SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ragga Wax Kufsada oo La Dhufaanidoono!

Qore: Adam Buryar
buryare@hotmail.com

10 December 2004 


Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa

 Dalka Faransa (France) ayaa dhawaan bilaamidoona mashruuc si cilmiyeysan (Chemical) loogu dhufaanidoono ragga kufasada dumarka iyo caruurta.

Dawlada ayaa ogolaatay in si tijaabo ah loo dhaqangaliyo mashruuca dhufaanida ragga looga caalwaayo faraxumaynta dumarka iyo caruurta. 

Mashruucu waxuu ku bilaamidoonaa 48 nin oo mutadhawciin ah. Kuwaas oo dhamaantood ah kufsadeyaal dhawaan xabsiyada laga soo daayey. 

Arintan layaabka leh waxaa sababay dunuubta kufsiga oo si ba’an ugu soo batay dalka France. Sanadkii 1990 maxaabiista ku jirtay xabsiyada dalka franace 5% (boqolkiiba shan) waxay ahaayen kufsadeyaal. Hadase arintu way ka sii dartay oo 22% (boqolkiiba labaatan iyo labo) ayaa kufsadeyaal ah, kuwaasoo ¾ (afar meelood oo saddex) kufsaday caruur. 

Serge Stoleru oo ah saynisyahanka dawlada ayaa yiri “Waxaanu tijaabindoonaa labo daawo oo loogu talogalay xakamaynta/yaraynta hoormoonka (Hormone) qaabilsan niyo-shahwadeedka raga, kani dhigidoonaa mid aan lahayn dareen galmo.

Waxaanu aaminsanahay in la ciribtirikaro danuubta kufsiga ee iska soo daba noqnoqota haddii uu kufsadahu daawadaan qaato.” 

Akhristoow sidaan halakan uga jeedid kufasadaha gaalka xabsi iyo xiniinyo bixin (dhufaanid) baa la isugu daraa! Markuu xabsiga ka soo baxo, hadduu dadwaynahu ogaado magaciisa iyo meesha uu ku noolyahay waa la ugaarsadaa oo xaafaduu dagaba waa laga cayriyaa, shaqana lama siiyo! Dabadeedna sidii haad geedwaayey buu dibad wareeg ku abaadaa! Qaarkood si ay u badbaadaan magacooda ama/iyo muuqoodaba (plastic surgery) way badalaan! 

Inkastoo diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalidu labaduba ay ka soo horjeedaan kufsiga, hadana waxaan muran ka taagnayn in jaahiliin faraban badan oo inaga mid ah, diin muslimnimo iyo magac Soomaalinimna inala wadaaga ay kufsadeen dumar ay isku diin iyo diirba yahiin. Raggaas duloobay intooda wali ifka joogta si caadi ah bay Soomaalida ugu dhexnoolyahiin. Lama ciqaabo lamina takooro ee bulshaday iska dhex tamashleeyaan, qaarkoodna caqligooda gaabani waxuu dareensiiyaa inay ku faanaan dambiga ay galeen, meeshii ay ka toobadkeenilahaayeen! Sow taasi la yaab maahan? Qaar baaba darajo iyo dalacaad ku hela! 

Waxaa jirta maahmaah Soomaali ah oo oranaysa “Mayd midkaas la sii sidaa ugu dambeeyey”.

Arinta kufsiga iyo Soomaalida waxaa tusaale kuugu filan arinta inanta yare ee Zamzam Ahmed Ducaale oo la soo wariyey in CID/Police-ka Somaliland ay kufsadeen, iyo sida axmaqnimada ah ee mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi ay u difaacayaan raggii kufsiga lagu eedeeyey! Malaha dalacaad baaba miiska u saran ragga kufsiga lagu eedaynayo! 

CID/Police Somaliland hadday ku cadaato kufsiga lagu eedeeyey (Waxay ku cadaankartaa oo kaliya maamulka Somaaliland oo xabsiga ka siidaaya Zamzam dabadeedna dhakhaatiir iyo khubaro madaxbanaani ay arintan baaraan) waxaa maamulka Soomaaliland la gudboon inay qaataan mid la mid ah mowqifka dawlada Frannce, raggaasna si tijaabo ah daawadaas loogu qulaamiyo si ay u badbaadiyaan jiilka soo kacaya!

Haddii ay arintaas taabagliyaana waxaan si mutadhawacnimo ah CID/Police Soomaaliland ugu deeqayaa daawo daboolaysa baahidooda intii 3 bilood ah! 

Qore: Adam Buryar
buryare@hotmail.com  


RAPISTS TO BE CASTRATED  

Nov 10 2004
By Ian Sparks
Daily Mirror

CHEMICAL castration of rapists and child sex offenders is to begin in France.

The government has given the green light to begin trials of a treatment to neuter the sex drives of persistent predators.

Tests are to be carried out on 48 male volunteers - all former offenders now released from prison.

The move follows a massive rise in sex offences in France. In 1990 five percent of prison inmates were sex offenders. Now the figure is 22 per cent, with three quarters of all sex attacks being on children. Government scientist Serge Stoleru said: "Two medicines will be tested to reduce the hormone which controls male sexual desire, effectively making it impossible for him to become sexually aroused.

"We believe we can reduce repeat sexual offending to almost zero in any man who takes the treatment."

 http://www.mirror.co.uk 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD