SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Samsam Axmed Ducaale Mucjisadii Qarniga.
"....Dad badan ayaa is waydiinaya waxaa aamusiyay reer hargaysa oo aad u yaqaan dhibaatada duliga u leeyahay, samsam waa shabad ceebeed oo kutaal wajiyada reer hargaysa oo aan ka haridoonin mustaqbalka, waxaa xusi doonta arinta samsam taariikhda oo waliba waxa laga qori doonaa buug badan si aan loogu dhiiran mardanbe in birimigaydo lagu faraxumeyo geyiga somaaliyeed oo dhan...."
Sharma'arke C/risaaq Cilmi.

Qore: Sharma'arke C/risaaq Cilmi.
Email.
shsugulle@hotmail.com

Cadaaladu wa shay qurux badan, ilahayna wuu reebay dulmiga. ayaad qur 'aan ah ba waxay ahayd ( wa hooygay ninkii dulmi xanbaarsaday )..

Cadaaladu waa hoy lagu gam'o waa gogol qurux badan oo dhinaca lasaaro. shucuubta cadaaladarada ku dhaqmaa waxaa udanbeeya burbur iyo baaba'.

Samsam ahmed ducaale waa gabar yar oo ardayay ka ahayd Iskuulka imaamu Nawawi ee Magaalada Bosaso . samsma waxa banaan ila iminka kursigi ay kufarisan jirtay, miiskeedi waxa dulsaaran buugtii iyo qalinkii ay waxkubaran jirtay.

Samsam waxay waxqtigii fasaxa sanadkan u anbaba baxday Magaalada Hargaysa si ay uso booqato abtigeed nasiibdaro gabadha yar waxay si khalad ah kutagtay guriga madaxwayne ku xigeenka Somaaliland sida dhaqanka somalidu ahaan jireen martida waa lasoori jiray waa lasoo dhawayn jiray lama yeelin e Axmed yuusuf yaasin ayaa amar ku bixiyay gabadha in lakufsado oo la ciqaabo isogo sabab uga dhigay waa basaasad markaas ayaa samsam dhibkeedi kabilowday ilalaada ninkaas ayaa gabadha kufsi iyo jirdil kubilaabay waxaa lasheegay in samsam lagula kacay falal fool xun oo diinta islaamka iyo bini'aadanimada kabaxsan .

Samsam iyo Hayda'adaha Xuquuqul Insaanka

Waxa isu xil saaray aqoon yahano somaliyeed Oo hargaysa kusugnaa waxa gabadha loo qabtay sharci yaqano difaaca nasib daro maxkamadi oo aan dhexdhexaad ahayn iyo mujrimintii falka foosha xun sameeyay ayaa jabiyay sharcigii qareenadina xabsiga dhigay sidi gabadha.

Taasu waxay inoo muujinaysaa cadaalad darada meesha ay ka gaartay ragan jaahwareeray ee aan kala aqoon sharciga iyo sharcidarada iyado aan lamaqal hada kahor qareemo kiis difacaya oo maxkamada dhexdeeda lagu xiro....

Samsam iyo Ini Cigge

Arinta ugu yaabka badnayd waxay ahayd markii uu nin wayn oo madixiisa tin madow aan laga soo qabanayn uu ubareeray in uu been cad sheego isago yiri gabadhan waa qof wayn nin bayna ledahay .

Aqristow qoraalka maaqaalkan oo ay gabadha yar ehel dhow yihin waxan canbarayn uso jedinayaa ninkaan Ini Cigge hadalkaas kasoo yeeray ee aan qiimaha lahayn waxan cadaynayaa in gabadhu ahayd ugub lix iyo toban jir ah da'dedu tahay 16jir.ka hor intii ayan masibadu hargaysa ku helin hadalkaasina yahay waxba kama jiraan . Ninkaan ayaa warar sheegayaan waa taliya Booliska Somaliland e samsam in ayan ahayn gabadhii ugu horaysay ee ay kufsadaan dadka uu tooska u hoos yimaada sida kale waxa jiray hablo badan oo la kufsaday sideetameeyadii waqtigaas uu madax ka ahaa Garoowe isago oo ugu mar mar siyoonjiray waa mucaarad reer puntand maalkooda iyo sharaftodana waa xalaal . Akhristow waxa si sahlan lagusoo heli karaa hablihii uu wax yeelay ninkaan danbi qaba ihi ee Ini Cigge cadalada ayaa kuso oogi doonta danbiyo kadhan ah Xuquuqda aadana ninkaasi .

Samsam iyo Shacab waynaha Somaliyeed.

Somaalidu meel ay joogtaba waa layaabeen qisadan ugubka ku ah somalida dhexdeeeda, waa marki ugu horaysay oo dumarka somaliyeed basaasnimo lagu soo oogo, sidoo kale gabadh aad u da' yar oo anba gaarin heer maxkamad lasaaro ayaa si bareer ah looxiray lookufsaday lasilic dilay , kasii darane kuwa sameeyay arinkaan foosha xun ayaa dawlad sheeganaya, umada somaliyed waxay ka xuntahay wixi dacdaro soogaray samsam yarey waxay dalbanayaan in si dhaqsaha loosiidaayo cidii kadanbaysana oo ay ugu horeyan Ini Yaasiin iyo Ini Cigge maxkamad madax banan laso taago..

Samsam iyo BCC da

Bccda ayaa waxay kamidtahay waxyaabihi gumaysigu inooka tagay umada somaliyeedna aan khayr lajeclayn, waxan xasuustaa gabadh ilma galeenka laga tuuray in BCC du asbuuc arinteeda ka hadlaysay halka samsam ay ka aamustay, ayna waraysatay ninkii danbigan galay waa yaabe waa maxay farqiqa u dhexeeya labada gabdhood ee midna aad looga hadlay midna Bcc du uga aamustay.

Nasiib wanaag BCC da waxa kusoobaxay idaacado ka afdheer oo wadani ah kuwaasoo looga raystay aaladii gumaysiga.

Samsam iyo Somaliland

Waxaa laga rabaa dadka Reer Hargaysa mudaharado isdaba joog ah gaar ahaan culimada iyo aqoon yahanada iyo dumarkaba. Dad badan ayaa is waydinaya waxaa aamusiyay reer hargaysa oo aad u yaqaan dhibatada duliga u leeyahay, samsam waa shabad ceebeed oo kutaal wajiyada reer hargaysa oo aan ka haridonin mustaqbalka, waxaa xusi doonta arinta samsam taarikhda oo waliba waxa laga qori doonaa buug badan si aan loogu dhiiran mardanbe in birimigaydo lagu faraxumeyo geyiga somaaliyeed oo dhan.

Samsam waxay noqotay mucjisadii qarnigaan maadama ay tahay gabadhii ugu horaysay ee dawladi ay kufsato, wax lataaban karana aan laga qaban, Waxan umahad celinaynaa dhamaan webside yada iyo qoraayasha wax kaqoray iyo cidii kale ee kaxumatay arinta gabadhan yar, sidoo kale waxan sii wadi doonaa in an wax kaqorno arintaan foosha xun oo aan gaarsiino Hey adaha Xuquuqda udooda iyo Makamadaha caalamiga ah si loosootaago cidii kadanbaysay falkan foosha xun.

Iminkan waxan kusoo xiraynaa gabay kasoo maaxday maskax abwaan somaliyeed ah isagoo ka xun arintaan waa abwaan faarax ciise ilaaq

  • Allow caadil kaligaa cuskashaduna kuu gaar
  • Waa agoon cafiifad ah cadrad weeye ugubee
  • Bahalo ay cunayaan cududahana laga xiray
  • Somali ceebeys calankiinu sharaf beel
  • Axmed culumo noqon waa nabsigu cududa kuu laab
  • Cigge garasho dheer maleh
  • Aaway ciidanku diray Cabdi fool xun uu waday Caateeye idinlaa
  • Cida Reer Hargaysaay hadaydaan ka cishoon
  • Samsam aan lacaawamin,
  • Alla waa carodaye
  • cabsi gaajo wadatiyo cudurka haydin sahansado

Qore: Sharma'arke C/risaaq Cilmi.
Email. shsugulle@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD