SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 18, 2006

  • Warar ku saabsan dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd..
  • Cabdi Qaybdiid oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo…
  • Xuseen Miikaal “Magaceyga waa lagu been Abuurtey kamana qaybgelin…
  • Dowladda Federaalka oo xarun u fureysa Maxkamadda sare…
  • Gaalkacyo: xaflad lagu furayey qayb ka mid ah jamacada bariga afrika
  • Qaxooti Somaaliyeed oo ku soo qulqulaaya Kenya

Warar ku saabsan dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd..

Waxaa Maalintii shalay ahayd Iridka hore ee Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Haweenay Dakhtar ka ahayd isbitalkasi oo lagu magacaabo Sooro Analeyli, waxaana dilkeeda gaystay niman dabley oo ah rasaas ku furay, intii ay naftu ku jirtay ayaa dhakhaatiirkii ka howlgasay isbitaalkaasi ayaa waxay damceen in ay la tacaalaan hase yeeshe dhawicii ayay u geeryootay. Dilka Soorada yaaa waaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii adeega caafimaad u doonan jiray. Dilkaan waxaa cambaareeyay Golaha Maxaakiimta islaamiga ah oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo lagu tuhunsan yahay Dilka Haweenaydaasi, waxaana sidoo kale Camaareyay culuma’udiinka gobalka Banaadir, gaar ahaan Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo dilkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan Diinta Islaamka. Waxaa kalloo cambaareeyay qaybaha bulshada rayidka oo maxaakiimta u soo jeediyey in ay Maxkamad soo taagaan raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Haweeneyda oo uu la dhintay nin ilaalo u ahaa ayaa waxaa ka hadlay Dowlada Talyaaniga oo soo jeedisay in cadaaladda la hor keeno ciddii ka dambeysay dilka Haweeneydaasi. Maalintii shalaya ahayd ayaa Maydka Sooradaasi waxaa qaaday diyaar qaas ah oo loo soo diray, sidoo kale waxaa horey u sii raacay Haweenkii kale ee Soorooyinka ahaa ee Isbitaalkaasi ka shaqeyn jiray, waxaana daba socday ardaydii ay wax bari jirtay, waxaana loo qaaday Magaalada Nayroobi, kaddibna waxaa loo sii qaadi doonaa Dalka Talyaaniga. Dilka Sooradan waxa uu ku soo beegmay xili Dunimada Muslka ay aad uga caroodeen hadal ka soo yeeray Boobka ugu sareeya Diinta Kirishtaanka kaddib markii uu aflagaadeeyay Nabi Muxumad (NNKH).

Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo ah Madaxa ammaanka ee Maxaakiimta Islaamiga ah oo booqday Isbitaalka ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiina Isbitaalka, waxa uuna u sheegay in Maxaakiimtu ay aad uga xun yihiin dilka sooradaasi. Sooradaan oo ka shaqeyneysya Isbitaalkaasi Mudo 5 sano ah, waxayna 1940 ku dhalatay Magaalada Pianceza ee Dalka Talyaaniga. Waa dilkii labaad oo dad ajnabi ah loo gaysto tan iyo markii ay la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana hore dilay nin Weriye ah oo ku dhashay Dalka Sweden.

Cabdi Qaybdiid oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo…

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ahaa qabqablayaashii looga adkaaday dagaalkii u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ayaa shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah Dowladda Federaalka.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha uu Cabdi Qaybdii du yimid, iyadoo heshiiskii dhex maray Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka qodob ka mid ah uu dhigayey in aan wax taaguleyn ah iyo soo dhaweyn ah loo sameynin kooxihii ka tirsanaa Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Cabdi Qaybdiid ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ugu sareysa Dowladda oo ugu horeeyo Madaxweyne C//llaahi Yuusuf Axmed.

Xuseen Miikaal “Magaceyga waa lagu been Abuurtey kamana qaybgelin…

Nabadoon Xuseen Faarax Miikaal oo ka mid ah Nabadoonada beesha Reer Xaaji Suleymaan ayaa si kulul u beeniyay war ay sii daayeen qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho kaas oo lagu sheegay in uu ka qaybgalay kulan ka dhacay guriga Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux.

“Anigu kama qaybgelin shirkaasi, magaceygana waa lagu been abuurtay” ayuu yiri Xuseen Miikaal oo sheegay inay horey ula kulmeen Maxaakiimta Islaamiga ah isla markaana ay meel wax dhigteen. Sidoo kale waxa uu beeniyey in uu ka mid yahay guddigii lagu saaray gurigaasi oo ka soo xaajoonaya Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa Guriga Xildhibaan Furux kulan ku yeeshay Odoyal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Reer Xaaji Suleymaan kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira Dekedda.

Dowladda Federaalka oo maanta xarun u fureysa Maxkamadda sare…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta Magaalada Baydhabo ay Dowladda Federaalka ka fureyso xarun ay yeelaneyso Maxkamadda sare, waxana xafladda furitaanka ka qaybgali doona saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda, sidoo kale waxaa furitaanka xaruntaa ku lamaansan siminaar loo furayo 25 garsoore oo laga kala keenay gobalada dalka, kuwaas oo cashiro la xiriira garsoorka ku qaadan doona xarunta cusub ee ay yeelaneyso Maxkamaddu.

Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Federaalka xarun u furto mid ka mid ah hay’adaha ugu sareeya Dowladda Federaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


|NEWS DAILY.NEWS | WORLD.NEWS | TAARIIKH


Waxaa magaalad Gaalkacyo ka dhacaday xaflad lagu furayey qayb ka mid ah jamacada bariga afrika(East Africa University).

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacaday xaflad lagu furayey farac ka mid ah Jaamacada Bariga Afrika,(East Africa University) oo xarunta ugu wayn ay ku taal magalada Boosaaso ee gobolka Bari

Waxaa ka soo qayb galay xaflada furitaanka jaamacada Bariga Afrika dad badab oo isugu jiray Culumaa'udiin Aqoon yahano Siyaasiyiin Maamulka Gobolka Mudug waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha gobalka C/rashiid Cali Xashi (Dhubane), gudoomiya kuxigayna ka duqa dagma xXsan Hiraabe, Isimada waxaa kaloo xaflada ka soo qayb galay wafti ka socday jaamacada bariga afrika xarunteeda magalada Bososo Sida oo SomaliTalk u soo tabiyay wariye madax banaan oo ku sugan Galkacyo oo la yiraahdo Axmed C/laahi Cusman.

Xaflada oo ku bilaabatay jawi dagan ayaa ugu horayn waxaa lagu furay aayado quraanka kariimka ah intaas kadib wax hadalka furay Maamulaha jaamacada qayta Galkacayo Sheikh .Adan Maxamed Cigal isoo si wayn oga sheekeeyay taarikhda jaamacada iyo qiimada ay uleedahay gobalka Mudug, sidoo kale wax uu shegay jaamacada lagu baran doono ugu horan Maamulka iyo Maareenta ,Computers Sayniska iyo Macad Caafimaad oo u kala qaybsamo shiibarka iyo Galkaaliye nimada .

Maamulka jaamacada Shiekh Aadan Maxamad Cigaal mar uu hadlayey waxaa ka mid ahaa hadaladiisa ''in badan baa Ardayda wax ka barada Gobalka Mudug ay u raadsadaan wax barasho meel dheer ee maanta waxay oogu timid gurigooda ee waxaa looga fadhiyaa in ay ka faa'iidaystaan''

Waxaa kaloo asagana hadalo kooban ka soo jeediyey goobta nin lagu magacaabo Maxamed Sayid C/le Xasan kana mid noqon doona macaliminta jaamacada wax ka dhigi doonna kana yimid dalka dibadiisa halka markii ay dadku maqleen magacaa ay hal mar indhaha wada taageen oo qaarkod ay is taageenba intay layaabeen ayadoo dadkii dhaman mesha fadhiyey ay la fajaceen magacaa halka dadka qaar ay is dhaheen ma sayidkii baa soo noolaaday muxuu yahya magacaan iyagoo soo xasuutay halgankii Sayidka ninkaana ay isku magac yihiin.

Waxaa kaloo asagana ka hadlay goobtaa DR Axmed sheikh oo isagu maamule ka ah jaamacada Bariga Afrika qaybta Bosaaso waxna ka dhiga wuxuu dadka ooga sheekeyey taariikhda jaamacada bariga afrika ay leedahay iyo tayadeeda

Ugu danbeentii wax kal kaas ka hadlay gudoomiyah gobalka c/rashiid cali xaashi(dhubane) wax uu shagay in maamulka puntland ay garab istagayaan jaamacada wax uu na ku baarujiray dad wayn nah golka mudug in ay ka qayb qaataan jaamacada.

Si kasta ahaatee waxaad aad iyo aad u soo dhaweyey jamaacadan furitaankeeda shacabweynaha ku dhaqan gobolka mudug iyo waliba ardaydii ka baxday schoolka sare ee cumar samatar oo ayu aan wali helin wax jaamacad ah oo ku taala wadanka gudigiisa

Axmed C/laahi Cusmaan
dhagaweyne21@hotmail.com
Somali Talk Galkacyo Puntland Somalia


Qaxooti Somaaliyeed ayaa is isba joog ah ugu soo qulqulaaya Wadanka Kenya Gobolka Waqooyi Bari 22,000 ay soo galeen sanadkaan bilawgiisii

Warar ka imaanaya xuduuda wadamada Kenya oo la wadaago Somalia waaxa dhawrkii maalmood ee aan soo dhaafnay ay halkaasi soo gaareen qaxooti Somali ah oo ka soo barakacay koonfurta dalka somalia kuwaasi oo doonaya in ay nabad galyo ka helaan dalka kelya iyadoo ay iminka dalka somalia intiisa badan gacanta ku dhigeen maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed.

Deegaanka loo yaqaan Libooya ayaa waxaa wararka ugu danbeeyay ay sheegayaan in 300 oo qof ay ka sa soo tilaaben xadka labada dal haayada UNHCR ayaa waxay sheegtay 22,000 Somali ah ay soo galeen kenya tan iyo intii ay dalka somalia sanadkaan bilawgiisa ay ka dhaceen dagaaladii u dhexeeyay maxaakinta iyo waliba qabqablayaashii laga taagta roondaaday

Dalka kenya ayaa laga soo bilaabo 1991 markii ciida afka loo daray dawladii Maxamed Siyyad Barre waxaa ku suganaa xeraha gobolka Waqooyi bare ee kenya 134,000 oo somali ah kuwaasi oo diiwaan gashan balse waxaa jira kuwa badan oo aan intaasi ka yareen hadii aysan ka badnayn oo ku sugan magaalooyinka waawayn sida Caasimada Nairobi, Mombasa Garisa Wajir Mandera iyo meelo kale iyadoo Nairobi dadka Qaxootiga ah ay dawlada Maraynka ka qaato kuwa ay soo dalbadaan qoysaskooda ku nool Waqooyiga America .

halkaan ka Akhiri warka oo Dhamaystiran oo ay qortay Reuters

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Botaan1@hotmail.com


Ivory Coas: Xukuumada cusub ee Ivory coast oo lamagacaabay.

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ivory Coast, Charles Konan Banny ayaa magacaabay xukuumadiisa kadib markii ay 10kamid ah golihiisa wasiiradu ay iska casileen jagooyinkii ay hayeen taasi oo ka timid kadib markii lagu eedeeyay 2 kamid ah golaha wasiiradu in ay ku lug leeyihiin fadeexad, sun loogu daadiyay qaybo ka mid ah wadanka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa shaqadii ka eryey wasiirradii gaadiidka iyo deegaanka, isla markaasna
ku beddeley kuwo cusub kadib markii 10 casho ka hor ay soo baxeen fadeexadu ay mas’uuliyiintaasi ku lug yeesheen oo ku saabsanayd sun lagu daadiyey magaalada Abidjan ee caasimadda waddankaas.

Maalintii jimcihii dad ku mudaharaadayay wasiirakii gaadiidka ayaa isugu soo baxay wadoyinka magaalada caasimada ah kuwaasi oo dhagaxaan ku tuuray wasiirka oogaari sitay marayayna mid ka mid ah wadooyinka ay dadku isugu soo baxeen halkaasi oo ay wax yeelo u gaysteen wasiirka gaadiidka ee haatan xilkii laga qaaday Mr:Anaky Kobenan. isla markaan ay jareen wadooyinka caasimada ee Abidjan.

Ra’iisal wasaare Charles Konan Banny, ayaa haatan dawlad cusub dhisay, kadib markii ay shacabku si weyn u kaceen isla markaasna la ogaadey in ugu yaraan 11 goobood oo ku yaal magaalda Abidjan lagu daadiyey sun khatar ah.

Dhismaha inta harsan ayaa waxaa la rajaynayaa in aysan si wayn isu badalin iyada oo sida la rajayanayana ay ku jiri doonaan siyasiyiin si wayn u taagera Madaxwaynaha wadankaasi Laurent Gbagbo

Ra’iisal wasaaraha ayaa xukuumaddiisa cusub ku soo kordhiyey afar wasaaradood oo aan horay u jirin waxana ay tirada wasaaradaha tani ka dhigaysaa 36 wasaaradood.

7 qof ayaa ku geeriyootey suntaas lagu daadiyay dalka Ivory coast iyadoo 30,000 oo qofna ladhigay ispitaalada dalkaasi si looga daweeyo khatarta xunta lagu daadiyay dalka.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2006


Bayaan ku wajahan xaaladda soomaaliya oo kasoo baxay xarunta  xoriyo. 

Xarunta Xoriyo iyadoo afkaarteeda  iyo mabaadi’deeda ku Saleynaysa Axdiga Qaramada midoobay, Baaqa Caalamiga ah ee Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ,Axdiga Carabta ee ilaalinta xuquuqda  Aadanaha , kan Afrika iyo kuwa kale ee lamidka ah. 

Iyadoo xaruntu ka shidaal qaadanaysa heshiiska caalamiga ah ee khuseeya Xuquuqda Dhaqaalaha ,Bulshada iyo Dhaqanka kaasoo qodobka 1aad faqradiisa 1aad caddeynayso in shucuubtu  xaq u leeyihiin  Aaya ka talinta arrimaheeda , isla mar ahaantaana ay xor u tahay  yagleelida hannaanka  iyo qaabka xukun ee iyaga raali gelinaya taasoo la saanqaadi karta duruufaha dhaqan/dhaqaale iyo bulsho ee Umadaas. Qoraalka oo dhan akhri... (pdf)


Wajigii labaad ee dhismaha Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo furmay.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Maalintii shalaya ahayd ayaa waxa dib u furmay wajigii labaad ee Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Wadada ay ku cararaan Diyaaradaha ee Runway-ga, kaas oo ay dhibaato ka soo gaartay Dagaaladii sokeeye ee mudada 16-ka sano ah ka jiray Dalka.

Shirkadda gacan ka gaysaneysa dhismahaasi oo lagu magacaabo Midowga Shirkadaha Qalabka Culus ayaa mar uu warbixin siinayey Guddoomiyaha Shirkaddaasi Muxiyadiin Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in Wajigii koowaad ee dayactirka Wadada Garoonka la soo gebagabeeyay, maanta uu dib u furmay wajigii labaad, isagoo sheegay in waqti dhow la soo gebagabeyn doono wajigaasi.

Muxiyadiin Waxa uu sheegay in Runway-ga ay dhibaato ka soo gaartay Mowjadaha Badda iyo waliba iyadoo laga bixiyey Caro Kaabo oo boholo waaweyn ay halkaasi ka qodmeen, waxa uuna sheegay in ay duugista godadkaasi caro iyo shamiito xoogan iyo waliba dhagxaan si ay uga difaacaan Mowjadaha Badda, waxaa kalloo uu sheegay labada dhinac ee Runway-ga ay iyana dayactir ku sameynayaan.

Waxaa arkeysaa Gawaari fara badan iyo Baldoosaro ka shaqaynaya Garoonka, kuwaas oo is dib-dhaafayey, sidoo kale waxa ka hawlgalayey shaqaale fara badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar, waxa kalle oo Garoonka dib loo dayactirayaa xafiisyadii uu garoonku lahaan jiray, kuwaas oo ku burburay dagaaladii sokeeye, waxaana ka qayb-qaadanaya Shirkadaha Diyaaradaha ee ka soo dega Garoonkaasi.

Garoonka oo aad u mashquulsanaa ayaa waxaa maalintii ka soo dega 7-8 diyaaradood, waxaana markaad u socotid garoonka aad mareysaa labo Koontarool oo labadaba si aad ah laguugu baarayo, waxaana haatan agagaarkiisa ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo ganacsi aad u baaxad weyn, waxaana la filayaa in waqtiyada dhow ay dib u soo laabato bilicsamidii garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Gabar Soomaali oo iyadoo Xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....
Wargeys kasoo baxa Gothenburg ayaa qoray in.. Akhri Sept 15

Shirkii Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay dalka Morocco
iyo Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo isku Raacay in ay Midoobaan... Akhri... Sept 15

Mas’uuliyiin ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Haweenka Bulshada Rayidka oo kulan wada yeeshay
»Arday ka qalin jebisey kuuliyadda culuumta caafimaadka..
»Madaxweynaha Puntland oo Gaaray kalabaydhka.
»Buuhoodle iyo Soo dhoweynta Cadde Muuse...
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 15


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD