SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Codsi weyn
"....Dad ay darawalka qaraabo yihiin oo ila soo xariiray waxaa ay ii sheegeen in si aan laga sheekayn karin loo silicdilyeeyey taksiilahaas...." Shaafici

Shaafici Xassan Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se 

Waxaa bilahaan socotey fadeexad weyn oo ka dhacday magaalada Hargeysa, taas oo weli socota. Waxaa ay dad badani u arkaan in ay dhibaatada Samsam Axmed Ducaale iyo wiilkii taksiga ku wadey tahay arrintii ugu foosha xumayd taariikhda soomaalida. Dhan kasta oo laga eego waxaa ay qisadaani noqotay fajaciso, waxaana u qaadan waayey soomaali iyo ajnebi intii ay qisadaan ilmaha saqiirka ah ku saabsani gaartey.

Soomaali badan oo badan ayaa wax ka qortay fadeexaddaan, laakiin waxaa sida badan lagu mashquulay Samsam keli ah ee darawalkii taksiga aad loogama hadlin. Dad ay darawalka qaraabo yihiin oo ila soo xariiray waxaa ay ii sheegeen in si aan laga sheekayn karin loo silicdilyeeyey taksiilahaas.

Haddaba waxaa aan go’aansaday in aan qisadaan ka qoro buug weyn oo ay mustaqbalka dhow iyo midka dheerba ummadda soomaaliyeed akhriyaan, oo ay siiba ardada dhallinta yari ka dhigtaan sheeko xasuus badan, isla markaas filim ahaan loo jilo.

Waxaa sheekada oo aan weli soo baxin in aan sheego igu kallifay baahi aan u qabo in ay ummadda soomaaliyeed iga caawiyaan arrimo aanan qoraalka sheekada uga maarmayn. Waxaa ugu weyn arrimahaas in la iiga warramo sida ay u eg yihiin guriga madaxweynekuxigeenka Hargeysa oo uu malaha kufsigii ugu horreeyey ka dhacay iyo saldhigyada gabadha iyo wiilka lagu jirdiley oo weliba Samsam lagu kufsaday iyo aagga ay kaga yaalliin magaaladaas. Waxaa kale oo aan u baahnahay guud ahaan xaafadaha magaalada iyo agaar ahaan meelaha ay kala deggan yihiin nimanka madaxda ah oo fadeexoobey.

Sheekada magaceedu sir ma uu aha oo waxaa la yiraahdaa ”Labo dhagax dhexdood”, waxaa aanna ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan intooda igu caawin karta sharraxaadda magaaladaas ay fadeexaddu ka dhacday ka codsanayaa in ay e-mailo iigu soo diraan sharraxaaddaas iyo in aan la iga illaawin cimilada magaaladu sida ay tahay xilligaan ay socoto dhibaatadaas naxdinta lehi.

Wax kasta oo sharraxaad ah waa aan u baahnahaay, isla markaas qof kasta oo iga caawiya qoritaanka ”Labo dhagax dhexdood” waxaa uu heli doonaa mahadin aad u weyn.

Shaafici Xassan Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD