SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin dheer oo ku saabsan Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Cabdulaahi Yuusuf oo ka Hadley…

Cali Maxamed Geedi oo Qaraxaasi Dusha u saariyey ..

Shiikh Shariif oo qaraxaasi ku Tilmaameyin ay ka dambeysey ….

Qaramada Midoobey oo Cambaareysey …


Shalay ayaa afaafka hore ee Xarunta uu ku shiro Golaha Baarlamaanka ee ADC ayaa waxaa ka dhacay labo qarax oo si aad ah isugu dhoweyd, qarixii hore waxa uu dhacay mar uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka soobaxay hoolalka shirarka xiligaas oo ay ku shirayeen Golaha Baarlamaanka, kulankaas loo doonayey in aqlabiyad loogu qaado Xukuumadda uu hogaamiyo Cali Max’ed Geedi, hase yeeshee madaxweynuhu markii uu u soo dhawaaday halkii uu ka raaci lahaa gawaarida, ayaa waxaa ka dhacay qarixii koowaad kaas oo baabi’iyay dhawr gaari oo ay ku jireen kuwo uu lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, sidoo kale waxa uu qaraxaasi baabi’yay labo gaari oo kuwa tiknikada ah, inkastoo aysan markii hore ka soo bixin warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxaasi, ayaa haddana waxaa dhacay qarixii labaad, waxa uuna isna gaystay khasaaro la mid ah kii hore, ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa iyo 8 ruux oo uu ku jiro nin ay qaraabo yihiin C/llaahi Yuusuf Axmed, kaas oo ku basbeelay gawaaridii halkaasi ku gubatay.

Ololka iyo Uurada ka soo baxeysay halka uu ay ka dhaceen qaraxyadu ayaa waxay dadku noo sheegeen in aysan arag qaraxyo la mid ah noocaan, iyadoo goobtii uu ka dhacay qaraxuhu ay isku hareereeyeen Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Federaalka, hase yeeshee waxaa la damcay in dhowr jeer la joojiyo kulankii Baarlamaanka u socday, waxaase arrinkaasi diiday qaar ka mid ah Xildhibaanada oo sheegay in aan dheg jalaq loo siin waxa halkaasi loo yimidna laga dhabeeyo, taasina waxay keentay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu sheego in xubnaha Baarlamaanka ay cod aqlabiyad ah Dowladda Federaalka ee uu madaxda ka yahay Cali Max’ed Geeddi, markii uu hadalkaasi ka soo baxay Guddoomiyaha Baarla-maanka waxaa bilowday buuq iyo sawaxan, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in waqtigan aysan ku habooneyn oo mar kale dib la isugu soo laabto, hase yeeshee waxaa taasi ku adkeystyay Guddoomiyaha oo markii ku dhawaaqay in Dowladdii Cali Max’ed Geeddi ay badbaaday cod aqlabiyad ahna ay heshay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarla-maanka ayaa waxay sheegeen in ay hanjabaad uga timid Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda, loona sheegay in haddii ay raaci waayaan dowladda laga saari doono magaalada Baydhabo, waxayna Xildhibaanadaasi sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay magaalada isga bixi doonaan arrimo la xiriira dhinaca ammaanka.

Xildhibaanadaasi ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax cod ah oo loo qaaday Dowladda Federaalka, isla markaana Guddoomiyaha Baarla-maanka uu isaga dhawaaqay in Dowladdii ay heshay cod kalsooni ah.

Haddii aan dib ugu laabano Qaraxyadii ka dhacay shalay agagaarka xarunta Golaha Baarlamaanka ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay falkaasi, warar ayaa waxay sheegayaan in falkaasi dadka qaarkii ay la xiiririnayaan Afartii bishan dagaalkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kaas oo ay ku dhinteen dhowr qofood oo ka tirsan dadka deegaanka, qaar kale ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi laga lahaa ujeedo ah in la soo dedejiyo in dalka la keeno Ciidamo Shisheeye oo ka socda Wadamada IGAD, warar kale ayaa waxay sheegayaan in ismaan-dhaafka u dhexeeya dowladda Federaalka ay keeni karto qaraxyadaasi, ilaa iyo haatanna wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 16 qofood oo u badnaa ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo dad ganacsi ku haystay halka uu qaraxu ka dhacay, warar kale ayaa waxay sheegayaan in dadka ku waxyeeloobay ay ku jiraan sarakiil ka tirsan dalal deris la ah Soomaaliya.

Warbaahinta caalamka intooda badan waxay faafiyeen in C/llaahi Yuusuf oo ku dhaawacmay Qaraxaas hase yeeshee mar la wareeystay waxa uu sheegay in Naftiisa ay khatar gashay balse uu ka badbaaday mar wax laga waydiiyey in ku geeriyooday Qaraxaas walaalkiis wax uu sheegay C/llaahi in walaalkiis uusan waxba kaga duwanayn kuwa ku geeriyoodey Qaraxaasi, waxa uuna Qaraxaasi ku tilmaamay mid ay ka dambeeyeen kooxa Argagixisa ah.

Gudoomiyaha Golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga Shiikh Shariif Axmed ayaa waxa laga weydiiyey asagoo ku sugan Jabuuti Qaraxaasi waxa uuna sheegay in Qaraxaasi ay soo abaabushay Dowlada Itoobiya oo maalmahaanba gacan bidixaynaysay C/llaahi Yuusuf waxayna doonaysay in halkaas ay ku khaarijiso.

Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa isana Qaraxaasi dusha ka saaray kooxo Argagixiso ah balse farta kuma fiiqin cidda ay ahaayeen waxa uuna sheegay in loo qabtay Qaraxaasi labo qofood oo haatan ku xiran xabsiga Magaalada Baydhabo.

Qaramada Midoobay ayaa canbaareesay Qaraxaasi oo sheegtay in lala damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf, waxaa kaloo sheegtay in Qaraxaasi oo keeni karo in uu sii kordho qalalaasaha ka tagaan dalka Soomaaliya.

Qaraxii Baydhabo iyo Sooradii lagu dilay Magaalada Muqadisho waa calaamatu su’aal ka kala taagan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


 

Qaraxii Baydhabo iyo Shirkii Jaraa'id ee Buubaa ee Nairbi....
sawirka gawaari gubanaysa baydhabo 18/09/06/ AP
 
 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dawlada somalia  ayaa tibaxaayaan weerar laba gaari oo ay ka buuxdo waxyaabaha qarxa ay ku qorxeen banaanka xarunta ADC-da ee ay baaralamanka somalia ku shiraan waxaana ilo wareed ay sheegayaan  in ugu yaraan 10 ruux ay ku qorbaxeen  waararkaas oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qaato madax waynaha somalia tan iyo markii la doortay 2004 dhamaadkeedii ka dib laba sano iyo bar shir ka socday kenya, iyadoo dhaawaca qaraxyadaan ay ku dhaw yihiin 12 qof sida aan ka helay ilo wareed waxaana galabta la keenay magaalada Nairobi isbitaalo ku yaal dhaawaca qaar ka mid ah sida SOMALITALK ay u xaqiijeyeen xafiiska madax waynaha ee Nairobi
 
Ismaaciil buubaa Nairobi REUTERS     Ismaaciil buubaa Nairobi REUTERS
 
Wasiirka arimaha dibada dawlada somalia Ismaaciil Buubaa ayaa maanta shir jaraid ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimada kenya isagoo ku dheeraaday ka hadalka qaraxyadii ka dhaay maanta ka dhacay baydhabo  u sheegay in Weerarkan oo lala beegsaday Madaxweynaha Soomaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo kolanyo gaadiid ah oo la socday,oo markaas ka soo baxay xarunta ADC kadib markii oo halkaas hadal ka soo jeediyay .
 
WAsiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri '' weerarkaan waxaa uu ahaa mid sida calaamadaha iyo faraha Ururka Al- qacida, balse wasiirka arimaha gudaha Xuseen caydiid oo u waramay TV-ALJAZEERA ayaa waxaa uu sheegay in arintaan aan lagu dag dagin oo gudi wasaaradiisu u xilsaaray sidii loo baari lahaa isagoo sheegay in madax waynaha gaarigii oo la socday xitaa oo dabku qabsaday waxaana oo intaasi ku daray in ay ilaa iyo hata war ka hayn wax masuul ah oo ku wax yeeloobay marka laga reebo xubno ka ag dhaw dhaw madaxtooyada oo ay ka mid yihiin staffka gaarka ah ee madax waynaha.
sawirka gaari gubanaya  baydhabo 18/09/06/ AP
gaadiidka madaxwaynaha oo basaysa baydhabo 18/09/20 AP
 
Qarax ka dib ayaa waxaa golaha baarlamaanka DFKMG ah ee somaliyeed ansaxsheen dawladii 3 ee raisul wasaare geedi dhiso tan iyo 2004 markii oo madax wayne c/laahi yuusuf magcaabay geedi ka dib markii maxamed dheere booskii xildhibaanimada ku wareejiyay geedi,xildhibaano gaaraya 199 ayaa maanta kasoo xaadiray kalfadhigii Baarlamaanka,174 xildhibaan  ayaa siisayay codka kalsoonida oo gacan taag ahaa sida oo ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka somalia Shariif Xasan .
 
Dhanka kale maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ayaa canbaareeyay weerarkaan oo ku tilmaamay in ay ka danbayso dawlada Ethopia sida ay sheegeen .
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Faah faahin Somali Talk Nairobi Kenya

 

Qaraxyo aad u waaweyn oo lala beegsaday madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka dhacay xaruntii baarlamaanka uu ku shirayay

 

Sept 18, 2006: Qarax gilgilay dhamaan daafaha magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka dhacay irirdka hore ee Baarlamaanka magaalada Baydhabo kaasoo lala beegsaday Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed xili uu kasoo baxay shir ay lahaayeen Mudaneyaasha Baarlamaanka federaalka ah oo la doonayey in loogu codeeyo in kalsooni la siiyo xukuumadda cusub ee ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi iyo qorshe howleedkiisa lixda bilood ee soo socota.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayey sidii xukuumada federaalka Soomaaliya cod loo siin lahaa isagoo qudbad gaaban oo dardaaran iyo waano ah halkaasi ka jeediyey, isagoo intaa kaddibna u dhaqaaqay dhinaca iyo xarunta madaxtooyada balse marka uu ka sii baxayay afaafka hore ee halka uu shirka ka socdo ayaa waxaa mar kaliya halkaasi ka dhacay qarax weyn oo lagu soo qariyay gaari qooqan ah oo nus saac ka hor bartaas la soo dhigay, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo weliba gaadiid gaaraya ilaa toban oo halkaasi ku bas beelay.

 

Qaraxan ayaa sababay inay dhintaan in ka badan toban ruux oo uu ku jiro Col. Jigle Yuusuf Axmed oo ay walaalo yihiin madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaar ka mid ilaaladiisii iyo darawalkiisii.

 

Madaxweynaha ayaa ka badbaaday Qaraxaan iyadoo aanan la xaqiijin sababta dhabta ah ee ka danbaysa Qaraxaasi.

Dhinaca kale dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa durbadiiba loola cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo halkaasi diyaarad looga qaaday.

Waa markii ugu horreysay ee qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Baydhabo tan iyo intii ay soo degtay dowladda Federalka ee Soomaaliya, waxaana haatan halkaasi ka jira cabsi aad u xooggan.

Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2006

Warar ku saabsan dilkii Sooradii Talyaaniga
»Cabdi Qaybdiid oo soo gaaray Magaalada Baydhabo…
»Xuseen Miikaal “Magaceyga waa lagu been Abuurtey..
»Dowladda FKMG oo xarun u fureysa Maxkamadda sare…
»Gaalkacyo: xaflad lagu furayey qayb ka mid ah EAU..
»Qaxooti Somaaliyeed oo ku soo qulqulaaya Kenya...
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji...

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD