SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Tolo'ay Abshir Bacadlow.
Cali Jaamac.
Minnesota, USA
alifarah1968@yahoo.com
 
Afeef: Abshir ma nihin isku qabiil, waxaanu tol ku nahay Soomaalinimada.
Abshir waxaan odhan karaa waa Soomaaliga kaliga ee dhabta ah ee ilaa hada la sheegi karo, xitaa aniga waa iga Soomaalisan yahay.
 
Abshir waa halyey Soomaaliyeed oo ay dhibto dulmiga ay Soomaalidu dhexdeeda isku hayso, Abshir Boqolka iyo Ninku waa isu mid, xitaa uma hanbeeyo jifida uu ka soo jeedo.
 
Anigu shakhsiyan Abshir ma arag, laakiin markii iigu horaysay waxaan ku maqlay Gabay uu ka tiriyey Balwada xun ee la yiraahdo Qaadka ee Soomaaliya baabi'isay.
Gabaygiisa markii aan dhagaystay ayaan iska daayey Qaadkii waayo wax yaabaha Abshir gabaygiisa ku sheegay waa wada run.
 
Mar labaadkii aan Abshir Suugaanta ku arkay waa Markii uu ka gilgishay dulmigii iyo Kufsigii Hargeysa loogu Gaystay agoontii SamSam Axmed Ducaale.
 
Abshir waxaanu nahay tol inta uu u diirnaxayo umada Soomaaliyeed.
 
Culimada Lagu Jidh-Dilayo Hargeysa.
 
Hargeysa waxay ku caan baxday Ciqaabta Masaakiinta iyo Culimada.Wadaadada lagu jidh-dilayo Hargeysa waa mid in mudo ah Socotay, xitaa qaar ayaa jeel ka ku dhex dhintay.  Wadaadka maanta warkiisu Aduunka wada gaadhay, Tolow muxuu ku mutaystay in la ciqaabo oo la cadaabo.
 
Akishe waa qabiil ku yar Hargeysa.
 
Sheekh Ismaaciil wuxuu ka soo jeedaa Beesha Akishe, inkastoo loo xidhay maxaad ilaahay ugu cibaadaystaa oo aad qaad iyo khamri faraha ula gali weyday, Hargeysa waxaa ku badbaadi kara qofkii Geerasheyn iyo Qaad cuna, waayo hadii kale wuxuu u ekaanayaa Cadowga Soomaaliland. ilaahayow xaqa ha tuso kuwa masaakiinta dulmiya.
 
Inka badan 50 Wadaad ayaa Hargeysa ku Silcaya, war miyaan meesha Islaam joogin waxani xitaa dhulka gaalada kama dhacaane, qaarba xitaa Culimada TB qabo oo aan helin daryeel caafimaad iyo cunto ku filan toona.
 

TOOGASHADII CULIMADA 23/1/1975

MUQDISHO:: Bishii Janaayo ee sannadkii 1975 ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana la toogtey 23/1/1975. Magacyada culimada la toogteyna waa:

  1. Yaasiin Cilmi Cawl
  2. Sh. Axmed Sh. Maxamed
  3. Suleemaan Jaamac maxamed
  4. Cali Axmed Warsame
  5. Aaden Cali Xirsi
  6. Xasan Cabsiiye Diiriye
  7. Cali Jaamac Xirsi
  8. Sh. Axmed Iimaan
  9. Sh. Muuse Yuusuf
  10. Maxamuud Siyaad Xirsi
Taliskii Siyaad Barre:

 Waxaa la ii cadeeyey in Taliskii Siyaad Barre dad la jidh-dili jiray oo la ciqaabi jiray Maxaabiista, Hargeysana waxay ka dhaxashay Jidh-Dilkii taliskii hore.

 
Madaxweynaha Hargeysa iyo inta badan Wasiiradiisa waxa ahaayeen kuwii wax ciqaabi jiray wakhtigii Dowladii xumayd ee Siyaad Barre.
 
Xadhigii Buurmadow.

Boqor Buurmadow wuxuu ka mid yahay Boqorada reer sheekh Isxaaq, wuxuu soo dhamaystay Sadex Bilood oo ah AbuQurayb"Hargeysa". ilaa hadeer ma oga wuxuu sadexda bilood u xidhnaa. ma maqal in la ciqaabay laakiin waxaan saxaafada ka akhriyey habeenkii ugu horeeyey wuxuu ku seexday Gogol la'aan.

Waxaa Boqorka loogu hanjabay hadii aanu Maamulka faraha kala bixin in uu halkii ku noqonayo... Dhalinyaro cadhaysan ayaa ku dilay Askar duuleedka ceel-Afweyn taasna waxaa la odhan karaa waa qalada qalad lagu saxay inkastoo boqorkii la sii daayey. 
 
Saxaafada Caadifadaysan ee Hargeysa.
 
Diinteenu waxay leedahay wallaalkaa u hiili hadii uu gardaran yahay iyo hadii laga gardaran yahay. Hadii uu gardaran yahay Gardarada ka celi, hadii laga gardaran yahayna garab istaag.
 
Caadifad baa madax martay kuwa Hargeysa jooga ee Suxufiyiinta Sheegta, Qaar baa waxay ku doodayaan Jidh-Dilka Sheekhu waa Been,
 
Wiilka La Yiraahdi Cige ee Joog Liverbool (Uk).
 
Wiilkani wuxuu soo galiyey internet qoraal uu leeyahay waa been oo lama jidh-dilin wadaadka. wuxuu ku nool yahay cariga ingiriiska wax wara uu hayaana ma jirto aan ka ahay caadifad raqiisa, hada ka hor buraan bur lagu qoslo ayuu u tiriyey Abshir Bacadle,Abshir bacadle maaha hawiye, Daarood, Isaaq, Raxanweyn ee Waa Soomaali Soomaali dhalay iyo dhashii.
 
Xisbiga Kulmiye:
 
Siilaanyo waa nin weyn xilal farabadan ka soo qabtay Dowladaii Siyaad Barre waxaan moodaa in lagu khasaaray.
Arimahu markay murgaan ayuu Ingiriiska u cararaa, Muxuu uga hadli waayey Dulmiga lagu hayo Culimada mise ciraaf ayaa lagu raadinayaa ciqaabta Culimada.
 
Faysal Waraabe.

Waa nin dhalinyaro ah oo fudud hadaladuna aad uga dhacaan, waxaan weli xasuustaa berigii uu yidhi " Wiilka Muqdisho ku dhashay waxaa nooga dhow, wiilka Kiristaanka ah ee Adis-Ababa ku dhashay" Taariikhdu waa ma hadho.

 
Tolow Culimadu haba dhimatee ma la helayaa Citiraaf? waxay ila tahay citiraaf waxaa ugu horeeya kan Alle,
 
Hargeysa waxay u baahan tahay in Diin la saaro, oo xaqa la tuso.
 
Gebagabadii inta Abshir qoyan yahay Weli Soomaali baa nool oo diirnaxda.
 
ilaahayow fadliga bisha barakaysan Culimadaas Masaakiinta ah kaga soo daa Jeelka Hargeysa.... AbuQuraybka Soomaaliya.
 
Waxaan ugu Baaqayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay Mudaharadaan oo dhaleeceeyaan Wuxuushta Hargeysa Maamusha.
 
Shacabka Reer Burco, Ceerigaabo, Xingalool waxay mudan yihiin Sharaf ilaahay wanaaga ay sameeyeen ha ka abaal mariyo.
 
Cali Jaamac.
Minnesota, USA
alifarah1968@yahoo.com

 

Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaciil Gabaygan la yiraahdo (Hungo) oo soo baxay 05/10/2006, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London.

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD