SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Samsam waa la soo dayn rabaa !!

Ducaale Hadal Wanaaje 
ducalewanaje2@hotmail.com

Waad salaamantihiin saaxiibada webka iyo netka.

 
Dawladdda ka jawaabta baaqyada ama se codsiyada ay dadkeedu u soo jeediyaan waxa ay ka tarjumaysaa in ay tahay Dawlad ku dhisan dimoqraadiyad oo uu ka dhaxeeyo iyada iyo dadkeeda kalsooni, rabitaan iyo xidhiidh dhaw.
 
waxa lagu gartaa marka ay dhego furan ku maqasho dadkii xilka u dhiibtay iyada oo siinaysa ahmiyada tixgelinta ay ka mudan yihiin dadwaynaheedu oo aan kala sooc lahayn mid yar iyo mid weyn.Mid mas'uul ah ama mid caadi ah.
 
Arrinta ku saabsan gabadha yar ee Samsan Axmed Ducaale oo ay dad fara badani ka hadleen arrinta loo haysto iyo aragtiyaha kala duwan ee uu qof waliba ka qabo sida ay ugu muuqato ama uu farta ugu fiiqay in ay xukuumadda JSL ku geftay oo ay ku xadgudubtay xuquuq ay lahayd Samsam Ducaale ayaa ugu danbayntii waxa na soo gaarahaya jawaabo lagu kalsoon yahay, in dhawaan la soo afjari doono qadiyadda gabadha yar si dhaqso ah. Taas oo ka dhalatay, iyada oo ku mahadsan, ka dib markii ay xukuumadda JSL aqbashay codsiyo fara badan oo ay u soo jeediyeen bulshada gudaha iyo debeda ku nool ee reer Somaliland. 
 
Samsam xoriyadeeda ayaa loo sii dayn doonaa iyada oo aanu jirin wax xuquuq ah oo ay leedahay oo laga duudsiyay.
Samsam waxa ay soo baxaysaa iyada oo shahaadadeeda gacanta ku wadata in ay tahay ceeb ka saliim wax loo geystay na uu san jirin. Shahaadad maragmuujin ah ayay ka wadata dhakhaatir caalami ah oo ay iyada iyo dadkeedu keensadeen sida ay ku qanacsan yihiin fara gelin la'aan wax kasta oo soo gadhay ka dib markii ay dad badan oo aan waxba hubsan ay guudka ka saareen waxyaalo sharaf dhac ku ah Samsam in loo aaneeyo ( Kufsi iyo jir dil mid na ma qabto Samsam laakiin wax kale ayay qabtaa oo Boossaaso looga soo dhiibay - Fal iyo Sixir ). 
 
Arrinta Samsam waxa ay noqotay wax ah, ka dar oo dibi dhal. Kolley gabadha arrinkeedu ash ma aha!!
 
Arrinta Samsam waxa hadda waxii ka danbeeya loo wareejin doonaa dhinaca odayaasha iyo madax-dhaqameedka JSL bal si ay u furdaamiyaan hawsha isku raranta ah ee meesha laga sheegahayo.
 
Waxa la caddayn hayaa in dhammaan wixii ka dhacay meesha ay tuurta u riteen dadka ay ka soo jeedo Samsam ee kala jooga magaalada Boossaaso iyo Hargaysa. Samsam waxa ay wadatay oo ay sidataya Fal iyo Sixir. Waa mid kaba sii daran sheekadii hore. Sidee baa loo rumaysan karayaa waxaas oo war ah?. Way adkaan lahay in la rumaysto haddii aysan jirin dadka ay ka soo jeedo  Samsam oo iyaku sidaas isku qirahaya. Iyaka ayaa la sheegayaa in ay xattaa ka danbeeyeen war gelinta ciidanka CID iyo ciidanka ilaalada guriga M/k/xigeenka.
 
Waxa ka sii yaab badan taariikh hore u dhacday 1960kii oo lala xiriirin hayo dhacdadan iyada ah magaalada Hargaysa in sidan oo kale loo waayay gabadh reer Bossasod ah lagu na war helay ka dib markii maalin maalmaha ka mid ah ciidan fara badan oo ay dawladdii berigaas ( AAdan Caddae iyo Cabirazaaq X. Xuseen ay madaxda ka ahaa yeen ) lagu soo daayay magaalada Hargaysa dhexdeeda ciidankaas oo ku qaylinahayay " Dadkiiyow Farfariista ..... Gabar yar ayaa fakatay oo la  fiir-fiirin hayaa..... Farfariista....... Farfariista iwm ." Magaalo idil oo dadkeedii suuqa joogay la leeyahay wada far-fariista " ayay ahayd.    
 
Waxa hadaba markan lala sii yaaban yahay oo la isweydiin hayaa, Maxaa mar kasta oo nin u dhashay gobolka majeerteeniya uu madax ka noqdo Somalia loo maqla hayaa sheekooyinka ku saabsan gabdhaha yar yar oo weliba ay sheekooyinku u gaarahayaan meel aad u sareeysa oo si weyn u baahsan iyada oo aad moodo in loogu talo galay sidii wax qorshaysan. Maxaayeelay sheekada laga soo tebinayo Samsam meeqo joor ayay maalin walba ka dhacdaa dhulka Somaliyeed iyo weliba Boossaaso gudaheeda oo ay ka mid tahay tii ay weliba u dhumatay tacaddigii loo geystay hiilka Samsam . Miss Mako Cige oo aan laba Cali is-weydiin cid ka hadashay iyo cid ka samaysay buuq iyo qaylo iyo boggaga saxaafadda oo buuxsama mid na uusan jirin.
 
Calaa-kulli-xaal Samsam Yaray iyo ninkii la xirnaa Mr. Cumar Xaaji Jamac Warsame way ina hayaan iyaka oo nabad qabta, laakiin dadkii soo shirqoolay Samsam - kuwii ceebaystay iyo Madaxdii JSL ee loo gefay iyo weliba Qoraaga qallinka dhumucda weyn ku difaacda qarankooda sida Prof. Farax Cali Jamac ( Ottawa ) iyo Dr. Diridhabe ( Karachi Pakistan ) dhammaan waxa ay ka dhur-sugahayaan oo ay dhawrahayaan  waxa ay ka tiraahdo Caddaaladda Somalidu        
 
Waxa kale oo la dhawrahayaa waxa ay ka tiraahdo caddaaladda Somalidu iyo ururada xuquuqul al- insaanku arrinta naxdinta leh ee loo geystay Marxuumad Mako Cige iyo raggii lagu dilay ama lagu xirxiray Boosaaso ee u dhashay JSL sheekada Samsam darteed. Haddii aysan qisado la mid ahayd middi dhacday 11 Sep.2001 ee lagu xalaashaday la dagaalanka argagaxisda caalamka.
 
Mahadsanid

Ducaale Hadal Wanaaje 
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD