SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Afartii Qareen ee Samsam Axmed Ducaale U Doodayey oo Xabsiga Laga Soodaayey

Maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay December 11, 2004 ayaa xabsiga Hargeysa laga soo daayey afartii qareen ee u doodayey Samsam ee bishii November ee sannadakan [24/11/2004] xabsiga loo taxaabay. Waxaa wararku intaas ku dareen in maxkamadu ay maanta ku xukuntay afarta Looyar midkiiba hal sanooo xarig ah, taas oo lagu sheegay in ay tahay khafiifin xabsigii hore ee ahaa saddexda sano. Waxaana markiiba xabsiga halka sano ah loogu iibiyey US$84/midkiiba. Sidaas ayaa afartii qareen xabsiga akag asoo bexeen. Waxaase xabsiga ku haray oo weli kujira gabadhii ay darteed xabsiga ku mutaysteen, waa Samsam iyo dareealkii.

Samsam maxkamadii maanta [December 11, 2004] la saari lahaa dib ayaa loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin. Waxaa maxkamada la keeni lahaa ayadoo markaas ay qareenadeedii xabsiga ku jireen. Qareenadii waa la soo daayey, laakiin Samsam lama keenin maxkamadii maanta.

Wararka kale ee Hargaysa ka imanaya ayaa waxaa kamid ah in cadaadis weyn uu haysto dadka wax qora iyo kuwa Internetka akhriya ee ku sugan hargeysa, kuwaas oo cabsi xoog badani ka soo food saartay maamulka Somaliland, sidaas waxaa yiri qoraa weydiistay in aan magaciisa la sheegin. Haddii aad joogtid hargeysa, waxaad ka baqanaysaa goobaha Internetka in lagugu arko adigoo akhrinayaa websiteyada ka hadlaya arimaha Samsam ama wax lidi ku ah maamulka, taas oo kasii daran xukuumada dhacday ee Siyaad Barre, ayuu hadalkiisa kusiidaray qoraagaasi.

Samsam Axmed Ducaale arinteedu ma hari doonto, waxa keliya oo u furan maamulka Hargeysa waa in ay xabsiga ka sii daayaan Samsam, siiyaana magdhaw, qirtaana in si khaldan arintaasi ku dhacday, sharcigana lala tiigsado intii fal dembiyeedka ka gashay gabadha da'da yar ee Agoonta ah, ayuu qoraagu ku soo khatimay hadalkiisa.. Waxaanse la iska indha tiri karin ay shacabka iyo qorayaasha reer hargeysa bilaabeen sidii ay uga dhiidhiyi lahaayeen xadgudubka xuquuqda aadamiga, gaar ahaan xuquuqdeeda sidii loogu soo celin lahaa gabadha Agoont ah. [Hargaysa & Samsam]...

Qoraa arinta shacabka iyo Somaliland ka hadlayey oo magaciis ala yiraahdo Ismaaciil A. Cawad ayaa yiri "Waxaa arinta inanta iiga soo baxday inaan shacabka Soomaaliland dawlada lahayn laakiin dawladu iyadu shacabka leedahay waayo hadii dadku dawladu leeyihiin dawladu waxay qadarin lahayd dhawaaqa dadka, distuurka qoran, dhaqanka dhowran, diinta barakaysan iyo dadnimadda bini aadaminimo laakiin siday doonto dadka ulamay macaamisheen.".. [Eeg halkan].

Qoraa kale oo joogta Maraykanka oo magaceeda la yiraahdo  ZamZam Jamac ayaa tiri : "Horta waa yaabe, maxaa laga basaasayaa madaxweyne kuxigeenka? Mise waxa inantan laga raacay Riyadii Madaxweyne ku xigeenka ee la sheegay in uu yidhi todabaad ka hor intii aanay inantani kasoo bixin Boosaaso ayaa la igu tusay Riyo in gabadh reer Boosaaso ihi ay halkaa ka imanayso si ay mu'aamarad iigu maleegto." .. "Madaxweyne ku xigeenkana waxa aan leeyahay, Riyadaadii gabadh bay maleegatay,dal dhana ceeb iyo sumcad xumaa ka raacday. Markaa inaga ilaali arimaha fooxlaysiga marka aad masiirka ummadda wax saamayn ku leh ka talinaysid.".. [Eeg halkan...]

War kusaabsan Samsam iyo Hooyadeed ka dhagayso Halkan...

Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)... Guji...

Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 11 December, 2004


Afar looyar oo u doodayey gabadha reer Boosaaso ee Samsam Axmed Ducaale, ayaa maanta xabsiga laga siidaayey.

Afarta Qareen oo kala ah: Yuusuf Ismaaciil Cali, Maxamed Siciid Xirsi, Fowsi Aw Yoonis iyo Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin waxa xabsiga loo taxaabay 24/11/2004 kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukumay afarta looyar midkiiba saddex (3) sanadood oo xadhig ah; taas oo ka dambeysey muran iyo is-maandhaaf ku dhexmaray Garsooraha iyo Afarta Looyar maxkamadda gudaheeda oo ay maalintaas ka socotey dhegeysiga dacwadda ay qareennada ka ahaayeen.

Hase yeeshee, Qareenadu waxay xukunka maxkamadda gobolka ka qaateen racfaan. Waxaana markii u horreysey saaka la horgeeyey maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa, halkaas oo maxkamaddu kaga dhawaaqday go’aan ay ka gaadhey kiiska afarta Qareen, kadib dib-u-eegis ay ku samaysay xukunkii Maxkamadda Gobolku ku riddey qareenada.

Maxkamadda Racfaanku waxay ku xukuntay Afarta Qareen midkiiba hal sano oo xadhig ah, iyada oo khafiifisay xukunkii maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ahaa midkiiba Saddex sannadood oo xadhig ah.

Xaakimka maxkamadda ee go’aankaas ku dhawaaqay, Garsoore, Maxamuud Maxamed Ismaaciil, waxa uu intaa ku daray in sida sharcigu dhigayo loo iibin karo xadhiggaas.

Waxaana la sheegay in isla markiiba qareenada loo iibiyey sannadkii xadhigga ahaa ee lagu xukumay, iyada oo ururka Qareennadu uu bixiyey lacagta loogu beddelay xabsiga oo dhan Sannadkii xadhig ahba Sl. Shs. 500,000 (Shan boqol oo kun oo Somaliland Shilings ah), una dhiganta $ 84 (Afar iyo Siddeetan doolar) midkiiba.

Mid ka mid ah Afarta qareen, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo aan telefoon kula xidhiidhay kadib markii maanta la siidaayey ayaa muujiyey in aanay weli ku qanacsanayn go’aanka maxkamadda.

"....Dad badan ayaa is waydiinaya waxaa aamusiyay reer hargaysa oo aad u yaqaan dhibaatada duliga u leeyahay, samsam waa shabad ceebeed oo kutaal wajiyada reer hargaysa oo aan ka haridoonin mustaqbalka, waxaa xusi doonta arinta samsam taariikhda oo waliba waxa laga qori doonaa buug badan si aan loogu dhiiran mardanbe in birimigaydo lagu faraxumeyo geyiga somaaliyeed oo dhan...."
Sharma'arke C/risaaq Cilmi.

Balse, waxa uu sheegay in waxa ay iminka yeelayaan iyo tallaabada ay qaadayaan aanay ahayn wax ay iyagu (afarta qareen) keliya ka jawaabi karaan, maadaama aanu ka tirsan nahay ayuu yidhi ururka Qareennada. Waxana uu sheegay in ururka Qareennadu ka kulmi doono arrinta, talona ka gaadhi doono.

Dhinaca kalena, gabadha ay Afarta Qareen difaacayeen, Samsam Axmed Ducaale oo lagu eedeeyey basaasnimo iyo inay qayb ka qaadanaysey shirqool loo maleegayey madaxda sare ee qaranka ayaa loo ballansanaa maanta in maxkamadda Gobolka la horkeeno, dacwaddeedana ay go’aan ka soo saarto.

Hase yeeshee, lama horkeenin maanta, waxaana la sheegay in dib loo dhigay, iyada oo maxkamadda laga sugayo inay go’aan ka gaadho dacwaddaas, kadib markii maxkamaddu soo gebagebaysey dhegeysiga labada dhinac toddobaadkii hore.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.
ISHA: Somalailand.org
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh shabakada ku saxiixan

"Anigu waxan ahay Mudane ka soo jeeda halka xudunta u ah xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland degaan kaygiina ma tagin Muddo laba sanno ah waxaana ka socda dagaal, wax la iga weydiiyayna ma jirto waxan ku micneeyana garan maayo dagaalkaas sida runtu tahay kuma xog dhaamo habraha Qari-Jiqood (meel ka mid ah dhulka Ogaadeeniya) jooga waxa ila mid ah Soddon iyo Lix xildhibaan oo ka soo jeeda degaamadaas iyo masuuliyiin kale oo ku jira golaha wasiirada iyo waaxyaha kale ee dawladda, waxa jirta siyaasad gaamurtay oo kala xidhay masuuliyiintaas iyo masuuliyadoodii bal hadaba is waydiintu waxay tahay masuuliyiinta ka soo jeeda degaamadaasi waa maxay macnaha ay ugu fadhiyaan guud ahaan ummada Reer somaliland gaar ahaan deegaamadoodii? " Xildhibaan C/risaaq Warsame Xayir

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD