SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Sept 24, 2006
  • Sheekh Shariif oo Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
  • Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta soo gaaraya..
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in..
  • Sheekh Aadan Madoobe Mas’uuliyiin sarsre..
  • Xisbiga RPP oo Madaxweynaha DGPL iyo Kuxigeenkiisa ugu Baaqay in uu Is-casilaan
  • BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta Soomaaliya.
  • Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku haynta Tuulada Nugeeshow oo 12 km u jirta magaalada Jilib
  • Waxgaradka Gobolka Gedo oo uga digay maxkamadaha inay duulaan ku qaadaan magaalada Kismaayo
  • Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay weerar ay sheegtay inay maxkamaduhu ku qaadayaan magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
  • MAXKAMAD ISLAAMI AH OO LAGA HIRGELIYAY  TUULADA ILIGMADOOBE EE DEGMADA BALCAD
  • DGPL oo sheegtay in Hay’adaha UN-ka aysan la socodsiin bixitaankooda puntland.

Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo ka akhri halkan... GUJI

Sheekh Shariif oo Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..

            Iyadoo qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo uu ugu horeeyo Mareykanka ay aragti qaldan ka qabaan Maxaakiimta islaamiga ayaa waxaa arrintaasi sidii uu u baabi’in lahaa dadaal ugu jira Guddoomiyaha Maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Dalka Jabuuti.

Sheekh Shariif ayaa halkaasi kulamo kula yeelanayey Diblamasiyiin ka socotay beesha Caalamka oo uu ka dhaadhicinayey in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku dhismeen rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Maxaakiimta aysan cidna dhibaato ku aheyn oo ay doonayaan in ay nabad kula noolaadaan wadamada deriska la ah Soomaaliya. Sheekh Shariif Ayaa sidoo kale waxa uu kulamo kula yeeshay Jabuuti diblamaasiyiin ka socotay wadamada Yurub oo ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira xaaldda Soomaliya iyo waliba go’aanadii ka soo baxay shirkii khartuum ee u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federalka, isagoo sheegay in Maxaakiimtu ay diyaar u yihiin in ay nabadgelyo la wadaagaan beesha Caalamka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu Jabuuti kulan kula yeeshay safiirada Wadamada Jaamacadda Carabta oo ay iyana isla soo qaadeen sidii ay Jaamacadda Carabtu gacan u siin lahayd shacabka Soomaliyeed oo uu sheegay in ay dhibaato ku jiraan mudo 16 sano ah. Sheekh Shariif oo dhawaan tagay dalka Qadar ayaa halkaasi waxa uu kulamo kula soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladdaasi oo ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaliya, iyadoo Dowladda Qadar ay tahay mid dooneysa in ay isku soo dhaweyso Maxaakiimta iyo Mareykanka. Sheekh Shariif waxaa kalloo uu wadaa dadaal uu beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in aan Soomaaliya loo soo dirin ciidamo nabad ilaalin kuwaas oo uu sheegay in ay dalka u keeni karaan burbur iyo dhibaato oo keliya, isagoo sheegay in haatan ay Soomaliya xasiloon tahay, caalamkana looga baahan yahay in ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed taageero dhan walba leh.

Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta soo gaaraya..

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ay soo gaaraan saraakii ka tirsan CIA-da Mareykanka, kuwaas oo doonaya inay eegaan goobtii uu ka dhacay qaraxa la doonayey in lagu dilo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

            Weli waxaa xiran goobtii uu ka dhacay qaraxa, waxaana ilaalo ka haya ciidamo ka tirsan booliiska Dowladda Federaalka.

Saraakiishaan oo maalmahan ku sugneyd Magaalada Garoowe ayay halkaasi waxay kulamo kula soo yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedka Puntland oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulkaasi Gen. Cadde Muuse.

Madaxweyene C/llaahi Yuusuf oo dhawaan wareysi siiyey Wargeyska Sharqul-Awsat ayaa waxa uu Dowladda Mareykanka eedeeyay in ay u dhabar jeedisay Dowladda Federaalka, isla markaana ay xiriir la sameysay wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.

Saraakiishaan ayaa markay dhameystaan baartaan-kooda waxay aadi doonaan Jabuuti oo ay degan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidamada Mareykanka kuwaas oo loo xilsaaray inay argagixisada ka ilaaliyaan Geeska Afrika.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in..

Iyadoo maalmahan lagu waramay in wada hadal aan toos aheyn uu dhex maray Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda mareykanka, ayaa maalintii shalay ahayd waxay Dowladda Mareykanka qirtay in wada hadal toos ah uu dhex maray Maxaakiimta, waxayna Dowladda Mareykanku ka codsatay Maxaakiimta Islaamiga ah in ay soo dhiibaan saddex nin oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida kana dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay  safaaradaha0 uu Mareykanku  ku leeyahay dalalka Kenya iyo Tansaaniya.

Saddexdaan nin oo u kala dhashay wadamada Kenya, Tansaaniya iyo Komooroos ayaa waxaa mas’uul u hadlay Maxaakiimta uu sheegay in saddexdaas nin aysan ku sugneyn Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay mas’uulkaasi in kooxo argagixiso ah Soomaliya aysan ku sugneyn haba yaraatee.

Wada hadalka u dhexeeya Maxaakiimta iyo Dowladda Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhex dhexaadineyso dowladda Qadar oo dooneysa inay soo afjarto khilaafka u dhexeeya maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Mareykanka, hase yeeshee Dowladda mareykanka weli waxay ku adkeysaneysaa in la soo dhiibo saddexdaasi nin.

Shacabka mareykanka ayaa dhamaantood aaminsan in Soomaliya aysan ku sugneyn kooxo argigixiso, is bedelka ka dhacay Muqdishana uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe Mas’uuliyiin sarsre..

Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh (Aadan Madoobe) oo ah wasiirka garsoorka ee Dowladda Federaalka ayaa waxa uu ka hadlay dilkii loo gaystay Cabdalla Deerow Isaaq bishii May ee sanadkaan waxa uu sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen rag sheegayana mas’uuliyiin.

“Dilku waxa uu ahaa mid qorsheysan oo laga lahaa ujeedooyin gaar ah” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay inay waqti dhow ku dhawaaqi doonaan ciddii ka dambeysay dilkii Cabdalla Deerow.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ay wadaan baaritaan wadaan, mar dhowna ay ku dhawaaqi doonaan ciddii ka dambeysay dilkaasi.

Mar uu ka hadlayey  qaraxiii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo la xiriira fal argagixiso ah.


  • Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika, kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, hab-dhiska qashin saarka iyo dheefshiidka. Akhri...

Garoowe: Ramaas Political Party oo Sabtidii soo saartay Bayaan ka dhan ah xukuumada puntland...

 Bayaan uu Sabtidii Sept 23 soo saaray xibiga mucaaradka ah ee  ka jira puntland oo marka magiciisa la soo gaabioyo loo yaqaano (RPP) ayaa loogu baaqay in madaxwaynaha puntland Gen: cade muuse iyo Ku xigeenkiisa Afqurac ay isaga dagaan kursiga madaama aysan umada Puntland u hayan wax dan ah, kun aeedeeyey in ay bixisaan , qaataana laaluush iyo in ay ka takteen cadaaladii.

Xisbiga Ramaas ayaa ah mid u hawlan sidii uu u soo bandhigi lahaa waxyaabaha xukuumada cade muuse ay ku tilaabsado kaasi oo shaaca ka qaaday waxyaabo badan oo u qarsoonaa xukuumada cade muuse tan iyo markii la asaasay xisbiga Ramaas Political Party(RPP.)

Bayaankan ayaa si toos ah ugu socda madaxaynaha puntland Gen: cade muuse oo hada ku sugan magaalda laascaanood ee xarunta gobalka sool, waxan auu u qornaa sidan:

Puntland somalia
Ramaas political party(RPP)
RPP/51/06                                           Date:23/09/2006
 
 
Ku: Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGPL
Ku: Saxaafada soomaaliya
Ogaysiin: Shacabwaynaha puntland
 
Ujeedo: Kuceliya umada masiirkay idiin dhiibatay
 
Mudanayaal sida aad la socotaan waxaad ku fashilanteen inaad wax ka qabataan.
1- Nabadgalyadii dalka oo faraha ka baxday
2- Arimihii bulshada, khaasatan waxbarashada oo aad in aad ku abuurtaan corupyion ardayda maahane aydaan wax kale oo barnaamij ah oo ah heer jaamacadeed ama heer shaqo aysan jirin waxaad ugu tala gasheen markay ka baxaan secondariga.
3- Dhamaan adeegyadii guud.
4-Musharhaarkii ciidanka iyo shaqaalaha oo aan lahayn kadib markii aad miisaaniyadii dalka aad  u adeegsateen dano gaar ah.
B) Waxaad ka shaqaysaan
1- In aad dalka ka abuurtaan coruption si dalku u bur buro
2- Waxaad tihiin laaluush qaatayaal
3- Waxaad bixisaan laaluush
4-Waxaad ka takteen cadaaladii
5- Waxaad lumiseen isu dheelitirnaantii maamulka maadaama ay beelo isku darsadeen maamulkaan.
 
Sidaa darteed si dalka iyo dadka loo badbaadiyo waxaa xisbiga Ramaas idiin soo jeedinayaa in aad is casishaan kuna celisaan umadda masiirkii ay shalay idin saareen.
 
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas (RPP)
Daahirciiro tel: mobile.. 747090
 Email: daahirciiro@hotmail.com 

BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta Soomaaliya.
MAALMO MUHIIM AH:::
Maalmo Muhiim ku ah Jadwalka Islaamka 1427-1428
 
QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
::MUQDISHO & DHURWAAGA::

Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba Guji

»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO

»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
 


XASUUQII WAGALLA EE 1984 EE KENYA DISHEY 400 RAG SOOMAALIYEED AH:::

 

 

76 dhalinyaro u badan ayaa Sabtidii maamul DGPL uu dib ugu celiyay koonfurta soomalia, dhalinyaradaan ayaa laga soo qab qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Dhalin yardaan dib loo celiyay ayaa waxaa looga shakiyay in ay doonayeen in ay magaalada Boosaaso ka fulin lahaayeen falal ammaan-xumo ah sida uu saxaafada u cadeeyay taliye xigeenka Ciidanka Booliska G/sare, C/casiis Siciid Gacameey Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland ayaa Saxaafada u sheegay in ay dib u cesheen dhalinyaradaasi kadib markii ay u arkeen kuwa doonaya in ay dhibaatooyin wax loogu dhimayo ammaanka ay ka fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Taliyekuxigeenku wuxuu sheegay in ay dhalinyaradani wateen 2 baabuur oo waawayn islamarkaasna ay ahaayeen kuwo fir-fircoon oo tababaran , sidaas awgeed waxaan ku darnay Ciidan iyo Baabuur gaysa xadka ilaa iyo Caddaado waxayna iminka marayaan magaalada Gaalkacyo oo laga sii gudbin doono sidaan amarka ku bixinay, dhalinyaradaani sida aanu ku aragnay ma aysan wax dhar ah iyo alaab kael toona waxayna u ekaayeen kuwo la soo adeegsaday oo meelo cayiman loo soo tilmaamay si ay amaanka puntland khal khal u galiyaan anaguna waanu ka hortagnay illaahna waa nagu guuleeyay in aanu qaqabano kuwa dhibta wada, amaankayagana waanu adkaynayaa.

Sikastaba Taliyekuxigeenku wax faafaahin ah kama uusan bixin cida adeegsanaysay dhalinyaradaan iyo meelaha ay sida gaarka ah u bartilmaameedsanlahaayeen lakiin waxa uu ku nuux nuuxsaday in amaanka puntland uu iyaga xil ka saaran yahay sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in cidii looga shakiyo in ay wadaan falaal amaanka wax loogu dhimayo in la qabto halka ay puntland ka soo gashana dib loogu celiyo.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in ay fiican tahay si dadka looga garto cida fawdo u joogayaasha ah in lagu sameeyo astaan sida aduunka looga dhaqmo, waa in Timaha laga xiiraa cida amaanka wax u dhimaysa si dadku ay u aqoonsadaan isla markaana la isaga ilaaliyo waa arin muhiim ah oo aduunku ku dhaqmo.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Wararkii Galabnimadi Sabtida:

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku haynta Tuulada Nugeeshow oo 12 km u jirta magaalada Jilib

Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com

MuqdishoSomalia
002521576666/002521653623

Maxkamadaha Islaamiga ee ku sii jeeda gobollada Jubbooyinka  ayaa gaaray maanta tuulada Nagooshow oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, iyadoo ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba ee ku sugnaa degmada Jilib ay isaga baxeen iyagoo difaac ka galay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. 

132 km ayay u jirsadeen magaalada Kismaayo xoogagga taabacsan maxkamadaha Islaamiga ah ee iyaga ku soo fool leh magaalada xeebta ah ee Kismaayo, waxaana odayaal iyo dad aad u taageersan ay uga hor tageen  tageen degaanka Nogeeshow oo 12 km dhanka Muqdisho kaga beegan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo lagu warramayo inay iminka ku xoolo qalanayaan, waxaana ciidamadaasi ay doonayaan inay ku sii siqaan gacantana ku dhigaan magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo istaraatiiji ah gobollada Sh/hoose, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, waxaana sidoo kale halkaasi isaga firxaday ciidamadii isbahaysiga Dooxada Jubba kuwaasoo dib ugu gurtay magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo aan sidaas u sii tira badneyn oo wata tiro gawaarida dagaalka  oo iyagu u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Kismaayo, iyadoo wararku ay xaqiijinayaan in uu u yeeray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee isbahaysiga Dooxada Jubba Xildhibaan Yuusuf Max'ud Mire Seeraar.  

Wararka laga helayo degmada jilib ayaa waxay sheegayaan in dadka ay si aad ah iminka isugu diyaarinayaan soo dhoweynta ciidamada Midowga maxaakiimta Islaamka, iyadoo dhanka kalena ay ku soo beegantay xilli uu guddoomiyaha degmada Jilib iyo ku xigeenkiisana ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyaha Degmada Jilib C/laahi Macallin Xuseen isagoo jooga Muqdisho uu sheegay inay ka maamul ahaan soo dhoweynayaan  ciidamada Maxkamadaha, degmada Jilibna ay ka mid tahay degmooyinka kale oo ay horay u gaareen maxkamadaha Islaamiga.  

Si kastaba ha ahaatee magaalada Kismaayo ayaa arrintaasi si weyn looga hadal hayaa, waxaana la arkayay in magaalada Kismaayo gudaheeda ay ka socoto diyaar garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan ciidamada Maxkamadaha sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiishaas.  

Waxgaradka Gobolka Gedo oo uga digay maxkamadaha inay duulaan ku qaadaan magaalada Kismaayo

Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog badan ayaa ka soconaya inta badan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo  iyadoo la arkayay maalmihii la soo dhaafay xiisadaha u dhexeeya Midowga maxkamadaha Islaamiga Islaamiga isbahaysiga Dooxada  Jubba oo uu hoggaamiyo wasiirka Gaashaandhigga Barre Hiiraale ay cirka isku shareertay, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada Midowga maxaakiimta Soomaaliyeed ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo.  

Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maanta magaaladaasi ay ambabaxeen boqollaal maleeshiyo ah oo ku hubeysan noocyada qoryaha fud-fudud iyo kuwa cul-culus, iyadoo maleeshiyada uu hoggaaminayo Taliyaha ciidamada Ceelwaaq Max'ed Cabdi Kaliil ay ujeedadoodu tahay sidii ay gacan ugu siin lahaayeen difaaca magaalada Kismaayo maleeshiyada isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay is hayaan kuwa midowga maxkamadaha Islaamiga. 

Sidoo kale maleeshiyo uruurin ayaa waxay ka socotaa qaar ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo.

Dhinaca kale masuuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Gobolka Gedo qaar ka mid ah ayaa ka dalbaday midowga maxkamadaha Islaamiga ah inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ku wajahan dhinaca magaalada Kismaayo, xilli dadka deggan degmada kismaayo ay cabsi xooggan soo food saartay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada maxkamadaha oo wata tiknikada dagaalka ay ku sii jeedaan dhinaca magaalada Kismaayo. 

Guddoomiyaasha maamullada degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow oo maalmihii la soo dhaafay magaalada Doolow-Itoobiya ugu soo gabagaboobay kulan ay la lahaayeen saraakiil Itoobiyaan ah oo ku saabsanaa xoojinta nabad gelyada magaalooyinka ku yaalla xuduuda, saraakiil Itoobiyaan ayaa ka digay cawaaqib xumada ka imaan karta dagaal ka dhaca magaalada Kismaayo inay xasilooni darro ku keeni karta qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka oo iminka ay deggenaanshi ka jirto, waxaa habboon ayay yiraahdeen odayaasha in la hirgeliyo heshiiskii Khartoum oo qodobadiisu ay ka mid ahaayeen colaad joojinta. 

Masuuliyantan oo shir jaraa'id maanta ku qabtay degmada Beledxaawo ayaa gabagabadii kulankoodii kaddib muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dagaal Kismaayo ku dhex mara maleeshiyada isbahaysiga Dooxada Jubba iyo ciidamada Maxkamadaha Islaamiga, iyagoo sheegay in xilligan aysan wanaagsaneyn in la weeraro meel uu maamul ka jiro.  

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay weerar ay sheegtay inay maxkamaduhu ku qaadayaan magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka dowladad Federalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo u warramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in ay heleen warar sheegaya in ku dhowaad 50 baabuurada dagaalka ah oo ay leeyihiin maxkamadaha islaamig ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo si ay xoog ugu qabsadaan, isagoo sheegay in dowladdiisu ay sugeyso inuu dagaalku qarxo, waxa kale oo uu sheegay C/raxmaan Diinaari in weerarkan Kismaayo oo ah magaalada seddexaad ee ugu weyn Soomaaliya derisna la ah dalka Kenya uu yahay mid jebinaya heshiiska  xabbad joojinta ee maxkamadaha iyo dowladda ay ku kala saxiixdeen magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, isagoo markaasi tilmaamaya in magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayso dowladda Federalka Soomaaliya maadaama uu ku sugan yahay wasiirkeeda gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Hiiraale).  

Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay inuu bur-buray heshiiskii Khartoum kaddib markii ay dowladda ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen go'aankii uu golaha ammaanka iyo nabad Afrika uu ku gaaray in ciidamo la keeno dalka Soomaaliya dabayaaqada bisha October.

MAXKAMAD ISLAAMI AH OO LAGA HIRGELIYAY  TUULADA ILIGMADOOBE EE DEGMADA BALCAD

Maxkamad islaami ah oo lagu magacaabo Al-birra ayaa laga hirgeliyay tuulada Ilid-madoobe ee ka tirsan deegaanka Balcad. 

Guddoomiyaha siyaasadda Xamar iy oXamardaye Macallin Xaashi Max'ed Faarax iyo xubno la socday ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna sheegeen in ay deegaanka ka furi doonaan maxkamado Islaamiga ah oo suga nabad gelyada. 

Guddoomiyaha maxkamadda Islaamiga ee Al-birra ayaa loo magacaabay Sheekh Yuusuf Max'ed Yuusuf, halka guddoomiyaha shuurada loo magacaabay Sheekh Muriidi C/qaadir Nuur, waxaana sidoo kale taliyaha ciidanka ee maxkamaddaasi loo magacaabay Xasan Max'ed Hiraabe, waxayna maxkamadani ka mid noqoneysaa maxkamado Islaami ah oo ay maamulka degmada Balcad ka hirgelinayaan tuulooyinka hoos yimaada.  

Dhinaca kale maxkamad Islaami ah ayaa shalay gelinkii dambe la furay deegaanka God-doonfaar oo haatan loo bixiyay God-caano, sida uu sheegay guddoomiyaha siyaasadda Xamar & Xamardaye ahna madaxa maamulka degmada Balcad Macallin Xaashi Max'ed Faarax.

Macallimiinta Dugsiyada Qur'aanka kariimka oo shir ballaaran ay la yeesheen maamulka Degmada Balcad

Shir ballaaran oo looga hadlayo tayeynta dugsiyada Qur'aanka, tarbiyada diinta Islaamka, joojinta munkarka sida caweyska, qamaarka iyo cayaaraha kale oo ka hor imaanaya diinta Islaamka ayaa ka dhacay xarunta warshadda dalka ee Balcad.

Shirkan oo uu shir guddoominayay madaxa maaliyadda degmada Balcad Max'ed Max'ud Axmed (Siliki) aya waxaa ka qeyb galay macallimiin dugsiyo Qur'aan oo kala socday deegaanada Xamar iyo Xamardaye, waxayna macallimiintu tiradoodu kor u dhaafaysay 95 xubnood. 

Shirkan ayaa looga hadlay sidii waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, isla markaana diinta loo bari lahaa dadka looguna dadaali lahaa, sidoo kale ardayda Qur'aanka dhameysa ayaa layskula soo qaaday shirkaasi in la baro cilmiga iyo waxbarashada aasaasiga ah intaba, iyadoo gogosha shirkan ay dhigeen maamulka degmada Balcad ayay macallimiintii ka qeyb gashay waxay soo jeediyeen in laga hortago sidii loo joojin lahaa dhammaan waxyaabaha munkarka ah oo uu ugu horreeyo caweyska.  

"Xukun kasta oo yimaada lalama tashan jirin culimada" ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh Ibraahim oo halkaasi hadal ka soo jeediyay, wuxuuna u mahad celiyay maxkamadaha Islaamiga dadaalkooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.

Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com

MuqdishoSomalia
002521576666/002521653623

GAROOWE : DGPL oo sheegtay in Hay’adaha UN-ka aysan la socodsiin bixitaankooda puntland.

Xukuumada DGPL ayaa markii ugu horeysey ka hadashay ka bixitaanka Hay’adaha UN-ka ee Puntland Waxayna sheegeen in Hay’aduhu aysan la socodsiin ka bixitaankooda Puntland oo ay ku xaskudbeen xukuumada puntland taasina ay ahayd tilaabo aan loo baahnayn ee ay haayaduhu iskood u qaateen.

Wasiirka warfaafinta DGPL C/raxmaan Bankax ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in Hay’aduhu aysan la socodsiin in ka baxayaan Puntland ayna iyaku iskood u baxeen , wuxuuna sheegay in ay qoraal u direen oo ay ka sugayaan sababta ay uga baxeen Puntland maadaama ay Puntland ay tahay meel ammaan ah oo u nabad badan guud ahaan dalka Soomaaliya , wuxuu sheegay in ay ka fiirsan doonaan jawaabta ay ka soo bixyaan qoraalka loo diray.

Wasiirka warfaafinta puntland ayaa intaas ku daray in aysan haayaduhu markay rabaana aysan iska bixi karin markay rabaana aysan imaankarin puntland, puntland waa nabad magaranayo sabab ay hada haayaduhu uga baxeen waana arin nagayaabisay in ay haayaduhu iska baxaan oo xataa aysan na qadarin oo aysan nala soo socodsiin bixitaankooda.

Ka bixida Hay’adaha UN-ka ee Puntland ayaa ka dambaysay kadib markii qoraal digniin ah loo soo galiyay bog Internet xafiiskooda nirobi kaasi loo looga digayay in dhamaan haayadaha UN ku ay isaga baxaan Somalia hadii kale lalabegsan doono xarumahooda iyo shaqaalahodaba Qaraxyo la mid ah kii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo kale, waxaana qoraalkaasi loogu sheegay in lalayn doono Hay’adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya haddii aysan si degdeg ah uga bixin gudaha Soomaaliya tasi oo dhalisay in ay isaga baxaan puntland.

Waa markii ugu horaysya ee sidan ay somalidu u adeegsato aadala internetka iyaga oo hanjabaado u diray haayadaha UN-ka ee ka hawlgala Somalia hadii arinkan uu meel maro waxaa jiridona hanjabaado badan oo loo gaysnayo shaqsi, haayad, iyo maamulba, waxayna tani noqonaysaan arin ku soo cusboonaata Somalida.

Hanjabaadaha noocaani oo kale ah waxay ka jiraan wadamada Iraq, Afghanistan, iyo meelo kale lakiin Haayadaha UN-ka waxa ay ku andacoonayaan in ay tani la dhigan tahay hanjabaadihii nooga yimid wadamadaasi Irqa iyo Afghanistan oo ay haayadaha UN- ay dhagaha ka furaysteen isla markaana qaraxyo lala beegsaday xarumahooda shaqaalahoodana la afduubtay iyaga oo taas qiil uga dhiganaya ayay tan Hanjabaada Somalida ay u hogaansameen oo ay puntland durba ka baxeen.

Hanjabaada haayadaha UN- ka loogu hanjabay in ay ka baxaan somalia waxaa kale oo iyana ka baxay puntland NGO kuwasi oo iyaguna ka baqanaya in qaraxyo lalabeegsado lamarankaro saamaynta ay somaliya ku yeelankarto arintaani.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Munaasabad lagu furayo sanad dugsiyeedka jaamacada Kismaayo oo ka dhacday xarunta jaamacada Kismaayo

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka soocota maamulka dooxada jubba kan degmada kismaayo ururada bulshada rayidka ah aqoonyahono iyo waliba culumaaidiin oo lagu furayay sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo ee 2006 2007 ayaa maanta ka dhacday xarunta jaamacada kismaayo ee gudaha magaalada kismaayo.

Furitaanka sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo oo sanadkan la filayo in ay fariistaan ugu yaraan 150 ardey oo ka kala yimid ama ka soo baxay durgsiyada sare ee kala duwan ee ku yaala gudaha magaalada kismaayo ayaa waxay inta badan baranayaan kulyada maamulka iyo dhaqaalaha iyo kulyada waxbarashada taasoo ay aad haatan ugu riyaaqayaan ardeyda reer kismaayo ee haatan ay u suuro gashay helitaanka jaamacad maadaama ay jaamacada kismayo tahay jaamacadii ugu horeysay ee gobolada jubooyinka laga hirgaliyo.

Munaasabadii Furitaanak sanad dugsiyeedkan oo sida aanu sheeganay ay ka soo qeyb galeen bulshada heerarkeeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi hadalo kooban oo baraarujin ah ka soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka jaamacada kismaayo Pro Xasan gaarane oo halkaasi ka sheegay hadalo xasaasi ah oo quseeyo nasiibka manta ay ardeyda reer kismaayo u heleen helitaanka jaamacada maadama ay dhib ku ahayd helitaanka jaamacad marka ay dhameeyaan dugsiga sare sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Pro Xuseen Cabdi Aadan oo isaguna ka mid ah maamulka jaamacada kismaayo ayaa isaguna waxaa uu munaasabadaas ka soo jeeidyay hadalo qiiro leh oo lagu baraarujinayo dhalaanka somaliyeed ee maanta jaanis u helay dhigashada jaamacad taasoo ay markii hore u raadsan jireen gobolada kale sida banaadir iyo wadanka dibadiisa,waxaa kale oo halkaas ka hadlay Ustaad: Cabdiraxman Sahal iyo Ustaad Xamze Cabdi oo katirsan Maamulka Jaamacadda Kismayo. 

Ugu danebyntii waxaa furay sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo gudoomiyaha degmada kismayao alxaaji Daahr maxamed cilmi daahir carabey asagoo aad ugu mahadceliyay macalimiinta iyo pro jaamacada ee ayagu isu taagay xiligan in ay gobolkan jubbada hoose ka hirgaliyaan jaamacad taasina ay tahay guul u soo hoyatay reer kismaayo iyo guud ahaan reer gobolada  jubooyinka. 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas ay maamulka jaamacada Kismayo ka sheegeen in ay ku deeqeen deeq waxbarasho oo gaareysa ilaa iyo 20 qof ayna kala siiyeen

5 ardey oo ay siyyeen dugsiga sare jubba 5 ardey oo ay siiyeen dugsiga sare ee axmed binu xambal  2 arday oo ay siiyeen dalada waxbarashada gobolkan ee JEN 2 arday oo ay siiyeen bulshada rayidka ah 2 arday oo ay siiyeen maamulka degmada kismaayo

daraasada Jaamacadda ayaa si toos ah u socota laga soo bilaabo waqtiga la furay munaasabadada Sanad dugsiyeedka Jaamacadda  Kismaayo.

Jaamacadda Kismayo waxaa lagala xiriiri karaa: jaamacaddakismayo@hotmail.com


Maalinta Nabada oo laga xusey Magaaladda Muqdisho

Waxaa maalintii shaley ahayd dalka laga xusey Maalinta Nabada Adduunka waxaana xaflad arrintaa ku saabsan lagu qabtey Xarunta SSWC waxaa ka qayb galey masuuliyiin ka socotey Bulshada Rayidka ardeyda wax ka barata Xarunta SSWC . waxaa ugu horeyntii halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi oo ah xiriiriyaha Xarunta SSWC waxay sheegtey in Nabada ay tahay midda furaha u ah Horumarinta Bulshada waxay u soo jeedisey Bulashada Soomaaliyeed in la adkeeyo Nabadda la heysto isla markaana laga faa’iidaysto, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo isagu ka hadlayey Magaca Bulshadda Rayidka ah wuxuuna sheegay in Nabadda ay tahay mid ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed la ‘aanteedana aan la gaari Karin wax horukac ah “u mmadda Soomaaliyeed waxay soo martay lix toban sano oo Nabad la ‘aan ah maanta waa inaan ka faa’iideysannaa Nabadda aanu helnay.

Xafladaasi waxaa kaloo erayo ka soo jeediyey, C/Nuur Xaaji Maxamed wuxuuna halkaas ka tirayey erayo ka hadlaya dhinaca Nabdda waxayna erayadaasi ku qornaayeen Afka Ingiriiska waxaana laga dhandhansanayey in ay isku xiran yihiin Nabadda, Caddaaladda, Jecaylka, CNuur ayaa ka qaybgalyaasha Xafladda waxa uu weydiiyey Cidda fasirta Nabadda Qof baa istaagay wuxuuna yiri” waa markaad hesho Xorriyo, iyo Nolol, mid kale ayaa isna istaagay oo wuxuu yiri” Nabaddu macnaheedu waa markaan Gurigayga si Nabad ah ku tago, mid kale sii raaciyey” waa markaan helo wax barasho walwal la ‘aan ah” Gabar baa istaagtay oo waxay tiri” Nabaddu waa markaan cajiinka reerka si Nabad ah ku geeyo guriga”.



Xaflad la mid ah midaan ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Baydhabo waxaa lagu muujiyey Banaanbax oo mid lagu taageerayey in Dalka la keeno Ciidamo shisheeye midna waxa uu ahaa mid lagu xusayey maalinta Nabadda ööAdduunka waxaana lagu cambaareeyey Qaraxii la damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf waxaana ka hadlayey Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade.

Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Ururka SOYWa waxaa lagu qabtay siminaar ay soo qabanqaabisay Ururka SOYWA iyadoo gacan ka heleysa Hay’adda NOVIB, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo 20 qofood oo ka socday ururada dhallinyarada.



Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro la xiriira xaquuqda Haweenka ayaa waxaa cashiro ka bixinayey AVV. Sakeriye, C/llaahi Shaashaale iyo C/Naasir Yuusuf Macallin (Ganey), waxayan dhamaantood si aad ah ugu dheeraadeen tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.

Xabiibo Max’ed Guutaale oo ah madaxa tababarada Hay’adda SOYWA ayaa soo xirtay siminaarkaasi, waxayna u soo jeedisay in xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ay casharadii ay halkaasi kabarteen uga faa’iideeyaan gabadha kale ee Soomaaliyeed, siminaarkaan oo socday mudo labo maalmood ayaa aheyn midkii ugu horeeyay oo uu qabto Ururkaasi

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com  


DAGMADA BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE

Saminaar Socon Doono Mudo Sadax Cisho Ah Ayna Ka Qeyb Galeen Macalimiintii Ugu Horeysay Oo Wax Ka Dhigaya Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ayaa Si Rasmi Ah Uga Furmay Xarunta Cayaaraha Kubada Teeniska Ee Dagmada Balcad , 

Saminaarkaan Oo Furitaankisii Ay Ka Qeyb Galeen Mas.Uuliyiinta Dagmada Balcad .Qaarka Mid Ah Ganacsatada .Waxgaradka .Iyo Culumaa.Udiinka Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Gudoomiyahay Siyaasada Xamar Iyo Xamar Daye Ahna Gudoomiyaha Dagmada  Balcad Macalin Xaashi Macalin Farax , Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ah Ee Dagmada Balcad Sh : Cali Sh: Maxamuud Shuuriye .Gudoomiye Ku Xigenka Dagmada Balcad Abuukar Adan Celi .Ugaaska Dagmada Balcad Ugaas Maxmuud Weli Ugaas Xuseen .Nabadoon Tahliil Axmed Ceynte .Iyo Ganacsade Maxaaday Cali Waranle Iyo Mas.Uuliyiin Kale Iyaga Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Baahida Loo Qabo In Dib Loo Yagleelo Hanaankii Waxbarasho Ee Dagmada Balcad Oo Xaalada Murugaleh Ku Jiray Mudo Lix Iyo Toban Sano Ah Iyo Baahida Ay U Qabaan Dadka Ku Dhaqan Dadka Degan Balcad Dhinaca Waxbarasgada Iyaga O Xusay In Dagmada Balcad Ay Haatan Fursad Qaali Ah U Heshey In Ay Ka Bilowdaan Howlihii Waxbarasha Aasaasiga Ahaa Ka Dib Markii Maamulka Dagmada Balcad Iyo Dadweynaha Oo Kaashanaya Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ku Abtisada Dagmada Balcad Ay Iska Kashadeen In Ay Dib U Distaan Una Dayactirteen Goobihii Waxbarashada ,Maantana Ay Tahay In Macalimiintii Ugu Horeysay Ee Wax Ka Dhigi Laehyd Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad Loo Furo Saminaarkii Ugu Horeeyey Oo Ay Ka Qeyb Galaan 12 Macalin Waxyna Ka Codsadeen In Ay Ka Faaiidaystaan Mudada Uu Saminaarkaan Socdo Iyaga Oo Si Gaara Ugu Mahadceliyey Qaarka Mid Ah Jaaliyadahaas Oo Ay Ka Mid Yihiin Yasiin Maxi Iyo Abuukar Cali Geedi Oo Iyagu Si Gaara Isaga Xil Saaray In Uu Najaxo Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad ,  

Mas.Uuliyintaas Oo Ka Hadashay Furitaanka Saminaarkaas Oo Uu Ka Mid Ahaa Macalin Xaashi Maxamed Faarax Ayaa Ugu Baaqay Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Ee Ka Soo Jeeda Deegaanka Balcad Iyo Nawaaxigiisa Iyaga Oo Ka Faaiidaysanaayo Nabada Haatan Ka Jirta Dalka Gar Ahaan Tan Balcad In Ay Dalkooda Iyo Deegaanadooda Ay Maalgashadaan Una Abuuraan Fursado Shaqo Iyo Kuwo Waxbarasho Sida Haatanba Ay Talaabad Koowaad Ay U Qaadeen Ayna Ku Ekaan Oo Keliye Waxbarashada Ee Ay Xooga Saaraan Dhinacyada Kale Ee Cafimaadka .Ganacsiga Wax Oosaarka Warshadaha .Xoolaha Yo Beeraha , 

Gudoomiyahay Maxkamada Islamka Ah Ee Dagmada Balcad Sh: Cali Sh: Maxamuud Shuuriye Ayaa Isne Ku Dheeraaday Faaiidada Waxbarasgada Iyo In Aysan Iku Mid Aheyn Ruuxa Waxyaqaan Iyo Ruxa Aan Waxba Aqoon Uuna Ku Guubaabiyey Macalimiinta Uu Siminaarku U Furmay Xiliga Duruustu Ay Socoto , 

Munaasibadaas Oo Aheyd Mid Si Wanaagsan Loo Soo Agasimay Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maalinta Bei Ah Loo Soo Gabagabeeyo Macalimiintaas Iyada Oo Todobaadka Soo Socdana Lagu Wado In La Furo Dugisga H/Dhexe Ee Dagmada Balcad  

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215766663/002521653623


Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka Liibiya

Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye, Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado Hogaamiyaha Liibiya.



Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye, waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD