SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


INTA CAQLIGA LEH KELIYA 

HARGEYSA INTAAN LA ROGIN HALAGA GAARO!! 

Qore: Sh. Muxamed Idris Axmad
 Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Ayaamahan, maqaal ma qorin, safara badanna waan ku jirey, hayeeshee, waxaa maanta hurguma igu soo kiciyey, cajalka beryahan faafay ee uu ka muuqdo Sh. Muxamad Ismaaciil (Ilaahay gacanta cadowga haka bixiyo) oo ay jir dilayaan, damiir laawayaal aan diin iyo akhlaaq toona lahayn, oo u adeega cadowga Islaamka.  

Sh. Muxamad Ismaaciil oo ah Daaci weyn, oo aan aad u aqaanno, markii aan arkay cajalka lagu jir dilayo, mar kale waan fiirin kari waayey, habeen kaasna hurdada waan lediwaayey. Waxaanan Ilaahay uga baryey, inuu isaga iyo inta muslimkaa ee xabsiyada cadowga ku jira adduunka oo dhan inuu ilaahay ka sii daayo, sabir iyo iimaanna ilaahay ugu deeqo, Naxariis gaara oo godkooda ugu tagtana ilaahay u fidiyo. Naxariistaas oo shaabuuglayaasha Daahir Riyaale iyo qeyrkiisba aaney celin Karin, siduu rabbi subxaanahu watacaalaa uu yiri:

 ما يفتح الله للناس من رحمة فلا ممسك لها وما يمسك فلا مرسل له من بعده وهو العزيز الحكيم )) ))

Aayaddaas waxaa tafsiir fiican ka bixiyey Sayyid Qutb (Allaha u naxariistee) ka fiiri, haddaad haysato, (فى ظلال القرآن).  

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen Sh. Maxamed jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo baxayso ayaanu sugaynay.!".. AKHRI....

Ducaadda in la imtixaamayo shaki kama jiro, oo Nebiya badan ayaa la gawracey, kuwaa minshaar lagu jeexay, qaarna xabsi ayaaba la geliyey sida Nebi yusuf Calayhi salaam. Ducaadda in la xiro, iyo in la dilo, diinta darted, waxaa wexey u noolyihiin, oo arrin cusub ama lala yaabo maaha. Hase yeeshe taasi ma diideyso , in la difaaco, diinta iyo dadkeeda, in la daryeelo culimada iyo ducaadda, in loo gargaaro.  

2 Nin oo rususha iyo dacwada islaamka u gargaarey, oo codkooda sara ugu qaaday reerkooda dhexdiisa, Ilaahay qur’aanka si yaab badan ayuu ugaga sheekeeyey. 

Ninka 1aad waa kan suuratu yaasiin ku yaal, ee magaalada geeskeeda kazoo orday, ee tolkiis is hortaagey, ee rusushii Allaah taageerada cad u fidiyey, xili dadku ka baqayeen diinta in loo gargaaro, nin kaas dadkii tuuladu waa dileen, laakiin iyana kama dambayn oo waa la rogey!! Isagiina janada ayuu markiiba dhex tiimbaday!! 

Ninka 2aad waa ninkii nebi muuse calayhi salaam taageeray, ee qoyska fircoon ka mid ahaa, ninkaasuna hadal xaqqa ayuu ku dhawaaqey: War ma nin baad u dileysaan inuu Ilaahay keliya cibaadada u qiray!! Ninkaas iney dilaan ayey ku tashadeen, laakiin ilaahay wuu ka badbaadshey, iyagiina cadaab xanuun badan ayaa lagu xayndaabay, subax iyo galabba. 

Haddaba reer Hargeysa waa loo yaabaa!! Haddaaney dulmiga diinta iyo ehelkeeda loo geystey ka dhiidhiyin!! Culimada iyo ducaadda, iyo waxgaradka iyo qofkastoo muslima oo damiir islaan nimo ku jirto, ma fiirsan karo, waxa loo geystey sheekha iyo dadka la midka ah.  

M. Siyaad Barre maalintuu culimada toogtey kama dambayn, dulli iyo burburna maalintaasuu ku bilawday. Jamaal Cabdinaasir markuu Sayyid Qutub iyo asxaabtiis daldaley 1966 bila ka dib, waxaa ku dhacay jabkii ugu weynaa taariikhda iyo dulligii aan ilaa maanta carab oo dhan ka harin, ee dagaalkii Yuhuuddu ku qabsatay saddex wadan oo caraba iyo qudus 5 June 1967.  

Muusa Suudi yalaxow, Bashiir Raage Shiiraar iyo Maxamad Qanyare Afrax, waxaa adduunka Ilaahay ka xaaqay markii ay diinta iyo ehelkeeda ku soo duuleen, oo yiraahdeen, culimada ayaanu iib geyneynaa. Daahir Rayaale Kaahin iyo kooxdiisuna iney ku xigaan Shaki iigama jiro, haddaaney si dhaqsa ah u tawbad keenin oo ilaahay ugu noqon!! 

Waxaan la yaabay: Shaabuuglayaasha Daahir Rayaale ee sheekha jir dilaya, wexey leeyihiin: Muxaadaradii Masjidka adiga iyo sh. Mustafe, maxaad Itoobiya ka sheegtay, maxaad maraykan ka sheegtay? Duf ku baxa oo dullooba, oo Ilaahay idin soo qabey. Waxaad qirteen inaad kuwaas u shaqaysaan.  

Shabaabka Islaamka ee aadka uga murugaysan xad gudubka loo geystey sheekha iyo ducaadda, waxaan iyagana leeyahay, dulmiga ay samaynayaan daalimiintu, iyo carada xaqqa ah ee aan arrinkaas ka carooneynaa, yey inagu bixin, ineynu xad gudubno ama inaguna dulmi samaynno, caddaaladda aynu dooneyno ayaa ilaahay amray, cid walbaana jeceshahay:

((ولا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا ، إعدلوا هو أقرب للتقوى))

Shaki igagama jiro, habeenkii mooryaanta iyo daalimiintu inuu dhamaaday, Ilaahay idankiis, waa cusubina Soomaali u beryey, ayaamaha Daahir Rayaale iyo kuwa la midka ahina ay tirsan yihiin, shacbiga meeshaas deganina ay ka dhiidhiyayaan, dulmiga iyo xadgudubka loo geysanayo diinta iyo dalkaba.  

Ilaahay waxaan ka baryey walaalkeen Sh. Maxamad Ismaaciil iyo inta muslimka ah ee dulmiga ugu jirta xabsiyada daalimiinta inuu Ilaahay kasoo daayo, annaga iyo iyagabana na caafiyo, Inta aan tawbad loo qorin ee maamulada soomaaliya meela ka mida weli ku amar ku taaglaynaya, ee gaalada u adeegana waa maalin soone, inuu ilaahay cirib tiro, oo Ilaahay maamuladoodana gala u adeegga ahna ilaahay dam dam iyo dukun daakun ka dhigo, madaxdoodana Ilaahay dulli iyo dayac bado, Ilaahow aamiin.

Qore: Sh. Muxamed Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaciil Gabaygan la yiraahdo (Hungo) oo soo baxay 05/10/2006, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London.

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD