SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia oo magcawdey wasiiradeedii

Badhan:- Aug 8,2007: Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia ayaa maanta waxay soo saartey wareegto ay ku magcawdey wasiirada(Xoghayaalo) Maamul Goboleedka Maakhir State of Somalia iyadoo ay tirada xoghayaasaashi ay gaarayaan ilaa iyo 7 xoghayn iyadoo ay ka mid yihiin rag si weyn looga yaqaano Gobolada Bari iyo Sanaag, aqoontooduna ay sareyso.

Xoghayaashan (State Secretaries) ayaa waxaa ugu miisaan weyn Mr Axmed Faarax Cali (X.Bidar) oo ah Xoghayaha Maaliyadda & Xisaabaadka ee maamulka Maakhir State of Somalia.

Waxaa intaa dheer in Golaha Wakiilada ee Maamul Goboleedku ay gaarayaan ilaa iyo 33 xildhibaan ay dhowaan kulan ku yeelan doonaan magaalada Badhan ee Xarunta Maamul Goboleedka Maakhir iyagoo ay kulanka ugu horeeya ku ansixin doonaan Xoghayaasha Maamulku uu soo magcaabey.

Saxaafada ayaa goor dhow soo bandhigi doonta wareysiyo ay la yeelate Mudanbe Axmed Guure oo ah Raysul baarlamaanka Maakhir oo hada ku mashquulsan hawlo shaqo ah.

Dowlad Goboleedka Maakhir ayaa noqotey

Wareegtadii oo dhan HOOS KA EEG.

maakhir

 

Waxay naga soo gaartey Xafiiska Madaxweynaha ee Magaalada Badhan.

La xiriir: razshirwa@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com