SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Sept 26, 2006

  • Shariif Xasan Shiekh Adan Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo yimid Nairobi
  • Warbixin ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..
  • Barre Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..
  • Dowladda Federaalka oo sheegtay in in uu burburey heshiiskii..
  • Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay qabsadeen..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka..
  • Ururka wershedlayda soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada muqdisho

Shariif Xasan Shiekh Adan Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo yimid Nairobi

Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG ah ee Somalia mudane Shariif xasan Shiekh Adan ayaa galabnimadii isniinta soo gaaranay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo ka soo baqoolay magaalada baydhabo ee xarunta  u ah dawlada Somalia  waxaa socdaalkiisa ku wehliyay xubno ka mid ah labada gole ee dawlada Somalia.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa Nairobi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dawlada Kenya waxaana ujeedada ka danbayso safariisa lagu sheegay in beesha caalamka uu la shirayo xubno ka tirsan iyadoo maalintii shalay ahaydna uu Nairobi soogaaray raisul wasaraha Somalia Cali Maxamed Geedi oo isaguna u yimid kulamo caynkaas ah iyo baaritaan dhanka caafimaadka ah sida ay Somali talk u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska raisul wasaaraha ee Nairobi.

 

Dhanka kale ilo wareed ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo Raisul wasaaraha Somalia ay kulan si wada jir ah ula qaadanayaan taliyaha ciidanka booliska somaliyeed ee dawlada kumeel gaarka ah Gen Cali Madoobe oo tan iyo markii shaqaaqada ka dhacday baydhabo 4tii bishaan ku sugnaa Nairobi ka dib markii beesha digil iyo mirifle ku eedeyeen in dilkii garoonka diyaaraha baydhabo ka dhacay oo gacanta ugu wayn ka gaystay isaga iyo ciidamo uu horkacayo waxaana ay isla meel dhigayaan sidii arintaan meel loo wada dhigi lahaa maadaama gudoomiyaha baarlamku ka soo jeedo beesha digili mirifle.

 

Ka hor inta oosan gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shariif Xasan oo san ka ambabaxin magaalada Baydhabo waxa uu kulamo la qaatyay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya iyada oo aan la shaacin wax yaabaha rasmiga ah ee ay ka wada hadleen.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Somali talk Nairobi Kenya 25/09/06

botaan1@hotmail.com


 

Warbixin ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..

 

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Waxaa shalay aroornimadii Magaalda Kismaayo ee Gabolka Jubadda Hoose si rasmi ah gacanta u gashay ciidamo ka socday Maxaakimta Islaamiga ah oo waayadan ku siisiqayay Magaaldaasi. inta aysan galin Magaalada ayaa dadwaynaha ku nool Magaaladaasi waxa ay dareemeen In ciidamada Maxaakimta ay soo galeen Magaalada isla markaana Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale uu ka cararay magaalada lamana garanayo halka uu u dhaqaaqay Barre Hiiraale, balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Barre uu xalay ku sugnaa deegaano ku dhow magaalda Afmadow iyadoo labo gaari oo tikniko ah uu watay Barre Hiiraale uu kaga tagay Tuulo lagu magacaabo BeerXaano waxaana soo jiitay ciidamada maxaakiimta Islaamiga ah oo ku raad joogay ciidamada Barre Hiiraale.

 

Magaalada waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo Maxaakimta Islaamiga ah waxayna dadkii ka qaybgalay ay ku dhaawaaqayeen erayo oo ka mid ahaayeen “Doonimayno Maxaakimta ,deegaanadeena waa nabad iyo erayo kale oo kuwaas la mid ah kadib ayaa waxaa dhacay banaanbax isna lagu taageerayo maxaakimta Islaamiga ah waxaana hadalo kooban halkaa ka jeediyay Sheekh Xasan Turki waxa uuna dadwaynaha u sheegay in ay u diyaar garoobaan isbadel ka duwan kii hore oo ah Shareecada Islaamka.

 

ciidamada maxaakimta Islaamiga ah marka ay galeen xarumaha Dawladda ayaa waxaa la sheegey in ay halkaa ka dajiyeen calankii Soomaaliya taas oo ay si aad ah uga caroodeen dadweynaha deegaanka, ciidamada maxaakimta ayaa waxaa la sheegay in magaalada Kismaayo ay ku soo rogeen bandow inta ay xaaladu iska badalayso iyadoo bandowgaan uu ku soo beegmay xili ay dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanka oo iyadu dhaqdhaqaaqeeda ganacsi uu yahay habeen.

 

Barre Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..

 

Wasiirka Gaashaandhiga ee dawladda Fedaraalka Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) oo habeen hore ka baxay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dawlada Fedaraalka ka dalbaday gurmad deg deg ah si uu u soo gaaro Magaalada Baydhabo.

 

Barre hiiraale oo haatan ku sugan meel ku dhow Magaalada Afmadow ayaa waxaa la sheegay in dhowr jeer ay soo weerareen dadyowga Deegaanka. Waxaana la sheegay in Dawlada Federaalka ay u diiday in ay siiso wax gurmad ah kadib markii ay dowladu ay sheegtay in aysan hayn meel ay u mariso ciidan, waxaa kaloo la sheegay in Barre Hiiraale uu gurmad u dalbaday Gobolka Gedo si ay Barre u soo galbiyaan soona gaarsiiyaan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Waxaa la sheegay in ciidamo ka baxay magaalada Baardheere oo watay 10-gaari oo Tikniko ah balse lama garanayo halka ay marayaan gurmadkaasi maadaama ay ciidamadu Maxaakiimta ay isku balaariyeen Gobolada Jubooyinka.

 

Dowladda Federaalka oo sheegtay in in uu burburey heshiiskii..

 

Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay ku dhawaaqday in gabi-ahaanba uu burburey shirkii khartuum ee dalka Suudaan oo ay wada gaareen Maxaakiimta iyo Dowladda fedaraalka.

Kulan shalay ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada uuna shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Xuseen Max’ed Caydiid waxayna Dowladda burburka shirka ku eedeesay Maxaakiimta islaamiga ah ka dib markii ay shalay qabsadeen Magaalada Kismaayo taasoo ay sheegeen inay ka hor imaaneyso qodob ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey oo ah in ay la hurin wax colaad ah. Dowladda waxay ugu baaqay beesha caalmka inay il gaar ah ku eegeen waxa ka dhacaaya Magaalada Kismaayo.

 

Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay qabsadeen..

 

Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Dalka Kenya ayaa shalay halkaas ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qabsashadii ay Maxaakiimta qabsadeen Magaalada Kismaayo wuxuuna ku tilmaamay Al-qaacida oo isku balaarinaysa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u soo jeediyey beesha caalmka in si wada jir ah looga hortago waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada isagoo sheegay in haddii aan laga hortagin kooxahaasi ay dhibaato u keeni doonaan geeska, afrika, yurub, iyo dhamaan beesha caalamka.

Ra’isul Wasaare Geedi, waxa uu sheegay in haddii Dowladda Federaalka aan lala soo gaarin ciidamo deg deg ah ay xarunteeda ku soo fool yeelan karaan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay doonayaan in ay gebi ahaanba qabsadaan Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shalay kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, waxa uuna ka dhaadhiciyey in Dowladda Federaalka ay si aad ah ugu baahan tahay ciidamo suga ammaankeeda, haddii kale waxa uu sheegay inay imaan karaan weeraro kaga yimaada Maxaakiimta.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka..

 

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bay waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay ka soo gudbeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Deegaanka Ceel-Barde.

 

Qaar ka mid ah Ciidamadaasi ayaa shalay soo gaaray, waxayna degeen halka lagu Magacaabo Boonkaay, iyadoo shalay Magaalada baydhabo laga dareemayey imaanshaha Ciidamadasi, hase yeeshee ku simaha Ra’isul Wasaaraha Xuseen Caydiid ayaa beeniyey imaanshaha ciidamada Itoobiya, kuna tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahey, hase yeeshee mas’uul u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 50 gaari oo Tikniko ah ay soo galeen Magaalada Baydhabo hase yeeshee wararkasi wax xaqiijinayaa ma jiraan, iyadoo imaanshaha Ciidamadani ay ku soo beegan tahay xili Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay shalay gacanta ku dhigeen Caasimadda Saddexaad ee Soomaaliya ee Kismaayo

 

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


 

Ururka wershedlayda soomaaliyeed oo looga dhawaaqay magaalada muqdisho

Xaflad lagu maamuusayey ku dhawaaqista ururka wershedlayda soomaaliyeed ,oo ay kasoo qayb galeen masuuliiynta golaha shuurada,gudiga fulinta maxaakiimta ,ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday hotel ex-daamey ee xaafada geedjaceyl dagmada wardhiigley.
 


janaqow


guddoomiyaha ururuka bashiir

Xafladaan ayaa waxaa ugu horayntiiba hadal kooban ka soo jeediyey gudoomiyaha ururkaan wershedlayda soomaaliyeed ,Bashiir Maxamed Caraaye oo ah masuulka ugu sareeya wersheda cabitaanka ee Coca-Cola ee ka jirta magaalada muqdisho ,waxuuna ka hadlay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ,loona dhiiri gelin lahaa ganacsatada yaryar ee wax soo saarka dalka u taagan .

Sidoo kale waxuu kaloo masuulku ka hadlay dadaalka ay usoo mareen ururkan iyo inta wershadood ee ku bahoobay ururkaan oo uu sheegay inay yihiin 48 wershadood in ka badan ,waxaana loo aasaasay ururkaan sidii loo kobcin lahaa waxsoo saarka umada dalkana looga dhigi,lahaa dalk leh wax soo saar iyo hour mar.

Sidoo kale waxaa isna hadalo ay ku dheehan yihiin wacyi gelin gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta sh,c/raxmaan maxamuud faarax (janaqow) oo sheegay in mar hore loo baahnaa laakiin ay suurto gelin wayday arimahan iyo xadaaradan, nabad la,aanta marka hadii ay dadku helaan nabad waxaa loo baahan yahay inay ku fekeraan sidii dadka iyo dalka loo gaadhsiin lahaa waxtar .

Si kastaba ha ahaatee xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday golayaasha maxaakiimta oo dhamaantood isku wada raacay in dadka iyo dalkuba u baahan yahay waxtar iyo horumar dhanka ganacsiga ah oo weliba ku wajahan geed midhoodka in la wershadeeyo .

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho Somalia
002521576666/
002521653623

 

Faafin: Sept 26, 2006

 

 
Ma ahan wax dunida ku cusub hadalada foosha xun ee ay had iyo goor Ayaan Xirsi la soo shirto ee ka dhanka ah Islaamka iyo dadkiisa balse waxaa la oran karaa waa kuwo ay ku dooneyso iney ku jiidato wax ma garatada naceybka darran u haya diinta Islaamka. Haweeneydan ayaa timid... AKHRI....

 


Wararkii Sept 25, 2006

Sheekh Xasan Turki oo maanta meel fagaare ah kala hadlay kumanaan dad ah oo isugu soob baxay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Kismaayo

Iyadoo saakay waabarigii hore ay gacan ku haynta magaalada Kismaayo la wareegeen maleeshiyooyinka maxkamadaha magaalada dekedda leh ee Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan arrintaasi iyo sida ay haatan xaaladdu tahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo ka imaanaya ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo iyo hareeraheedaba ay haatan gacanta ku hayaan boqollaal maleeshiyooyin ah oo Muqdisho ka ambabaxay, kuwaasoo isugu jira kuwo laga uruuriyay degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo degmo kasta ugu yaraan laga qaaday 150 ruux, isla markaana ay ku hubeysan yihiin boqollaal gawaarida dagaalka ayaa maanta tobankii barqanimo waxay dadweyne kor u dhaafaya kumanaan ruux oo ku noolaa magaalada Kismaayo isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee xorriyadda, halkaasoo uu khudbad dheer uga jeediyay madaxa maxkamadaha u qaabilsan gobollada Jubbooyinka wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasna Turki oo isagu hormuud ka ah maleeshiyooyinkan gacanta ku dhigay gobolka jubbada hoose magaaladiisa Kismaayo, balse markii hore sheegay inuu ku sii jeedo ama uu tagayo deegaankii uu horay u degganaa ee Dhoobley.

Sheekh Xasan Turki oo hadlayay ayaa yiri 'Waxaan Kismaayo u nimid aniga iyo shabaabkeyga oo isku duuban inaan diinta islaamka kor u dhigno mana nihin qabiil doonaya inuu wax boobo ama wax dilo, waxaan wadnaa kitaabk Ilaahay sidii aanu kor ugu dhigi laheyn, uguna difaaci laheyn cadowga" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo mar kale ku celiyay inaanu marnaba qabiil aheyn, haddii aan qabiil nahayna Xamar kama dagaallameen, Balcad kama dagaallameen, Jowhar kama dagaallameen, Ceelbuurna kama dagaallameen ee waxaan oran lahaa qabiil baan ahay, waxana ku ekaan lahaa deegaanka aan ku noolahay.

Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale u sheegay dadweynihii isugu soo baxay in imaanshahooda uu la xiriiro cadowga ku soo wajahan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan cidna duulaan ku aheyn oo ay diinta kor u dhigayaan.

Sheekh Xasan Turki intii uu ku gudo jiray qudbadihii uu halkaasi ka soo jeedinayay ayaa sidoo kale waxaa halkaasi ka dhacay bannanbax ka dhan imaanshahooda magaalada Kismaayo, kaasoo ka dhashay kaddib markii la jeex-jeexay calankii Jamhuuriyadda ee ka babanayay la dejiyay, lana jeex-jeexay laguna beddelay calan madow oo ay dhex uga qoran tahay magaca Ilaahay, waxaana uu banaanbaxaasi isku bedelay mid rabshado wata isla markaana dadkii banaanbaxayay ay gubayeen taayarro, dhagxaana cirka u tuurayeen, waxaana halkaasi ka dhacay in maleeshiyada maxkamadaha ay xabbado nool nool kor u ridaan qaarna hoos u dhigeen taasoo keentay inuu dad ku dhaawacmo.

Banaanbaxan rabshadaha watay ayaa wax weyn ka beddelay ammaankii magaalada, waxaana soo baxaya in dadku haatan ay aad u kacsan yihiin, ciidamada maxkamaduhuna ay jidadka ku gooyeen gawaarida dagaalka.

Dhinaca kale wasiirkii difaaca ee dowladda Federalka ayaa lagu warramayaa inuu haatan ku sii jeedo magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo isaga iyo maleeshiyadii uu watay, waxaana ay haatan xaaladdu u muuqataa mid aad u kacsan.

Dhinaca kale bannaanbaxyo lagu taageerayay tagista maxkamadaha ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka sida deegaanka Afmadow iyo degmooyin kale, taasoo lagu soo dhoweynayo imaanshaha maxkamadaha.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo

Ciidamo fara badan oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay maanta soo gaareen magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda Federalka.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray magaalada Baydhabo qaarkoodna ay haatan ku soo fool leeyihiin ayaa lagu warramayaa inay wataan boqollaal gaadiidka dagaalka a, waxaana la sheegayaa inay haatan qeybtii ugu horreysay ay soo gaartay magaalada Baydhabo xilli ay maxkamaduhuna la waregeen gobollada Jubbooyinka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadan ka socda dowladda Itoobiya ay ujeedadoodu tahay inay taageeraan dowladda Federalka isla markaana ay ka difaacaan inay ku soo duulaan ciidamada maxkamadaha xilli ay soo dhowdahay xilligii ciidamada IGADSOM ay iman lahaayeen dalka Soomaaliya.

Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/ 002521653623


"Maxkamadaha Islaamiga oo La Wareegey Magaalada Kismaayo" AP

"Maxkamadaha Islaamiga oo isu diyaariyey in ay la wareegaan Kismaayo kaddib markii uu ka cararay qabqablihii dagaalka ee magaaladaas xakumey" Reuters

"Shacabka Reer Kismaayo oo Maxkamadaha soo dhoweynaya Isniinta" Seeraar

Mudaharaad Looga soo horjeedo Maxkamadaha oo ka dhacay Kismaayo


Magaalada Kismaayo

Wararka ugu dambeeyey ee ka soo baxaya magaalada dekedda ah ee Kismaayo waxa ay tibaaxeen in gelinkii dambe ee Axadii Sept 24 ay Maxkamadaha Islaamigu la wareegeen magaalada Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin, kaddib markii uu magaalada iskaga baxay Col. Barre Hiiraale, waxaana wararku sheegeen in uu u baxay dhanka Beerxaani oo Kismaayo Koonfur-galbeed ka xigta 40 km. Warar kale ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu gaarey magaalada Baardheere oo 260 km u jirta magaalada Jilib.

Wararka ka soo baxaya Kismaayo ayaa sheegay in waaberigii Isniinta ay si sahal ah magaalada Kismaayo u galeen maxkamadaha Islaamigu ayadoo aan wax rasaas ah ka dhicin magaalada, sidaasna ay nabad ugula wareegeen magaalada dekeda ah ee Kismaayo.

Wararka kale ee ka imanaya Kismaayo ayaa sheegay in Isniintii uu halkaas ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo maxkamadaha, halkaasna ay Maxaakiimtu rasaas rideen si dadkaas ku mudaharaadayey wadooyinka loo kala cayriyo.

Wararkii Xalay:::

Hay'adda wararka ee AP oo arrintaas ka warbixineysey waxa ay tiri: Boqolaal gawaarida hubaysan ee Maxkamamada ayaa galay magaalada Dekeda ah ee Kismaayo, halkaasna kula wareegey si nabad ah. Waxana ay hay'adu intaas ku dartay "arrintaas waxa ay dhabar jab ku tahay dowladda aan itaalka lahayn, waxaana magaalada iskaga cararay wasiirkii gaashaanka ee dowladda Col. Barre Hiiraale, ahaana hoggaamiyaha isbahaysiga dooxada Jubba", waa sida wark AP u dhigay'e.

Dhanka hay'adda wararka ee Reuters waxa ay werisey in Yuusuf Mire Seeraar oo ahaa kuxigeenka Barre Hiiraale uu xaqiijiyey in Col. Barre Hiiraale uu iskaga tegey Kismaayo, waxan auu yiri "Anigu waxaan rabey in aan la hadlo Maxkamadaha, laakiin isagu ma rabin, waxana uu wafti u dirsaday Itoobiya". Waxa kale uu Seeraar yiri "Isniinta Sept 25 ayaa shacabka reer Kismaayo waxa ay soo dhoweyn doonaan maxkamadaha", waxana uu intaas ku daray in ciidamada maxkamaduhu ay joogaan meel Kismaayo u jirta 100km. Warar taas ka dambeeyey oo ay daabacday Reuters ayaa sheegay in Kismaayo ay gacanta u gashay maxkamadaha Islaamiga ayadoo aan hal xabo la ridin (wax rasaas ah la ridin).

Waxaana wararku tibaaxeen in magaaladu ay degenayn. (Wararkii Fiidnimadii Axada ee Xaalada Kismaayo hoos ka akhri).

Tixraac: AP: Somalia's Islamists seize seaport. Reuters:  Islamists poised to take Somalia's third city | Islamists take over Somalia's third city: source

Wararkii Fiidkii: Sept 24: Xaaladda Magaalada Kismaayo

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Sep 24, 2006 9:46 PM (Saacada Bariga Afrika)

Iyadoo ciidamo ka socda Golaha Maxaakiimta ay kaabiga u saaran yihiin Magaalada Kismaayo ayaa haddana wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in ciidamadii Isbahaysiga Dooxadda Jubba ee uu madaxda u ahaa Barre Hiiraale ee ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in gebi ahaanba ay halkaasi isaga huleeleen, ilaa iyo haddana lama garanayo halka ay u dhaqaaqeen ciidamadaasi, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qaar waxay, in Ciidamadii uu watay Barre Hiiraale ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Gobalka Gedo. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Barre uu u dhaqaaqay Magaalada Baydhabo.

Waxaa muuqata in Maxaakiimta Islaamiga ah ay gacanta ku dhigayaan magaalada Kismaayo iyadoo uusan dagaal ka dhicin, taas oo faa’iido weyn ugu jirto bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Barre iyo ciidamadiisiiba ay u tageen ciidamo kale oo iyana ka yimid Gobalka Gedo kuwaas oo doonaya in ay gacan siiyaan Barre Hiiraale. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale ay soo gaareen ciidamo ka socda Dowladda Federaalka oo ka soo dhaqaaqay magaalada Baydhabo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah oo uu horkacayo Sheekh Xasan Turki, waxayna u sheegeen dadweynaha in Bulshada ku dhaqan Gobalada Jubbooyinka shareecadda Islaamka oo aysan u socon hanti, dhaqaale iyo dhul.

Magaalada Kismaayo oo ah meel istaraatiiji ah ayaa haddii ay qabsadaan maxaakiimta islaamiga ah u noqoneysaa guul weyn oo u soo hoyatay. Dhinaca kale Yuusuf Mire Seeraar oo ah gudoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dooxda Jubba ayaa waxa uu sheegay in uu burburay isbahaysigaasi.


Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Raysul Wasaare ku xigeenka DFKMG ee Soomaaliya Xuseen Caydiid “Maamulka Gal-mudug iyo kan kale ee lagu hawlan yahay Jubba Land waa mid fowdo ah” waraysi ... AKHRI...


  • Sheekh Shariif oo dalka Qadar kulan ku la yeeshey Madax …
  • Maalinta beri ah oo ay Qaramada Midoobey ka hadleysa Cunaqabateynta..

Sheekh Shariif oo dalka Qadar kulan ku la yeeshey Madax …

Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta oo haatan ku sugan Dalka Qadar ayaa waxa uu halkaasi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay wadamada Khaliijka waxa uuna uga warbixiyey xaaladda soomaaliya oo uu sheegay in ay haatan tahay meel aad u xasiloon wadamada Khaliijkana looga baahan yahay in ay gacan siiyaan is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.

Sidoo kale mas’uuliyiintaasi waxa uu ka dalbaday in deg deg loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in wadamadaasi si weyn aqbaleen dhawaana xayiraada dhanka xoolaha ah ee soomaaliya saaran ka qaadi doonaan, sidoo kale Guddoomiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu wadaa hawlo uu beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in Soomaaliya aysan joojin kooxo aragagixiso ah, isagoo sheegay in is bedelka ku yimid Soomaaliya uu yaha mid ku yimi rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif oo wadamo badan martiqaad ka helay ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro dalka Sucuudi Carabiya, kaddibna waxa uu uga sii gudbi doonaa dalka Kuweyt iyo waliba wadanka Masar oo ay ku taalo xarunta Jaamacadda Carabta.

Maalinta beri ah oo ay Qaramada Midoobey ka hadleysa Cunaqabateynta..

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in kulan isugu yimaado golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii Soomaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.

Wadamada ku jir Golaha Ammaanka ayaa si weyn ugu kala qaybsan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, iyadoo qaar ka mid ah Wadamada IGAD ay sheegeen in waqtigaan ay haboon tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u fudaadaato in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaaliln ah.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan waxa uu Qaramada Midoobey ka dalbaday in ay si dhaqsi leh cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, hase yeeshee golaha Maxaakiimta ayaa waxay qaramada Midoobey ka codsadeen in aan soomaaliya laga qaadin cunqabateynta hubka.

Keenista ciidamo shisheeye ee Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay inay goob kasta kula dagaali doonaan ciidamadaasi haddi ay soo galaan Soomaaliya.

Dowladda KMG ah oo ka walwalsan arrimaha ka taagan..

Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa waxa ay si aad ah uga walwalsan yihiin in haddii Maxaakiimtu ay qabsadaan magaalada Kismaayo ay keeni karto in ciidamada Maxaakiimta ay u soo dhaqaaqaan dhinacaa iyo Magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegtay in haddii ay Maxaakiimtu qabsadaan Kismaayo uu burbur weyn ku imaan doono shirkii Khartuum ee u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka. Ra’isul Wasaare Geeddi oo ku sugan Magaalada Nayroobi ayaa waxa uu ka codsaday beesha caalamka in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalineed si ay gacan u siiyaan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in haddii aan ciidamadasi la helin ay si fudud Maxaakiimtu ku imaan karaan Magaalada Bayaydhabo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in uu kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Mareykanka waxa uu soo jeediyay in laga hortago is balaarinta Maxaakiimta.

Wararkii shalay hore ee xaalada Kismaayo hoos ka akhri:::


Wararkii Subaxnimadii Axada:::

  • Iska hor imaad ka dhacay meel Kismaayo u jirta 40km
  • Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegey Magaalada Jilib
  • Dowladda Federaalka oo sheegtay haddii..
  • Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo..
  • Korneel Fartaag “Maxaakiimta Kismaayo..”

Ciidamo sahan ah oo ka kala tirsan..

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, waxay sheegayaan in ciidamo sahan ah oo ka kala tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga dooxda Jubba ay isaga hor yimaadeen meel 40km u jirta Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidankaasi markii ay is arkeen ay isku rideen rasaas socotay mudo toban daqiiqo ah, waxaana lagu waramay in ciidankii maxaakiimta ay dib u soo gurteen.

Deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo ayaa lagu waramay in ay noqdeen goobo ay buux dhaafiyeen Tikniko iyo ciidamo ay kala leeyihiin Maxaakiimta iyo ciidanka dooxadda Jubba.

Labada dhinac ayaa waxaa u imaanaya gurmadyo aad u xoogan, iyadoo ciidamo ka tagay gobalka Gedo ay xalay gaareen agagaarka Kismaayo, sidoo kale ciidankii Maxaakiimta islaamiga ah ee  ku sugnaa Barwawe ayaa iyana u dhaqaaqay Kismaayo kuwaas oo doonaya inay xoojiyaan ciidanka Maxaakiimta Islaamiga ah.

Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa aad u kacsan iyadoo dadweynaha Deegaanka ay ka cabsanayaan in korkooda lagu dagaalamo, wuxuuna haatan dagaalku u muuqdaa mid ka dhici kara duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo Isbahaysiga Dooxada Jubba ciidankiisii iyo Tiknikadiisii ay ka baxeen magaalada ayna isu uruursanayaan garoonka Diyaaradaha, ma jiraan wax dhex dhexaadin ka dhex wada labada dhinac, hase yeeshee waxaa soo gaaraya baaqyo fara badan. [warbixino dheeraad ah hoos ka akhri]

Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegey Magaalada Jilib

Axad: Sept 24: Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe waxa ay sheegayaan in maxkamadaha Islaamigu ay Subaxnimadii Axada si rasmi ah ula wareegeen magaalada Jilib oo 114km u jirta magaalada Kismaayo. Warkaas waxaa xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah oo ku sugan aagga gobolka Jubbada Hoose. Wararku ma sheegin wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay. Waxaana la tibaaxay in ay maxkamaduhu ku siqeen dhanka magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG, madaxna u ah isbahaysiga Dooxada Jubba, Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa la sheegay in uu bar difaac ka samaysay garoonka diyaaradaha oo ku yaal dhanka koonfureed ee duleedka magaalada Kismaayo. (Fogaanta u dhexeysa Magaalooyinka Soomaaliya).

Dowladda Federaalka oo sheegtay haddii..

            Dowladda Federaalka ayaa walwal iyo walbahaar ka muujisay weerarka lala damacsan yahay in lagu qaado Magaalada Kismaayo, waxayna dowladdu ku tilmaantay in uu weerarkasi burburin karo heshiiskii ka dhacay Khartuum ee u dhexeeyay Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, waayo ayay yiraahdeen qodob ka mid ah ayaa oronaya in aan wax dagaal ah la sameyn Karin.

            Dowladda Federalka waxay uga digtay Maxaakiimta in haddii ay Weerar ku qaadaan Kismaayo ay keeni karto in ay sii kororto dhibaatada Soomaaliya, waxayna dalbadeen in Maxaakiimtu ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen. 

Warar ku saabsan Xaaladda Magaalada..


Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan in xaaladda deegaankaasi ay aad u cakiran tahay kaddib markii ciidamo ka socda Maxaakiimta islaamiga ah iyo kuwo ka socda Isbahaysiga Dooxda Jubba ay kaabiga isu saaran yihiin, kuwaas oo doonaya sidii midba midka kale ula wareegi lahaa gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah ayaa xalay waxay gaareen Magaalada Jilib, maanta waxaa la filayaa in ay halkaasi ka furaan Maxkamad Islaami ah, iyagoo halkasi kala kulmay soo dhweyn aad u balaaran.

Qaar ka mid  ah Ciidamada maxaakiimta Islaamiga ah ayaa u dhaqaaqay dhinacaa iyo magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamadii ka socday isbahaysiga dooxadda Jubba ay isku aruursanayaan meel duleed ka ah garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Isbahaysiga ayaa waxaa la sheegay inay soo gaarayaan gurmadyo kaga imaanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Gedo.

 Waxaa shalay magaalada Kismaayo garoonkeeda diyaaradaha ka soo degay diyaarad siday hub oo aan la garaneyn halka ay ka timid, balse dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay diyaaraddaasi ka timid dalka Itoobiya, balse wax xaqiiq ah ilaa iyo hadda lama hayo, halka ay warar sheegayaan in diyaaraddaasi ka timid Magaalada Baydhabo.

Dad fara badan ayaa ka qaxayey magaalada Kismaayo, iyagoo u cararayey dhankaa iyo Dhoobley iyagoo doonaya inay ka gudbaan xuduuda Kenya iyo Soomaliya.

Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay baqaaradoodii xirteen, iyadoo ka cabsi qaba dagaal ka dhaca Gudaha magaalada Kismaayo. 

Garoonka magaalada Kismaayo

Korneel Fartaag “Maxaakiimta Kismaayo..”

Korneel C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ah Taliyaha Ciidamada Isbahaysiga Dooxda Jubba ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimtu aysan marnaba Kismaayo kala kulmi doonin Ceelo Qoyan iyo soo dhaweyn.

Korneel Fartaag waxa uu sheegay in Ciidamada Dooxda Jubba ay is difaaci doonaan, isla markaana khasaaro u geysan doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Korneel Fartaag waxa uu u soo jeediyay ciidamada Maxaakiimta in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo duuleen, isagoo sheegay in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo nabadoon oo leh maamul iyo kala dambeyn. Xasan Qalaad oo ka mid ah saraakiisah Dooxda Jubba ayaa waxa uu isna sheegay in xaaladda Kismaayo lagu dhameyn karo wada hadal iyo is afgarad.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

WARARKA KALE EE MAANTA:::

  • Sheekh Shariif oo Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
  • Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta soo gaaraya..
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in..
  • Sheekh Aadan Madoobe Mas’uuliyiin sarsre..
  • Xisbiga RPP oo Madaxweynaha DGPL iyo Kuxigeenkiisa ugu Baaqay in uu Is-casilaan
  • BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta Soomaaliya.
  • Wararka oo dhan akhri.....

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD