SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 10, 2006

  • Munaasabad loo sameeyay furitaanka sanadkii Waxbarashada ee Jaamacada Niileyn
  • Max’ed Ibraahim Bilaal “Waxaa rabnay inaan idiin keeno Amxaaro nool nool”
  • Sheekh Shariif oo iclaamiyey Jihaad..
  • C/raxmaan Diinaari “Ciidamada Dowladda waxay u tageen Buur-Hakaba sidii ..

  • Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku sii qulqulaya..
  • Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Buurhakaba..
  • Safiirka Suudaan ee Soomaaliya oo sheegay in in Dowlada Suudaan ay ku rajo.

  • Dowladda Federaalka oo beenisay in ay dalka soo galeen Ciidamo..

  • Wiil dhalin yaro ah oo lagu dilay Addis Ababa dhexdeeda.
  • Wejigii labaad ee xiridda biyaha ee webiga Shabeelle oo la soo gebagebeeyay 

Munaasabad loo sameeyay furitaanka sanadkii Waxbarashada ee Jaamacada Niileyn

Waxaa habeenkii xalay ahaa xaflad isugu jirtay furitaanka sanad-dugsiyeedka 2006-2007 ee Jaamacadda Niiley faraceeda Muqdisho, Sagootinta Ustaad C/rixiin Cabdala oo ahaa madixii kormeerayay imtixaanaadkii laga qaadayey ardaydii ku jirtay jaamacadaasi iyo afur loo sameynayey marti ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Niileyn C/qaadir Macalin Max’ed Geeddi oo sheegay in Jaamacadda Niiley ay tahay Jaamacad muqo 50 sano iyo wax ka badan soo jirtay, iyadoo sanad kasta ay ka qallin jabiyaan kumaanan kun oo ku kala nool Daafaha Dunida, isagoo sheegay in Jaamacadda Niileyn ee Magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay Maamulka Ganacsiga, Xisaabaadka Ganacsiga, Dhaqaalaha, Caymiska, Culuunta Siyaasadda iyo Cilmiga Bulshada, Sidoo kale waxaa Jaamacadda lagu bartaa Daraasaadka Islaamka, Cilmu Nafsiga iyo Luuqadaha Carabiga iyo INGIRIISKA. Waxaa kalloo ka hadlay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya Cumar Aseyn Al-Axmed oo isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawa ka qaybgalo xaflad loo sameynayo Jaamacadda Niiley Faraceeda Muqdisho, sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. C/Rixiin Cabdala oo ah madixii kormeerayey imtixaanaadkii sanad-dugsiyeedka 20056-2007, isagoo ka yimid Suudaan, waxa uuna sheegay in nabadgelyada ka jirta Soomaaliya ay u saamaxeyso in qaybo kale oo ka tirsan Jaamacaddaasi ay ka furaan Soomaaliya

Max’ed Ibraahim Bilaal “Waxaa rabnay inaan idiin keeno Amxaaro nool nool”
 

Guddoomiyaha Maxkamadda ee Al-Bayaan ee ka hawlgasha Gobalada Bay iyo Bakool ayaa waxa uu sheegay in maalintii shalay ahayd Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo weerareen deegaano ka tirsan Magaalada Buur-Hakaba oo ka tirsan gobalka Bay.

Ciidamadaas ayuu sheegay inay aad u hubeysnaayeen isagoo sheegay in ay qalqlgeliyeen dad-weynaha ku nool Magaaladaasi oo uu sheegay inay kula kaceen falal ka baxsan bini’aadannimada.

 

“Markaan u diyaar-Garoownay, anagoo gacan ka heleyna Bulshada ku nool Magaalada Buur-Hakaba ayay cagaha wax ka dayeen” ayuu yiri Bilaal oo intaa raaciyey “Nasiib daro nooma suurogelin in aanu keeno Amxaaro nool nool si aan u tusno Beesha Caalamka”.

 

Bilaal waxa uu meesha ka saaray inay xoog kula wareegeen Magaalada Buur-Hakaba, isagoo sheegay inay magaalada galeen markii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee soo galay, hase yeeshee mas’uul u hadlay Dadka deegaanka ayaa waxa uu sheegay in ay is rasaaseyn kaddib ay magaaladaasi kula wareegeen Maxaakiimtu.

 

Sheekh Shariif oo iclaamiyey Jihaad..

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Islaamig ah ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Villa-Baydhao, waxa uuna shirkaasi jaraa’id ku faahfaahiyey ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka tirsan Dalka, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay magaalada Buur-Hakaba oo uu sheegay in ay dadkii deganaa halkaasi ay kula kaceen falalkii ay kula kici jireen dadka Soomaaliyeed ee ku nool xuduudaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay Ciidamada Maxaakiimta meel kasta oo ay joogaan in ay u diyaar garoobaan jihad looga hortago ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Ugu dameyntii waxa uu sheegay Sheekh Shariif in ay ku dagaalami doonaan wada ilaahey ayna dhinacooda guushu ahaan doonto, waxaa la qiyaasayaa in ay gebi ahaanba burbureen wada hadaladii u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, kaddib markii kooxba kooxda kale ku eedeysay inay mas’uul ka tahay hirgelin la’aanta heshiiskii khartuum. Dhinaca kale Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde oo ah madaxa ammaanka Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa isna waxa uu caalamka u soo jeediyey inay la socdaan faragelinta ay Itoobiya ku hayaan Soomaliya.

 

C/raxmaan Diinaari “Ciidamada Dowladda waxay u tageen Buur-Hakaba sidii ..

 

Iyadoo maalintii shalay ahayd lagu waramey in ay ciidamo isugu jira Kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah ay soo galeen magaalada Buur-Hakaba ayaa afhayeenka Dowladda C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari), waxa uu sheegay in ay magaalada Buur-Hakaba tageen ciidamo ka socday Dowladda Federalka, ayna halkaasi u tageen si ay u soo eegaan xaaladda nabadgelyo ee Magaalada, isagoo sheegay in dadka ku nool Buur-Hakaba ay yihiin kuwo taageersan Dowladda.

C/.raxman Diinaari waxa uu beeniyay inay shalay Buur-Hakaba galeen ciidamo Itoobiyaan ah, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo ay faafinayaan Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay uga danleeyihiin in ay sidii ay weerar ugu soo qaadi lahaayeen Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda.

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku sii qulqulaya..

 

Shalay ayaa waxaa Magaalada Buur-Hakaba soo galay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah, hase yeeshee markii maxaakiimtu ay maqleen arrinkaasi ayaa waxay ciidamada Maxaakiimta loo soo jeediyey inay u diyaar garoobaan jihad.

 

Markiiba waxay ciidamada Maxaakiimtu u dhaqaaqeen dhinacaa Buur-Hakaba iyagoo u socda gutu-guutooyin kuna hubeysan hub aad u culus.

Ciidamadii ku xareysnaa Carbiska iyo Laanta Buuro ayaa iyana u dhaqaaqay dhinacaa iyo Buur-Hakaba, waxaana laga cabsi qabaa in uu iska hor imaad xoogani dhex maro Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka ah oo taageero xoogan ka hela kuwo Itoobiyaan ah, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeeda inay dalkooda soo galaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Buurhakaba..

 

Maalintii shalaya ahayd ayaa ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah waxay soo galeen oo ay la wareegeen Magalada Buur-Hakaba oo 60Km u jirta magaalada Baydhabo.

 

Ciidankaasi oo saacado kooban fadhiyay halkaasi ayaa waxay la kulmeen Odoyaasha iyo Waxgaradka Magaaladaasi, iyagoo u sheegay in Buur-Hakaba ay tahay magaalooyinka laga taageersan yahay Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay sugi doonaan ammaanka.

 

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee Soomaalida ah ee la socday ayaa waxaa wajiyadooda laga dareemayey cabsi iyo walwal kaddib markii la soo gaarsiiyey, in ay magaalada Buur-Hakaba ku soo wajan yihiin Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga.

Ciidamadii halkaasi ku sugnaa ayaa waxay maqleen rasaas meel fog ka dhaceysa, waxayna taasi gelisay dareen, waxaana lagu amray in ay dib uga soo gurtaan Buur-Hakaba, iyagoo markii dambe ay soo glaeen maleeshiyooyinka Deegaanka.

Ciidamada Itoobiyaa ayaa markii dambe waxay ku xaroodeen xerada Daynuunaay, iyadoo mas’uul u hadlay deegaanka Buur-Hakaba uu sheegay inay dhacday is rasaaseyn ay kaga dhinteen hal qof, saddex kalana ay kaga dhaawacmeen, balse ma sheegin khasaaraha dhinaca kale gaaray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Safiirka Suudaan ee Soomaaliya oo sheegay in in Dowlada Suudaan ay ku rajo.

 

Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Cumar Azeyn Al-Axmed ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Suudaan ay aad ugu rajo weyn tahay in ay wax ka soo baxaan Shirka 30 bishan ay isugu imaanayaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.

“Haddii la wada hadlo, waa talaabo horey loo qaaday” ayuu yiri Safiirka oo intaa raaciyey “Dowladda Suudaan 50 sano ay ku soo jirtay dagaal sokeeye, maanta waxay goosteen in ay wax walba ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad”.

Safiirka oo xalay ka qudbeynayey xaflad lagu furayey sanad Jaamacadeedka 2006-2007, ayaa waxaa kalloo sheegay in Dowladda Suudaan ay aad ugu faraxsan tahay nabadgelyada ka soo cusboonaatay Dalka Soomaaliya taas oo uu sheegay inay keeni karto horumar iyo barwaaqo. Safiirku waxa uu sheegay in Dowladda Suudaan ay weligeed wadi doonto sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

 

Dowladda Federaalka oo beenisay in ay dalka soo galeen Ciidamo..

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka C/raxmaan Diinaari ayaa si kulul u beeniyay in ay dalka soo galeen ciidamo ka socda Dalka Itoobiya, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay mid lagu baneysanayo in Maxaakiimtu ay dagaalo ka ridaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah Magaalada Baydhabo.

“Iyaga ayaa u yeeraya maxaakiimtu ciidamada Shisheeye” ayuu yiri C/raxmaan Diinaari oo sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay yihiin kuwii ku xadgudbay heshiiskii Khartuum isagoo sheegay inay dagaalo ka wadaan qaar ka mid ah gobalada Dalka.

 

Wuxuu sheegay C/raxmaan Diinaari in Dowladda Federaalku ay diyaar u tahay inay ka miro dhaliso heshiiskii Khartuum ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta, hase yeeshee waxa uu sheegay in deegaanada ay ku sugan yihiin maxaakiimtu ay ka wadaan caburin, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay Magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay ka wadaan falal ay si aad ah uga xumaadeen bulshada ku nool Magaalada Kismaayo.

 

Geeddi oo shaaciyey in haddii aan Dowladdu la taageerin ay halis ugu jirto..

 

Cali Max’ed Geeddi oo dhawaan kulan la yeeshay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay in Dowladda Federaalka ah ay u baahan tahay in laga saacido dhinaca ammaanka si ay u fushato hawlaheeda waxa uuna ula jeeday sidii dalka loo keeni lahaa Ciidamo Shisheeye oo gacan siiya Dowladda Federaalka.

Geeddi waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku sii kordhayaan wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah, kuwaas oo uu sheegay in laga dareemi doono wadamada Geeska Afrika haddii aan si dhaqsi leh looga hortagin.

 

“Shirkii Nayroobi ee lagu dhisay Dowladda Federaalka ah, waxay beesha caalamku ballanqaaday in Dowladda laga taageeri doono dhinaca ammaanka, hase yeeshe ilaa iyo haatan ma jiraan cid arrinkaasi ka dhabeysay” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in mudadii ay dhisneyd Dowladda Federaalka ah ay wax u qaban weyday arrimo la xiriira dhinaca ammaanka, waxa uuna safiirka ka codsaday in uu gacan ka gaysto sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, si ay dalka u yimaadaan Ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka.

 

Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada..

 

Warar naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in xaaladda Magaalada Kismaayo ay haatan degan tahay kaddib markii ay doraad ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay kuwaas oo looga soo horjeeday maamulkii ay dhawaan maxaakiimtu kaga dhawaaqeen Magaalada Kismaayo, waxaa dib loo furay ganacsigii, sidoo kale waxaa dib loo furay jidadkii ay xireen dadkii banaanbaxayey.

 

Dadka ayaa lagu amray in aysan socon Karin wixii ka dambeeya 9:00 habeenimo, waxaa magaalada lagu arkayey wixii waqtigaa ka dambeeya ciidamo hubeysan oo gaaf wareegaya. Sidoo kale waxaa Dekedda Kismaayo shalay ku soo xirtay markabkii labaad oo sida badeecooyin kala duwan, sidoo kale, waxaa iyana dib u furmay wadooyinkii ka bixi jiray Magaalada Kismaayo ee tagi jiray gobalada ku dhow dhow magaalada

 

Sheekh Shariif oo kulan la yeeshay safiirka wadanka talyaaniga u fadhiya..

 

Guddoomiyaha Golaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalintii shalaya ahayd kulan gaar ah kula yeeshay safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mario Riffeli, waxana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimo la xiriira xaaladda uu haatan dalku marayo, iyo sidii uu u qabsoomi lahaa kulan ka horeeya midka Khartuum oo ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta kaas oo ka dhacaya Magaalada Nayroobi.

Maxaakiimta ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalan kulanakaasi, hase yeeshee waxay sheegeen in loo baahan in marka hore la fuliyo heshiiskii lagu gaaray magaalada Khartuum kal hore.

 

Sheekh Shariif waxa uu sheegay inay mar kasta ka soo horjeedaan in dalka la keeno cidamo shisheeye, waayo ayuu yiri maanta dalka waa uu xasiloon yahay, sidoo kale waxa uu safiirku sheegay in Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay muujiyaan dabacsanaan iyo isku kalsoonaan.

 

Indha Cadde oo ka warbixiyey safar uu ku.tagey wadanka .

 

Madaxa Ammaanka ee golaha Maxaakiimta Sheekh Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa ka warbixiyey safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta waxa uuna sheegay in uu halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay Dalka imaaraadka Carabta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaasi, waxa uuna uga warbixiyey xaaladda uu haatan dalkku marayo, isagoo sheegay in 100% la isku haleyn karo nabadgelyada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobalada ay ka taliyaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Waxa uu sheegay Yuusuf Indha-Cadde in ganacsatada ku nool Dalka Imaaraadka Carabta uu ka dhaadhiciyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen difaaca dalka oo uu sheegay in ay u soo hanqal taagayaan Ciidamada Itoobiya.

 

Maanta ayaa la filayaa in Yuusuf Indha-Cadde in uu gaaro Gobalka SH/hoose isaga oo ay la socdaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ku jiro Pof. C/raxmaan Ibbi, mar la wareystay Ibbina waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Dadka ku nool Gobalka Sh/hoose ay dib u helaan maamulkoodii.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

 


Ugaas Maxamed Weli:: Barre Hiiraale Kismaayo ma maamuli jirin ee Xamar baa laga maamulayey
Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood., sidaas waxa uu yiri mar waraysi lala yeeshay, Waxan auu Barre Hiiraale ugu baaqay in uu qaato Nabada, markaasna loo ballan qaaday jagadii uu ka doono in laga siinayo Maxkamadaha, waxaana taas shardi u ah in uusan daadin dhiiga "mareexaan", waa sida uu hadalka u dhigay'e"...
Dhegeyso Halkan..

Addis Ababa: Wiil dhalin yaro ah oo lagu dilay Addis Ababa dhexdeeda.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimada u ah dalka Ethiopia  ee Addis Ababa ayaa sheegaya in  ay toogasho ku dileen ciidamada  Ethiopia wiil dhalin yaro ah.

Wiilkan dhalin yarada ah ee la togtay ayaa ahaa arday,  waxa la sheegayaa in Ardey la oran jirey Wondwosen Gutu oo  wax ka dhigan jirey  dugsiga sare ee Medhanialem  ay  ciidanka federaalku toogasho ku dileen.

Ardeygan oo ahaa 16 jir ahaana xubin firfircoon oo ka tirsan uruka mucaaradka  ah ee loo yaqaan (Kinijit).

Ardaygan la dilay ayaa  waxa uu maalin ka hor qeeybiyey waraaqo ah jadwalka kacdoonka dadweeynaha kuwaas oo ka dhan ah xukuumada kaligiis talisnimada Ethiopia waraaqhaasoo si wayn looga akhristay caasimada.

 Galabnimada Axada  ardeygu mar uu ka soo laabanayey fiirsiga ciyaaraha ee English Premier ayeey ciidanka federaalka loo yaqaan dhexda u galeen kadibna ay toogasho ku dileen.  

maahan markii ugu horaysay ee ay ciidamda Ethoipia ay si bareero ah fal dil ah  ay u gaystaan  Ardayda wax ka barata dugsiyada iyo jaamacadaha dalkaasi Ethiopia  waxaana jiray arday badan oo ilaa iminka la layhaay qaarkoodna la helay maydkoodii kuwasoo u badan Oromo, ayna ku jiraan Somali, Amxaro iyo qoomiyadaha kale ee dalkasi  wadda daga.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Qoraal dheer iyo sawiro oo ka so baxay xafiiska gudoomiyha golaha safalaka & horumarinta somaliyeed  oo uu ku saxiixnaa sh : axmed maxamed suleemaan oo na soogaarey ayaa waxaa ay ahaayeen sidaan , 

Somali Relief & Development Council 

المجلس الصومالي للأعمال الخيرية والتنمية 

Tel:  854155,  235646,  930773:  Mobile:  577471, 552755, 506308 
Email: kaalmeeye@hotmail.com                                  Web:  www.samafale.com 

Ref: G.S.H.S/26/06               Date:  09 / 10 /2006      16/ 09 /1427.H.   Muq.Somalia. 

Wejigii labaad ee xiridda biyaha ee webiga Shabeelle oo la soo gebagebeeyay 

Ilaahay fadligiisa waxaa lagu guuleystay in la soo gebogebeeyo wejigii labaad ee xiridda biyaha webiga Shabeelle , waxaana lagu guuleystay maalintii jimcaha 6/10/2006 in la xiro halkii ugu darneyd ee webigu ka goostay  oo aheyd buqda Moyko, taasoo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar , waxaana xiritaanka biyahaas qeyb weyn ka qaatay Golaha Samfalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo gacan ka helay maamulka, ganacsatada,,dadweynaha & Hay’adaha gobolka qaarkood 

Haddaba mar haddii lagu guuleystay xiritaanka Buqda Moyko , waxaa loo baahan yahay  arrimaha soo socda :-

  1. In kaalmo lala gaaro dadkii waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda , dadkan oo ka barakacay guryahoodii , dalaggii beeruhuna  ka go’ay.
  2. In la hagaajiyo jidadkii ay gooyeen biyuhu , kuwaas oo burbur lixaad leh soo gaaray, waxaana ugu horreeya jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Magaalada Jowhar.
  3. In la carro tuuro meelaha laga yaabo in ay biyuhu mar kale ka goostaan, si looga hortago fatahaado cusub iyadoo xilligii roobkuna soo dhaw yahay.

Dhanka kale mashruucii tabarrucaad ururinta ahaa ee ay qabanqaabisay Shirkadda warbaahint Horn Afrik taariikhdu markii ahayd 22/09/2006, taasoo lagu yaboohay lacag dhan $27,075 waxaa ilaa hadda  lacagtaas ka soo xerooday lacag dhan $18999.25  oo u dhiganta 70 % lacagihii la ballan qaaday,waxaa kaloo la soo gaarsiiyey Golaha  alaabooyinkii la yaboohay oo ay ka mid ahaayeen Cirbadaha kaneecada , Maro kaneecooyin , Faleebooyin iyo Timir , taasoo dhammaan la gaarsiiyey goobihii dhibku ka dhacay. 

Haddaba waxaa ka mid ahaa shirkadihii ama Hay’adihii dowrka weyn ka qaatay bixinta tabarrucaadkaas wixii ay yabooheenna bixiyey:-

-Dahabshiil , Global Money Transfer, Jubba Airways, Africa Muslim agency , Nadwa Al –shabaab Alcaalamal Islaami(WAMY) , Shirkadda S company, shirkado iyo shakhsiyaad kale oo bixiyay lacagihii ay ballan qaadeen. 

Waxaa kaloo jira lacago kale oo soo gaaray Golaha oo aan horay loo yaboohin taasoo gaaraysa :$8500 ,Waxaana ka mid ah shirkadaha lacagahan ku deeqay :-

-Shirkadda Hormuud : $ 5000       - Xawaaladda Amaana : $1000

  • Ganacsatada daawada : $ 1500 –  qaar ka mid ah Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka : $850

Isu geyn lacagaha u soo ururay wax ka qabadka dhibaatada Fatahaadda webiga Shabeelle ilaa hadda waa : $ 27,299.25 

Baaq 

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan , maadaama lagu jiro Bisha Ramadaan ee Barakaysan,oo ajarka camalka wanaagsan la labalaabaayo.

Haddaba ciddii afurinaysa dad sooman ama dhiibeysa Zako( fidri ama Zakada Maalka)   Goluhu wuu soo dhoweynayaa , wuxuuna u balan qaadayaa in uu gaarsiiyo ciddii loogu talagalay, ogaadana qofkii qof sooman afuriya wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale, sida uu caddeeyay Nebigeenna suubban (NNK) . 

Mahad celin 

Golaha samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinaya Shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku tabarrucay kaalmadii loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatada fatahaadda webiga Shabeelle.,iyo warbaahinta qeybta lixaadka leh ka qaadatay hawshan,sidoo kale Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa maamulka , iyo dadweynaha gobolka Sh/Dhexe oo intii tabartooda aheyd ku dadaalay wax ka qabadka arrintaas.

Goluhu wuxuu ka codsanayaa dadka aan weli bixinnin tabarrucaadkii ay yabooheen  iyo kuwa doonaya in ay ka qeybqaataan tabarrucaadka in ay soo dedejiyaan waxa ay bixinayaan , kuna soo hagaajiyaan acounada Goluhu ku leeyahay shirkadaha xawaaladaha . 

Cid kastoo walaalahood kaalmeysana waxaan ugu duceynaynaa inuu Alle u kaalmeeyo ,uuna ugu bedello wax ka kheyr badan wixii ay baxsadeen, Aamiin . 

Guddoomiyaha Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed
Sh Axmed Maxamed Suleymaan 
 
 

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006

Maxkamadaha oo ku Baaqay iska difaacida Maamulka Tigreega
»Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay kismaanyo
»Maxkamadaha oo ka hadlay raashinka dhacay...
»Duqa degmada dongorayo iyo kuxigeenkiisa oo la doortay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 8

Saxaafada Denmark oo sii wada Sanad ka dib Aflagaadada Rasuulka (SCW)  

Nin Soomaali Bantu ah oo Maraykanka ku Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay
Waxana uu dhaawacay hooyadood, arrintaas oo ka dhacday Magaalada Louisville, Kentucky..
Akhri Warbixinta...

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD