwladiisa u diyaargarowday dagaal ay la galaan maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay inay Maxkamaduhu khatar ku yihiin dalkiisa.

Meles Zenawi, waxa uu tilmaamay inay maxkamadaha horey u shaaciyeen inay dagaal Jihaad ah la galayaan Ciiddaamadda Ethiopian-ka ee loo daadgureeyey si ay u difaacaan Dowlada Somalia , wuxuunna xusay inay Tallaabadaasi tahay Cabsi-gelin cad oo lagu hayo dalkiisa.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadaya, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Siyaasadda Dowladiisu tahay sidii looga hortegi lahaa caga-jugleyntaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye, mar haddii lagu fashilmay in marka ugu horreyso wada-xaajood lagu xaliyo Khilaafka, isagoo carrabka ku dhuftay inay Dowladiisu dadaal u gashay sidii loogu guulaysan lahaa Wada-xaajoodyadda.

Meles Zenawi, waxa uu ku dooday inuu dalkiisu xaq buuxa u leeyahay inuu iska difaaco khatar kasta, isla markaana ay u diyaar garoobeen difaac , waa sida uu Mleles Zenawi u sheegay Xildhibaanadda Barlamaanka Ethiopia.

Si kastaba ha ahatee Hadalkan ayaa ku soo beegmay, Xilli ay Khubarro ka tirsan Qarama Midoobay, ay ku eedeeyeen Dowladda Ethiopia iyo Dowladdo kale inay Taageero Milliteri siiyaan Kooxaha isku haya dalka Somalia, iyadoo ay Boqolaal Ciiddamo Ethiopian ah ku sugan yihiin gudaha dalka soomaaliya .

Khilaaf soo dhex galay Maamulka Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho

PICT0338
23-Nov-06
PICT0340
23-Nov-06
PICT0332
23-Nov-06
PICT0335
23-Nov-06
PICT0336
23-Nov-06

Waxaa isa soo taraya khilaaf xoogan oo ka dhex jira maamulka dekedda weyn ee magaalada muqdisho taasoo ay ka dhex muqdaan Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maxkamadaha ,Qaar ka mid ah Guddiyadii ka howlgali jiray Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa shaqadii ay hayeen laga eryey kadib markii lagu eedeeyay in ay amar la’aan ka dhinac shaqeeyen Maareeyaha Dekedda weyn ee muqdisho.

Arrintan ayaa timid kadib markii Guddi xaqiiqo raadin ah oo uu Madax u ahaa Guddoomiye kuxigeenka Golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga Jiniqow iyo Xoghayaha Maaliyadda Maxkamadaha C/qaadir Abuukar Cumar Caddan ku taliyeen in la eryo dhamaan xubnihii Guddiga xoogsatada MMD ka shaqeyn jireen Dekedda.

Laakiin baadhitaano Guddigan c/raxmaan janaqoow Madaxda u yahay ayaa lagu sheegay inaysan u dhicin baadhitaan si cadaalad ah, balse tallaabada oo loo fiiriyay arrimo hoose oo keliya .

Maalintii shalay ayaa xabsiga la dhigay xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xoogsatada Dekedaha Soomaaliyed Cabdi Xasan Wataac, in kastoo saacad kadib Wataac laga soo daayay Xabsiga uuna sii daayay nin magaciisa lagu sheegay Kabo kutukade oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga.

Xaaladda ka taagan Dekedda Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa kaalin weyn ku leh oo qeyb ka qaatay nin la sheegay in Maxkamadaha u qaabilsan yahay Gaadiidka Badda kaas oo lagu magacabo Sharma’arke.

Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii amarka ku bixiyay in la soo xidho Ahmed Abdi Hassan Wataac.

Dhamaan sida la ii sheegay xubnihii Guddiga Xoogsatada MMD waxaa laga eryey shaqadii ay ka haayeen Dekedda.

Howshii Guddigan hayey ayaa waxaa lagu wareejiyey Waaxda Maaliyadda Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya oo uu Madax u yahay C/qaadir Abukar Cumar Caddaan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in shaqaalaha Dekedda Magaalada Muqdisho ka hor yimaadeen tallaabada laga qaaday Guddiga Xoogsatada, iyagoo shaqaalaha doonayeen haddii Guddigaas meesha laga saaro in qeybtii Miisaaniyadda Guddigaas loo soo wareejiyo iyaga balse Maxkamadaha booskii guddigaas lagu bedelay Waaxda Maaliyadda.

Si kastaba ha ahatee arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dekeda weyn ee magaalada muqdisho ay u socoto si xowli balse ay golaha maxakiimta soomaliyeed aysan weli wax shaqo ah u abuurin dadyowga muruqmaalka ah ee danyarta ah ee ku dhaqan magalada muqdisho, taas oo shacabku ku tilmaameen in arinatanina ay sii xoojinayso dadka shaqo la,anta ah oo kusoo badanaya magalada muqdisho.

Culimaa'udiin u dhashay gobolada Bay iyo Bakool oo laga qabqabtay deegaanka iidaale .

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka iidaale ee gobolka bay ayaa sheegaya in halkas laga qabqabtay culimo udiin sida la sheegay cilaaqad la lahaa golaha maxakiimta ,kuwasoo lagu tuhmay inay halkaas ka wadeen inay maxakamad kaga dhawaaqaan ,ilamarkana culimadan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowlada KMG iyo kuwa itoobiya oo halkaas gacanta ku haya culimadan ayaa ka kooban 29 sheikh .

Deegaanka Iidaale ayaa maalintii talaadada ahayd gacanta u galay ciidamada dowlada KMG iyo kuwa itoobiyaanka ah.

Culimo udiinakan ayaa qabshadooda waxaa si weyn uga xumaday dadka shacabka ah ku dhaqan deeganada bay islamarkaana ku tilmaamay arin aan fiicnayn .

Si kastaba ha ahatee xarig jiidadka siyasadeed ee dowlada oo kaashanaysa ciidamada itoobiya iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed ayaa maraysa meel halis ah oo qarka u saran inay dhacaan dagaalo lagu hoobto.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Kalabayr: Munaasabad lagu furayo ceel biyood laga hirgalinayo Tuulada Kalabayr ee Gobalk Bari

A/rizak koronto
Garowe puntland

Dhismaha ceel biyood ay yeelato Tuulada kalabayr oo ka tirsan Gobalka Bari islamarkaana magaalada Bosaso ka xigra dhanka koonfureed qiyaastii 60km ayaa lagu qabtay Kalabayr lagu qabtay munaasabada ceelka lagu furayo.

Dhismaha iyo hirgalinta ceel biyoodkan ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka puntland iyada oo uu fulinayo NGO lagu magacaabo Hodman oo ka hawlgala  Gobalada puntland xubina ka ah  Ururka u heelanayaasha danaha haweenka ee WAWA loo yaqaano. 

Xafladii furitaanka ceel biyoodanka lagu qabtay tuulada Kalabayr ayaa waxaa ka soo qayb galay  Madax ka tirsan maamulka puntland kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga hadalay arimaha ceelkan lagu wado in uu biyaha siiyo Tuulada Kalabayr. 

Gudoomiyaha NGO Hodman  mahado shiikh oo halkaasi hadal  ka jeeedisay ayaa sheegatay sida ay NGO goodu ugu hawlan yhaya arimaha bulshada hormarintooda Mahado ayaa sheegtay in ay ceelkan ka faaiidaysan doonaan dadka iyo duunyaduba islamarkaana looga imaan doono dhulka miyiga ah oo aysan ku ekaan doonin Tuulada oo kaliya waxayna ku dhiiri galisay dadka deegaanka in ay xafitaan oo ay ilaashadaan hantidooda ilaahay siiyay ayna ka ilaashadaan wax walba oo wax u dhimaya mahado ayaa intaa ku dartay in ninka isku dayaa in uu wax u dhimo ceelkan marka la dhamaystiro uu yahay tuug aan lahayn ehel iyo walal toona ayna qabto diinta islaamku sidaas islamarkaana meel looga  soo wada jeensado  mar hadii ay diintu sidaa u cadaysay ninka tuuga ah. 

ugu danbayntiina madaxdii halkaasi isugu timid ayaa dhamaan ku wada dheeraatay sida ay lama huraan u tahay in la helo ilo laga cabo biyaha oo ay ku diirsadaan dadka iyo duunyaduba. 

Hirgalinta ceel biyoodkan laga hirgalinayo tuulada Kalabaydh oo ay ku nool yihiin dad gaaraya  100 qof ama kayar aan oran kar ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili laga soo sheegayo biyo la'aan ba'an degmada Badhan iyo tuulooyin  kale oo ku dhaw dhaw degamda badhan kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay ay kajiren biyo la'aan aad u baaxadwayn iyada oo ay halkii fuusto oo biyo ahna ay gaartay  in kabadan halmayan oo shilinka somaliga islamarkaana aysan jirin cid wax u qabatay haday ahaan lahayd maamulka puntland iyo Haayadaha ka  kahawlgala puntland iyo kuwa wadaniga ahba ee looyaqaano NGO sida kan hada hirgalinaya mashuuracan ceel biyoodka ee Hadma. 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: Nov 24, 2006

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
Sweden: warbixin uu soo diyaariyey macallin Soomaaliyeed Guji

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23


»Qaar ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga Tamarata Qoraxda

»Leicester , UK:: Soo Bandhigid Dhaqan Soomaali

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD