SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GOCASHO!!!

Abdulaahi Mohamed Adam(Abdulaahi yare)
exmurux@hotmail.com

 
Anigoo habeen dhax galgalanaya gogoshaydii joogana magaalada muqdihso taariikhdana ay ku beegantahay 20-Feb-2002 ayaan waxa si kadis ah u daaray Raadiyaha , midka mid ah idaacadaha FM ka ah oo uu warka ka baxayay ayaan dhagaystay, war naxdin leh oo gilgilay dhamaan dareenkaygii ayaan la kowsaday, wariyuhu waxa u sheegay in xaafada buulaxuubey guri ku yaal uu xalay tuug u dhacay ka dibna uu tooreey ku dilay hooyadii guriga markii ay ku kacday shanqartii tuuga, hooyadu  waxay lahayd uur 8 bilood ah, tooraydii uu tuuga kala beegsaday caloosha waxa uukaga soo riday ilmihii minka ku jiray Halkaasna waxa ku qurbaxay hooyadii iyo Ilmihii, isla markiiba waxan soo xasuustay Buugii qiimaha lahaa DHIBANAHA AAN DHALAN ee uu qoray FAARAX CAWL, waayo ilmahaas waxa la dhibaateeyay asagoon dhalan, Habeenkaas waxay ii ahayd murugo iyo uurku taalo aan waligay iga haraynin.
RIYAALOOW DA YARTAAD QALANAYSA DAWLAD NIMO MAHA... W/Q: YUUSUF M BAYOOW 

MARKA  HORE WAXAAN SALAAMAYAA     BAHDA  SOMALI TALK  SALAAN KADIB  WAXAAN KA HADLAYAA  ARIGTAYDA  KU SAABSAN ARINTA SASAM DUCAALE 
 
RUNTII WAA WAX  LALAYAABO IN  UMAD DHAN AY HAL GABAR OO SOOMAALI AH AY  SAA U GALAAN.
 MARKA  ANIGA WAXAAN QABAA   IN WAXAAS OO DHAN  UU  KA DANBEEYAY  NINKA  SHEEGANAYA  MADAXWAYNAHA      SOOMAALI LAND     MARKA WALLAAYAL INTEENA SAAFIDA  AH WAA IN AAN U DUCAYNAA  INANTAA  YAR EE LA SILCIYAY   RUNTII ANIGA WAAN AQAAN GABDHAA WALIBA  SI FIICAN AYAAN U AQAAN  MA AHAYN QOF ARIMA SIYAASAD  GASHA , 
EE WAXAA  MEESHA KU JIRA  WAA LAYAQAAN  MARKA  DADKA HALKA SAMSA KU XIRAN TAHAY DEGGAN   HADII AY QALAD ISKU RAACEEN WAXAAN ORAN LAHAA  RAGOOW HA LA ILAALIYO  IS  DHEX MARKA  IYO WADA NOOLAASHA 
DADKA.
 
 
QORAALKAAN WAX  SHAQA AH KUMA LAHA  SOMALI TALK  WAXAA  QORAY YUSUF CADE.
yuusuf500@hotmail.com

Sidi oo kale anigoo duhurkii manta dhex jiifa qolkaygii ayaan waxaan damcay in aan daaro raadiyaha mise waxa si kadis ah ula kawsaday Idaacada BAAHISA BALAAYOOYINKA IYO COLAADAHA (BBC). Wariyaha wararka lagu wareero uga soo waarida hargaysa ayaa ka aqrinayay warbixin uu ka soo diyaariyay xukunkii maxkamad ku sheega ay manta ku riday SAMSAM AXMED DUCAALE , (wariyaha waxa uu sheegay in qaaliga qalbiga qalafsan ee hargaysa uu ku riday xukun 5 sano oo xarig ah, asagoo u kala qaaday 4 sano oo ay ku mutaysatay ka dib markii ay ku cadaatay in ay maleegaysay shirqool lagu qaarijinayay madaxwayna ku xigeenka iyo halsano oo ah in ay sheegatay heeb aysan u dhalanin). 

Qaabkii uu ay u dhacday xukunkii maanta iyo eedaymihii lagu soo oogay inanta la siliciyay ee Samsam in aan qalinka ugu warbixiyo wax nuxur ah ma leh, waayo dhamaan inteena garashada iyo garaadka leh waxan ka dharagsanahay beenta iyo  laga baahiyay inantaas  masaakiinta ah. 

Noocyada kala duwan ee loo siliciyay sam-sam ma ahan kuwo qalin lagu qeexi karo, qaababkii arxandarada ah ahaa ee isugu jiray, Kufsi, jirdil, Ciqaab, Iyo Silicba waxa qalinka u qaatay in badan oo qalinleey ah, wallow ay jireen  dadbadan oo gilgilasho aadminimo kaga dhawaaqay dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana waxa badnaa qoraaladii dhiilada lahaa ee laga qoray fadeexadii Samsam

Murugadii ka dhalatay arinta Samsam waxay isku badashay gocasho gilgishay garaadka wax garadka, waxana sida ifka waabariga oo kale u cadaaday in fadeexada ka dhalatay arintaas ay isku badashay barta madow ee aan laga waayi doonin wajiyada madaxda ceebaysan ee gobolada waqooyi galbeed. 

Tacadiyada waa dhacdoyin maalinle ka ah guud ahaan soomaliya , laakin magalada  hargaysa waxa ka dhacay tacadi tagoogta jibiyay maamulkii sheegtay nabad galyada iyo xasiloonida,  dunida waxa u cadaatay in hargaysa aysan waxba ka duwanayn kaymaha bahalo galeenada ah maadama ay ku kulmeen manaxayaal u dhardhigtay in ay  kufsadaan gabdhaha yar yar oo halkaasi safarka ku taga sida Sam-sam , kaba sii darane manaxayaasha hargaysa waxaa hurmuud u ah madaxda maamulka halkaas ka jira . saldhigyada boliiska ee hargaysa waxa isku badaleen goobo lagu silciyo laguna oodjiido karaamada iyo xuuq aadanaha…. 

Raadka foosha xun ee fadeexadani ku reebi doonto taxanaha taariikhda dadka reer hargaysa ma ahan mid la dhayal sankaro, maamulka ka jira goboladaas waxay isku dayeen in qariyaan dhacdadaas ayagoo dafiray dhamaan tacadiyadii xuquuqda adanaha ka dhanka ahaa ee loo gaystay Samsam, sido kale majaha iyo madaxa maamulkaas waxa ay isku baheesteen in ay qiil u raadiyaan qabashadii iyo qabsashadii lagula kacay samsam, maalin aan sii fogayn waxa la wareestay madaxa booliska hargaysa asagoo gaashanka u daruuray dhamaan eedaymihii loo soo jeediyay, halkaas waxaad ka garan kartaa in maamulkaas is tusay in arintani si guud iyo si gaar ahba loo qariyo. 

Dad badan oo aan aniga ka mid ahay waxay aaminsanyihiin in go’aanka dhabta ah ee maamulka hargaysa u yaal in uu yahay in gabadhaas dibdanbe loo arkin raq iyo nolol midnaba, waayo samsam oo xoriyad heshaa maamulka hargaysa waxay u garteen in ay tahay fadeexadii oo soo ifbaxday, lagana yaabe in qorshaha daahsoon ee maamulka hargaysa u yaal in uu yahay  in ay ka taqalusaan Samsam. 

Tii ale waa meesheede, samsam way soo bixi doontaa, hadii uu ale u qadaro mar ay ahaataba, waxana noqon doontaa maskaxda ay ka soo fufi doontoo fadeexadii galaafan lahayd maamulka hargaysa, way xukmaneed in safarkii samsam ay is lahayd ku soo tamashley  uu iksu badalo silicii waayaheeda intii ay noolayd, sidoo kale way xukmantahay in maalin ay ahaataba lala xisaabtami doono arxaalawayaashi  kufsaday ubaxii dalka. 

Ciqaabtii, ciilkii iyo calool xumadii ay samsam la caalwaysay ciribteeda danbe waxa la caraabi  doona  dhamaan intii gaysatay jirdilka, kufsiga , iyo ciqaabtaba, hadana inkastoo kuwaasi si gaar ah ay arintaasi u quseeso hadana caamada ,culimada iyo waxgaradka reer hargaysa waxay la caraabayaan ceeb u gaar ah, waayo ma aysan muujinin cod  midaysan oo ku canbaaraynayaan gabadha habeen walba lagu ag silcinayo! 

Inta badan shacabka ku dhaqan gobolada waqooyi galbeed ee soomaliya waxa lagu xantaa in ay yihiin dad cunsuriyiin ah oo ku caanbaxay takoorida dadka aan ku haybta ahayn qabiilada deeganadaas, inkastoo xanta noocaas ah xawaare sare ay ku ordayso hadana waxa la dafiri karin kooxo xumaan diid ah oo wali bulshada ka dhaxjedinaya qaylo dhaan ay kaga dhiidhinayaan dhibaatada iyo tacadiyada loo gaysto dadka masakiinta ah … 

Uurkutaalada ay habeen walba la hoyato samsam waxan ku cabiri karnaa calool xumadii uu ka  gabyay abwaan Iraahim Sh,. saleebaan (Gadhle). baydadka ayaana ka soo xushay gabaygiisi: 

  • Kol hadday abiid ii yihiin , oohintiyo ciilku
  • Uurkii islaantii maxaan  ugu abuurmaayay?
  • Oofta iyo hooyaday maxaa adhaxda ii saaray?
  • Allahayow awoowiyo muxuu aabe ii dhalaayay?!

Abdulaahi Mohamed Adam(Abdulaahi yare)
exmurux@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD