SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY::: DAMAANSHAAD

Cali Maxamuud Xiirane 


xiirane2@hotmail.com 


Tixdan gabayga ah ee la yiraa Damaanshaad, waxay soo baxday 16/10/2006, waxaana tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo ku nool UK, London. Tixdu waxay taageero buuxda u tahay ku dhaqanka Diinta Islaamka, waxayna ka soo horjeeddaa ciddii ragaadineysa iyo ciidamada shisheeyaha ah oo iyadoo meelihii dalka ugu nabadgelyada xumaa hadda ay nabad yihiin u soo guuxaya dalka, ciddii is leh dano kuu gaar ah amaad ku gaartaana waxaan u arkaa iney ka hoos baxsantahay. Tixdu waxay u badantahay su’aalo, jawaabohooduna waxay u yaallaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan suugaanleyda. Tixda habaar iyo ducaba waa lagu khatimay, labadaba allaha iga aqbalee habaarku wuxuu khuseeya oo kaliya qofkii uusan alle hanuun la doonin oo ummmadda luggooyadeeda ka shaqeeynaysa nabadduna ay ka xasili la’dahay ama fitno u jeed ah. Marka qof waliba midkuu rabo ha doorto. 

  1. Doorshaan ayaan qurun jecleyn ruux ka duug yiriye
  2. Daqsi uus wuxuu doorbidaa inuu dixdaas yaale
  3. Yaa dugaafadihii daadsanaa waaga daba jooga?
     
  1. Dig-digleeynta Soomaali waa loogu daw galaye
  2. Nin danaano ay dilatay waa ducuful iimaane
  3. Ma qabyaalad baa door lahayd waa dayuusnimo e?
     
  1. Duuduub wixii loo liqaa xumo la daacaaye
  2. Daray bay dillaacshaan dirxiga naga dahaarnaaye
  3. Maxaa dakano loo doonayaa haatan laga daalye?
     
  1. Dambas hoos ka nool iyo digada dogobbadaan qiiqay
  2. Dulunkiyo dira-diraha baas ee lala dinnaahyeeyo
  3. Dabcilaawe dagaal ooge yaa dan u maleeynaaya?
     
  1. Dabadhilifka gaalada ayaan diin la maqashiine
  2. Doolar bay ku doonaan waqood ficillo daaquude
  3. Ma la diidey diinteennu waa daawo iyo kheyre?
     
  1. Is dilkeenna dunidoo dhan baa naluku diimaaye
  2. Innagaa is dooxnoo dir kale nooma diirnixine
  3. Dal dad waayey miyaan noqonnay iyo duni damiir beeshay?
     
  1. Dulmiloowyo daaciyaa jiroo belo u duub weyne
  2. Dabkii ay shidaan degel dhan buu diga-digeeyaaye
  3. Duqoowdeennii aan duubaniyo diracyadii meeye?
     
  1. Wax dhan buu dayeysnaa dadkani diifna uu qabaye
  2. Ma dareenno oo shacabka waa laysku dirayaaye
  3. Maxaa daaray duulkaan aqoon nabad ku daanshooda?
     
  1. Doomaha dadkii laga rogaye moolka lagu daadshey
  2. Dumarkeennii oo dawarsadoo dahab daleel yaal ah
  3. Dayicii dalkeennii ayaan weli ka diireeynin?
     
  1. Badaheenna dihan kheyrka waa laga dur-duurtaaye
  2. Sun ayey ku duugeen haddana soo dawarayaane
  3. Cudurrada dillaacaaya yaa naga daweeyn doona?
     
  1. Dunidaan u qayshanno in badan nama daryeelaane
  2. Ayagoo dallaaliinehey mar kale kaaga darayaane
  3. Miyaan weli duruustii la helay caga ku soo daalin?
     
  1. Dambaaburo cadaabeed ayaa loo dalxiis yahaye
  2. Ciidamada la soo dirahayaa waa na dagayaane
  3. Damqashada xanuunka leh maxaa dalabka noo saaray?
     
  1. Meel ubax la daadshaa ugaar dabin u yaallaaye
  2. Rag tigreega soo dumanhayoow waa daciifnimo e
  3. Miinadey u daadsheen duqii soo daaqad kama saarin?
     
  1. Dhegihiinna daahani ma galo hadal u door-roone
  2. Digniintaan waxaan idinku waday taniyo dayrtiiye
  3. Damiciinnu adinkuu idin dili dulucdu soo maaha?
     
  1. Dannigaad qabtaan maanta waa duumo loo dhimane
  2. Idinkaa is dagayoo ma jiro waxaad daryeeshaane
  3. Dibindaabyadiinnii miyaan dib idinku soo laaban?
     
  1. Dabbaallada walaalkood diloo kibir is daaxuursha
  2. Inuu damallo naareed ilaah daakhilka u geeyni
  3. Oon cidina daafici kareyn soo daliil maahan?
     
  1. Carabtii dugaagoowdayoo ubadka nool duugtay
  2. In ilaah rasuulkuu u direy uga dabiib yeelay
  3. Ooy duul walaalaa noqdeen soo la dayi maayo?
     
  1. Wallee ruuxa dabbakheen sharciga dabamaryeyneynin
  2. Inuu labada daarood mid uun darajo weeyn gaaro
  3. Ama laysuguba daro miyaan diinta lagu sheegin?
     
  1. Cirka da’ay daruurahays qabsaday dalagga noo beermay
  2. Daafaha xareedahaan maraye shacabka deeqaaya
  3. Duf ku bexe ninkii diidan soo doqon ibliis maahan?
     
  1. Ummaddaan dareenkii ka tegey dib ugu soo laabtay
  2. Oo inay diinta wada doonayaan dunida gaarsiiyey
  3. Daanyeer miyaan loo arkayn ruuxa duufsanaya?
     
  1. Dagaal iyo fitno inuu ku jiro oo shacabku daaduumo
  2. Qaar baa dadaal ugu jiroon xumaha diideeyne
  3. Duul kale miyaa soo dirsaday waa dareen culuse?
     
  1. Dibad joogga waayadii wax badan doolka la ahaaye
  2. Hadduu eebbe nabad soo dejiyey lagu dekeeynaayo
  3. Yaa dagaagga degenaan ka jecel amase duuflaalka?
     
  1. Dullinimo ninkii tacaddiyaba loo durbaan tumayo
  2. Darxumadu docdaad eegto waa daqay wareen baase
  3. Yaa na kala dallaalaye na faray dacar walaaqeenna?
     
  1. Dadkeennaan kuwii diinta baray dilaya oo laaya
  2. Ummaddaan midkoodii duqiyo kurayba daan-daansho
  3. Daacaddiyo lillaahida ayaan samo la dooneeynin?
     
  1. Ummaddaan dideeysee sidii deero kala yaacday
  2. Dibir kama dhergaankaan dhinteen danaha guud eegin
  3. Yaa dastuur ka doorbiday inuu eebbe darajeeyo?
     
  1. Ilaahayga dila cidduu doonayoon loona dakanaynin
  2. Oo aan difaac kaga baqayn qolo ku soo duusha
  3. Oo Dabbara wuxuu doono oon lagula doodeynin
     
  1. Adaan kuu dansheegtoon alloow kuu daciif ahaye
  2. Adaan deeqda kuu qirahayaa aan dalbahayaaye
  3. Dunidaan adaa maamuloon cidina diideeyne
     
  1. Dadkanaga didmadu kala gashaye kala dayoobaaya
  2. Haddii duunyo wixii yaalla iyo doolar lagu xaaro
  3. Inaan ruuxna isu dumi karayn waa daliil dhigane
     
  1. Ruuxii da'a weyn waa gartaa doogta loo dhimane
  2. Alloow diinta kama maarannee daacad nagu toosi
  3. Alloow daafka reeraha ku dhacay cudurku daawoobo
     
  1. Daahiri ilaahoow qalbiga daamur baa galaye
  2. Daf-dafleynta ilaahoow idlee amase diihaalka
  3. Alloow shacabku dalaaqdiisa furo samaha kii diida
     
  1. Daacuun u gaarihi Alloow uu gooni ugu duulo
  2. Libaax dool ahi uu mar qura daaqad kala boodo
  3. Ama duumo lagu soo diraan degenka naafeeynin
     
  1. Daltabyada na haysiyo alloow naga dulqaad ceebta
  2. Alloow loo dalxiisaa mar kale degelladaan niiley
  3. Ilahayoow dareen lama qarshee wuu na daashadaye
     
  1. Dan-darrada alloow naga dawee kuu dacwaan ahaye
  2. Diilalyada na haysiyo alloow diiftu naga duusho
  3. Alloow aan damaashaad galnaa dayrtan gudeheeda

Aamiin---------Aamiin---------Aamiin 

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2006

»Gabayga: Hungo | Waxaa tiriyey Xiirane

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD