SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 27, 2006

  •  Baaritaan lagu sameeyn doono dadkii ka dambeeyey falkii lagula kacay Calankii Soomaaliyeed
  • Cabdulaahi Yuusuf oo sheegey in soomaaliya ay qabsan rabaan Kooxo …
  • Sheybaarkii ugu horeeyey ee lau baaro cudurka Qaaxada laga furey..
  • Itoobiya oo soo dhawaysay falkii lagula kacay Calanka soomaaliya…..
  • Sh. Shariif oo u soo jeediyey Shacabka in ay u diyaargaroobaan ..
  • Warar ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka..
  • Hay’adda Danwadaag Relief and development organization oo raashin u qeybisay qoysas tabaaleysan
  • Cali Maxamed Geddi oo Dublumaasiyiin kula shiray Nairobi .
  • Gen Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) madax waynaha DGPL oo ka dhoofay boosaaso
  • BOOSAASO:Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada Puntland.
  • Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala duwan.

DAAWO: Khudbadii uu Buubaa ka jeediyey Qaramada Midoobey::

Sheybaarkii ugu horeeyey ee lau baaro cudurka Qaaxada laga furey..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Waxaa maalintii shalay ahayd si rasmi ah xarigga looga jaray Shaybaar casri ah oo lagu baaro candhuufta Qaaxada, waxaana Sheybaarkan laga hir geliyay Xarunta daaweynta cudurka Qaaxaada ee Guuleed ee Magaaladan Muqdisho.

Sheybarkan oo ah Sheybaarkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo Magaaladan Muqdisho ayaa wuxuu fududeynayaa baarista candhuufta oo markii hore abuurkeeda loo qaadi jirey dalka dibaddiisa.

Dr Axmed Yuusuf Guuleed oo furitaankii Sheybaarkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sheybaarkan ay ka faa’ideysan doonaan dad fara badan oo hadda ka hor iyagoon is baarin qaadan jirey Daawo taasoo uu sheegay inay dhibaato ku ahayd dadka soomaaliyeed.



Dr Guuleed wuxuu sheegay in Sheybarkan uu sahlayo in la ogaado heerka Qaaxada qofka qaba cudurka si uu u helo dawo tankeedu isku dheeli tiran yahay.

Dr Axmed wuxuu u soo jeediyay bulshada soomaaliyeed inay iska dhaafaan daawada ay qaadanayaan oo uusan u soo qorin dhaqatar ku takhasusay cudurka Qaaxada taasoo uu sheegay in isaga ay dhibaato u keeneyso bulshada dhaxdeedana uu cudurkii si sahal ah ugu faafayo.

Sheybarkan oo loo soo tababaray Sheybaaristayaal ayaa waxaa la filayaa inay ka faa\ideystaan bulshada Soomaaliyeed oo iyagu baahi weyn u qabay in dalka laga hir geliyo Sheybaar noocaan ah, sidoo kale wuxuu u soo jeediyay saxaafadda inay ka qayb qaataan sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa dhibaatada cudurka Qaaxada taasoo waqtiyadan dambe si aad ah ugu faafay waddanka Soomaaliya, isagoo Dr Guuleed uu sheegay in dalka Soomaaliya aysan ka jirin Mashruuc dawladeed ee ka hor tagga cudurka Qaaxada.

Cabdulaahi Yuusuf oo sheegey in soomaaliya ay qabsan rabaan Kooxo …

Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in uu quraalo u kala diray Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midowbay wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay in koox mintid ah oo xariir la leh Argagixisada caalimiga ah ay isku balaarinayaan gudaha Dalka Soomaaliya kuwaas oo doonayaan in ay nabadgalyo xumo ku abuuraan Wadamada geeska Afrika oo uu sheegay in haddii aan si dhakhso ah looga hor tagin ay imaan doonto ayadoo xaaladooda faraha ka baxada oo waxa laga qaban waayo, C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegey Dowladda fedaraalka aysan awood u la heyn in ay ka hortagto kooxahaasi,”haddii Soomaaliya loo waayo Ciidamado nabad ilaalin ah waxaa caalamka u soo jeedinayaa in qalab iyo tababarro la siiyo Ciidamada Soomaaliyeed si ay uga hortagaan kooxahaasi “ayuu ku yiri qoraalka C/llaahi Yuusuf, wuxuuna intaa sii raacayey “waxay qabsadeen Magaalada Kismaayo waxa ay doonayaan in qabsadeen Magaalooyin kale, waxa ay doonayaan in qalalaaso ku abuuraan Wadamada dariska la ‘ah Soomaaliya,C/llaahi Yuusuf waxa la filayaa in uu u amababaxo Wadamo ka tirsan IGAD waxaana ka mid ah Wadamada Kenya, Itoobiya iyo Uganda asagoo war bixin ka siin doona wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya gaar ahaan Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo qabsashadii Magaalada Kismaayo ee Maxaakiimta Islaamiga ah, Wadamada IGAD ayaa la sheegay in ay wax qarsh ah u la yihinn Ciidamada nabd ilaalinta ah ee loo soo diraayo Soomaaliya sidoo kale wax ay la yihiin ciddii ka taakulayn la hayd daabulidda ciidamada qalabka iyo sahaydooda kale.

Itoobiya oo soo dhawaysay falkii lagula kacay Calanka soomaaliya…..

Markii Maxkamaduhu qabsadeen Magaalada Kismaayo ayaa markiiba waxa ay bilaabeen in ay dhulka dhigaan calankii Soomaaliya taasi waxay ka carysiisay Bulshada Soomaliyeed meel kasta ay joogaan ayagoo ku tilmaamay fal naxdin ku abuuray Ummada Soomaaliyeed.

Dowladda itoobiya oo aad u necab calanka Soomaalyeed islamarkaana doonaysa in gabi ahaanba la waayo ayaa si way u soo dhawaysay falkii lagu tuuray calankii Soomaaliya markii Maxaakiimta qabsadeen Magaalada Kismaayo” wax badan ayaa gubteen Calankayga waxaa i farax galiyey sida aad calankiina yeesheen “ ayuu yiri afhayeen u hadley Dowladda Itoobiya oo u soo jeedisay Bulshada Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan falkii lagu sameeyey Calankii Soomaaliyeed, hase yeeshee Mas’uul u hadlay Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu sheegay baaritaan lagu sameeyn doono dadkii ka dambeeyey falkii lagula kacay Calankii Soomaaliyeed.

Sh. Shariif oo u soo jeediyey Shacabka in ay u diyaargaroobaan ..

Guddoomiyaha Guddiga fullinta ee Maxaakiimta Islaamiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maamilinimaddii shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladan muqdisho.

Sheikh Shariif ayaa ka war bixiyay safarkisii uu ku soo kala bixiyay qaar ka mid ah dalalka carabta.

Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Maxkamadaha ayaa soo degitaankiisii wuxuu la hadlay saxaafadda isagoo shacabka soomaaliyeedna ugu yeeray u diyaar garowga difaaca dalka Hooyo.

Guddoomiyaha ayaa si ba’an u dhaleeceeyay Xukuumadda Itoobiya oo uu sheegay inay duulaan ku tahay Gudaha Soomaaliya, sidaa darteed ayuu mar kale shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu yeeray ka qayb qaadashada difaaca dalka laga difaacayo xukuumadda Melles Senawi..

Warar ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka..

Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ah Wasiirka gaashaan dhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan isaga taageerayaashiisu ay isaga baxeen magaalada |Kismaayo kaddib markii ay gacanta ku dhigeen Maxaakiimta Islaamiga ayaa warar ka ag dhawi waxa ay sheegayaan in Barre Hiiraale oo wata gaadiid fara badan inuu soo gaaray qaybo mid ah gobolka gedo, gaar ahaana tuulada Geriileey oo boqol kilo mitir u jirta Magaalada Baardheere.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baar-dheere ayaa sheegaya in magaaladaasi ay haatan ka socdaan barnaamijyo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Barre iyo taageerayaashiisa kuwaasoo maalmo ku sii hakan doona baar-dheere iyagoo kaddibna u sii gudbi doona Magaalada Baydhabo.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in Barre Gobolka Gedo uu ka bilaabi doono abaabul uu ku doonayo siduu u qabsan lahaa Magaalada Kismaayo oo uu muddo 7 Sanadood ah soo xukumayay iyadoo qaar ka mid ah nabadoonada beesha uu ka soo jeedo Barre Hiiraale ay sheegeen in Magaalada Kismaayo ay qabsadeen beelo isbahaystay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Cali Maxamed Geddi oo Dublumaasiyiin kula shiray Nairobi .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Somali talk Nairobi Kenya

Botaan1@hotmail.com

Ra’iisal Wasaaraha DFMG ah mudane  Cali Maxamed Geeddi ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya xubno   Diblomaasiyiin reer galbeedka wadamadooda u fadhiya   dalka Kenya.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay safaaradda Somalia ee magaalada Nairobi waxaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ka mid ah xaalada Somalia waxaana ka mid ahaa arinta magaalada kismaayo oo ay la wareegeen maxaakinta islaamiga ahee somaliayeed iyadoo  Diblomaasiyiinta iyo Raisul wasaare  Cali Maxamed Geeddi  ay si wada jir ah u canbaareeyeen qabshashda magaalada kismayo waxaana ay ku tilmaameen in maxaakintu jabiyeen hishiiskii magaaladda kartuum balse dublumaiyiinta ayaa waxay ugu baaqeen dawlada dhankeeda in ay wali ka qoosan wada hadalka oo ay la sii wadaan maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ee gacanka ku haya gobolada dalka Somalia inta badan.

Sidoo kale dublumaasiyiinta iyo Raisul wasaare gedi ayaa waxay si wada jir ah u cambaareeyen isku deygii dilka ahaa ee la doonayay in lagu qaarajiyo  Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya mudane c/laai yusuf axmed 18kii bishaan September aan ku jiro ,waxayna sheegeen Diblomaasiyiinta inay ka xun yihiin falkaas oo ay ku tilmaameeyn inoo carqlad galin karo geedi socodka nabadda Somalia.

Kulanaasi kadib ayaa Risul wasaaraha Somalia Cali Maxamed Gedi waxaa uu kulan la qaatay wasiirka amniga qaranka Kenya john majuke balse kulankooda wax war ah oo ka soo baxay ma soo gaarin ilaa iyo iminka Somali talk balse kulankooda waxa ay isla soo qaadeen waan idin soo gudbin doonaa hadii eebe idmo. 

Gen Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) madax waynaha DGPL oo ka dhoofay boosaaso

 

Madax waynaha dawlad goboleedka Puntland ee somaliyeed  Gen Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa waxa uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ahna magaalada ganaciga punt land waxaana madax waynuhu u baqoolay dalka isutaga imaaraadkacarabta iyadoo garoonka diyaarahda ee boosaaso ku sii macsalaameeyeen xubno ka tirsan dawlad goboleedka puntland  .                            

Madaxwaynaha DGPL  ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay mas`uuliyiin kala duwan oo ka mid ah dawlad goboleedka  Puntland wasiiradeeda iyo baarlamaankeeda. Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradda ee magaalada Boosaaso .
 

Safarka madax waynaha ayaa waxaa uu ku macneeyay dhamaystirka mashaariic ay horay dawladda imaradka carabtu u bilawday oo ka socday puntland.

 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Somali talk Nairobi Kenya

Botaan1@hotmail.com

 

Safarka madaxwaynaha DGPL ayaa ku wajahan wadamo ay ka mid tahay isutaga imaaraadka carabta lamana xaqiijin waxa uu safarkan uu ku tagayo imaartaadka carabta uu ku saabsan yahya ilaa iminka.

Waxaase la xaqiijiyay in uu tagi doono imaaraadka carabta isaga iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo kuwaasi oo ay ka midyihii golaha xukuumada xildhibaano iyo xubno ka tirsan ganacsatada puntland.

Waa markii ugu horaysay ee wafdi heerkan oo kale ah oo uu madaxwaynuhu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo wasiiro iyo qaar ka mid ah golaha xildhibaanada puntland ay safar ugu anbabaxaan wadanka dibediisa gaar ahaana imaaraadka carabta.

 

[Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada Puntland... HOOS KA AKHRI.]

A/rizak koronto
garowe puntland



QORAAL KA SOO BAXAY GOLOHA SAMAFALKA IYO HORUMARINTA SOOMAALIYEED

Qoraal dheer ooku saabsan xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle iyo baahida deg-degga ah ee u baahan in wax laga qaabto ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ka soo saaray guddoomiyaha Golah Samafalka iyo horumarinta Soomaaliyeed, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidan, kaasoo ku saxiixnaa guddoomiyaha golahaas.... AKhri......
 

 


Hay’adda Danwadaag Relief and development organization oo raashin u qeybisay qoysas tabaaleysan

Hay’adda Danwadaag Relief and development organization oo xarunteedu tahay magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska, ayaa xafiiskeeda Muqdisho ugu deeqay qoysas u badan dadka soo baro-kacay raashin isugu jira Saliid, Bur, Sokor & Galey, waxaana tallaabada hay’adaasi si weyn u soo dhoweeyey dadkii ay hay’adaasi u qeybsay raashinka.



Wakiilka Muqdisho ee hay’adaasi Max’uud Max’ed Xaaji oo isagu gacantiisa ku qeybinayey raashinkaasi ayaa sheegay in aysan aheyn markii ugu horreysay & markii ugu danbeysay ee hay’ada Danwadaag Relief and development organization raashin u qeybsi dadka danyarta ah ee ku tabaaleysan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in horay ay u saacideen qoysas fara badan oo ka mid ah kuwa ka soo qaxay gobolada Koofurta Soomaaliya, sidoo kale-na ay qalab waxbarasho gaarsiiyeen Deegaanada Puntland.

“Dad gaaraya 520 qofood oo isugu jira haween, caruur & dad da’ ah oo aan heli karin wax ay ku afuraan ayey hay’adda Danwadaag Relief and development organization waxey gaarsiisay Raashin loo qeybiyey Saliid, Bur, Sokor, Galey” ayuu yiri madaxa qeybta Muqdisho ee hay’adaasi Max’uud Max’ed Xaaji, wuxuuna sheegay in muddadii ay ku jireen qeybinta raashinka ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen dadka raashinka loogu deeqay, maadaama buu yiri marka loo eego baahida jirta & xadiga raashinka ay qeybinayaan uu yahay mid aan dabooli karin baahida kumanaanka kun ee qofood ee doonaya in ay helaan raashin ay ku afuraan.

“Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta hay’addan oo marar badan inoo keenay raashin, hay’adaha kale & ganacsataduna waxaan ka codsaneynaa in ay ku daydaan tallaabada hay’adaasi maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan” ayuu yiri Axmadey Ibraahim oo ka mid ah dadkii ay raashinka u qeybisay hay’adda Danwadaag Relief and development organization.

Hay’addu sidoo kale waxey bishan ramadaan ku talo jirtaa inay gobolo kale oo dalka ah, gaarsiiso Barnaamijka Afurka.

Faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriir

Cabdixakiim Jaamac Jooje ( Danwadaag Secretary )
saicentadv@yahoo.com


BOOSAASO:Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada Puntland.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Gen: cade muuse ayaa kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, ganacsatada waaweyn ee dawlad goboleedka Puntland gaar ahaan ganacsatada wax dhoofisa.

Kulankan oo qaatay saacado ayaa madaxwaynuhu u soo jeediyay in ay ganacsatadu mideeyaan ganacsigeed islmarkaana ay yeeshaan hal mabda sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen ganacsi furan oo xawaare sare leh,

Madaxwaynuhu waxa uu ganacsatada ku canaantay in aysan wadanka sidii la rabay ugu hawlgalin ayna gaarsiin wadanka xadaarada ganacsiga isaga oo aad ugu canaanta ganacsadata puntland in ganacsigoodu uu ku xiran yahay oo kaliya wadamada khaliijka lakiin loo baahan yahya in la sii dhaafo oo la isku xiro yurub iyo aasiya.

Kulankan ayaa madaxweynuhu u soo jeediyey in ay ganacsatadu, ganacsigooda mideeyaan isla markaasna ay wada tashi sameeyaan marka ay xoolaha iyo waxyaalaha kale ay dhoofinayaan si aanay khasaare ugu dhicin.

Madaxweyne Gen: Cadde Muuse waxaa uu ganacsatada u ballan qaaday in uu xoogga saari doono sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland, waxana uu ku guubaabiyey baayacmushtarka, in ay xilkasnimo iyo wada tashi sameeyaan si ay u guuleystaan.

Lakiin ganacsatada puntland ayaa dhaliilo xoogle kulankaas ka soo jeediyay iyaga oo xukuumada cade muuse ku eedeeyay inaysan wax la taaban karo ka qaban dhanka ganacsiga isla markaana ay gaqaadaan canshuur xoogleh taasi oo aan ganacsiga wax loogu qaban cidkale oo shacabkana aan waxloogu qaban.

Ganacsadatu waxay madaxwaynaha ka codsadeen in uu u hawlgalo sidii wadanka looga hirgalin lahaa ganacsi heersare ah oo loo maro hab dawli ah isla markaana la iska kaashado ganacsiga iyo sidii wadanka looga hirgalin lahaa waxsoosaarka dhanka warshadaha oo baryahan danbe puntland ku soo badanayay.

Ganacsadadii halkaasi ka hadahsy ayaa ugu baaqay xukuumada cade muuse in ay iska tiirriso meesha isla markaana dhaliilaha hadiyo gooraaleba uga imanaya xukuumadiisa ganacsatada uu iska awdo si loogaaro ganacsi xor ah oo fur furan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarsarraysa rugta ganacsiga Puntland, xubno ka socda dalladaha rugta ganacsiga Puntland iyo isimo, waxana uu kulankani ku dhammaaday waji wanaagsan ah.

Kulankan ayuu madaxweynuhu ka cadeeyay in ay bixisey DGPL lacagtii lagu dhisi lahaa buunadada laag isla markaasna ka codsadey in ganacsatadu sida dawlada oo kale ay soo dedejiyaan saamigooda.

Si kastaba Madaxwaynaha puntland ayaa garwaaqsaday dhaliilihii ay ganacsatadu u soo eediyeen xukuumadiisa isla markaana balan qaaday in xukuumadu ay keenayso warshado si ay ganacsatadu uga faa iidaystaan isla markaana uu wadanku hor mar u gaari lahaa, taasi oo hadii ay xukuumadu isku daydo goor horeba la aamin san yahay in kumaaankun oo reer puntland ah oo shaqo la'aan ah ay ka helilahaayeen shaqo wanaagsan, lakiin taasi ma dhicin lamana xaqiijin karo sida uu cade muuse ugu hawlgali karo keenista warshado dalka.


A/rizak koronto
Garowe puntland


MUSLIM AMERICAN SOCIETY OF MINNESOTA(MAS-MN) "Markii ugu horeysay taariikhda MN"

MAS-MN waxay Muslimiinta deggan labada magaalo ee mataanaha ah iyo nawaaxigeeda ku martiqaadayaan inay ka soo qeybgalaan Afur, Casho iyo Taraawiixdii ugu horeysay ee lagu tukan doono Goobta kulamada ee Minnesota ugu weyn Minneapolis Convention Center. Waxaa TARAAWIIXDA TUJIN DOONA: <

SHEIKH Sayid Al-Mutawali Alsharqaawi oo ah qaari iyo Imaam ka yimid jaamacadda Al-Azhar. Waxaa kaloo goobta ka hadli doono culumo ay ka mid yihiin: Sh. Abdalla Idiris, Gudoomiyaha Markazka waxbarashada Islaamka ee Waqooyiga America.

GOOBTA: Minneapolis Convention Center 1301 2nd Av. South, Minneapolis, MN
GOORTA: Sabtida, Septmeber 30, 2006 6:00pm
Wixii faah faahin fadlan la xiriir Tawxiid Islamic Center (612)827-2804 or MAS (651)457-7170 and Ummutu Muhammad Center (612)823-1943 or Al-Taqwa Mosque (651)292-9675.


Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 September 2006
 
Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala duwan.
 
Askar badan oo ka goosatay ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Sydney oo shir wayn isugu timid.
 
Galbeedka Oromiya oo dagaal ku dhex maray ciidammada Itoobiya
 
Barnaamijkii Kadeedka Gumaysiga iyo Go,aanka Geesiga(Q4aad).
 
======================               
 
Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala duwan.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay weerarro dhawr ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalooyin ka mid ah dalka Ogaadeenya.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 18/09/06 waxay ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
17/09/06 waxay sidoo kale ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Dhagaxmadow, waxayna u gaysteen khasaare ba’an.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar ku qaaday baabuur kolonyo ah oo ciidamada gumaysigu leeyihiin oo marayay meesha lagu magacaabo Qolqolow, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxayna halkaas kaga dileen 7 askari, 8 kalana way kaga dhaawaceen. Dagaalkan waxay ciidammada gumaysigu u adeegsadeen qoryaha waawayn e gawaadhida lagu jiido, sida qoriga Zuuga loo yaqaano.
 
20/09/06 cutub ka tirsan cidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya Galaalshe, waxayna ka dileen 5 askari, 6 kalana way ka dhaawacen.
 
21/09/06 waxay sidoo kale cidammada Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Malayko, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
Markii uu dagaalkani dhacay waxay cidammada gumaysigu ku gadoodeen dadaynihii magaalada degganaa, iyagoo rasaas oodda kagaga qaaday, waxayna halkaas ku dileen wiil yar oo 4 jir ah oo uu dhalay nin lagu magacaabo Caddaani Rafle. Waxay sidoo kale halkaas ku dhaawaceen 3 qof oo shacab oo ay ka mid tahay wiilka dhintay hooyadii.
 
Dhinaca kale waxaa magaalada Dhagaxbuur dhawaan lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aad u fara badan o dhawr boqol oo qof gaadhaya. Waxaanan magaciisa ka helnay nin lagu magacaabo C/casiis Qalqallocow. 
 
Askar badan oo ka goosatay ciidammada gumaysiga ee Ogaadeenya.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa beryahan denbe kordhiyay goosashada iyo amar diiddada, iyadoo ay ugu wacan tahay guul darrooyinka iyo jababka ka soo gaadhaya goobaha dagaalka iyo nolol xumada ku haysata xeryohooda.
 
Sida uu ku soo warramayo wariyaha RX ee Ogaadeenya waxaa dhawaan magaalada Dhagaxbuur ka goostay 8 sargaal oo ka mid ah raggii ugu sarsarreeyay ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Dhagaxbuur.
 
18/09/06 Xamaro iyo Fiiq waxaa sidoo ka goostay 50 askari oo ciidammada gumaysiga ka tirsan. Isla Fiiq ciidammo gumayisga ah oo ka goostay ayaa dhexda lagu gaadhay, waxaana iyaga cidankii raadcada ahaa dhex maray dagaal adaga, iyadoo ay ku kala dhinteen 2 askari.
 
16/09/06 waxaa magaalada Sagag ka goostay 14 askari. Ciidammadaas goostay waxaa laga daba diray ciidammo kale, kuwaasoo dhexda ku gaadhay, waxaana dhex maray dagaal adag, iyadoo ay ku kala dhinteen 8 askari. Ciidammadii goosashada ahaa intii badbaaday halkii ayay socodkoodii ka sii wateen.
 
Dhinaca kale baxsashada faraha badan ee ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay keentay in cidamada ka soo jeeda qowmiyada Oromada si gaar ah loo ilaalyo, kuwa ku sugan meelo badan ooy Ogaadeenya ka mid tahayna hubkaba laga dhigo. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tallaabadani ay ka denbaysay amar ka soo baxay kaligii taliye Meles Zenawi oo ku baaqaya in askarta Oromada iyo Ogaadeenya u dhalatay la waardiyeeyo, hubkana gacanooda laga ilaaliyo.
 
Dhinaca kale 22/09/06 waxaa magaalada Harar lagu toogtay labo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidammada gumaysiga ee Harar.    
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Sydney oo shir wayn isugu timid.
 
Maalintii sabtida ahayd ee bisha Sebtemer 23  ahayd waxaa magaalada Sydney ee waddanka Australia lagu qabtay shir waynoo ay ka soo qayb galeen xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada Sydney.
 
Shirka waxaa lagaga hadlayey Xaaladda Geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Ogadenya iyo Itoobiya. Waxaa warbixin waafi ah oo ku saabsan Ogadenya iyo halganka xaqa ah  ee Shacabka Ogadenya ku jiraan ka soo jeediyay G/Xigeenka aad ee JWXO mudane Maxamed Ismaaciil Cumar.
 
 
Sida uu wariyaha RX ee magaalada Sydney Dubbad Kooreeye noo soo wariyey wuxuu guddoomiye ku xigeenku si faahfaahsan uga warramey burburka Itoobiya ku soo fool-leh iyo guul darrada ka raacday Ololihii ballaadhnaa eey ku soo qaadday Ogaadeenya. Wuxuu sheegay in Ciidankii Itoobiya uu baxsi joogta ah ku jiro, haddana xeryahooda lagu ilaaliyo.
 
Guddoomiye ku xigeenku wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in halganku si siman meel kasta uga horumaro oo dibad iyo gudaba isu dheeli tirnaado. Guulaha waaweyn ee la gaadhay hadda waxay macno sameyn karaan markii la  joogteenyo, lana sii xoojiyo ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenku.
 
Dadkii shirka isugu yimid waxay ku baaqeen in la taageero JWXO, lana sii laban laabo dadaalka loogu jiro sidii heeryada gumeysiga laisaga tuuri lahaa.
 

Galbeedka Oromiya oo dagaal ku dhex maray ciidammada Itoobiya

 
Dagaal adag ayaa toddobaadkii hore ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dhex maray galbeedka gobolka Oromiya. Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo uu asalkoodu yahay Oromo oo ka tirsanaa cidammada gumaysiga Itoobiya iyo kuwo daacad u ah ururka TPLF, wuxuuna dagaalkaasi ka dhacay meesha lagu magacaabo Naqamtee, oo ku taalla galbeedka gobolka Oromiya.
 
Dagaalkan ayaa billowday, ka dib markii lix askari oo Oromo ahi ay heleen meel ay askarta TPLF ku jidhdilayaan shan askari oo kale oo Oromo ah oo laga keenay dhinaca xadka. Markaas ka dib ayay lixdii askari ee Oromada ahaa waxay rasaas oodda kaga qaadeen kuwii Tigreega ahaa ee ciqaabayay askarata kale ee Oromada ah. Askaratii Oromada ahayd ee dagaalkan ka qayb gashay ayaa la sheegayaa inay baxsadeen.
 
Dhinaca kale warar ka soo baxay Ururka OLF ayaa sheegaya in xukuumadda Itoobiya ay ciidammo aad u fara badan soo dhoobtay Geedo, oo ku taalla badhtamaha gobolka Oromiya, halkaasoo ay marki hore ciidammo yari ka joogeen.
 
Ururro badan oo Oromo ah ayaa askarta Oromada ah ee ciidammada xukuumadda ka tirsan ugu baqay inay is-abaablaan, isla markaana ay isu diyaariyaan sidii gaashaanka ugu dhigi lahaayeen dhibaatooyinka kala duwan ee taliska Addis Ababa u gaysanayo dadwaynohooda rayadka ah
 
26 September 2006.
Axmed Gaal-Eri          
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2006

Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu burburey heshiiskii..
»Shariif Xasan oo Booqasho ku tegey Nairobi...
»Warbixin ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..
»Barre Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..
»Cali Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay....
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka..
»Ururka wershedlayda oo looga dhawaaqay muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 26

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD