SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 2, 2006

  • Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..
  • C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo
  • Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..
  • Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..
  • Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka Shabeelada Hoose ka dalbadey Cafis ..
  • Dagaal Kharaar oo ka dhacay dhabad iyo ducdeer ayaa waxaa ku dhintay 19 qof...
Qof Sooman Afuri Ajarkiisa oo kale aad heshide

Ku afuri 7 kun shilin Soomaali ah oo u dhiganta Nus Doolar


Muqdisho: Walaal waxaan kuugu baraarujinayaa in aad ka faa’iidaysato fursadda Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ku saabsan afurinta dadka Fuqarada ah kana afuri Gurigaaga ama Goob kale waxayna Jamciyadda kuu haysaa Xarumo lagu afuriyo dadka sooman waana masjidka Shiikh Cali Suufi iyo agagaarkiisa, qiimaha qofka lagu afurinayo waa 7000 sh. So. ama (0.5) Nus dollar maalintii bishiina waa 210.000 SH so oo u dhiganta 16 Doolar waana afur iyo casho.



Wixii tabarucaad ah ku soo hagaaji shirkaddaha xawaaladaha oo ay ka mid yihiin

Qaran Express account Lambar 84,

Amal Banka 0502-06-11102-01

Global 20317

ama kala soo xiriir Tel: 600595/516151/580025

 

Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan isugu yimid Magaalada Qaahir Xubno ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta waxaana kulankasi looga hadlayey xaaladda Soomaaliya iyo Sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka 30-ka Bishan lagu ballansan yahay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan. Dood Dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa la isku afgartay in Jaamacadda Carabta u hawlgasho sidii Shacabka Soomaaliyeed gacan loo siin lahaa isla markaana uu u miro dhali lahaa Shirka Khartuum. Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa mar uu u waramayey Saxaafadda markii uu dhamaaday kulanka, ayaa waxa uu u soo jeediyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka in ay ka qaybgalaan kulan ka dhici doona Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, kaas oo uu Samiir Xusni ku sheegay in uu gaabi doono Shirkii Khartuum, Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkasi looga hadli doono arrimo la xiriira sidii loo dhameystiri lahaa khilaafyaadka u dhexeeya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka kaddib wixii dhacay Shirkii Khartuum, waxa uuna Samiir sheegay in aysan Cidna ku dhaleeceyn doonin qabshadii Magaalada Kismaayo, taas oo ay Dowladda Federaalka sheegtay in qabsashadaasi ay xad-gudub ku tahay heshiiskii Khartuu, hase yeeshee Maxaakiimta ayaa waxay sheegeen in Heshiiska Khartuum ay jabiyeen Dowladda Federaalka kaddib markii ay codsadeen ciidamo shisheeyeoo ka socda Qaar ka tirsan Wadamada IGAD, hase yeeshee Samiir ma uusan xusin waqtiga uu dhacayo kulankaasi, waxaa la filayaa in dalka Soomaaliya uu dhawaan soo gaaro ergey ka socda Jaamacadda Carabta kaas oo kulamo la yeelan doona Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo

Warar aanu ka helnay dhinaca Madaxtoonyada waxay sheegayaan in madaxweyne C/llahi Yuusuf uu todobaadkaan gudihiisa u ambabixi doono wadamo ku yaala Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ku haboobay urur Gobaleedka IGAD.

Madaxweynaha ayaa booqan doona wadamada Kenya, Yugaandha iyo Itoobiyaa oo ay isla soo qaadi doonaan qaabka ugu haboon ee ciidamo Soomaaliya la keeno ku imaan karaan Dalka iyo waliba goobaha ay degi karaan.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu wadamadaasi kala soo hadli doonaa qaabka Nabadgelyada Ciidamada IGADSOM ee tagaya Soomaaliya, iyadoo wadamadaasi ay si aad ah uga walwalsan yihiin hanjabaadyada Xoogga leh ee ka imaanaya Maxaakiimta islaamiga ah, waxayna dhawaan Dowladda Yugaandha ay sheegtay in aysan ciidamadeeda u direyn Soomaliya ay ilaa ku heshiiyaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeeda in soomaaliya la keeno ciidamo ka socda beesha Caalamka, ha noqdaan kuwo safka hore iyo kuwa safka dambaba.

Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in ciidamada Maxaakiimta ee Doraad la wareegay halka lagu magacaabo Kalabeyr ee Deegaanka Jawiil ay halkaasi dhigeen difaac aad u adag oo ay isaga ilaalinayaa ciidamada Itoobiya haddii ay soo dhaafaan deegaanka Feer-Feer.

Afhayeen u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah ee Gobalka Hiiraan waxa uu sheegay in ay miinooyin culus ay ku aaseen deegaano ku dhow Deegaanka Feer-Feer waxayna Shacabka Soomaaliyeed uga digeen gaar ahaan Xoolo Dhaqata in ay iska ilaalinayaan halka lagu aasay miinooyinkaasi.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay hada iyo jeer ka soo gudbaan Ciidamada Itoobiyaan ah Deegaanka Feer-Feer kuwaas oo uu sheegay inay waxyeelo u gaystaan dadka halkaasku dhaqan.

Ciidamada Maxaakiimtu ma aysan sheegin halka lagu aasay Miinooyinkaasi, iyadoo wararka ka imaanaya deegaanka Kalabery ay sheegayaan in Isgoyskaasi uu yahay goob aad u xasiloon

Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..

Iyadoo dhawaan Ciidamada Booliiska ee Magaalada Baydhabo ay xireen culumo’udiin ka tirsan Gobalada Baay iyo Bakool ayaa waxaa maalinti shalay ahayd Magalada Baydhabo lagu daadiyey waraaqo Dowladda loogu digayo in ay si dhaqsi leh ku sii deyso Culuma’udiinkaasi, haddii kale waxaa warqahaasi lagu sheegay in wixii ka yimaada arrinkaasi ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowladdu.

Waraaqahaan oo ay dadku si aad ah u akhrisanayeen ayaa la ogeyn cidda daadisay, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in dad aad u uga xumaadeen xariga Culumadaasi ay waraaqahaasi daadiyeen.

Dhanka kale Maalintii shalay ahayd ayaa banaanbax looga soo hor jeedo xarigii lagu kala kacay Sheekh Max’ed Ismaaciil oo ay xireen maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanada Ceel-Gaabo iyo Xiin-Galoo, waxayna dadku ku dhawaaqayeen “Waa in si dhaqsi leh loo sii dayaa wadaadkaasi”, sidoo kalana war cad laga soo saaro xariga Sheekh Max’ed Ismaaciil oo si weyn looga yaqaan maamulada kala ah Somaliland iyo Puntland oo uu Sheekhu ka akhrin jiray Kutubo

Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka Shabeelada Hoose ka dalbadey Cafis ..

Iyadoo Maalintii doraad ahayd Maxaakiimtu ay la wareegeen Maamulkii iyo ciidamadii gobalka Sh/hoose, waxaana maamulkaasi guddoomiye ku ahaa Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde ayaa waxa uu sheegay Indha-Cadde in sababaha ay u wareejiyeen gobalkaasi ay tahay iyadoo ay dalbadeen in uu soo gaaro maamulka Maxaakiimta, isagoo sheegay in gobalka uu yahay gobalkii ugu horeeyay ee gacan siiyay Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sheekh Yuusuf ayaa waxa uu ka dalbaday Dadka ku nool Gobalka Sh/hoose iyo cid kasta oo wax ku sheegeyneysa in ay cafiyaan, waxa uuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya uu u leexan doono sidii uu dalka uga difaaci lahaa wax uu ugu yeeray Gaalada, iyo waliba barashada Diinta Islaamka iyo u adeegideeda, waxa uuna sheegay in Tiknikadii uu ku wareejiyey Maxaakiimta ay ahaayeen kuwo uu ku sadaqeystay Maxaakiimta Islaamiga ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sept 2, 2006

Wararkii Shalay Galab Hoos ka akhri:


  • MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF IYO RA'IISUL
  • RA'ISUL WASAARAHA DOWLADDA FEDERALKA
  • CIIDAMO ITOOBIYAAN OO KA SOO TALLAABAY
  • MAAMULKA SOMALI-LAND, OO SHEEGAY
  • JAAMACADDA CARABTA OO KULAN LOOGA
  • DOWLADDA YEMEN OO SHEEGTAY IN ISBADAL
  • RA'IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO…

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623

MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF IYO RA'IISUL

Madaxwaynaha dowladda Federalka C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu kulan albaabadu u xiran yihin maanta la yeeshay ra`iisul wasaaraha dowladda Federalka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Ra`iisul wasaaraha dawladda Federalka ayaa madaxwaynaha uga war bixiyay socdaalkii dhowana uu ku tagay magaalada Nayroobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa shaaca ka qaaday in uu kulamo la soo qaatay qaar ka mid ah safiirada dalalka reer yurub ee fadhiyadoodu yihiin magaalada Nayroobi.

Prof. Geedi waxa uu sheegay in dalalka reer Yurub ay u ballan qaadeen in dawladda Federalka la garab is taagayan taageero maaliyadeed.

Dhanka kale khilaaf ayaa la sheegayaa in uu soo kala dhex galay madaxweyne cabdulaahi yuusuf axmed iyo wasiirkiisa gaashaan dhiga waxeyna wararku intaa ku darayaan in la isku khilaafsan yahay sida laga yeelayo qabsashada magaalada dekeda leh ee kismaayotaas oo maxaakiimta gacanta u gashey , iyada oo maalmihii la soo dhaaftey ay beydhabo ku sugnaayeen wafdi ka socda col: bare adan shire hiiraale ku waas oo doonayo in lagu kaameeyo hub iyo saanad milatari halka madaxweynuhuna uu doonayo in wasiirku baydhabo soo galo ugana howgalo xafiiskiisa gaashaan dhiga dowladane uu wax la qabsado.

RA'ISUL WASAARAHA DOWLADDA FEDERALKA

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federalka Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inay Dowladdiisa diyaar u tahay in wada hadallo kale la yeelato Maxkamadaha Islaamiga.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay TV-ga CNN ee dalka Mareykanka, isagoo sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay inay sii wado wada hadallada u dhaxeeya iyada iyo Maxkamadaha Islaamiga oo lagu wado in dhammaadka bishan wareegoodii saddexaad lagu qabto Magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa Maxkamadaha Islaamiga ku eedeeyay inay mar walba jebinayaan qodobada lagu heshiiyo, iyadoo ay eedeyntaasi iska fogeeyeen Maxakamadaha Islaamiga, oo qiray in marnaba aanay jebin qodabadii ay ku heshiiyeen iyaga iyo Dowladda.

Ra'isul wasaaraha ayaa sheegay in Maxkamadaha ay dhinac wada hadal ka wadaan dhinaca kalena ay dagaalo ka hurinayaan, taasina ay arrin mas'uuliyda darro ah.

Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxa kale oo uu sheegay in inkasta oo ay taasi jirto haddana Dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay wada hadallo kale oo nabdoon ay la yeelato Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, sababtoo ah buu yiri “wada hadallada nabadda waxaa u baahan dadka Soomaaliyeed”.

Hadalka Ra'iisul wasaaraha ayaa yimid iyadoo ay jirto in dowladda Federalka shaaca ka qaaday in wada hadalladdi u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ay bur bureen.

CIIDAMO ITOOBIYAAN OO KA SOO TALLAABAY

Boqolaal Ciiddamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan 150 baabuurta gaashaamanayaa fariisin cusub ka dhigtay duleedka Magaalada Baydhabo halkaasi oo la sheegay inay difaac adag ka galayaan.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah ka soo tallaabeen Degmadda Dolow oo ku taallo xuduudka ay dalalka Somalia iyo Itoobiya.

Ciiddamadaasi ayaa waxay fariisinmo cusub ka dhigteen Waddooyinka ka baxa Magaalada Baydhabo ee aada Degmooyinka Qansax-dheere iyo Diinsoor, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadda halkaasi laga filan karo.

Imaanshaha Ciidamadaasi ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ku dhawaaqay inay ka go'an tahay inay dowladda Federalka ka difaacan weerar kasta oo dhinaca Golaha Maxkamadaha kaga yimaada.

Dhinaca kale ciidamadaasi ayaa waxaa la hadal hayaa inay sii xoojin doonaan ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo horay u joogay gobolka Bay,tiro ahaan ayaa lagu sheegay tiro dhan 5000 oo askeri waxayna dhamantood ku jiraan Heegankii ugu adkaa, iyadoo aan la ogeyn halka ay u dhaqaaqi doonan.

MAAMULKA SOMALI-LAND, OO SHEEGAY

Madaxweynaha maamulka la magc baxay Somaliland Daahir Riyaaale Kaahin ayaa sheegay iney wax cabsi ah aanan ka qabin Maxkamadaha Islaamiga, balse hadii la soo weeraro ay kula dhaqmi doonaan caddow oo kale.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii mid ka mid ah Mashaa'iqda ugu caansan Gobolada W/galbeed lagu xabisay iyadoo jirdil koronto iyo arimo kale iskugu jira loogu geystay gudaha xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, taasi oo sababtay iney kiciso shacuurta dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Somalia.

Madaxweyne Dahir Rayaale ayaa meesha ka saaray cabsi laga qabo Maxkamadaha Islaamiga ay ku yeeshaan gobolkiisa, waxuuna sheegay hadii Maxkamadaha ay dhulkiisa xasilooni dari ay ka abuuraan inuu ula dhaqmi doono sidii caddow oo kale.

Daahir Riyaale Kaahin oo la hadlay Wakaalada AP isagoo ku sugan xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shareecada Islaamka mudo dheer looga dhaqmaayay dalka. Somalia.

Madaxweyne Riyaale waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in xaalada Somalia ay noqotay mid marba marka ka dambeysa ay Maxkamadaha Islaamiga sii kordhayaan awoodooda control-na ay sii saa'idayaan.

JAAMACADDA CARABTA OO KULAN LOOGA

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa maanta waxaa ka furmay kulan ay isugu imaanyaan madax ka socota dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiro arrimo dibadeedyada ee dalalka Carabta.

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muuse ayaa horay u shaaciyay in kulankaasi lagu faaqidi doono xaaladda dalka Soomaaliya.

Ujeedda ugu ballaaran ee kulankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay tahay sidi jaamacadda Carabtu ay uga shaqayn lahayd qabsoomidda wajiga saddexaad ee kulanka xukuumadda iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho.

Kulanka kaddib ayaa waxaa dalka Soomaaliya u soo ambabaxaya xubno ka socda jaamacadda Carabta oo dalka qiimayn ku samayn doona waxa ka dhaqan galay heshiiskii kal dhoweyd lagu kala saxiixday magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

DOWLADDA YEMEN OO SHEEGTAY IN ISBADAL

Dowlada Yeman ayaa qaadatay mowqif dhexe oo ay iska taagtay arimaha soomaaliya kadib markii hadal uu soo saaray wasiirkeeda arimaha dibada lagu sheegay in dowladda Yemen aysan la safnayn dhinac ka mid ah maxkamadaha iyo dowlada Federalka ah ee isku haya xal u helida mashaakilka soomaliya.

wasiirka arimaha dibadda dalka Yemen Dr. Abubakar Al-Gureybi ayaa si weyn u diiday isla markaana ku tilmaamay waxba kama jiraan warar la shaaciyey oo sheegaya in dowlada Yemen ay faraha kula jirto Arimha gudaha ee dalka Soomaaliya.

Dr. Al-Gureybi oo wareysi siiyey saxaafadda ayaa sheegay in waxa shaaciyay oo ah Yemani in ay la safan tahay amaba ay ka shaqaynayso danaha mid kamid ah dhinacyada isku haya soomaaliya uu yahay wax kama jiraan, isagoo tilmaamay in dadaalka dalka Yemen uu ka wado dalka soomaaliya uu yahay oo keliya mid qeyb ka ah dadaalada ay wadaan dalalka carabta oo ah sidii loo heshiisiin lahaa dowlada Soomaaliya iyo midowga Maxaakiimta Isalaamiga oo haatan gacanta ku haya inta badan koonfurta wadanka soomaaliya

Mr. Al-Qurebi ayaa waxaa uu yiri "kama lihin ajenda qarsoon oo ku aadan dalkan aan walaalaha nahay ee soomaaliya oo aan aheyn sidii loo xasilin lahaa isagoo intaasi raaciyay in haddii dalka soomaaliya aan xasilooni loo helin ay taasi dhibayso ay dalalka gobolka oo dhan, doorkeena waxaa uu mar walba ahaan doonaa door carbeed taasoo ah sidii loo heshiisin lahaa labada dhinac ee isku haya dalka soomaaliya. ayuu yiri al qureebi.

Dowladda Yeman oo horay taageero ugu fidisay dowlada Federalka ayaa haatan hadalka wasiirkeeda arimaha dibada uu muujinayaa in uu la soo gudboonaaday isbedel siyaasadeed oo ku aadan arimaha soomaaliya kadib soo if bixistii awoodaha maxkamdaha isku fidiyay inta badan koonfurta Soomaaliya.

RA'IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO…

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa mar kale ku celiyay in ciidamadiisa ay difaaci doonaan Dowladda Federalka ee fadhigeed u yahay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Ra'isul wasaaraha Itoobiya oo shir jaraa'id ku qabtay dalkiisa ayaa sheegay inaysan ciiddamada Itoobiya eegan doonin weerar kasta oo Dowladda Federalka uga yimaada dhinaca maxaakiimta Islaamiga, oo laga cabsi qabo inay duullaan ku soo qaadaan xarunta dowladda Federalka ee Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

“Ciidamada Itoobiya faraha kama laaban doonaan in Dowladda Federalka la dhibaateeyo oo meesha laga saaro waxaana ay adeegsan doonaan awood kasta oo ay leeyihiin si loo ilaaliyo jiritaanka Dowladda ee aan awooda lahayn” ayuu yiri Ra'iisul-wasaaraha dalka Itoobiya.

Meles Zenawi ayaa sidoo kale u sheegay saxaafadda in haddii ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ay weerar ku qaadaan dowladda Federalka ay taasi walaac ku noqon doonto Itoobiya iyo Beesha Caalamkaba.

Ciidamada Itoobiyaan ah oo lagu qiyaasay ku dhowaad kumanaan askari ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya, qaarkoodna ay difaac uga jiraan xududaha dalka, kuwaasoo loogu tala galay in Dowladda Somalia ay ka difaacaan weerar laga cabsi qabo inuu kaga yimaado dhinaca maxaakiimta Islaamiga ee gacanta ku haya inta badan Koonfurta dalka Somalia iyo Magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623


Dagaal Kharaar oo ka dhacay dhabad iyo ducdeer ayaa waxaa ku dhintay 19 qof...

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi Kenya
botaan1@hotmail.com

Wararka ka imaanyo gobolka Galguduud ayaa waxay seegayaan in 19 ugu yaraan ay ku dhinteen dagaal kharaar oo ka dhacay inta u dhaxaysa dhabad iyo ducdheer dagaalkaan ayaa ka dhashay dul daaqsimeed .

Dagaalkaan ayaa waxaa uu dhex maray laba beelood oo wada dagan deegaankaas iyadoo sadexdii maalmood ee aan soo dhaafnay labada beel ay si goos goos ah maleeshiyaadkoodu isku waydaarsadeen balse maalintii sabtidii galinkii danbe ayaa dagaalkii ugu ba'naa ka dhacay halkaasi.

Dadkii ku dhaawac may dagaalkaan oo lagu qiyaasayo 35 in ka badan ayaa waxaa la kala geeyay magaalooyinka caabud waaq iyo cadaado oo ay kala dagan yihin labada beelood iyadoo maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ay ciidamadoodu iminka ku soo baxeen deegaanku dagaalku ka dhacay balse waxaa uu deegaankasi xad dhaw la lee yahay dalka Ethiopia .

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku sii gaaro deegaano ka tirsan gobolka galguduud iyadoo dagaalkaan ku soo beegmay xili dalka somalia uu u muuddu mid ka sii baxa dagaaladii micna darada ahaa ee inta badan ka dhici jiray dalka somalia iyadoo bilo yar ka hor la xaliyay dagaal kan ka duwan .

Ciyaaraha Bisha Ramaadaanka oo ka furmay Galkacyo

Horyaalka Bisha barakaysan ee Ramadaanka ee loogu magacdaray Daallo Airline Cup ayaa shalay galab  si rasmi ah uga bilawday Garoonka Kubada cagta ee Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo Sida oo somaliTalk ugu soo waramayo wariye ka tirsan idaacada Codka Nabadda ee Galkacyo VOP Radio .

Koobkan ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa iyo 10 naadi ka tirsan heerka koowaad ee Gobolka Mudug waxaana maalgalisay shirkada diyaaradaha ee DAALLO Airline.

Isku aadka koobka oo xalay meel fagaare ah ka dhacay ayaa waxaa kooxaha loo qaybiyey labo Group oo ah Group A & Group B, kooxuhuna waxay iskugu aadeen sidan:-

Group A.1.Comset 2.Galkom 3.Shell 4.Radio Galkaio 5.Shaambalaas
Group B.1. Yamays International 2. Radio Hobyo 3.D/Hoose 4.RiyoTeam 5. Horeeye

sida ay kooxuhu iskugu dhaceen
Sabti 30.09.06
Galkom Vs Comset

Axad 01.10.06
Yamays Vs Radio Hobyo

Isniin 02.10.06
Shell Vs R.Galkaio

Talaado 03.10.06
D/Hoose Vs Riyo Team

Arbaco 04.10.06
Shaambalaas Vs Comset

Khamiis 05.10.06
Yamays Vs Horeeye

Cayaartii ugu horeysay ee Koobka ayaa waxaa shalay galab u furay Kooxaha Comset & Galcom oo Groupka A. kow & labo kaga jira waxaana koobka furay Masuuliyiinta shirkada Daallo oo uu horkacayey Agaasimaha Shirkada Diyaaradaha ee DAALLO Airline Max,ud Indha-Guran & Xasan C/laahi Warsame.

Agaasimaha DAALLO oo isagu halkaa hadalo dhiiri galin ah kasoo jeediyey uguna bishaareeyey dhalinta Sportska inuu koobab kale u qabana isagoo magacaabay inuu xiliga xajkana koob kale uqabanayo.

Goomiyaha Sportska G/Mudug Aadan Southgate oo isna koobka furitaankiisa ka hadlay ayaa sheegay in koobku yahay mid Ramadaan sidaas daraadeed ay wax weyn kaga duwanaan doono koobabkii hore haday tahay dhinaca maamulkiisa Cusub & dhinaca sharcigaba.
Intaas ka dib ayaa waxaa lagudagalay in la bilaabo ciyaartii ugu horeysay Koobka waxaana Garsoore ka ahaa Faarax Shamuure oo ah madaxa Garsoorka G/Mudug.

Ciyaarta Bilowgeedii ayaa labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaarwanaagii lagu yaqiinay Gobolka Mudug walow qaybtii danbe ee ciyaarta laga gacansareeyey kooxda Galkcom.

Gabagabadii Ciyaarta waxaa usuurtagashay kooxda Comset inay gool shabaqa taabsiiso iyadoo uu Goolkaas udhaliyey Muxyidiin oo difaaca bidix uga ciyaara Kooxdiisa goolkaasna waxa uu noqday goolka kaliya ee guushu ku raacaday kooxda Comset.


(Bidix ilaa Midig) Masuul ka tirsan DAALO Airline Hasan A/lahi Warsame, Gudoomiyaha Sportska Adan Moh,ed Yusuf, Agaasima DAALLO Airline Moh,ud Indhaguran.

Kooxda Comset


Kooxda Galcom

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi Kenya
botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006

Mudaharaad Xoogan oo ka dhacay Ceerigaabo
kaas oo looga soo horjeedo jirdilka xabsiga Hargeysa... Guji

Daallo Airline oo laga Mamnuucay Puntland
»Golaha maxaakiimta oo si rasmi ah ula wareegay Sh/hoose
»Ciyaarihii k/cagta ee lagu maamuusi jiray Ramadaan oo..
»Afhayeenka RPP oo ka hadalay xaalada dalka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 1

Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD