SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA  - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

SAMSAM::
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |


Culimada Hargeysa ku xidhan

Maxay u xidhanyihiin, yeyse u xidhan yihiin? 

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Aug 19, 2006

Waxa ku jira jeelka magaalada Hargeysa  culimaa’udiin ka kooban lix wadaad oo aanay caddayn sababta  loogu illoobay jeelka daryeelka daran. Culimadan oo kala ah: 

  1. Sheekh Maxamed Sheekh ismaaciil
  2. Sheekh Axmed-kayse Cali Xuseen
  3. Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur
  4. Sheekh Muuse Cali yuusuf
  5. Sheekh C/laahi Maxamed Axmed
  6. Sheekh Maxamed Ibraahim Axmed

Culimadan waxaa jeelka loo taxaabay bishii september 2005 ilaa haddadan oo la joogo bishii Augost 2006 waxba laguma xukumin, maxkamadna lama hor keenin wixii ka horreeyey bishii juulay 2006 ka dib markii qaraabadoodu dalbatay in nimankan la sii daayo ama dembi lagu caddeeyo oo la xukumo. In jeel la iskaga hayo qof xor ah oo waddani ah ma jirto meel ay kaga taal sharciga u deggen Soomaalilaand. Waxaaba ku cad xeerka la qortay qodobka 27aad, faraca 2aad, sida tan: ” Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay” 

Waa kuwama culimadani?

Waxaan tilmaan kooban ka bixinayaa saddexda sheekh ee ugu korreeya liiska aan kor ku xusay. Ujeedadaydu waa in qaddiyadda culimadeenna lagu baraarugo, lagana murugoodo. 

  1. Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil; waa caalim ku xeeldheer diinta islaamka oo si weyn looga yaqaanno magaalooyinka Hargeysa, Boorame, Burco iyo Ceerigaabo. Waagii dalka iigu dambaysay oo laga joogo 11 sano, waxaa meheradaha Hargeysa si weyn looga dhegaysan jiray muxaadarooyinkiisa oo loogu soo ururi jiray sida Britsh Broadcasting Corporation loo dhegaysto oo kale. Faseexnimada hadalkiisa iyo quraanruugnimadiisa waxaa u dheeraa in uu ku xeeldheeraa aqoonta jinka iyo dabiibka dadka. Waxaana aad loogu jecelyahay muxaadarooyinka ku saabsan culuumta jinka iyo dabiibkooda. Waxa la’ii sheegay in waayadii dambe si weyn looga bartay dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo dadku muxubbada ay u hayaan cilmigiisa isu urursan jireen. Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxaa loo taxaabay jeelka Hargeysa sanadkii 2005 isaga oo ku foogan danihiisa gaarka ah iyo danaha bulshada muslinka. Lama oga sababta loo xidhay? Lama hubo cidda uu u xidhan yahay? Lama kafaalo qaadan qoyskiisii maadama lsagii laga soo xidhay, welibana waxay ku qasbanaadeen in ay jeelka cunto ugu geeyaan!!. Miyaanay Shacabka la gudboonayn in ay ka war doonaan  xadhiga sharci darrada ah ee sheekhooda??
     
  1. Sheekh Axmed-keyse Cali Xuseen: Waa sheekh caalim ah oo ilaahay ku mannaystay hibooyin badan, dhinaca fahanka, dhinaca aftahamada, dhinaca kartida iyo dhinaca hogaamintaba. Waxa ay hibooyinka Axmked-keyse soo ifbaxeen bilowgii 1980-naadkii isaga oo markaa  kuray ahaa. Wakhtigaa wuxuu ka dhex noqday shabaabkii baraarugga islaamka xiddig iftiimaysa, waxaana ku soo xoomi jiray casharradiisa tobannaan dhalinyaro ah oo ka aflaxay. Axmked-keyse wuxuu isaga oo yar waxbarasho u tegay dalka Suudaan halkaas oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisa jaamacadeed, kuna kordhiyey wacyigiisa siyaasadeed iyo saqaafadiisa islaamiga ahba. Dalka ayuu ku soo laabtay bilowgii 1990-naadkii, waxaanu ka dhexmuuqday ilaa wakhtigaa fagaaraha bulshada, samafalka iyo baraarugga islaamka. Sheekh Axmed-keyse Cali Xuseen waxaa jeelka loo taxaabay 2005 isaga oo gudanaya waajibkaadka ka saaran qoyskiisa iyo umaddiisaba. Lama oga sababta loo xidhay? Lama hubo cidda uu u xidhan yahay? Lama kafaalo qaadan qoyskiisii maadama lsagii laga soo xidhay, welibana waxay ku qasbanaadeen in ay jeelka cunto ugu geeyaan!!!. Miyaanay Shacabka la gudboonayn in ay ka war doonaan  xadhiga sharci darrada ah ee aqoonyahan Axmed-keyse?
     
  1. SHeekh Maxamed MAxamuud Nuur: Waa sheekh Caalim ah oo la koray baraarugga islaamka ee magaalada Burco. Waa shakhsi u samaysan hoggaamin oo aan ka daalin faafinta khayrka iyo yaraynta xumaanta. Wuxuu ku caan baxay in uu shaaracyada magaalada Burco kula wareego mukirifoon isaga oo dadka waaninaya. Wuxuu magaalada ka hirgeliyey fagaarayaal badan oo dadka lagu waaniyo habeenkii. Wuxuu hirgeliyey nadaamka gargaarka masaakiinta, iyada oo kuwa waxhaysta laga qaadayo wax ay ku noolaadaan kuwa aan waxba haysan. Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur, wuxuu ahaa mannaaradii khayrka ee magaalada Burco. Dadka fusuqa iyo xumaanta suuq geeyaa way ka nixi jireen, dadka ehlu-khayrka ah iyo masaakiintuna way ku farxijireen. Markii la xidhay waxaa magaaladii Burco ka naaqusay iftiinkii khayrka. Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur waxaa jeelka loo taxaabay 23 september 2005 isaga oo ku foogan wacdiga shaarica, lagana sugayo waajibaadkii qoyskiisa. Lama oga sababta loo xidhay? Lama hubo cidda uu u xidhan yahay? Lama kafaalo qaadan qoyskiisii maadama lsagii laga soo xidhay, welibana waxay ku qasbanaadeen in ay jeelka cunto ugu geeyaan?. Miyaanay Shacabka la gudboonayn in ay ka war doonaan  xadhiga sharci darrada ah ee sheekhooda?

Saddexda sheekh ee kale uga tusaale qaado saddexdan aan kor ku xusay, inkasta oo aanan anigu aqoon u lahayn. Inkasta oo qof walba oo muwaaddin ahi xaq u leeyahay in aan lagu xadgudbin xorriyaddiisa, haddana culimada diintu way ka sii xagjirtaa. Fudaydsiga culimadu waa diintii oo la fudaydsaday, dullayntooduna waa diintii oo la dullaystay. Markaa reer Soomaalilaandow,  bal eega hareerihiina. Gaar ahaan reer Hargeysow ka fekera in aad nabad iyo caano ku seexataan, culimadiinii oo aan dembi cad lagu soo eedaynna ay xabsiga deriskiinna ah ku caddibanyihiin sannnad dhan. 

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Aug 19, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD