SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


TALAABO LA YAAB LEH,XIRIDDA QAREENADDII SAM-SAM U DOODAAYEY.

QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH XASSAN(XASAN CAR).
sharifhassan50@yahoo.co.uk 

Sida la wadda ogyahay waxaa intii dhoowr bilood ku xirnay jeelka Magaaladda HargeeysaGabadhaYar ee La Yiraahdo:-Samsam Axmed Ducaale oo u Dhalatay Cusmaan Maxamuud(Majeerteen),Abtigeedna Yahay Wasiirka Spotrtiga iyo DhalinyaraddaS/Land,Maxud Saciid Max,d oo ka Soo Jeedda Beesha Warsangeli(Harti), Degaanka Dhahar.

Eeda loo Heeysto Sam-sam Waxeey Tahay Basaasnimo,iyo in eey Waday Qorshe Lagu Dilaayo Madaxweyne ku Xigeenka S/land,Waa Sidda Xeer Illaaliyaha S/Land ku Soo Eedeeyey,Ilaa Hadda Weli Arrinta Maxkamadi ma Cadeeyn,Inkasoo eey Jiraan Arrimo Falal Xumeen ah oo Lagula Kacay Sam-sam Yarrey,Sidda eey Cadeeyeen Qareemadda u Doodaayey,Xaaladda Caafimaadna aad u Liito.

Haddaba,Waxaa mid si Weyn loola Yaabo ah in Afartii Qareen ee u Doodaayey Gabdhaas oo Difaacaayey Si Lama Filaan ah Maalintii Shalay 24-11-2004 Jeelka loogu Taxaabay,Kadib Markii Hogoomiyihii Maxkamadda Hargeeysa ku Xikumay Midkii Saddex Sano oo Xarig ah, Isagoo Fulinaayaa Codsi ka Yimid Dhanka Xeer Illaaliyaha Guud.

Talabaas ayuu Ujeedada ka Dameeystaa Tahay in Dacwada Sama-sam Ama Kiiskeedala Doonaayo in la Wajara Habaabiyo,Waayo Qareemadu Waxeey intii Muddo ahba ku Doodaayeen in Gabdhaas loo Jeeystay Waxyaabo Diinta,Dhaqanka iyo Dadnimaddaka Baxsan oo ah-Faro Xumeen Ciidanka Boliisku Geeysay,Waxaana Qareemadu Cadeeyeen Iyagoo Dhinaca Dakhaatiirta Soo Mariyey Sam-sam in Arrintaas Wax ka Jiraan,Markaas Xirigga Qareemadda Waxaa Weeye in La Waayo Cid u Dooda Gabadhaas Dambiga Weyn Laga Galay.

Afarta Qareen ee Jeelaka la Dhigay,Xukinkana lagu Qaaday Waxaa Arrinta ka Dameeye oo KiiskaSam-sam Yareey Dhinac ka ah Madaxdda Sarre ee Maamulka S/Land,Arrintuna Waxeey Keentay Sumcad Xumo Weyn, Sidee Hal Mar Si Kedis ah loogu Dhawaaqaa in La Xukumay Qareenada, Maxkamadu Waxeey Qaadeeysay DacwaddaSam-sam,Laakiin Markii La Arkay Meesha Xaaladu Mareeyso iyo Sidda Qareemadu Xaqa ugu Taagan Yihiin,Arrimahana Si Cad Miiska u Soo Dhigeen,Ayaa Arrintii Dhinac kalle loo rogay oo Habka Nidaamka Maxkamadda ka Baxsan, Habka Baarista Dambiyaddaka Baxsan,Hab Dambi Soo Oogidda ka Baxsan.

Waa Arrimo Qosol iyo La Yaabid Leh,waa ku Tumashadda Sharcigga iyo Hanaanka Maxkamadda,Waa Meel ka Dhac Weey oo loo Geeystay Xuquuqdda Qareemadda,Waana Arrin Iska Cad oo Looga Jeedo Luminta Xaqa Sam-sam Yareey,iyo LumintaXaqiiqadda Dhabta ah ee Meesha Taala,Waa Ayaan Darro Weyn,WaanaDhinaca kalle ee Colaadda iyo Dagaalka Hab Beeleedka ahka Dhex Aloosan ama lagau Hayo Beelaha Hartigga,Waana Mid Si Weyn u Dhawaceeysa Hanaankaiyo Sumcadda Cadaaladda S/Land,Waxaa Sidii ku Habooneyd Arrintaas Uga Hadlay ShebekadahaS/Landerka Qaarkoo oo Si Wacan Xaqiiqadda u Soo Bandhigay,Waana SiddaloogaBaahan Yahay Saxaafadda iyo Warar Baahiyaashada Xoriyaddaiyo Xuquuqdda Aaminsan.

-Ayaan Darro,Cadaalad Darro iyo ku Xad-gudbidda Xuquuqdda Qareenada iyo Sharafta CadaaladdaGuud ahaanba,Waxaa Dhiman Xeer Illaaliye Wasiirka Abtigeed ahna in La Soo Xirro,Sam-sam Yareeyna La Toogto,Maadaama aad Awooda Go,aan Qaadashadda iyo Xukun Joonta Adigu Leedahay,Mudane-Xeer Illaaliye Guud,Waana Sawir Cad Hanaanka Hey,adaha Garsoorka S/Land u Shaqeeyeen,Si Joogto ahna ugu Xad-gudbaan Xuquuqdda Dadka,Waana Cadeeyn Qeexan oo ka Turjumeeysa Cabashooyinka Joogta ah ee Muwaadiintu Ka Sheegtaan Garsoorka iyo Xeer Illaalinta iyo Ciidamada Amaanka S/land,Gaar ahaan Dadka ka Soo Jeedda Gobolka Sool,Bariga Sanaaga iyo Degmadda Buuhoodle,Waxeeyna Markhaati Cad u Tahay Warsaxafadeed Hadda ka Hor eey Soo Saareen Xildhibaanadda Labadda Golle ee Ka Soo Jeedda Beelaha Hartigga.

Sam-sam Hadii eey Tahay Reer Boosaaso(P/land),Daarood,Harti iyo Haddii eey Tahay Reer S/land(Dir waqooyi),Isaaq,Cadaaladu Waa Mid Keliya(Xaq Soorida),Dhex-dhexaad,ee Labo Waji Ma laha. -Xeer Illaalintuna ma Hogaamiso Cadaaladda iyo Go,aan Qaadashada Garsoorayaasha Maxkamadda,ee Waa Eed Soo Oogid iyo Dowlad Difaacid Xaqa ku Saleeysan,Balse Talaabadda Maxkamadda Hargeeysa Qaaday,iyo Eedeynta Xeer Illaalintu So Jeedisay Qareenadii Sam-Sam Yareey iyo Xukun ku Ridida La Gaaray Waa Ayaan Darro Weyn iyo Sidda Nidaamka Garsoor ee S/Land u Liito,Cadaaladana uga Fog-yahay.

Waxaa kalle oo Xusid Mudan Marka Howsha Dacwadu Socoto,Waxaa Hogaaminta ama Daadihinta iska leh Garsooraha Maxkamadda,Laakiin Xeer-illaaliyuhu Wuxuu Dhinaca Xuquuqddaula Siman-yahay Qareenada Kalle oo Qofka Difaacaaya,Waa Haddii eey Jiraan Xanaan Cadaaladeed iyo Hab Maxkamadeed,Balse Waxaa ayaan Darro Weyn ah In Habka Socodka Maxkamadda oo Iska Wato Xeer-illaaliyaha Guud ee S/Land, oo Mar walba ku Xad-gudba Howlaha Socodka Maxkamadda,Waxaa Tusaale u ah Tii Lagu Qaadaayey Dacwaddii Boqor Cusmaan Buurmadoow,oo Hab Nidaamka Maxkamadeed uu Xeer-illaaliyuhu ku Kacay,iyo Middan oo Arrimo Si Cad u Khilaafsan Nidaamka Maxkamadda iyo Habka Dacwo Qaadista uu Adeegsadaymtaasoo ah Awood Isaga u Gaar ah,Waana Nidaam Xumadda iyo Xad-gudubka Meesha Yaala.

Ujeedadu Iyadoo Iska Cad Waxeey Tahay Xuquuq Duudsanta Sam-Sam Yareey,iyo Caqalateenta Dacwadeedda iyo Sidii Loo Dabooli Lahaa Falalka Faro-Xumeenta ah ee Loo Geeystay,oo Qareenadeedu Cadeeynayaan,Taasoo Fadeexad ku ah Ciidanka Boliiska,Taliyahooda, Xeer-Illaalinta Guud iyo Golaha Cadaaladda,Waana Arrin Qiil loo Weeyey Kadib Markii Qareenadu Wax Walba iyagoo Cad Miiska Soo Dhigeen, Ilaa Ceeb iyo Fadeexad looma Dhinta,Raxmadii iyo Naxariistii,iyo Dareenkii Wanaagsanaaa ee Dadnimo Maxaa ku Dhacay,Miyaa la Illaaweey in Xukunka Alle Jirro,Jiri Doono,Su,aasha iyo Xisaabta Yuum Al-Bacat Halkee Laga Mari Doonaa,Xeer-Illaaliye,Garsoore.

Sidda ii Muuqata Qareenadaas Waxaa Lagu Cafin Karaa Haddii eey Ku Dhawaaqaan Ka Tanaasulidda Qareenidda Sam-sam Axmed Ducaale,oo Xaakinka Maxkamadda Hargeeysa Cadeeyey in aanay Wax Xaq Soor ah,Maxkamad Cadaladeed ah,Hanaan Garsoor ah oo eey ka Heleeysa Maxkamadda Hargeeysa Haba Yaraatee Jireen, Qareenadda u Doodaayana Dembilayaal Qaran Yihiin,Maadaama Qofka ee Wakiilka ka Yihiin u Dhalatay P/Land(Somaaliya),Majeerteen oo eey C/laahi Yuusuf Qabiil Wadagaan,iyo Kiiska oo Keeni Karra Dhaawac iyo in Dacwad Lagu Soo Oogo Afar Askari oo ka Tirsan Ciidanka S/Land,iyo Qaar ka mid ah Illaalidda Gaarka ah ee Madaxweyne ku Xigeenka S/Land,iyo in Maxkamadu Wax Weeydiiso Madaxweyne ku Xigeenka,iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Land,kadibna arrintu Fadeexad Weyn iyo Dhaawac Sumcadeed u Keenta Shakhsiyaadkaas oo Garsooruhu Marna ogolaadan Karrin Wixii Wax Yeelaaya oo Dhan, Cadaaladuna iyaga u Dhisan Tahay,Gabar Yar oo Reer P/Land ahna Awgeedna Dhaliilo loo Soo Jeedin Karin Masuulinta Qaranka,Laakiin Wuxuu Ilaaway in Cadaaladda Maxkamadda loo Simanyahay,Misan ka Maxadiisa kor Suran Wuxuu Tilmaamaaya Dheeli-tirka,Xaq Soorka Cadaaladda Maxkamadda iyo in Sam-sam iyo Masuulinta S/Land ugu Sareeyaa Dhinaca Cadaalad Maxkameed u Siman-yihiin.

Mudane,Garsoore Hayaan,Sam-Sam Beesha eey Ka Dhalatay Ma Bedeleeyso,Xaqiiqadda Jirtana Lama Duudsiyi Karro,Xaakinnimaduna Waa Shaqo Masuuliyad Weyn leh,Qiimo Weyn ku Fadhidda,Waana Mid Adoomaha Illaaheen ku Eegaayo. Laakiin,Talaabadda Maxkamadda Hargeeysa Qaatay Waxeey Daba Socotaa Arrimahan Sidda Xooga leh u Soconaayeey Beryahan:-

1-Arrin Samsam,oo Faxeexad weyn ku ah Xukumadda S/Land,Gaar ahaan Madaxweyne Ku Xigeenka,Taliyaha Ciidanka Boliiska, Xeer-illaaliyaha,Taliyaha Asluubta,Golaha Cadaaladda S/Land.

2-Xad-gudubyadda loo Geeystay Samsam oo kuwo Bani-aadaminimada ka Baxsan eeyna geeysteen:-

*Jir Dil Xoog waxaa u Geeystay Illaaladda Gaarka ah ee Madaxweyne ku Xigeenka(Waana Saaddex Nin oo Dhalinyaro ah oo Madaxweyne ku Xigeenka Adeer-Yahay).

*Afar Askari oo ka Tirsanaa Saldhiga Dhexe ee Hargeeysa,oo Loo Garanaayo.Laakiin Hadda Laga Bedelay Saldhigaas iyo Magaaladda Hargeeysaba.

*Xeer-illaaliyaha Guud,oo Dhoowr Jeer Diiday Codsi Qareenadda Samsam u Soo Gudbiyeen oo ku Sabsanaa in Gabadhaas oo Xaaladeeda Caafimaad aad u Xumaatay,loo ogolaado in Dakhaatiirtu Aragto,Sidoo Kalle Baaritaan Lagu Sameeyo Fara-Xumeenta loo Geeystay,Sidoo Kalle Taliyaha Jeelka Dhexe oo Isna Diiday in Dakhaatiirtu Aragto Samsam.

*Maxkamadda Hargeeysa oo Iyana Diiday in Codsiga Qareenadda la Ogolaado,Iyadoo ogaatay Waxyaabaha eey Sheegayaan in eey Run Yihiin,Fool Xumadoodana Leeyihiin,Dhaawac Weyn u Yihiin Hanaanka Cadaaladeed ee S/Land,Masuuliin Qarana Wax ka Soo Gaari Karaan.

*Xiisadda ka Taagan Gobolka Sool iyo Arrinta Samsam oo Culeeyskooda leh,S/Land iyo P/Landna Si Weyn Isha ugu Hayaan, Dhaliisha ka Soo Baxdaana Cambaareeyn ku Noqon Karto Maamulka.

*Sam-sam oo C/laahi Yuusuf eey isku Beel yihiin,Ayaa Meesha ku Jirta.

*Arrinta Samsam oo eey Wadaan Qareeno Si Weyn ugu Xeel-dheer Sharciga iyo Difaacidda iyo Golaha Illaalinta Xuquuqdda Dadka S/Land oo iyana Arrinta ku Jirra oo Culeeyskooda Wadda.

*Samsam,oo ah Reer Boosaaso P/land,Majeerteen,Faqasha Harti,Daarood Hadhaagii Af-Weyne,Sidee ayeey ugu Doodaan Qareeno Aqoon Weyn leh oo Reer S/Land ah,Ayuu Yirri Garsoore Hayaan Markii uu ku Dhawaaqaayey Xukunka Qareenadda,War Waad Waalan-tihiin ee Jeelka ku Soo Miyirsadda Looyaro.

*Garsoore C/Raxmaan Hayaan,Waa Gutay Waajibkiisii iyo Amarkii La Soo Siiyeey,Wuuna Illaaliyey Sumcad Cadaaladda iyo Sharafta Masuuliinta Qaran, Wuxuuna Mudan Yahay Abal Marinta ugu Sareeysa ee Dalka, Wuxuuna Tusaalle u Yahay Hanaanka iyo Nooc Garsoorayaasha Sida Weyn ugu Dhaqma Cadaaladda iyo Xaq Soorka ee Maxkamadaha S/Land, Maasha Allaa, Maasha Allaa, Cadaaladda, Cadaaladda, Cadaaladda Garsoore Hayaan,(Garsoore Hayaan,Alla Ninku Cadaaladda iyo Garsoorka ku Dheereeyee),Waa Nin Xaqaani ah,Xilkas ah,Dadnimo Wanaagsan leh,Waxaa kuu Cadeeynaaya Go,aanka uu Gaaray ee Cadaaladda,Garsoorka iyo Curifka Sidda Weyn uga Fog, Wuxuuna Ceyb Weyn u Soo Hooyey Garsoorayaasha S/Land.

*Waxaa mid qosol leh War-saxafadeedka Gudoomiyaha Maxkamadda Hargeeysa oo arrintii Xadhiga afarta Qareen kaga hadlaayeey,oo aan wax haba-yaraatee Macquul ah ku soo Bandhigin,waayo Arrinta ayaa Xaq darro weyn ku Dhisan,waana Xiritaan looga Jeedo Majara Habeenin,Laakiin waxaa Soo ifbaxayaa Baaqyo ka imanaaya Amneystiga oo Arrin Samsam ka Hadlaaya Raaqiyo Omaarna ka Dameeyso.

*Samsam Arrinteedu Ilaa Intee Cusub Doontaa,Ma Mucjisaa Mise Wax La Qarinaayo ayaa Jirra,Markii Arrintaasu Si Dheeraataba Dhaliilaheeda ayeey Yeelaneeysaa.

Fiiro Gaar ah:-Dhibaatada loo Geeystaa Gabar Somaaliyeed waa Gaf iyo Xadgudub Xuquuqeed,Waana dadnimo xumo iyo Dulmi Weyn oo La Gelaayo Haddii La ogyahay Dhacdo Fool Xumo leh oo la Teegeero ama laga aamuso,Waxaan Arrintaas u Geedaa Dadka Reer Bosaaso Haddii eey Dhab tahay oo eey Jirto Arrin Fara-xumeen ah oo loo Geeystay Gabar u Dhalatay S/Land,Waa in Arrintaas La Xaqiijiyaa oo Laga Kacaa,Cid Falkaas Geeystaneyna Maxkamadda la Hor-Keenaa, Wana Arrin Si Weyn eey Masuuliyadeeda leeyihiin,Culimaa,udiinka, Cuqaasha iyo Waxgaradka Reer Boosaaso,Runtii Dad Badan oo Jooga Magaaladda Boosaaso ayaan Arrintaas Wax ka Weydiiye oo intuba igu Yirri Waxba kama Jireen,Hadana Mar kalle Ayaan Ugu Baaqaayaa Dadka Dadnimadda iyo Sharafta leh ee Magaaladaas ku Nooli in eey Si Ded deg ah arrintaas Xaqiiqadeeda u Baaraan,una ogaadaan wixii ka Jirra,Lama Ogolaan Karro Wax Xadgudub ah oo Qof Bashar ah loo Geeysto,Waxaan Si Weyn uga Codsanaayaa Ummadda Reer Bosaaso in La Xaqiijiyo Arrintaas oo haddii eey jirto Ciddii ku Kacday Sida ugu Dhakhso badan Cadaaladda loo Hor-keeno,haddii kallena la cadeeyo in aanay jirrin,is difaaca iyo been abuurna lama ogolaan karro,ee xaqiiqadda ayaa la rabaa.

-ALLA MAHAD LEH-

-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH XASSAN(XASAN CAR).
Dec-04-2004.
sharifhassan50@yahoo.co.uk 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD