SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GUDUUDANE (gabay)

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
London – UK,  22.01.2005 


Gabaygaan GUDUUDANE wuxuu soo baxay 22.01.2005. Waa tusaalayn iyo digniin ku socota dad magacyo kala duwan isticmaala, ilaa ay ka soo huwadeen magac gabdheed, oo hadafkoodu yahay in ay fidno dhexdhigaan bahweynta Soomaaliyeed. Dadkaas oo magacyadooda dhabtaa iyo meesha ay degenyihiinba si fiican loola socdo, waxaa lagu soo bandhigi doonaa qoraallo iyo gabayo kale haddii aysan afxumada iyo fidnada ka waantoobin. Waana kan guduudane: 

  • Kol haddii GARSOOR laga gudboo, xumaha loo giirtay
  • Oo gaban dhashiyo oday cirra leh, laysu gacan haadshay
  • Oo gabay-xidhkii maansadii, geedo lagu laalay
  • Gar weeyaan inaan soo noqdoo, gole ka fiijaaye
  •  
  • Kol haddii garaad nimaan lahayn, gabay iftoonaayo
  • Oo Guba sideedii casrigan, loo gilgilanaayo
  • Oo xumaha guunkeen necbahay, godol lamaalaayo
  • Gar weeyaan inaan soo noqdoo, gole ka fiijaaye
  •  
  • Kol haddii gujeyn iyo afxumo, gobollo loo gaysto
  • Oo godob horeetiyo la fago, goobo nabarraystay
  • Oo gacal maslaxo laga dhexwaday, loo afgubadleeyo
  • Gar weeyaan inaan soo noqdoo, gole ka fiijaaye
  •  
  • Kol haddii anshaxa laga gudboo, fulleygu geeraaro
  • Oo giir atoor kiciyo oo, geeso bahalleeyo
  • Oo gocorre liitaa bulshada, caayo gabigeedba
  • Gar weeyaan inaan soo noqdoo, gole ka fiijaaye
  •  
  • Gaf hadduu ku jiray maansadaan, dunida gaarsiiyey
  • Ama aan la geesmaray murtida, garasho aadkayga
  • Ama aan garsoorkii gafoo, naqay gar eexeedba
  • Qof kastaaba waa garan lahaa, qalad haddaan gaystay
  •  
  • Afarteeda gees waxa dunida, mahad isoo gaadhay
  • Oo guud-cirrooliyo dhallaan, gobi maqsuudaysay
  • Garaad laawe maahane nin raga, waa garwaaqsadaye
  • Maxaa gubaya duulkaan fahmayn, jihada loo guuray?
  •  
  • Dhibka gaaray inantay abwaan, gabay ka meersheene
  • Guubaabiyo tusaaluu ahaa, gacal canaantiiye
  • Inaan guba la noolayn rag baa, gooyey taladaase
  • Inta samaha goobtaa dhammaan, wa ay u guuxeene
  • Garaad laawe maahane nin raga, waa garwaaqsadaye
  • Maxaa gubaya duulkaan fahmayn, jihada loo guuray?
  •  
  • Midduu Geeddi soo wadoo, adeer gacalle riixaayo
  • Gacmo furan haddaan lagu aqbalin, loona wada guuxin
  • Inaan gobolna xoog gobalka kale, gelin ku saaraynin
  • Garaad laawe maahane nin raga, waa garwaaqsadaye
  • Maxaa gubaya duulkaan fahmayn, jihada loo guuray?
  •  
  • Rag baa gobollo aan jirin fadhiya, gabayo tuuryayne
  • Gotenbeeg rag joogaan ogoo, laba gacmoodlayne
  • Garbasaar rag baa xiranayoo, magac gabdheedlayne
  • Barni ama Galool sheegayaa, waa nin aan garane
  • Gabay inaan u tirayaa ma aha, wiil garays qaba’e
  • Bal inay wax uun galahayaan, aan mid garansiiyo
  •  
  • God sireed ha qodin baa la yiri, hana gun dheerayne
  • Gabraar aad dhigtaa baa jirtoo, kula gaddoontaaye
  • Kuwa gaabsan waayoow,  waxbaad galabsan doontaane
  • Waanada haddaad gees martaan, talo ma goysaane
  • Gardarrada haddaad sii waddaan, guuldarray dhaliye
  • Gablan maaha Soomaaliyoo, geesiyow kacaye
  • Haddaad gaad isleediin shacbiga , oo golqabateeya
  • Niman gaafwareegaaya iyo gaarhayaa jira’e
  • Guduudanaha niman baa yaqaan goon ka jebintiise
  •  
  • Waxba gabaygu yuu ila gudbine, waxaan kusoo gooyey
  • Halka gulufka loo wado anoon, gacantogaallaynin
  • Gantaallada riddada dheer anoon, gawda uga saarin
  • Gufaacooyinkaygii anoon, meel isugu gaynin
  • Gabankiyo cirroolaha is helay, kaga gariirsiinin
  • Intaas baan ku soo gaabiyaye, gacal ku baashaala. 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

» GABAYGII: GARSOOR ee Nabaddoon

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2005

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD