SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Dhar, kutub iyo daawo oo Loo Diray Samsam Laakiin aan ayadii gaarin!

 Ilaa maalintii Samsam Axmed Ducaalle koox burcad ahi ku afduubeen Hargeysa ayaa waxaa haystey dhibaato xun, oo la xariirta xagga caafimaadka iyo cuntada.

Waxaa aad looga dayrinayaa xaaladeeda nololeed, maadaama aysan helin wax daryeel ah sidii loogu geestey jirdilka iyo kufsiga. Waxaa kale oo la soo gudboonaadey arad ama dhar la’aan maadaama dharkeedii qaarna la jeexjeexay qaarna laga furtay.

Waxaan la soconaa haddaan nahay qaraabadeeda  in ay Samsam ku jirto god nus mitir ah, oo aan musqul iyo qubays midna lahayn. Labaatan iyo afartii saac mar ay kufsadayaashu waxay irid yar uga tuuraan xabad rooti ah, oo aan biyo shaah midna lahayn. Habeenkii waxay ku seexataa fadhiga, laakiin waa haddii aan kufsi loola bixin. Qofkii Samsam idhaha saara oo bani’aadanimu ku danbayso waxuu la muraaradilaacayaa silica iyo saxariita wajeega ka muuqda.

Haddaan u leexano dulucda qoraalka, waxaa Samsam loo diray dhar, kutub iyo daawo, laakiin nasiibdaro hadiyadaas ma gaarin, oo waxaa dhexda uga baxay kooxdii qowlaysatada ahayd, ee ay xukumeen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Maxamed Cige Cilmi. Dharkii iyo daawadii waxaa la wareegey  maleyshiyada raggaas aan xusnay,  kutubtiina waxaa laga dhigay wax la gubey iyo wax la  jeexjeexay. 

Cabdirashiid Faarax Xassan
maaful@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD