SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA  - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

SAMSAM::
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |


XABSIGA HARGAYSA MA WAXA UU NOQDAY GONTANAABABEYGA SOOMAALIYA ?

 

Ale ayaa mahad leh nebigeeniina amaan iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato.

 

Intaa kadib walaalahayga   islaamka ahow meel kasta ooaad joogtaanba waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka 

Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu..

 

Akhyaarta sharafta leh saan cinwaanba uga dhigay qoraalkaygan  ,maalin dhawayd aniga oo iska daalacanaya webabka soomaalida ayaa waxa iga soo horbaxay dhacdo fool xun oo intaan aduunkan saarnaa  khaasatan wadankeena aan isoo marin  taasoo igu reebtay wel wel iyo walbahaar,  waan aragnaa waxa lagu hayo  ciraaq falastiin iyo meelo kale oo caalamu isalaama  oo jirdila kufsi xasuuq  laakiin taas waxaad odhanaysaa waa gaalo dholkoodii xoog kuqabsaday gaalna cadaawadiisa alaa inoo sheegay wax qarsoona maaha , laakiin in dhulkaagii dad weliba islaam sheganayaa ay saas kuugu ciqaabaan  welibana  gaal maxaad wax uga sheegtay laguu garaacaa waa shay  aad looga naxo taariikhduna qori doonto ,dhacdada aan arkay waxa weeyaan  sheikh caanka ah soomaaliya gaar ahaan gobalada  s/l  ayaa igu soobaxay cajal filima oo lagaraacayo oo lagu garaacayo itoobiya iyo maraykan maxaad wax uga sheegtaa  iyo su'aalo dhawra  aan kayaabay sida lo su'aalayo su'aalaha noocaasa  sheekhaas waa sh/.max.ed  sh ismaaciil  oo ah ninkaas aan idhiwaacaan welibana soomaalidu kutaqaan  dawaynta jinka iyo weliba acshaabta ama dibi nabawiga  taas oo alle inbadan oo soomaaliya ku anfacay aduunyada dacaladiisana looga yimaado Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa .

1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda Muqdisho kuliyadda Xanaanada Xoolaha.

 

Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka .

 

Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo.

 

Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan (saykoolajiyadda)

Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhi waxa uu ku caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun cilaaj oo balaadhan .

 

Sheekhu waa aabe leh ilaa sadex xaas iyo caruur maasha alaah ah ale hau barakeeyee .

 

Hadaba taariikhdaa yar kadib akhristayaaloow  muxuu yahay denbiga jirdilka intaa le'eg  sida aad filimka ka arki kartaan  loogu gaystay  sheekha sababku maraali gelin gaalo baa mase inoo ogyihiin gaaladu  cadaabka awliyada ilaahay .

 

Miyayna ogayn ragaas culimada cadaabayaa in ilaahay agtiisa ay maqaam sare kajoogaan  oo ale kitaabkiisa inoogu sheegin  in awliyadiisa aysan cabsi korkooda ahaanin aysana murugoonayn  . ilaahayna dagaal lagalayo qofkii awaliyadiisa dhiba  sida nebigeenu  scw  inoogu sheegay sunada  , ilaahay dagaalkiisa ma hor istaagi karnaa  .. waa maya hadaba  ogow nin walba oo dhiba ale awliyadiisa iyo dadka diintiisa wada in dagaal kaas ku sugayo berina lagaaga baahnyahay saad uga bixilahayd waxan waa aduunyo ayaamaa lajoogayaa  waxaana fiican qofku inuu ciso iyo sharaf uga tago  ee uusan katagin isagoo ale caasiyey gaalona raali gelinaya.

 Gaalo waxay tahay allaa inoo sheegay  wax qarsoona maaha .maahana  haalku dhegyada gaaladu samaysatay eedhalanteedka ah ee qof walba oo diintiisa  faafinteeda u kaca layiraahdowaa arga agagixiso  inaan iska raacno indha la'aan  islaam baan  nahay inaan umada diinta gaadhsiinaa la ina faray  kuna taageerno cidii wada, maaha inaan gaalo kusoo hogaamino  oo dhibaataynta culimada  gaalo sharaf kaga doono  umada islaamkana maaha shay lagu yaqaan arinkaas .

 

Hadaba waxaan baaq udirayaa dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan reer hargaysa saladiinteeda, cuqaasheeda,  culimadeeda, waxgaradkeeda,  mutacalimiinteeda,  haweenkeeda ,dhalinyaardeeda  iyodhamaan cidwalba oo leh damiir islaamnimo insaaninimo inay arinkan  ukacaan  oo wax kaqabtaan walaahay aakhiro waa la iswaydiinayaa inaan eegano waxyaabahaas oo kale  hadana iska daawano oo xitaa aynaan ka hadlin  iyadoo siyaabo badan  arinkan looga hadlikaro ama loocaawin karo sheekhaas iyodhamaan dadka kale eedulmiga u xidhan , aan bishan  kacmo oo aamuska kabaxno  waayo inagana inaan caruurteena dhabta kuhaysano mafiicna isaga iyo intala mid ahna laga xarimo  inay caruurtooda lasoomaan oo laciidaan , hadana loogu daro jirdil  iyo  garaac  .subxaanalaah alaahul mustacaan , qofwalba oo damiir leh  oo insaaniyad ku jirto wax uu eegan karo maaha bal cajalkana  ila eega  ,, weliba dadka qalbigoodu aad u jilicsnayahay  taxadar muujiya aan uducayno in ale kasiidaayo hadiiba ay naf ku jirto  kolay cajalka isagoo dhacay baa udanbaysay .. ilaahay islaamka iyo ehelkiisa ha xifdiyo daalimiintana ha ka qabto meel kasta oo ay joogaan ,,,,

Waana idin wada salaamayaa dhamaantiin | Video-ga ka daawo halkan...

Waxaa soo tebiyey
ustaad | shaafici1976@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD