SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QAADKA
Daabaco Boggan | Print



34-jir Qaad Cune ah waxa  uu sheegay in uu jecel yahay dareenka uu ka helo Qaadka, waxa uu ka dhigaa mid had iyo jeer soo jeeda. Calashiga ama ruugidda qaadku waxa uu noqon karaa mid bulsho ahaan ay aqbaleen wadanka aan laga aqbalin cabitaanka khamriga.  AKHRI

qad qaad jaad
2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  
:::QAADKA & MARAYKANKA:
qoraal
44 Qof oo Lagu Eedeeyey in ay Qaad Soo Geliyeen Maraykanka
 

Gabar Soomaali oo iyadoo xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....

Waxaa arruurisa: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

Inkastoo aysan aheyn arrintani falkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dad soomaali ah qaad loogu qabto Sweden iyo wadamo kale oo ku yaala dalalka Galbeedka ayaa hadana tani tahay mid laga naxo marka la eego da'da aadka u yar ee lugu sheegay gabadhaasi soomaalida ah iyo iyadoo ah ruux dumar ah. (waa labo ceen oo kala daran).

Wargeyska maalin laha ee kasoo baxo magaaladatan Gothenburg ee Metro ayaa qoray qoraal uu kaga hadlayo gabar soomaali ah oo la sheegay iney ku rarneyd qaad dhan 76 kilo markii la qabanayey.

Wargeyska oo amuurtan sii faaleynaya ayaa sheegay in gabadhani ay markii hore aheyd dadka maan dooriyaha sida waalida ah u adeegsan jiray oo caafimaad ahaana lagala tacaalay sidey uga hari laheyd walow uusan carabaabin wargeysku maandooriyaha ay adeegsan jirtay.

Gabadhani oo maxkamad ku taala magaalada Gothenburg loo horkeenay amuurtan ayaa hadana markii ay kasoo kabsatay maandooriyeyaashii laga daweynayey dhibaatooyinkii hor taagna iney nolosha iska celiso ay qaarkood halkoodi noqdeen, sida ineysan dugsigii dhaxe weli dhameysan iyo iyadoon helin shaqo rasmi inkastoo tani wadankan oo dhan ay shaqo la'aantu tahay mid aad u sareysa. Hadana Wargeyska wuxuu sheegay in gabadhani dad ay waqti maandoriyeaasha la isticmaali jreen ay la soo xirriireen ana hanjabeen hadeysan ogolaan iney kala shaqeyso ganacsiga qaadka kana dalka Denmark waa sida ay gabadhaasi sheegtay wargeyskuna xusaye.

Bishii april ee sanadkan ayey gabadhaasi aaday magaalada Kopenhagen ee dalka Denmark halkaasina ay xadka Sweden kasoo gelisay qaadkan lugu qabtay ee dhan 76 kilo. Iyadoo iska difaaceysa falkan ayey sheegtay ineysan ka warqabin boorsada waxa ku jira waa sida ay ku dooday. Mida la yaabka leh ayaa ah iney hadana qirato iney iyada gacanteeda ku soo gelisay misna inkirto.

Dalka Sweden waxaa uu kamid yahay dalalka dhibaatada qaadka uu si weyn uga hayo mujtamaca soomaalida hadana aaney dowlada iska saarin mas'uuliyad xoogan oo ay qaadkaasi ku mamnuuci karto. Dad badan oo soomaali ah ayaa qaadka mooday inuu yahay ganacsi lacago laga helayo lacago farro badan balse sida ay mar walba warbixinada qaadka la xirriira laga qoro ayaa sheegta in qoysas badan ay dhibaatooyin qaadku ku hayaan loona xir xiro. Waqtiyadan dambena waxaa dalkan Sweden la arkayey adeegsiga qaadka oo ay dumarka si xad dhaaf ah u cunaan ugana ganacsadaan sida gabadhan yar ee maanta wargeysyadu hal hayeen.


Waxaa arruurisa: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com



Faafin: SomaliTalk.com |


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...


2002: Qaadka oo Kusoo Qulqulaya Ameerika

2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD