SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

 Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga British Broadcasting Corporation ee Puntland?

Axmed Abuukar | abuukar40@hotmail.com

Sahan ay sameeyeen koox suxufiyiin ah iyo qaar ka tirsan ururada bulshada ayaa soo ogaadey in laanta Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation-du ay si xawli leh u lumineyso dhegeystayaasheeda ku nool gobollada Puntland.

Sababta loo aanayn karayo in laanta Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation-du ay marayso jidkii Laantii Soomaaliga ee Radio Moscow ayaa la sheegayaa in ay ugu weyn tahay, laantaas oo lumisay dhex dhexaadnimadii lagu yiqiin iyo kalsoonidii ummadda ku dhaqan gobolladaas.

British Broadcasting Corporation-da ayaa si qaawan oo aan cid kasta oo garaad leh aan ka qarsoomi karaynin u taageerta Maxkamadaha Muqdisho, iyadoo dhinaca kale, macno tirta wararka muhiimka ah ee ka jira Puntland amaba aan soo qaadin aan ka ahayn inta xun sida qof baa la diley iyo iska hor imaad baa dhacay iyo qof wax diidan baa jira.

Keliya ma aha Puntland ee Laanta Soomaaligu guud ahaan kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed ayey lumineysey tan iyo intii uu majaraha u qabtay Yuusuf Garaad oo aqoon ahaan ah nin ruug caddaa ku ah mihnadda saxaafadda balse ay ka xoog weyn tahay caadifadda qabiilku.

Aaway, isu dheelitirkii wararka iyo waraysiyada dhinacyada iska soo hor jeeda ee Soomaalida, bal adba, dadkuna waxay leeyihiin haddii aan si degdeg ah wax looga beddelin nidaamka qolo u adeegidda ah ee ay British Broadcasting Corporation-du ku caan baxda beryahan, waxaa xitaa la ilaawi doonaa magaceeda.

Oday soo jireen ah oo ii sheegay in uu 40 sano soo dhegeysaney British Broadcasting Corporation-da kuna nool Puntland ayaa ii sheegay oo yiri “maandhow British Broadcasting Corporation-da uma dhegeysto beryahan wax kaa farxiya ama dano ay Puntland leedahay ka dhegeyso ee waxaan u dhegeystaa bal ogow meesha ay marayaan duufaanka iy dabaylaha qabyaaladdu”.

Axmed Abuukar | abuukar40@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2006
 


Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..

Waxaa maalintii shalay aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore iyo jidadka gala Ceelgaab.

Aradayda oo ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.

Sidoo kale, waxaan la kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan waddankooda.

Xalwo, Max’ed Faarax oo ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso, anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan nadaafadeed”.

Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo, oo meel loo yeelo.

Faafin: SomaliTalk.com Sept 9, 2006

Warar GooGoos ah: Sept 7
»C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo
»Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo faafaahin ka bixiyay Shirkii
»Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan
»Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta oo cambaareysey falkii
»Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo
»Minneapolis: Shirka Beesha Ismaciil Cali Saleebaan...
Wararka oo dhan Akhri... Guji..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD