SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo Bayaan Kasoo Saaray Xariga Zamzam Axmad Ducaalle 

Anagoo kaxun xariga iyo kufsiga iyo jirdilka lagula kacay gabadha yar ee ardayada ah Zamzam Axmad Ducaalle ee wax ka baran jirtay dugsiga sere ee Al-Imaam-Al-Nawawi ee magaalada Boosaaso ayaanu ugu baaqaynaa maamulka ka dhisan W.G in ay ku sii daayaan si shuruud la aan ah gabadha ardayada ah ee mudada 6 bilooda dhex jiifta xabsiga Hargaysa tasoo lagu dhaafiyay gabadhaas mustaqbalkeedii arday nimo iyadoo la dhaafiyay sanad dugsiyeedkii 2004/2005 tasoo uu mas uuliyadeeda qaadayo maamulka ka taliya gobalade somaliyeed ee W/G .

Hadaba anaga oo ku hadlayna magaca ardayda somaliyeed gaar ahaan kuwooda ku sugan dalka dibadiisa waxaanu baaq udiraynaa  dadka kala ah:

1- Ardayda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay sameeyaan banaanbax lagu diidayo ficilka xun oo lagula kacay gabadha walaashooda ee ku xiran Hargaysa.

2- Culuma'awdiinka Soomaaliyeed oo ilaa iyo haatan aan wali lamaqal codkooda gaar ahaan kuwooda ku sugan W/G, in ay ka hadlaan xariga zamzam axmad ducaale .

3- Isimada soomaaliyeed oo ahaa kuwii dhawri jiray xeer dhaqanka soomaalida maanta inay dhawran xaquuqda gabadha ardayda ah.

4- Sugaanlayda, saxafiyiinta , aqoon yahanka , wax garadka, dumarka, urarada xuquuqda aadamaha , iyo kuwa bulshada iyo dhamaan  cid walba oo dareen iyo damiir ku harsan yahay in ay u gurmadaan , gabadha yar ee ardayda ah oo ilaa iyo haatan ku jirta godkii uu gashay maamulka W.G .

Dhamaan jihooyinkaas kala duwan waxaanu ka dalbaynaa in ay fadhiga ka kacaan si cadaadis loo saaro maamulkaas , inay gabadha usoo ceshaan xoriyadeedii iyo xaquuqdeedii , isla markaana lasoo taago maxkamad caadil ah mujrimiintii gabadha dan biyadaas kala duwan ka galay , isla markaana wada kasta la maro sidii zamzam axmad ducaalle loogu soo calin lahaa xoriyadeedii qof ahaaneed. Isla markaana ilahay waxaanu ka baryaynaa in uu gabadhaas sabur iyo adkaysi ku manaysto . amiim aamiim amiin.

waxaa ku saxiixan : 
cabdi raxmaan sheekh xasan : mas'uulka arimaha bulshada ee dallada arday somaliyeed ee qahira
tell:+20124824074.
qahira-masar.

Waxaa nasoo gaarsiiyey:
asad abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2005

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD