SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Samsam iyo Ina Cige
Dr. Saadiq  Enow

enow2@hotmail.com


  •  Geel aarankiisu didey, ubadkiisa maxaad mooddaa - ina Cige wuxuu ahaa ninkii asturi lahaa oo cirrada madaxiisa ka muuqata darteed, wax badan xeerin lahaa.....

Saaka ayaan u fariistey inaan akhriyo maqaallo dhowr ah oo laga qorey Samsam Axmad Ducaale. Markaan gunaanadey baa waxaan dhegeystey wareysi uu BBC-da siiyey sarkaal la yiraahdo Maxamad Cige Cilmi. Waxaan is weydiiyey sidee buu nin ay da’diisu awoowe gaadhey, biliis sharci-yaqaan ah, taliye ciidan ka ah  gobol lagu amaaney nabad iyo xasillooni, ay uga suurowdaa in uu taageero buuxda siiyo dulmiga intaa le’eg. Ogaalladii xasuusta ayaan dib ugu laabtey, markaasaa waxaa ii soo baxay laba sheeko oo Soomaaliya ka dhacay laba wakhti oo kala duwan, kuwaas oo aad isu diidaya. Midda hore waxay tahay degmada Fiiq ayaa waxay leedahay xabaalo lagu aaso dadka dhinta. Waxaa lagu magacaabaa Xabaalihii Ina Cismaan Libaax. Waxaa loogu magac daray ninkii ugu horeeyey ee halkaas lagu aasey. Ninkaasi waxaa diley laba nin oo walaalihiis ah (ilma Cismaan Libaax). Sababta ay u dileen waxay ahayd, walaakood oo fara xumeeyey gabar inan ah. Dhacdadaas oo degaanka ugub ku ahayd ayuu eedsaday ninka halkaa lagu aasey. 

Sheeko kale ayaa tilmaameysa hoobashada xoogga weyn iyo xaalufka ba’an ee Soomaalida kaga dhacay xagga dhaqanka. Bilowgii sanadihii 90-aadkii, gabar gashaanti ah ayaa aqalkeedii niman budh-cad ah kala baxeen. Meeshu waxay ahayd Xamar, xaafadda Xamar-weyne. Budh-caddu waxay ahaayeen lix nin. Gabadhii waxay geysteen meel aqal ah. Halkaas ayay in muddo ah ugu rahmaneyd oo mid waliba uu goortuu doono u galmoonayay. Kadib markii ay laba ilmood u dhashay ayaa qaddartii Eebe waxay ahaatay in raggii budh-cadda ahaa ay ku dhamaadaan sharci-darradii iyo dhicii Xamar yiil. Gabadhaas iyo labadeedii ilmood ayaa maanta waxay ku nool yihiin degmo u dhow magaalo ay Somalidu ku badan yihiin. Markey qof Soomaali ah aragto waa ay ka cararadhaa oo cuqdad ayay ka qaadey cunsurka Soomaaliga ah. Gabadhaasi waxay kamid tahay kumanyaalka gabar, hooyo iyo xataa ayeeyo oo makastadu ay la gaareen farahooda najaasada ah.

Markaad wax ka indha-indheyso sheekooyinka tilmaamaya dhaqanka doorsoomey, waxaad qiyaaseysaa in dulmiga dunida ku wararaceynaya 90 % uu yaal Soomaaliya. Tobanka soo harey, markii ay maalintii soo meereystaan qaaradaha shanta ah, habeenkii waxay u soo hoydaan Soomaaliya. Taariikhdu waa garaangar socota. Dhacdo walba waxaa ka dhex muuqda dad clan-sidayaal ah. Samsam waxay noqotay gabadh lagu calaamadiyo dulmigaa xooggan oo ku habsadey dadkayagii.

Afafka dunida lagaga hadlo, intooda badan ayaa Qorraxda dheddigeeya (dheddig), Dayaxana labeeya (lab). Dayuxu kuma uusan helin labeyntii ammaan iyo itaal dheeri ah. Qorraxduna kama qaadin sharaf-dhac iyo taag-darri dheddigeyntii. Waxaa la hubaa in Qorraxdu kana kulushahay kana iftiin weyn tahay Dayaxa, inkasta oo Qorraxdu la yiraahdo (iyada), Dayaxuna (isaga). Waxaan sidaas ku tilmaami karaa Samsam oo ah (iyada) iyo jananka Ina Cige ah, oo (isaga) ah.

....Geel aarankiisu didey, ubadkiisa maxaad mooddaa.... maahmaah soomaaliyeed

Samsam waxay huwaneyd saddex hagoog oo mudna in ay ku ammaan hesho. Waxay ahayd lama-taabtaan da’  yar ah. Waxay ahayd gabar bir-mageydo ah oo mudan in la xushmeeyo. Waxay ahayd socoto marti ah oo ahayd in la maamuuso. Intaas waxaa weheliya, waxay dhex mushaaxeysay dhul Soomaaliyeed oo awoowayaashii gumeysiga ka kiciyay eeyan marnaba ku fekerin in saqiir Soomaali ah lagu silic dilyeeyo. Xataa hadduu khalad jiro, ina Cige wuxuu ahaa ninkii asturi lahaa oo cirrada madaxiisa ka muuqata darteed, wax badan xeerin lahaa. Soomaalidu waxay tiraahdaa Geel aarankiisu didey, ubadkiisa maxaad mooddaa. Waxaa Eebe mahaddiis ah in xilligii la af-miishaareyn jirey uu dhamaadey. Qof walibana falka uu ku kacayo iyo waxa uu oranayo waxay yihiin keyd, hadduu Eebe idmo, la hor keenayo dhowaan.

Haddii uu idlaadey dareen aadaminimo, haddii aanan  u danqan weydey Soomaalinimo, haddii aad ka hakan weydey xuduudda Eebaha boqorka ah, haddii aad ka dhowrsan weydey maalinta joogsiga iyo garsoorka, Ina Cigow ma garan weydey maamulka aad u deydeyeyso aqoonsiga dowladnimo, in eeyan waddadan ahayn tii lagugu soo dhoweyn lahaa. Haddii madaxda Soomaaliland ay ka madax adeygeen in ay wax ka qabtaan arinta gabadhan, waa haboon tahay in markaas Samsam la yiraahdo iska samir, uguma horeysid gabar Soomaaliyeed oo ay dhurwaayo meel cidla ah ku helaan. Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa waxaa lagala harey tix uu lahaa :

Dood waxaan u leeyahay dumarkiyo caruuraha
Dadkii idin ka weynaa haddey idin dulleeyeen
Denbi kamaaney yaabine cunney idin ka doorteen
Duuyaa la dhaafsadey Degtii aad geleyseen
Dab intey shideen bey dalaq idin ku siiyeen
Deex intey qodeen bey ciid idin ku duugeen
Dameerkuba ma yeeleen waxay talo ku deysteen.

Dr. Saadiq  Enow
enow2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD