SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Armaa Samsam la xabaal nololyey, war bal xabsiga eega!!

J.B. "Shabeel yare"
yooonis_982@hotmail.com


                   Mahad ilaah baa leh,nabadgalyo nabi maxamed korkiisa ha ahaato.

Arintaan lagula dhaqmay  Innanta yar oo ardayadda ah Samsam Axmed Ducaale  oo ku soo habowday maamul ku sheega Somalilayn ninka ku xigeenka inna Riyaale iyo askarta maamulkiisa ee isugu jira farxunmaynta,,jirdilka iyo jowfarka kale ee marnaba ka xaarasan dhaqanka Somaliyeed,diinta Islaamka iyo shuruucda iyo qawaaniinta u degsan xuququl insaanka aadanaha oo dhan (human rights).

Waxaan halkaan aanu ka cambaraynaynaa mamulka madax dhul la dhaca ah oo cadaystay in uu dhagaha ka furaysto Codka Shacabka Somaliyeed oo aduunka afartiisa dacal mar kaliya Ooda soo jabiyey iyo waliba Hay`adha Caalamiga ah oo u dooda xuquuqda Aadanaha,kuwaasoo ay ugu dambeeyeen Afartii Qareen oo Xabsiga loo taxaabay,malaha dhaqanka xabsigaa Hargaysaad iyo Tacadiyadda loo gaysto mawaadiniinta Soomaaliyeed kaba xun AL-Quraybkii Ciraaq.

Waxaanu u sheegaynaa mamulka magac u yaalka ah ee inna Riyaale oo Maxasta,Maatada iyo Birmagaydada Somaaliyeed shafka u garaacay in uu gumaado oo gowrac ku jiido in ay masúuliyadeeda ay qaadayaan iyaga oo qura ee ay na la wadaagin shacabka rayadka ah in kastoo dadka Somaaliyeed is waydiinayaan tolow waxa ay u aamuseen shacabka reer waqooyi Galbeed haday lahaayeen Culimo,Caamo, Ciroole, Caaqilo, Salaadin iyo waliba Indheer-G.iyo aqoonyahan.

Iyada waanu garanay oo araganay aamuska saxaafadda iyo garba gorayaynta ay ku sameeyeen Sasam.
Intaa waxaa ii raaca,waxaan halkaan mahad uga soo jeedinayaa Innanta Raaqiyo Oamaar sida Codkeeda ay ugu dheeraysatay iyo waliba Jamaahiirta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey Fawaaxishka Foosha xun oo Qowlaysatadu kula kacday  Ardayadda yar Samsam ee ka dul dhacday ayadoo habow ah Godka Mici- gamaaraydu ku uus xabaalatay.

Waxaa markhaati ma doonto ah in mamulka in Riyaale ay isga qasanyihiin xurgufta u dhaxaysa Puntland iyo Soomali wayn oo meel ah iyo ka falaagowga Somalilayn oo meel ah taasoo ay ku dabakheen in ay dhibaato iyo Qunjuraaf baas ay kula gurya noqdeen dadka birmagaydada ah sida dhalaanka yar yar oo Samsam oo kale ah iyo shacabka rayadka ah oo aan is difaaci karin.

Xiqiiqadii waxaan ku waafaqsanahay intii iyo oraahdii ay ka yiraahdeen dadka faraha badan oo Soomaliyeed oo wax ka yiri ayagoo cabiraya damiirkooda Bini'aadantinimo,waxaana ka mid ahaa erayada hoos ku xusan:.

"Dhibaatada gaartay gabadhaas waxaa dhabarka u ridanaya madaxweyne ku-xigeenka oo gurigiisa laga watay, taliyaha booliska, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiya maxkamadda, askarta faraxumeysay iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland laakiin marna dadweynaha caadigaa shuqul kuma laha"

J.B. "Shabeel yare"
yooonis_982@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD