SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Xeer Jabjab Lagu Furdaaminayo Dhibaatadii Loo Gaystay Samsam
  • Waxaa gebi ahaanba socon wayday weecintii kiiska lagu weecinayay ee ahayd Samsam waxay shirqooalaysay Axmed Yuusuf Yaasiin

Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
Email:
abdi172@hotmail.com

December 8, 2004

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargaysa waxay sheegayaan in si xeer jabjab ah lagu dhamaynayo dhibaatadii iyo tacadigii ka dhashay Samsam Axmed Ducaale, oo si naxariis darro ah ay u faro xumeeyeen ilaalada madexweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yaasiin horaantii bishii ogosto.

Ilo kala duwan oo ku sugan magaalooyinka Hargaysa iyo Boosaaso ayaa noo xaqiijiyay in madexweyne ku xigeenka uu eedda gabadhaas hadda rabo inuu iska fogeeyo oo uu saaro cid kale, kadib markii Samsam ay qof kasta u sheegtay in si xun loola dhaqmay oo waliba guriga madexweyne ku xigeenka lagu faro xumeeyay.

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in odayaal kasoo jeeda beesha Samsam hooyadeed kana tirsan maamulka S/Land ay hadda arrinta la wareegeen, kuna dhamaynayaan in marka hore lasoo daayo Samsam iyo waliba ciddii darteed loo xiray sida tagsiilihii geeyay guriga iyo 4tii qareen ee u doodayay samsam, bedelkeediina laga weeciyo dhibkii iyo faroxumayntii loogu gaystay guriga madexwne ku xigeenka, taasoo warar aan la hubin sheegayaan in larabo in la yiraahdo askar fakatay baa faraxumeeyay gabadha, kadibna xaal mastuur dawladdu ula xaajoodaan gabadha ehelkeeda jooga Hargaysa ee abtiyaasheeda. 

 
Waxaa gebi ahaanba socon wayday weecintii kiiska lagu weecinayay ee ahayd Samsam waxay shirqooalaysay Axmed Yuusuf Yaasiin, dhibkii loo gaystay gabdhaas ardayadda ahaydna waxaa ka dhashay in qofkii u dooda xuquuqdeeda loo hanjabo amasse la xiro, Haddase waxaa muuqata in maamulka Hargaysa uu maqlaayo ajnabiga sida Amnesty International oo dhawr qoraal kasoo saaray codsadayna in si dedega loo soo daayo Samsam kuwii gaystay gefkaasna lasoo taago sharci madaxbanaan oo caddalaad ku dhisan.
 
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
Email:
abdi172@hotmail.com

YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.
Faalladii December ee SomaliTalk... Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

»Boqor Buur Madow Meeyey !!! | Dalboon
»Samsam waa la soo dayn rabaa !! | Ducaale
»SAMSAM LOO GAFYEE MAXAA LOOGU AAR GUDAA? | Caynab
»SAMSAM " AQALKA M. KU-XIKEENKA I GEE" | Samatar
»Armaa Samsam la xabaal nololyey, war bal xabsiga eega!!  | J.B.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD