SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
CILMI BAARIS::: - SUNTA SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho 

Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagu ah W/K/Xigeenka W/ caafimaadka ee dowladda FKG soomaaliya.ayaa shirkiisii maanta waxaa uu uga hadlay habkii uu cudurkani uu ku soo gaaray soomaliya isagoo sheegay in uu soomaliya uga yimid dhinaca wadamada Aasiya.

Waxaana keenay buu yiri dadkii xujayda ahaa ee sucuudiga ka yimid sanadkaan hase ahaatee waxaa uu ku gacanseyray argatidii aheyd in laga qaado Tsunami. 

Dufle ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay ineysan jirin Dawo gaar u ah oo la siin karo cidda uu haleelo cudurkaani. 

Waxaa kale oo uu sheegay in laga qaado qaniinyada kaneecada maalintii oo aan aheyn midda laga qaado duumada ee loo yaqaano Anofalis. 

Waxaa kale oo uu sheegay in cudurkaan aan loo isticmaali Karin dawo aan aheyn qandho jebiye sida parcetamol. 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay tahay shacabka soomaaliyeed in si wadajir ah ay isaga xilsaaraan dabargoynta kaneecada keenta cudurkaasi. 

Cudurkaan ayaa la sheegayaa in soomaliya lagu arkay 60maadkii xilligaasoo loo yaqiinay "Kisabaaba" waa sida uu maanta dhaqtarku sheegaye. 

Cudurkaan la magac baxay Kaduudiyaha oo muddooyinkaan danbe lagu arkayay soomaliya ayaa waxaa uu noqday mid si weyn loo hadal hayo iyadoo uu jejebiyo xubnaha jirka islamarkaasina waxaa qofka uu hayo ku soo booda dhiig ka imaanaya horay iyo gadaal, waxaana uu iilka geeyay dad badan oo soomaali ah halka qaar kalana ay iminka la il daranyihiin waxyeeladiisa

Hasssan Ali Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2005



Haamaha sunta ee ku soo caariyey xeebaha Soomaaliya.. Eeg halkan

Soomaali ag lugaynaya qashin ku soo caariyey badda, Dec 2004. Meeshuna waa xeebta Xaafuun | Sawirka: AP

Xaafuun badgariirkii kaddib, halkaas oo uu ku soo fatahay qashin aan la garanayn waxa uu yahay.
Cudurka kaduudiyaha oo dadka soomaaliyeed ku haya faro ba'an.
Bilihii la soo dhaafay waxaa magaalada Mogadisho si wayn looga dareemay cudurka loo yaqaano kaduudiyaha oo qofka marka uu ku dhaco curyaaminaya ilaa muddo sadex maalmood ahna uu qofka awoodin inuu istaago qandho xunna ay qabato.
 
Cudurkan oo si saf mar ah loogu arkay magaalada Mogadisho inuu dadka ugu dhaco kadibna laga bogsado maalmo ka dib, waxa ay dad badan ku tilmaameen in uu ka dhashay Fatahaadii badda kadib markii bad gariirkii baaxada weynaa uu ku dhuftay wadamo badan oo ku yaala Qaarada Aasiya iyo afrikada bari, Soomaaliyana saamayn wayn ku yeeshay.
 
Fatahaada Badda ayaa keentay in Haamo sun ah oo badda ku jiray ay banaanka usoo baxeen, waxaana ka dhashay suntaas cuduro ay ka mid yihiin kuwa maqaarka, iyo kuwo ay keento hawada iyadoo dad badana ay si wayn uga baqayeen in ay cunaan kaluunta badda laga soo saaro si aysan cuduro aan la aqoonin uga qaadin.
 
Dhaqaatiir ku sugan magaalada Mogadisho ayaa qaarkood ku sheegay in cudurkani uusan wax xiriir ah la lahayn Haamaha sunta ah ee ay biyihii Tsunamiga-soo saareen, laakiin uu ahaa mid horay u jiray dadkana qaban jiray laakiin uusan sidaan u faafi jirin.
 
Cudurkan malahan wax dawo marka laga reebo kuwo qandhada loo isticmaalo, waxaana qofka la saaraa Qur'aan, kadiba waa ka bogsadaa maalmo ka dib, cudurkan oo dad badan haleelay waxa ay ku tilmaameen mid mucijiso ah oo dadka aad uga yaabiyay kuna abuuray walwal badan.
 
Magaalada Mombaasa ee dalka kenya ayaa cudurkan lagu arkay, xeebta mombaasa oo ku dherersan illaa tan soomaaliya ayaa qayb ku lahayd fatahaadii Tsunami-ga ee saameeyay dalal badan oo ay soomaaliya ku jirto.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | April 3, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD