SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17



Cali Maxamuud Xiirane

Gabayga: Hungo

Gabaygan la yiraahdo (Hungo) oo soo baxay 05/10/2006, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London. Tixdu waxay ku saabsantahay dulmiga guud ahaan dadka Soomaaliyeed haysta iyo madax ku sheegga shaqada ka dhigtay inay shisheeyaha isku tus-tusaan ciqaabidda dadkooda, khaasatan culumadeenna sharafta leh. Gabayga waxaa igu bixiyey kaddib markaan Website ka Soomaalitalk oo isna ka soo xigtay Radio Laascaanood1 ka daawaday Cajalad Video ah oo lagu jir dilayo Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, waxaan qabaa ineynan noqon Karin wax la been abuuray maxaa yeelay sawir maahane waa video waadax kuu horyaalla. Si kastaba ha ahaatee culumada in la jir dilo, la dhoofiyo oo cadow loo dhiibo, la xiro ama la toogto hadda ma cusba, waana arrin runtii nasiib darro lagu tilmaami karo dhaqankaan cusub oo biiri qaatenimoda ah. Siyaasiyiin ku sheegga shacabkood cinqaaba, shacabku waa ku hungoobay oo madaxtinimo kama raacin, iyaguna waa hungoobeen oo sidaas shisheeye iyo sokeeye toona kuma kasban karaan, shisheeyuhuna iyaguu ku hungoobay oo dadka uma jujuubi karaan wakiilna kama aha oo cid dhaqan xumadaas ku rabtaa ma jirto. 

  1. Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey?
  2. Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay?
  3. Ma illintaan is hayn waayey baa dhabanka hooreeysa?
  4. Hugga iyo go’aygii miyaan caawa hanan waayey?
  5. Ma hundhurey cabbaar oo dhaqaaq soow ma hedin waayin?
  6. Ma habaabay anigoo waddada dhan u hadaafaaya?
  7. Ma hadaaqay anigoo hawada hirar la heesaaya?
  8. Ma haasaabay anigoon cid kale iba hareer joogin?
  9. Ma is hiifay waxa aan mar hore dhiig u huri waayey?
  10. Ma haaraamay culumadeenna iyo habacsanaantooda?
  11. Maxaa kala horeeyee iyaga horinba meel geeya?
  12. Yaa kala hortaagane ku yiri hiillo isu diida?
  13. Hibadii ilaah siiyey yaa nacasyo hoos geeyey?
  14. Hantideenna yaa yiri safiih hayska halabeeysto?
  15. Nin hunguri ku hawl gala maxaa bada hoggaankeenna?
  16. Yaa tuug horseed nooga dhigay aan hambana reebin?
  17. Himbiriirsi maxaa ina badiyo haatan waxa taagan?
  18. Halyeeygiyo waddanigeenna yaa heeganka u diiday?
  19. Hebedkii shisheeyaha maxaa looga hari waayey?
  20. Hinifada qabyaaladdaa dhammaan lala haliilaaye
  21. Culumada maxaa loo handaday loo haraateeyey?
  22. Ayadoo la hooshaayo oo haramcad uu qaatay
  23. Maxaan hoyna loo dhihin markuu cadaw huruufaayo?
  24. Maxaa haadda loogu warhayaa hilibka sheekheenna?
  25. Dhallintuu hinkaad baray miyaan heerka sare gaarin?
  26. Hal qawaara Libaaxii hantiya waa ka hagagtaane
  27. Hud-hud iyo af miinshaar maxaa loogu hibo siiyey?
  28. Mar horey habbooneeyd inaan hoosh ku qaadnaaye
  29. Maxaa sheekhda looga harahayaa nacasyadaas haysta?
  30. Hindisaha shisheeyahaba waa u humbulnaatiine
  31. Hadimada sokeeyaha maxaa loogu yahay heegan?
  32. Maxaa loo hagoogtaa markuu cadow hujuumaayo?
  33. Hagartiyo luggooyey bartaan duul halaagsamiye
  34. Hog ayaad u faagteen haddeer hadimadiinniiye
  35. Hawdkiyo hareerahay gubtaa digo hulaaqdaaye
  36. Maxaa loo habaarsanahayaa gelinba waa here?
  37. Heeryadii gumeeysiga miyaa gacanta loo haadshay?
  38. Halacyo aan hamuun tiran miyaa nagu dul heehaaba?
  39. Ma hiddihiyo dhaqankeenni baa waayo halakoobay?
  40. Ma sidii habar dugaag ayaa culumo loo hiigay?
  41. Ma haraatiyeen sheekha waa duul habaar qaba e?
  42. Hammigeyga ii hadal miyaa lagu huteeynaayey?
  43. Hadyigii ilaaheen miyaa laga horjoogaa dheh?
  44. Huurraale aan nixin miyaa hahe garaacaaya?
  45. Mar haddaanan hiil kale tareyn amase hoo toona
  46. Ma hagrado hawraarta gabay haddiyad weeyaane
  47. Hungo iyo waan hubaa inaad ceeb la hoyateene
  48. Hal marduuf un mooyee miyaad hodan ka gaarteen dheh?
  49. Ma hesheen hambalyadaad rabteen oo loo handaday sheekha?  

Cali Maxamuud Xiirane 
xiirane2@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006


Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaciil

Akhri....

 




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD