SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Difaacid Bayaankii Harti-waamo 

Sida qaalibka ah   marka qofku wax akhrinayo waa in uu fahamsan yahay waxa uu akhrinayo ujeedada cidda qortay ay ka leedahay ,waxaase nasiib darro ah haddii qofka uusan fahmayn qoraalka ujeedadiisa,taasna waxaa sababay dadkii oo bartay sida Afsoomaliga loo qoro loona akhriyo iyagoo aan laheyn  aqoon intaas kasii fog ,badankooduna ay dhici karto in aysan aqoontoodu gaarsiisneyn in uu fahmo nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalka uu akhrinayo. 

Waxaan arintaa uga gol leeyahay waxaa maalin dhaweyd ku soo baxay webside-yada internetka Bayaan ay soo saareen dad  ka soo jeeda Harti-Waamo oo ay ku saxiixnaayeen in ka badan 60 qofood oo dhamaantood la yaqaan in ay yihiin dad ka soo jeeda Waamo, kuwaas oo taageeray

Xoreynta Kismaayo ee Maxkimta Islaamiga , laakiin waxaa webisde-ka Idmaamele ku soo baxay (04-10-06) qoraal ay ku saxiix-naayeen 10 qofood oo sheegay in uu qoraalkaasi waxba kama jiraan yahay kuwaas oo yiri waxaan nahay reer Puntland. 

Waxaa su’aashu tahay ma waxaaney fahmin qoraalkii ay qoreen Harti-waamo mise waxa ay moodeen dadka dega Waamo in laga xukumo Puntland?.

Runtii waa dhibaatooyinka ina heysta hadaan nahay Soomaali sidii loo helay warbaahinta xorta ah in qof waliba webside-ka Reerkiisu leeyahay uu ku qoro wax allaale iyo wixii uu doono,iyadoo aaney tafatirayaasha webside-yada qaarkood ka fiirsan qoraalada ay soo galinayaan ,iyagoo wax walba ka hormariya qabiilka sida webside-yada Idamaale iyo Allpuntland. 

Nimanka ka horyimid qoraalka reer Waamo oo sheeganaya in ay yihiin reer Puntland waxaan u sheegayaa in qoraalkii ay qoreen reer Waamo uu ahaa mid dadka degan Puntland waxba ka khuseyn kumana aaney hadlin magac reer Puntland ,wuxuuna ahaa mid ka tarjumaya aragtida Harti-Waamo .Marka Nimankiinan sheegtay Puntland xageed ka soo gasheen Waamo iyo Bayaankooda ay soo saareen ,sideese ku leedihiin waxba kama jiraan qoraalkaas,weliba waxa ay reer Waamo qoraalkooda ku xuseen in Puntland iyo maamulkeeduba ay faraha kala baxaan arimaha Kismaayo ,bal qoraalkii dib ugu noqda oo ka raadiya Meel uga banaan dadka reer Puntland.

Dadka Harti-waamo waxay xaq u leeyihiin in siaaysadooda iyo danahoodaba u madax banaanaadaan, wixii u wanaagsanna waxaan filayaa in ay uga xog-ogaalsan yihiin  reer Puntland. 

Waxaan weydiinayaa dadka ku andacoonaya Kismaayo waxaa qabsaday Qabiil gaar ah iyadoo reer Kismaayana ay aaminsan yihiin in ay xoroobeen ,ma waxaad u sheegeysaan idinka oo ka yimid Mudug iyo bari salkiis in aad uga xog ogaalsan tihiin dadka reer Waamo waxa dantoodu ku jirto ,isla markaasna ma waxaad dooneysaan in Cabdullahi Yusuf iyo Cadde Muuse  oo labaduba aan ka danqan dhibaatooyinkii foosha xumaa ee lagu hayey reer Waamo in ay Barre Hiiraale u xalaaleyaan Kismaayo,Maxaakimtana noo tusaan bahal na qaadaaya. 

Waxaad ogaataan in dadka degaanka Kismaayo iyo Maxaakimtuba ay wada shaqeyn fiicani ka dhaxeyso ,ciidan fara badan oo degaanka u dhashey kaashanayana Maxkaamadaha Islaamiga ah  ay difaacayaan kuna jihaadayaan cid alaale ciddii dib ugu soo hunguriyoota Kismaayo cashar lama ilaawaan ahna siinaya . 

Mohamed Nuur Salaad 
baashi1998@hotmail.com

»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD