SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
CILMI BAARIS::: - SUNTA SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


Haamo Waaweyn oo kusoo Caariyey Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose

Socdaal gaaban oo ay qaarka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga dooxada Jubba tageen jasiiradaha gobolkan Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku soo xaqiijiyeen in ay jasiiradahaas qaarkood yaalaan haamo waaweyn oo aan lagaranayn oo looga shakiyay in ay ku jiraan sun..


Haamaha kusoo caariyeye xeebaha Jasiirahada J/Hoose

  • Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta DFKMG, xildhibaan Barre Hiiraale oo Caalamka ka codsaday in ay wax ka qabtaan maraakiibta ajanabi ee qashinka ku soo daabulaya xeebaha soomaaliya...
     
  • Kaluumaysato Ku Noolaa Jasiirado Ka Mid ah J/Hoose oo aagaasi ka huleelay kadib markii ay ku dhaceen cuduro la garan waayay oo ka asiibay maqaarka.... 

Waftiga Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta DFKMG oo booqday jasiiradaha J/Hoose

Waftiga oo la tusayo haamaha dhex yaal meel u dhow xeebta...

Socdaalkan ay shalay barqonimadii  ku baxeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Isbahaysiga Dooxada Jubba (IDJ) ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha IDJ, xildhibaan Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" ayadoo ay ku weheliyeen hay'ado iyo ganacsato,  ayadoo sababta socdaalkooda lagu macneeyey kadib markii qaylo dhaan xoogan ay ka timid dadyowga dagan jasiiradaha gobolkaan oo kasoo qayliyay haamo waaweyn oo ay sheegeen in ay bada soo caariday ayna soo dhawaanayaan. 

Haamahaan la sheegay in ay soo caariday bada ayaa waxaa ay ku macneeyeen dadka in ay ku jirto sunta ay maraakiibta shisheeyey ku soo shubaan xeebaha soomaaliya ayadoo hadda haamahaan ay yaalaan xeebaha u dhow jasiiradaha Kooyaamo iyo Kambooni oo labaduba ka mid ah jasiiraha gobolkan. 

Hadaba intii ay socdaalka ku jireen wafitigasi ayaa ugu horeyntii waxa ay tageen jasiirada Koyaamo oo ayadu ay taalo haan weyn oo 1 km u jirta  xeebta jasiirada koyaamo qiyaastiina biyaha badda ka saraysa in lagu qiyaasay 27 feet, haantaasi oo aad u weyn ayaana ilaa iyo iminka la garanayen waxa ku jira balse ay soo dhawaatay kadib markii ay dhaceen bad gariirkii tsunami, mana aysan jirin cid si toos ah oga war bixisay maadaama ay kaluumaysatadii aagaasi ku noolaydna ay ka baqooleen bishii Febarayo kadib markii ay ku dhaceen cuduro la garan waayay oo ka asiibay maqaarka. 

Sidoo kale waxa ay wafdigii shalay ka tagay magaalada kismaayo booqdeen jasiirada kiyaanbooni oo ayana ay taalo haan weyn oo ka soo caariday bada oo iyana ka mid ah haamaha ay keeneen maraakiibta shisheeye oo qashinka ku soo daadka xeebaha Soomaaliya.

Hadaba socdaalkii wafdigii uu horkayay xildhibaan Barre hiiraale  ayaa waxa ay ku mareen jasiirado dhowr ah oo ay kujirto jasiirada idhidhi  oo ay halkaas kula kulmeen dad kaluumaysato ah oo u sheegay in ay soo badanayaan caarinta ay badda ka soo caaryayaan xayawaanka ku dhexnool taasna ay sababtay wasakhda lagu soo daadshay bada 

Waxaa saakay shir jaraa'id oo ku saabsan qashinka la soo buux dhaafshay xeebaha soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolka jubbada hoose qabtay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FDRKM xildhibaan Barre aadan shire bare hiiraale waxa uuna caalamka kaga codsaday in ay wax ka qabtaan maraakiibta ajanabi ee qashinka ku soo daabulaya xeebaha soomaaliya  iyo dhibaada ay u gaysanayaan maraakiibta ajanabi kaluumaysatada soomaaliyeed ee ka jilaabta bad weynta iyo xeebaha soomaaliya.


Haamaha aan la garanayn oo kasoo caariyey xeebaha J/Hoose

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
SomaliTalk | kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Haan Aad u Dheer oo ku soo caarisay Xeebaha Jubooyinka 


Haamaha Sunta ee yaal Xeebaha Soomaaliya

Maraakiibta soo waarida sunta...

Haamahan oo la garan waayay noocooda ayaa lagu arkay Xeebaha Koonfureed ee Magaalada Kismaanyo gaarahaan halka lagu magacaabo Kayooma,taasoo sida wararku ay sheegayaan ku beertay dadka halkaasi deggan argagax xooggan.

Wasiirka dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka islamarkaana ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Barre Aadan Shire Hiiraale oo markiiba ka hadlay Haantan soo caarisay,waxaa uu ugu baaqay ay`adaha samafalka inay la soo gaaraan Gurmad degdeg ah,mar haddii laga yaabo in dhinaca Badda ay ugayimaddaan Qatar waxyeelo ba`an ku keeni karta noloshooda 

Shalay gelinkii dambe ayaa qaar kamida hay`adaha samafalka iyo isbahaysiga  dooxada jubba ay gaareen deegaankaasi iyadoo joogga haantaasina lagu qiyaasay ilaa 3mtr 

Waxaana wararku intaa ay ku darayaan inaan ilaa iminka la ogeyn waxa ay gelbineyso Haantan goobtaasi soo gaadhay,inkastoo dadka halkaasi ku nooli ay sheegayaan in haantani ay ka mid tahay waxyaabihii aasnaa ee ay soo saartay dabeyshii Tsunami ee gilgishay meelo badan oo ku teedsan Badweynta Hindiya 

Horay ayaa waxaa u jiray in dhul xeebeedka la yiraahdo Kudhaa dadka ku dhaqan ay la kulmeen waxyeelo kaladuwan oo uga timid dhinaca badda sababtayna Dhimasho iyo Dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee waxaa horay u jiray laba haamood oo lagu arkay xeebaha Jubbooyinka kadib dabeylihii Tsunamiga ee bishii decembar ee dabayaaqadii sanadkii tegay,ilaa iminkana ma jirto cid isku howshay waxka qabshada arintan cabsida caafimaad xumo ku heysa shacabka soomaaliyeed oo markiisii hore la ildarnaa colaado iyo dhaqaalo xumo ay sababtay dowlad la`aantii mudada dheer lagu soo jiray 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | April 16, 2005

 
:::IJAARSHADA XAAFUUN:::

Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi

SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD