SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

Wararkii: Nov 27, 2006

  • Wararkii ugu dambeeyay ee Safka hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamadda..
  • Shir xasaasi ah oo u socda saraakiisha sar sare ee Maxaakiimta..
  • Shir ay isugu yimaadeen Beesha Dirirsame ee Gaaljecel..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay xalay Magaaladda Galkacyo ..
  • Garowe: Bajadkii Caasimada Puntland waxa uu saaran yahay miiska wasiirka maaliyada DGPL.

Tacsi:

Inaa lilaah wa innaa ileyhim raajicuun

Dhammaan Shaqaalaha iyo Maamulka. Hay’adda Danwadaag Relief & Development organisation, oo fadhigeedu yahay Magaalada Leicester, waxa ay tacsi u dirayaan, dhammaan qoysaski iyo eheladi uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Ashkir, oo si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Leicester.

Maxamed Ashkir waxa uu ka mid ahaa odayaasha hormuudka u ah Bulshada soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Leicester, waxa uuna ka geeriyooday dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Leicester.

Waxa aanu leenahay Allaha isagana Janatul ferdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo guud ahaan reer Leicester na waxaan leeyahay samir iyo iimman allaha idinka siiyo.

Aaamiiin


Maamulka Danwadaag
Laxiriir: abdi joje | saicentadv@yahoo.com
 

Wararkii ugu dambeeyay ee Safka hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamadda..

Waxaa sii xoogeysanaya cabsida laga qabo in uu dagaal qaraar uu dhex maro ciidamada Itoobiya ee maalmahan ku soo qulqulayey magaalada Baydhabo iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah ee iyana ku sugan Gobalka Bay, waxaana labada dhinac soo gaaraya gurmadyo aad u xoogan, waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Muqdisho ka baxay ciidan aad u xoogan, iyagoo ku sii jeeda safka hore ee deegaanka Buur-Hakaba, ciidankaasi ayaa la sheegay inay ka leexdeen wado ka tagta magaalada Buur-Hakaba, ilaa iyo hadda lama garanayo halka ay ku wajahan yihiin.

Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku sugnaa xerada Daynuunaay ayaa shalay gebi ahaanba halkaasi laga saaray, waxaana booskoodii lagu soo buuxiyey Ciidamo Itoobiyaa, waxaana Ciidamadii Dowladda Federaalka dib loogu celiyey Xerada Manaas, inkastoo Saraakiisha Ciidamadaasi ay arrintaasi si aad ah uga caroodeen, waxaana laga cabsi qabaa inay sameeyaan Gadood.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa isku jira wax ka yar 10Km, iyadoo dadkii ka ag dhawaa goobaha la isku hor fadhiyo ay shalay ka cararayeen iyagoo u qaxaya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Sarkaalka hogaaminaya Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in uu shalay soo kormeeray safka hore ee Ciidamada ku sugan yihiin, waxa uuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyay, sidoo kale Saraakiisha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyana dhiiragelin u tagay safka hore, waxaana loo sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal qaraar oo lala galayo caddowga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda hawlo aad u baaxad weyn, waxaana shalay ka soo degayey diyaarado waaweyn oo siday ciidamo la sheegay in laga keenay wadanka Uganda oo la sheegay in ay gashan yihiin Dareeska Ciidamada Itoobiya, isku soo duuboo waxaa muuqda saansaantii ugu dambeysay ee dagaal ka dhex qarxa Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya.

Shir xasaasi ah oo u socda saraakiisha sar sare ee Maxaakiimta..

Iyadoo Dowladda Itoobiya ay caddeysatay inay weerar ku qaadeyso Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo inta badan haysta Dalka Soomaaliya, isla markana nabad ku soo dabaalay ayaa waxaa arrintaani aad uga gilgilshay shacabka Soomaaliyeed oo ku tilmaamay hadalada ka soo yeeray Miles Zenawi kuwo gardaro ah.

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

Waxaa shir xasaasi ah uu u socdaa saraakiisha sar sare ee golaha Maxaakiimta, waxaana shirkaasi shir guddoominaya madaxa amniga Golaha Maxaakiimta Sheekh Yuusuf Indhacadde, waxaana la sheegay in labo shir uu ka dhacay gobalada Bay iyo Sh/hoose, iyadoo loo diiday in saxaafaddu ogaato waxyaaabaha rasmiga ah ee looga hadlayo shirarkaasi.

Dhamaan Saraakiisha Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay wateen dharkii lagu yaqiinay ciidamada, waxayna dhamaantood isku dhaarsadeen in ay Itoobiya ka difaaci doonaan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa loo qaybiyey dhowr qaybood kuwo waxaa loo xilsaaray dhinaca Hubka, kuwo gaadiidka, kuwo Tiknikada kuwana ciidamada.

Shir ay isugu yimaadeen Beesha Dirirsame ee Gaaljecel..

Shir ay isugu yimaadeen beesha Diri-same oo ka mid ah beelweynta Gaaljecel oo ay ka qeyb galeen xubno isugu jiray odayaal, aqoonayano, ganacsato, dhalinyaro iyo haween loogana hadlayay xaaladda ka jirta dalka muddooyinkan socday ayaa lagu soo gabo gabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa ka kala socday magaalooyinka B/weyne, demgada Ceelcali iyo jubbooyinka ayaa gabo gabadii beeshu isla garatay qodobadan: in la sameeyo gudi ku meel gaara oo socodsiiya arrimaha soo socda, qaab dhismeedka gudiyada iyo howlohooda iyo qorshaha ay ku wada shaqeyn lahaayeen iyo maamul dhameystiran 3 Gabo-gabadii shirweynahaasi ayaa waxaa lagu doortay gudi farsamo oo uu guddoomiye u yahay Dr. Xasan Cabdulle Cali, guddoomiye kuxigeen Abiikar Aadan Isaaq, Xogheyn, C/rashiid Sheekh Amar. Gudigan ayaa waxay howshiisu noqon doontaa inuu soo dhiso labo gole oo kala ah, gudi ganacsi iyo golaha aqoonyahanada oo ay leedahay beesha Dirisame ee Gaaljecel iyo dardargelinta Maxkamada Degmada Ceel Cali.

Xubnahii kulankaa ka hadlay ayay ka mid ahaayeen Nabadoon Yuusuf Aadan Maadey, Nabadoon Macalin Isaaq Nuur, Nabadoon Cumar Daa’uud Yoonis, Nabadoon Cabdi Haaruun (Cabdi Dhagay) Aadan Maajoor iyo Xubno Kale.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay xalay Magaaladda Galkacyo ..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata ilaa iyo 50 Tikniko ah ay soo galeen Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo isku qaybiyey labo qaybood kana degay labo goobood Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin dhinaca Aaga Bandiiradley, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha Soo socda ay dagaalo ka dhacaan Aagaasi, waxaana Gobalada Dhexe xalay oo dhan ku qulqulayey ciidamo aad u xoogan oo wata Tikniko, sidoo kale ciidamo iyana aad u xoogan ayaa u dhaqaaqay dhinacaa iyo Gobalka Bay.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Garowe: Bajadkii Caasimada Puntland waxa uu saaran yahay miiska wasiirka maaliyada DGPL.

Shir looga hadlayay ammaanka Guud ee DGPL gaar ahaana kan Caasimada puntland ee Garowe oo ay isugu yimaadeen Odoyaasha, aqoonyahanada, waxgaradka iyo Golaha deegaanka Degmada Garowe ayaa ka dhacay Hoolka shirarka ee Degmada Garowe.

Shirkan looga hadlayay Nabad galyada oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha dawlada hoose ee golaha deegaanka Degmada Garowe ayaa ugu horaynba waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Degmada Garowe Mr: C/qaadir Foodcade oo sheegay in ay haboontahay wada tashigu isla markaana loo baahan yahay sidii loo hormarkin lahaa Degmada Garowe in la iska kaashado dhan walba oo wax qabad u baahan.

Duqa degmada Garowe ayaa goobtiii shirka ee maanta ka cadeeyay in waxyaabo badan ay u dhamaadeen Degmada waxana uu shegay in ay u dhamaadeen, sharcigii caasimada lagu dhiqilahaa, sidoo kalena waxa uu sheegay in miisaaniyadii loo dajiyay balse buuyiri ay saarantahay Miiska Wasiirka wasaarada maaliyada DGPL.

Duqa degmada Garowe ayaa ku booriyay Odayaasha in ay ku dadaalaan sidii ay xaqooda u dhacasanlahaayeen islamarkaana loo baahan yahay in mar walba laga wada tashado wixii dagmada u qabsoomay oo aan cidna lagu halayn balse si wada jir ah wax loo wada baadi goobo.

Dhamaan Duqaydii iyo Odayaashii halkaasi isugu timid ee kana hadashay ayaa sheegay in mar walba wada tashigu fiican yahay islamarkaana meel looga soo wada jeensado cid allaaliyo cidii amaanka wax u dhimaysa islamarkaana laga wada shaqeeyo hormarka degmada.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: Nov 27, 2006

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo Guddoomiyaha Golaha Shuurada oo Heshiis Wada Saxiixay
Shariif Xasan iyo Sh. Aweys ayaa wada saxiixay go'aano Akhri

SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya waraysigii aan la yeelanay  Ka Dhegeyo halkan

BAYAAN JAALIYADDA DENMARK
oo ku wajahan Puntland... ka akhri halkan...

Jaamacadda Carabta oo ka digtay in ay Itoobiya weerar ku qaado..
»Warar ku saabsan xaaladda Magaalada Baydhabo..
»18 wadaado Tabliiq oo loo taxaabey Xabsiga Baydhabo
»Khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay oo ay Culimada ku
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 25

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
Sweden: warbixin uu soo diyaariyey macallin Soomaaliyeed Guji

Maxkamadaha: Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka.. Akhri Nov 23


»Qaar ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga Tamarata Qoraxda

»Leicester , UK:: Soo Bandhigid Dhaqan Soomaali

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD