SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Adigana cidhiidhiga annagana ceebta!!!

Amaana Alla
Ismail A. Awad
ijali2003@hotmail.com

Inanta Hargeysa lagu dulmiyay waxbadani iigama banaana ka hadalka xaalkeeda waayo hortay baa aad arinkeeda looga hadlay, waxaanse doonayaa inaan inyar ku darsado cadaalad darada kugadaaman.

Wax kasta oo inanta socodkeedu markii hore ahaa ceebta meesha ka dhacday maaha mid loo cudurdaari karayo. Walaasheen waxay weyday ugu yaraan lix xuquuqood oo ay xaq ulahayd waxayna kala yihiin:

1- Xuquuq caruurnimo. Inantu waa 16 jir baa la yidhi, taa macanheedu waa caruur xitaa haddii laga shakiyay waxay xaq ulahayd in loola dhaqmo sidii ilmo laga shakiyey;
2- xuquuq dumarnimo. Dumarku dhaqankeena iyo bulshadeena waxay kuleeyihiin xurmo iyo qadarin, xitaa haddii laga shakiyay qaabka ay guriga ku timi waxay xaq ulahayd inay hesho xuquuqdii dumar ee dhaqankeenu siiyay;
3- xuquuq Soomaalilaanimo. Hadaanan khaldanayn inantu waa reer Badhameed distuurkeenu xuquuqda muwaadinka aad buu udhawray
4- xuquuq Soomaalinimo. Waa gabadh Soomaaliyeed, waa la yaqaan inanta Soomaaliyeed xaqa ay kuleedahay bulshada Soomaaliyeed ee ay dhex joogto, distuurka Soomaalilandna aad buu u ilaaliyay xuquuqda shakhsiga;
5- xuquuq muslinimo. Walaasheena muslinka ahi xaqa ay inagu leedahay diinteena xaniifka ah baa inoo sharaxday iyadoo safar ahna warkeedaba daa.
6- xuquuq biniaadaminimo. Qofkastaa wuxuu leeyahay xuquuq illaahay siiyay oo dhawran, cidina aanay ku xadgudbi karayn diinkasta ha aaminsanaado, midabkasta halahaado, isirkasta haka soo jeedo. maamulkasta iyo bulsho kasta waxaa ku waajiba dhawritaanka xuquuqda aas aasiga ee shakhsiga.Distuurka soomaaliland na wuxuu aad udaryeelayaa xuquuqda qofka.

Nasiib daro inantani lixdaa xuquuqood midna looma dhawrin, waxna lama xeerin. In kastoo arinta Milgo qalbi xanuun ku riday qofkasta oo reer Soomaaliland ah haddana waxaa aad ii farxad gelisay sidii ay ugu gurmadeen afartii garyaqaan ee cadaaladda raadinteeda loo xidhay, waxaa yididiilo iyo niyad wanaag igelisay sidii ururka Somaliland forum, oo ay ku midoobeen waxgaradka reer Soomaaliland ee qurbaha joogaa, uga hadleen arinta inanta. Waxaa xusid mudan sida shicibka Soomaaliland dhamaan arinta uga murugaysan yahay. Waxaanse la yaabanahay guusha dawlada soomaaliland ugu jirta leeleelinta ilmahan yar.

Waxaa arinta inanta iiga soo baxday inaan shacabka Soomaaliland dawlada lahayn laakiin dawladu iyadu shacabka leedahay waayo hadii dadku dawladu leeyihiin dawladu waxay qadarin lahayd dhawaaqa dadka, distuurka qoran, dhaqanka dhowran, diinta barakaysan iyo dadnimadda bini aadaminimo laakiin siday doonto dadka ulamay macaamisheen.

Waxaan kaga baxayaa seddex erey oo aan Milgo leeyahay:

1- Adna cidhiidhi inaad gasho annana ceebi na raacdo waa arin xagga Alla laga qadaray
2- Waxaad ogaataa in shicibka soomaaliland kasoo horjeedaan dhibta iyo xaqdaradda aad la kulantay, qalbi ahaana ay kula xidhan yihiin
3- Waxaad ku uursamataa inaad adigu tahay qofka guulaystay waayo waxaa kula safan inta cadaalad- daradda neceb waxaanad astaan u tahay cadaaladda.

Amaana Alla
Ismail A. Awad
ijali2003@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Nin Ka Diday Hablihii Iyo Kuwii Ubad Jaqsiinaayey.. Allahayoow Baryada Naga Ajiib Kuu Ergaan Nahaye"

ZamZam Jama | USA

Waxa aan doorbiday in aan arintan Samsam aanan wax ka odhan inta maxkamadda Hargeisa,ee dhegaysanaysa dacwada lagu soo oogay inantan Samsam iyo inankii gaadhiga kuwaday ee Cumar ay socoto. Mar haddiise la xidh xidhay afartii garyaqaan ee iyagu difaacayay, waxay ila noqotay in ka war dhawrista natiijada dacwadaa maxkamadaa ka socotaa noqonayn mid macno weyn samaynaysa.

Waxa aan liqi waayay, iina cuntami wayday dawladdeenii dhamayd ee Somaliland iyo Madaxweyne kuxigeenkii wadanka ayaa inta ay maxkamad horyimaadaan odhanaya gabadh 17 jir ah, oo reer Boosaaso ah, waligeedna aan hore u arag Somaliland ayaa reer Puntland usoo diranayaan in ay basaasto madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Horta waa yaabe, maxaa laga basaasayaa madaxweyne kuxigeenka?
Mise waxa inantan laga raacay Riyadii Madaxweyne ku xigeenka ee la sheegay in uu yidhi todabaad ka hor intii aanay inantani kasoo bixin Boosaaso ayaa la igu tusay Riyo in gabadh reer Boosaaso ihi ay halkaa ka imanayso si ay mu'aamarad iigu maleegto.

Waxaan dhagaystay waraysiyadii iyo dacwadihii kala duwanaa ee ay xukuumadu ka bixisay arinatn Samsam, wali waan la'ahay nasiib daro wax cadayn ah, ama ii cuntami kara oo aan qiil uga dhigo xadhgan iyo eedayntan basaasnimada ku shuqulka leh, ee gabadhan reer Boosaaso loo soo jeedshay.

Ka daran oo dibi dhal waxa intaba sii yidhi, sida foosha xun ee Hay'adii sirdoonka Somaliland iyo Booliska Somaliland ay labaduba u maareeyeen arinta gabadhan. Waabay dhici kartaa in shaki yimaado, laakiin waxa aan la fahmi karin sababta ay ugu muuqan wayday, in markii ay gabadhaa waraysteen ee ay arkeen in aanay ahayn qof basaasada ama mu'aamarad kale maleegaysa, ay markaa isaga sii daynwaayeen. Intii aanay talo faro ka haadin, arintuna sidan u sii cakirmin, oo aanay shan bilood ku jirin jeelka.

Waxa aan shabakadaha wararka iyo wergeysyada qaarka mida ku arkay shakhsiyaad iyagu difaacaya ama qiil u samaynaya dawlada, kuwaas oo farta ku godaya Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ka jira, oo ay leeyihiin arinkan way buunbuuniyeen. Qolyahaas waxaan leeyahay, xukuumada Riyaale waxaa igaga filan markhaati sidii ay ula dhaqantay labadii hablood ee ay ku jidh dileen xabsiga Hargeisa, hablahaas oo waxa kaliya ee ay sameeyeen ahayd in ay ka qayb qaateen mudaharaad ku muduciya madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa. Markaa ma askartii iyo NSS tii u nixi wayday hablahaa deegaan ahaan u dhashay Hargeisa. Kuwaas oo sidii qoriga dabadiisa loola dhacayay ay sababtay in ay soo gaadhaan dhaawacyo ay noqotay in dhakhtar loo dhigo, maxaan ka fili in ay ula macaamilaan gabadhaa reer Boosaaso ?

Hadiibase iminka khalad yimid, ileen bani aadam baynu nahay oo markasta ma saxsanaan karno, maxay xukumadeenu u diidaysaa in ay qirato in arinta Samsam si xun u dhacday, imikana ay isku dayayso in ay wax saxdo. Arintan Samsam ilaa maalintii sheekadeedu soo baxday, ilaa maanta waxaan ceeb iyo magac xumo ahayn inoomay soo jiidin. Waxa aynu ka war haynaa in xitaa ilaa Amnesty International ay arinteeda ka hadasho, oo ay Somaliland ku canbaarayso sida ay gabadhaa ula macaamishay.

Ceebtaas iyo calool xumadaasna waxa inoo keenay, ee ay hoos imanaysaa waa Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynaha, oo faalkii iyo fooxlaysigii la marayo iminka in ay yidhaahdaan gabadh 17 jira oo reer Boosaaso ah, ayaa wax na yeelaysa. Nimanyahow waxa aan idin leeyahay Somaliland rageeda madaxda ah waxa lagu yiqiin geesiyaal aan libiqsan, oo xaq u dirir ah. Idinkuse garanmaayo waxa aan idinku tilmaamo. Siyaad Bare, oo wuxuu dhagar galay aynu ogayn sidan umuu baqan jirine, waa maxay baqdinta noocan ah, ee aydun inantan 17 jirka ah, aydun leedihiin mu'aamarad bay waday.

Madaxweynaha waxaan leeyahay ilaalada duubcasta xad dhaafka ah, ee argagaxisada ku rida dadka marka uu socdaalayo ama uu joogo fagaarayaasha uu dadka kala hadlayo ha joojiyo. Hana isku arko nin isku kalsoon oo dal kiisa jooga.

Madaxweyne ku xigeenkana waxa aan leeyahay, Riyadaadii gabadh bay maleegatay,dal dhana ceeb iyo sumcad xumaa ka raacday. Markaa inaga ilaali arimaha fooxlaysiga marka aad masiirka ummadda wax saamayn ku leh ka talinaysid.

Midii gabadhiyo tii irmaan dumarka,
Nin ka didey Hablihii iyo kuwii ubad jaqsiinaayey
Aqoonlaawe iyo hadii fooxle maanta talinaayo
Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

ZamZam Jama
USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
ISHA: Somaliland.org | Dec 10, 2004

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD