SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Zamzamay Borka Somaliland Cadka Boqorka Nimankii lahaa Calalin Maayaane,Bal Cibaaradaa Daya Nabsiga Looma Caal Heloe

  • Taariikh Madow oo u soo Hoyatay Culamada hadda ku sugan Somaliland
  • Boqor Buur Madow Meeyey !!!

Ustaad C/weli Bashir Mr Dalboon Nairobi kenya  cdalboon@hotmail.com


Ustaad C/weli Bashir. Mr Dalboon Nairobi kenya  cdalboon@hotmail.com

Assalaamu Caleykum
Salaan ka dib
Allah ayaa Mahad is ka leh
Nabi Mohamed Naxariis Kor Kiisa Ha Ahaato
Zamzamay ina Adeer Dhammaan Calool Xumaade Wax Garadka Somaliyeed, Gaar ahaan Dad ka wax ka Qora Arimaha Somalida iyo Kuwa Loo Taxaabay Xabsiga ayaga oo
U Dagaalamaya si ay u soo celin lahaayeen Xoriyadaadii iyo Sharaftaadii Cirdigaagii

Culumada Somaliland: Waxaase Isweydiin leh Aaway Culama Owdiinkii, Raggii Salafiyiinta ahaa, Culumadii Sharfta lahayd, Raggii Shabaabka ahaa ee Qiirada lahaa ee Sunna Gar iyo Haybadu ka Muuqatay, kana Qiiroon Jiray Maxaariimta allah in lagu xadgudbo, Culumadii Sinada iyo Faaxishada Foosha xun ka Hadli Jiray, Waxaa Layaab leh Culamada Rag Badan ku Taamayaan in ay gaaraan meesha ay Gaareen ee loo yaqaano Wahaabiyada ee Soo Celiyey Xijaabkii iyo Quruxdii Dumarka iyo Caqiiqada Rasusha, Waxaa layaab leh in aan Maqley Ama ka akhriyey website yada somalida ee Internetka Zamzam in loogu Dowgaley Xijaabka aysidatay, Waxaana la yiri Madaxweyne ku xigeenka ayaa ah Nin Suufi ah Oo arinkaas ka Xumaaday.

Haddii aytaasi Run tahay Soo Calool Xumo ma Ahan !!! iyo Taariikh Madow oo u soo Hoyatay Culamada hadda ku sugan Somaliland, waxaan ka Rajaynayaa Culumada Sharafta leh iyo Shabaabka Ducaadda Shaqadoodu tahayin ay Mun Karka ladagaalamaan allah Dartiis in ay U Caroodaan una Qoslaan in ay ku Dhintaan Wadada Jihaadka ee ay mareen Qareenadii Zamzam ayada oo xabsigu idin noqon doono Qalwo haddii Aad Masaafuris ka baqaysaanna Sayaaxo iyo Dalxiis ayuu idin noqon haddii la idin Dilana Guusha dhabtaa waa taas, Ahmed Binu Xambal ayaa yiri hadal kaas mar Xarig Loogu Caga Jugleeyey. Cayaar kuma uusan Qaadan Magaca ah iimaamu Ahlu Sunna. Aniga Laftigaygu waxaan ahay dad ka ka soo jeeda Gobalada puntland marar badan ayaan ka Qoray Dowladda puntland aragtiyo aysan raali ka ahayn.

Mudo laba bilood laga joogo ayaan Tagay Somalia Gobaladaas Puntland waxaa i qabsaday rag badan  waxaana la i Xasuuiyayey Maqaalkaygii Hanoo Taliyee Tuug Mahaysaan oo aan kaga hadlayey C/laahi, laakiin waxaa Nasiib Daraa in Somaliland in ay sheeganeyso Dimuquraadiya laakiin shacabka Xaalkoodu Yahay Af Salax ku dhajin, waxaa xasuus mudan in aan Qaatay Qori aniga oo ay garabkayga Taagan yahiin Rag aad u faraban oo Wadaado ah kana socday Masjidka Salaaxu diin ee Magaalada Galkacyo Markii La qarxiyey Masaajid ku yaala Magaalada Burtinle Habaynkii oo Dhan Soo jeed ayey ii ahayd, Subaxii halkaas markii aan gaarney waxaa noogu yimid wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Hassan Abshir waxaana filaayaa in uu nagu dul ooyey oo dhaar isku Jeexay in uu soo xir xirayo Timaweyntii falkaas gaysatay, walow uu Ciidamo watay Hadana Waxaan ahayn Maalintaas Haybad laga qabo Takbiir ayaa Hal mar isla Yeertay, Allahu Akbar, Tuulooyinka aan soo marney Rucba iyo argagax ayaa ka dhacay waxaan soo Xasuustay Xadiithkii Nabiga: Waxaa la iigu gar gaaray in la iga argagaxo meel loo socda bil Markaan Marayo. Waxay soo xasuusteen dad weynaha reer puntland Dagaaladii wadaadada Allah ayaa Mahad is ka leh Culumo badan ayaa nagu dul ooyey haddii aan nahay shabaabkii Goobtaas Tagay, waxay ku dhamaatay in la soo xirxiro oo haddana mudo ka dib lagu Dhameeyo Qaab qabiil oo xataa C/laahi Kitaab lagu jiiday ka dib markii uu Timaweyntaas Jifo Hoose u noqday asagu waxaa kitaabkaas ka keeney in uu maro waa takbiirtii Allah Akbartii uu Maqley.

Haddii aad tiraahdo waa faan waxaan ku xasuusinayaa rag badan in Puntland ay ku Dhinteen oo waliba shakhsiyada C/laahi wax laga saarayey ma aragtay cid kitaab ka marsatay Doorka Culumada iyo Ducaadda iyo Isimada iyo Shacabka Bal Taariikhdu Waxay Suubisiyo Saadanbe aan Dhowrno. Haddii aad Maqan tihiin La idin ma oga waadna daahdeen Cod kiinana lama Hayo ee ha la Idin maqlo Haddii aad Seexateene Taariikh Madow ayaa idin ku soo socota ee bad baadiya Sharafta Zamzam Cirdigeedina u is taaga sidii aad ku soo Celin lahaydeen Ayada oo Umadahu ku Xisaab Tamaan maantay Sharafta waxa loo dhintaa loona Ordayaa ay tahay Sharaf Door ka aad ka Cayaartaan waxay Cashar iyo Daruus u Noqon Doontaa Umadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogto. Hadii aad dhagaha ka furaysataana:
Nin dharbaxo qudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade


Boqor Buur Madow Meeyey !!!


Boqor Buur-Madow, Oo Hadlaya, iyo Salaadiin kale
[Sept.26, 2003]

Boqorkii meeyey mase tolkiis iyo Raggii Caleema Saaray ayaa Caawin Waayey!!

  • Cadka Boqorka Nimankii lahaa Calalin Maayaane,

  • Bal Cibaaradaa Daya Nabsiga Looma Caal Heloe,

Runtii Boqorka Kaliya isima kama Joogo Somaliland Waxaa is Weydiin leh In Bulshadu Tiigsato Dhaqanka lagana danbeeyo Cuqaasha iyo wax garadka. zamzamay Sida Reer Tolkaa kuu Ciiley Amaa Boqor Buur Madow Loo Ciiley, Boqorow Isimada Somaliland-now iyo Cuqaasha iyo Wax Garadka Somaliland-now Waxaan Idin Xasuusinayaa Erayadaan

Nin dharbaxo qudheed dugsaday dhaqayaded Maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade

Shacabka Somaliland Aaway

Shacabka somaliland oo ku faani jiray Dimuquraadiyo iyo Xoriyad sidan Miyey la Qurux Badnaatay, Dhammaantood ma oran karno oo Qareeno loo Taxaabay xabsiga iyo ina Oomaarna Aragney laakiin ma aanan arag Shacab Mudaharaadyo samaynaya iyo wax kacdoon ah oo ku saabsan arinta zamzam, Malaha Sidaan ayey ku jiraan oo Gabaygaan Ayaan maqli Jiray Hadda ka hor Haddii aan Kaftan Ahaan u soo Qaado, kaftan Reer Magaalna Waa dhable ayey yiraahdaan:

Gartan Murugtay Xaajadan Malmalan, Miimamka Adkaaday
Shir Mutaysatay Waayeel Ambaday, Madaxyo Weyn Duushay
Kol Hadii Majliskii Isaaq, Ragi isku Maandhaafay
Miyaanay Godobtu wey muuqataaye, Nala Malayneynin?

Haddii ay tahay in la idin Maleynayo waan idin ka war sugaynaa, Zamzam na Xabsiga ayey ka dhex Booyeysaa waxayna ii muuqataa Ayada oo saan leh ama Eradaydaan qaadaysa: 
 Kol Hadday Abiid ii yihiin, oohintiyo Ciilku
Uurkii islaantii Maxaan, uga Abuurmaayay? 
Oofta iyo Hooyaday Maxay, Adhaxda ii Saartay? 
Allahayow Awoowiyo Muxuu, aabbe ii dhalayay?

Waxaan sugaynaa Doorka  Shabaabka Somaliland iyo Shacabka iyo Hooyooyinka iyo Gabdha Gayanka ah iyo Wiilasha Abtiyaasha looyahay iyo waxii damiir leh oo ku nool Somaliland.

Maamulka Puntland oo Halmar ka hadley

sida Qoraalo Badan loogu Sheegay Sida Maqaalka Walaalkay Fahad Yaasiin in maamulku Kaalintiisii Gabay oo uu halmar kahadley arinta Zamzam Maamul ku.
Mar aan lahadley rag aan saaxiibo nahay oo Maamul kaas ka mid ah waxay ii sheegeen in ay u Daawanayaan Si aysan Somali biri u eedaynin maamul ka Puntland waxuu kaloo ii sheegay in aysan Caradu Yarayn waxuu kaloo rajo ka muujiyey in mar ay Door fiican ka cayaari doonaan, Waxaad Moodaa Rajadaas in Ay tahay Mid ay  Eradayaan Cabirayaan sida aan anigu u turjuntay kor waayeel Waa wada indho ayey dhihi jireen somalidu 
                      Annagoo Makiinada Laliyo Moodhar ku ordeyna
                       Oo Caradu Naga Muuqataa Mowqifkii Imane
                      Eebbow Waxaan Maagganahay yaa Maslixidoonna

Laakiin xalku ma ahan Moodharo kaliya shacab bad baadadiis ma ahan mid in la baabi, iyaa Sida Dad ka Damiirka leh ay Garanayaa Mana, ahan Laba Maamul in ay Ku Dabakhaan Colaadooda Shacabka Somaliyeed Ragse Hadu Magliga soo Rogtoo kala Maqnaan waayo:
Muslin iyo kufriba Waa inay Maalin Diriraane
Maatada Rasaas Lala dhacaa Malaha Maamuuse !!!

Ma ahan in Maatada lalaayo Laakiin Dad Badan oo Somaliyeed ama Reer Puntland ah ayaa Xanaaq badan iyo Dulqaad la,aan ka muuqdaa Waxaa kaloo Xasuus Mudan in Dhawaaqa ka Baxaya Zamzam la Moodo mid dhaguhu maqlayaan oo ay Leedahay Arintu Aniga waa iga Weyn Tahay rag ayaa is haya Colaad Naag ka kacday iyo Candho Nirig ka kacday Midna Daawo Malahan Miyey Dhihi Jireen Somalidu Amay saan leedahay sida laga Fahmayo Cadifadda  Badan oo kamuuqata Saxaafadda
Gaaliyo islaamkuba Na dile Gooshka Maanta ah dheh
Gardarro iyo Leecaan nimo Baan ila Gudboonayn dheh
GadhkaYogolka, Way iga Fog tahay Godobta Taallaa dheh

Qaar Cadiifaddu Qaaday ama u Qiirooday Allah Dartiis waa Jiraan Maantay wax Aad looga Hadlayo ayey u badan tahay arinta zamzam waxaana ku filan Maqaalkii C/waaxid iyo Fahad Yaasiin oo Cadiifad badan ka muuqatay, runtii aniga mid Dhiiragaliyey  Shacuurtayda Dhaqaajiyey Ayuu ahaa.

Mudane Fahad Yaasiin ayaa ku Dhaliiley Culumada Wahaabiyada loo Yaqaano ee Somaliland joogta iyo Maamul ka Puntland in ay arintaan ka gaabsadeen walow Uu Qoraal kiisa ku xusay walaalku Hal mar in ay ka hadleen Maamulka Puntland laakiin Amay Xaal kaan Fahadow ku jiraan Haddii aan aqaano Shacabka Reer Puntland sida shakhsi ka mid Ah igu yiri:
Gun baan ahay Ganbo Cad baan xirnahay iyo Gar Naagode
Gashaantida Sideedoo kalaan Guur u Sugayaaye
Anigiyo Hablaha loo Galmoon Waa Gudboonnahaye
Gabo Gabo ugu Danbayntii Maamulka Somaliland

Waxaanu wadi doonaa Halgan ka Saxaafadda ilaa Zamzam aad u soo Celisaan Cirdigeedii iyo Xoriyadeedii Haddii ay Geeriyootana waa xaq laakiin idin ka hari mayso Saxaafaddu Waayo Murti Ayaa Oraneysa Afku Wuxuu la Xoog yahay Magliga Xawda kaa jara'e
Seefaxa iyo Magliga ayaan idiin haysan doonaa Qalinka Dhigi Mayno
Waxaana Taladaydu Tahay Aniga Gaar ahaan Gacmahuu Isaga Hiiliyaa Gacal Walaalaa dheh
Waayo Qalinkeena waxaan ugu hiilineynaa Zamzam idinka Hiil ayey idin tahay Haddii Alle Idin Garan siiyo waayo Suubanahu waxuu yiri walaalkaa u Hiili Haddii uu Gar leeyahay iyo Haddii laga Gar daran yahay !!! See ayaan ugu hiilineynaa haddii uu gardaran yahay ayaa La Weydiiyey rasuulka haddii uu gar leeyahay waa biyo kama dhibcaane Dulmiga ayaad ka Qaban ayuu Dhahay Suubanuhu Salawaatu Laahi Wasalaamu Caleyhi Taas ayaa Hiil kiisaa Dulmiga oo aad ka Qabatid  Haddii uu God Ama Meel Dab leh ku dhacayo oo uu san u jeedin Asagu waxaa shaki La,aan ah in aad ka qaban lahayd haddii aad tahay qof damiir leh Iyo diin.

Waaridka Zamzam Ma Walaalkaa Wiil ka Lahow Baa Wiil kaagana Walaal Kalahow Miyaa !!!  !!!! !!!

Halayaabin Oraahdaan Markaad akhrisaad ii Garaabi doontaa Somalidu Waxaa la yiri Been waa sheegtaa laakiin Been ma Maah Maahdo Waxaa Si Sir ah aan ku heley in uu Waaridkeed yahay oo abtigeed yahay laakiin Asaga Iyo Walaashiis wax ka dhaxeeyeen Haddaba Doqonimo Ha Ahaato Laakiin Soo run ma ahan Walaalkaa waxaad isku tihiin ayey Carruurtiinu Biri Isku Noqonayaa Ama Aad Carruurtii u Noqoneysaa Haddaba waxaa Wanaagsan In Markasta dad ku ilaaliyaan Walaal nimada ka dhaxaysa si ay Guul u Gaaraan Ayaga iyo ilmahooda Dad ku isku garasho mahan isku Garaadna ma ahan !!!

Laba nin oo walaalaa ayaa bari waxaa la yiri Col ayey ahaayeen Laba Ciidan Ayey kala wateen Maalin maal maha ka mida ayaa nin u yimid mid ka Mida Markaas ayuu yiri Nin yahow Gabadha walaalkaa dhaley ayaan kaa Rabaa ee Aad Adeer ka u tahay markaas ayuu nin kii fakaray walaal kiis ma Aadi karo Xabad gaashaan iyo waran ayaa u dhaxeeya talo ayaa ku cadaatay Ma uusan Labayn ee walaalkiis ayuu aaday asaga oo ciidan kiisii wata markii Uu Xaafaddiisii iyo deegaan kii uu daganaa soo gaaray ayaa Ciidamadii Walaalkuu u socday Heegan galeen markaas ayuu gacanta taagay nin kii Walaalkiis u socday kii kale ayaa ciidan kiisi amar ku siiyey in ay ka Warsugaan.

 Markii ay wada hadleen ayaga oo laba faras kala saaran ayuu yiri Habalow Nin Yaqaana Waxaan isku Nahay laakiin aan ogayn waxa na Dhex Yaal Ayaa Gabadha aan adeer ka u ahay ee habla ah iga soo Dooney waana Siiyey Allahu akbar Raggii hore ee Somaliyeed rag dheh Ragga hadda joogana rag karooni dheh rag la,aan ayey dhaantaa ayaan ka Wadaa inkastoo dad badan oo Cuqaala maantay jiraan haddana Waxaan Shaki ku jirin adiguba iska soo qaad haddii walaalkaa dagaal idin ka Dhaxeeyo gabar kama aadan doonteen ee markii magaciisa lagugu soo Qaado ayaad Dacaayad iyo cay u dhaqaaqi lahayd iyo aflagaado Laakiin Nin kaas waxuu miisaan saaray ninkan gabadha ka soo dooney in uu Yahay nin Walaalti madooda og taas ayaa xasuusta ku dhalisay ah Nin Waxa aan isku Nahay og laakiin aan waxa na dhex yaala ogayn ayaa Gabadha iga soo Dooney Walaalkii kale waxay jawaabtiisii noqotay Hablayo Adeer kaa Raac Gabadhii waa mid aabbaheed ka Haqabtiray in uu Ka qariyo Nacaybka u dhaxeeya asaga iyo walaalkiis Wey raacday adeer Keed oo faras kiisa ayey Ku booday Somali Haddii aan nahay Fiicnaan Lahaydaa in aan Garano Waxaan isku nahay waxa na dhex yaal sida Laba daas nin ayaan halmaami Lahayn  Hadda ayaad ii Garaabaysaaye Akhristow bulshada u sheeg Macnaha walaalkaa wiil ka lahow wiil kaagana Walaal ka lahow walaal haddii aad heshid wiil ayaad u baahan tahay wiilna Haddii aad heshid walaal ayaad u baahan tahay laakiin ilmahiinu biri Waxaad isku tihiin walaal kaa ayey isku Noqonayaan oo adigana Carruurta aad waaridka u tahay kuu noqonayaan Zamzam abtigeed Marka ay ugu yar tahay Haddii Damiir ku jiro waa is Casili Lahaa laakiin rag Ayaa sidii gaban caruusa cayaarsiinaya oo nin sare iyo caaqil baatahay Ku haya Colaad walaal timana u dheer sida ay la tahay.

Laakiin Ma ahan sida ay asaga hadda la tahay ee Taariikh Madow ayaa usoo Hoyatay asaga iyo Qoys ka uu ka soo jeedo marka loo eego Xeerka iyo Dhaqanka Somaliyeed laakiin Maalintii dibiga cad la cuney ayaa la i Cuney ayuu yiri sacii waxaa jiray dhowr sac oo carabtu ku maah Maahdo ama Xigmad ahaan u soo qaadato dhurwaa ayuu sacahaas u Hishiiyey oo yiri Saca cad ayaan cunayaa waan idin ka tagayaa idin ka idin Cuni maayo Markii Uu raqdii ka soo jeestay ayuu Handadaad iyo wareer ku Soo Gaaciyey Sacihii Mid ka mida ayaa tiri Maantay la ima Cunin laakiin Maalintii Saca cad ayaa la icuney Marka Dad ka wasiirka ku hayow kuwa Aabbow lahow Maantay Waa raqda Zamzam birina Darsi iyo Cashar fiican Ayaad qaadan doontaa !!!!

Masuuliyada Arinta zamzam Yaaqaadaya? Sida ay Sheegeen dad ka wax ka Qoray Arinta Zamzam

Waxaa Qaadaya Dhibaatada gaartay gabadhaas waxaa dhabarka u ridanaya Madaxweyne ku-Xigeenka oo Gurigiisa laga watay, Taliyaha Booliska, Xeer ilaaliyaha guud, Guddoomiya Maxkamadda, Askarta Faraxumeysay iyo Guud ahaan Xukuumadda Somaliland laakiin marna Dadweynaha Caadigaa shuqul kuma lahan.

Ustaad C/weli Bashir. Mr Dalboon Nairobi kenya  cdalboon@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD