SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA  - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

SAMSAM::
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |


Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?

Cabdillaahi Cawed Cige

Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta internet-ka, laga hirqaday waxa ka mid ah awoodda qofku u helay inuu waxa uu doono, meesha uu doono, goorta uu doono, isaga oo aan Eebbe iyo aadami midna ka baqanayn iska yidhaahdo.  

Waa guul aad loogu riyaaqo, gaar ahaan haddii aad fidmowale, tuug, geedismaris ama dhagarwade tahay. Inta aad been buurtii Surrad ka culus oo quruumo isku rogikarta soo dhisto ayaad hawada ku tawsiinaysaa, waa taas malaayiin ‘run u qaatayaal ah’ oo wixii loo sheego sida midhaha darayga u liqayaa toos isu dhaafiyeen ee uunka dacalwalba gaadhsiiyeen. Adiguna waa ku kaas dib u fadhiistay ee qalbiga munaafaqaddu yuururto maalmaha khayrka leh ee Ramadaan meel ifka ku taal la dingiiga ee sidii qof Qudus xoreeyay isu bogaya! 

Waxa maalintii bisha Sebtambar 24ka ahayd, sannadka 2006, bogga sumaddiisu tahay radiolaascaanood1.com  soo dhejiyay fiidyow cinwaan looga dhigay; “jidhdilka iyo foolxumada ka jirta xabsiga Hargeysa oo argagax leh daawo falka lagula kacay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil.”  [Video-ga ka daawo halkan...]

Fiidyowgan oo sheekadiisu imika gaadhay mashriq iyo maqrib waxa aan daawaday afar jeer. Aniga oo ka talo qaadanaya maahmaahda ah; “Muslinow run sheeg, Muslinowna run uga qaado” ayaan doorbiday in aan idinla wadaago xogta iiga iftiintay sawirka, oo u muuqata mid ka dhuumatay dad badan oo fiidyowga daawaday oo sidii midhaha darayga ku liqay wixii meesha ku jiray. 

Waxa aan marka hore afeef ka dhiganayaa in aan qoraalkaygu ku socon Shiikha la magacaabay iyo xaaladdiisa, xabsi iyo xor ka uu yahay, islamarkaana aanan gudagelayn rikoodhka iyo raadadka xuquuqda qofka ee xukuumadda Somaliland, taas oo ah sida aan qabo mawduuc kale oo ballaadhan oo dood kale lagaga hadlikaro. Waxa keliya ee aan jecelahay in aan daaha ka qaado Fiidyowga bogga radiolaascaanood1.com faafiyay iyo nuxurkiisa, run iyo been ka uu u eg yahay. 

Fiidyowgu wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah:- 

  1. Waraysi iyo
  2. Jidhdil

1. Waraysiga: 

Fiidyowgu wuxuu ku bilaabmayaa waraysi lala yeelanayo nin soo fadhiya oo gashan funaanad gamco go’an iyo macawis. Ninku wuxuu fadhiyaa qol u eg mid aan si fiican loo talbiisin, meesha wax gogol ah oo ka muuqataa ma jiraan aan ahayn buste dhulka ku goglan oo ninku ku dulfadhiyo. Waxa aan malaynayaa in meesha afar qof joogaan, mid waa ka kamaradda haya, labana laba rikoodh oo yaryar ayay bidix iyo midig ka soo taagayaan oo hor hayaan ninka afraad oo ah kan wadaadka lagu tilmaamayo.  

Ninku wuxuu u muuqdaa in gamcaha iyo addimaddu isku xidhan yihiin, marka hore qaarkiisa hoose lagu tusimaayo. Waxa aad arkaysaa laba gamcood oo dhinacyada ka soo taagaya rikoodho yaryar oo kuwa wariyayaashu adeegsadaan u eg. Weydiimo aan qaabaysnayn oo mawduucyo kala duwan marba mid u boodaya ayaa ninka lagu boobayaa, muxaadarooyin baa wax laga weydiinayaa, Itoobiya, Maraykanka oo masaajid gudihiisa wax lagaga sheegay, shirar la leeyahay waxa aad la yeelatay SNM iwm. 

Ninka dhinaca bidixda rikoodhka ka soo taagaya ayaa mar aad ugu soo dhowaanaya ninka wax la weydiinayo oo madaxa korkiisa gacantiisa bidix ka saaraya. Mar buu ninka wax la weydiinayaa u muuqdaa nin weydiimaha qaarkood maad ula ekaadeen oo uu qoslayaa, nin aan filayo inuu yahay ka kamaradda haya ayaa xusuusinaya in aanu qoslin, isaga oo u muuqda in lagu qabtay ayuu qosolkii iska bi’inayaa, se waad garanaysaa inuu isku hayo inuu qoslo. 

Halkaas marka ay marayso sida aniga ii baxday waxa qofku helayaa xog ugu filan inuu kala saaro maad iyo murugo midka meesha ka socda. Waxa nimankii ninka wax weydiinayay ku wargelinayaa in imika waraysigii habeen loo beddelayo. 

2.     Jidhdilka 


Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Video-ga ka daawo halkan...

Jidhdilka waxa samaynayaa isla labadii nin ee waraysiga qaadayay. Ninka dhinaca midig rikoodhka ka soo taagayay waxa gacantiisa midig imika ka muuqda wax suunka labku dhexda ku xidho u eg, ninkii dhinac bidix rikoodhka ka soo taagayay isagu wuu faramadhan yahay, aan ka ahayn rikoodhkii.  

Si qaab daran ayaa qaylo iyo laad iyo dhirbaaxo ninka loogu bilaabayaa, ninkii suunka haystay ayaa meel ninka dhinaciisa bidix ku beegan oo dhulka ah si xoog ah suunkii ugu dhifanaya. Dhammaan gamcaha iyo lugaha ninka lagu fiiqayaa inta badan taabanmaayaan ee way u dhowaanayaan, marka ay taabtaanna waad garanaysaa in aanay waxba yeelayn. 

Waxa kuu muuqanaysa aragti shaki leh, ninku wuxuu metelayay inuu xidhan yahay oo labada gamcood iyo labada addin silsiladi isugu xidhan tahay, mar horeba gacantiisa bidix way dhuunsatay oo waad arkaysay inuu si hawl yar meeshii uga saaray, imika se labadii gamcoodba way furan yihiin oo wuxuu metelayaa nin isaga dhigaya nabarrada ku soo socda. 

“Waxaad doonaysaan baan idiin saxeexayaa”, hadallo ay ka mid yihiin ayuu odhanayaa. Mar baad dareemaysaa iyada oo kaftankii laga daalay oo ninku caadiga isaga soo fadhiistay. Ninkii dhanka bidix ka xigay ayaa rikoodhkiisii yaraa ka dhigaya laydh ninka lagu dhejinayo oo qoorta kaga macmacaya. Si fudud oo aad mooddo in lagu ballamay ayuu dhinac midig isugu tuurayaa. “Laydhka iga daa”, iyo hadallo noocaas ah ayuu odhanayaa.  

Marka ay dhacdada oo dhammi soo gebagebawdo waxa aad maqlaysaa hadallo aad ka fahmayso, “Soo kici, ina keena”. 

Nuxurka sheekada: 

Sheekada fiidyowga ku duuban waxa iiga soo baxay in ay tahay macmal, weliba ay sameeyeen dad aad u farsamo xun, waxa ay ka tageen oo ilbidhiqsi kasta oo fiidyowga ah ka muuqda raadad aad u tiro badan oo xitaa aniga oo aan weligay cid wax baadhaysa arag sida dayaxa iigu muuqday. 

Waxyaabaha marka hore sheekada dhab ahaanteeda tuhunka kaa gelinaya waxa ka mid ah qaabka weydiimaha loo weydiinayo iyo nuxurkooda, waxa aad mooddaa niman siyaasi waraysanaya oo ra’yigiisa weydiinaya, xitaa qaabka ay isu dhigeen waxa ay u muuqdaan yaryarka bogagga usoo warrama.  

Waxa kuu baxaysa in sheekada la sii dhisay, mar baa nin u eg kan kamaradda hayaa weydiin dhiibanayaa loogu talagalay in lagu baadho sida ninku u arko xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dadka walaalaha ah, sida uu hadalka u dhigayo, ee Itoobiya iyo Somaliland. Ninka la waraysanayo su’aashaasii si kale ayay ugu dhadhammaysaa, wuxuu odhanayaa; “Waa dad xaqooda u dagaalamaya” isaga oo ka hadlaya dadka Soomaaliyeed ee ay Xabashida ishayaan.  

Waxa iyana ciyaar ah silsiladda iyo qaabka ninka loogu xidhay. Waxa maqan habayaraatee dirays ciidan iyo hub nooca uu doono ha noqdee. Rikoodhkii wax lagu duubayay ayaa laga dhiganayaa aalad laydh oo wax lagu gubayo.  

Mararka ugu ciyaalsan ee cidda fiidyowga samaysay kaftankooda munaafaqnimo debedda soo dhigaysaa waa marka ninka jidhdilka khiyaaliga ah lagu samaynayo, waxa aad arkaysaa cag nin weyn oo kolba dhulka bac lagaga siinayo iyo nin kale oo weyn oo aan weligii meel wax lagu metelayo arag oo lagu yidhi iska dhig nin la dilayo. Addimada laga girifgirifsiinayo iyo farsamoxumadoodu waxa ay i xusuusisay dagaalkii qaraamiga ahaa ee Basbaas iyo Huryo(AUN) dhexmarijiray. Weli sida Basbaas islaantiisa laad uu uga tudhayo dhuuca ugu geliyo ma aragtay? Tiisu waa jilaa dhab ah, se ta halkan ku duubani waa tu jilaa khibrad yare ahi macmalay. 

Qosolka ninka la jidhdilayaa la dhoolacaddaynayo ayaa iyana muujinaysa raad kale oo ay seegeen in ay ka digtoonaadaan dadka fiidyowga sameeyay, nin kale ayaa is odhanaya ka saar dhiidhiga jilaagu galay oo odhanaya, “Ha qoslin”, taas oo aan waxba tarin khashiinnimadoodii oo ay sii caddayso mooyaane.  

Dhammaadka sheekada ayaa iyana lagala soo bixikaraa in nimanku ay wada socdeen oo waxa meesha ka socda isla ogaayeen, sida ninka kamaradda duubayaa u odhanayo ina keena iyo sida ninka la metelayo in la jidhdilayaa ugu hinqanayo inuu soo kaco ayaa tan ka markhaati furaysa. 

Gebgebo: 

Ujeeddada iyo faa’iidada qof uga fadhiyo inuu kasbado samaynta fiidyowgan kama warramikarro, waa se oo keliya aynu mutuhinkarraa, waxa se aan shaki ku jirin oo cad in fiidyowga iyo sheekaduba yihiin been abuur ay samayntiisa ka muuqato taxaddir la’aan, aqoon gaabni dhinaca farsamada, isku dubbaridka iyo maaraynta ah, se ku talagalka dhaawac iyo aafada lagu wado inuu geystaa waa mid baaxaddiisa iyo fidnadiisa leh.

Cabdillaahi Cawed Cige,
edleh@hotmail.com

Liverpool UK  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD