SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Somaaliyeey, Xaqa Oo Lagu Dheganaado Waa Guusheena.

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com


Dulmigi hore dulmi ayaa lagu beddalay,danbiga hore loo galay waa la kordhiyay ,howsha Muqdisho ka socotana waa camal doorshaan, shaqo fara badan oo aan guul ka danbeyn ,mooryaanti is qabatay  qaar ayaa xabasha la yimid ,qaarna orad ayey wax ka dayeen ,qaarna weli kama soo degin damacoodi iyo tala xumadi ay faraha kula jiri-jireen,qaarna waxay ku hoobteen gacanta kuwa iyaga la yaqaan,  tabihi ay ku dhaqmi jireen ,balsa markaan dabada ku wato Tigree danaheeda fara badan yihiin .qaarna waxay muraayada ka arkaan in ay howl wacan faraha kula jiraan, umana muuqato xagee ku danbeeyay dulmigi ka horeeyay kan ay maanta wadaan..Soomali maatadeedina waxay ku bas baashey inta u dhaxayso kooxo uu shaydaanka suldaan u yahay,una taagan sidi ay Soomali kaga weecin lahaayeen Dariiqa Toosan ee Ilaahey.

  Eebow ,saaxibkay na soo weydiiyay asxaabti wax ka qori jirtay arrimha Soomalida maxay qoonsadeen oo ay u aamuseen..

Walaalkay nin walbo waxuu la aamusay arrin u gaar ah isaga ,balsa aniga,

waxaan u  aamusoon la amakaakay      saddex arrin oo alif ku taal

Waxaan u aamusoon la amakaakay 
                                    Amxaar iyo Ariteraa Ehelkaaga u atooreyhaayo

Waxaan u aamusoon la amakaakay    
                                 Ina Yusufaa ka amiiriyo afar-irdood

Waxaan u aamusoon la amakaakay  
                                    Arligi abkay inuunan ood lahayn 

"Xaqaanse ku gannaa Baadilka oo tirtira,waxaa idiinku sugnaaday halaag waxaad sheegaysaan"  waa aayad quraan ,Suurat Al-Anbiyaa,aayada Sideed iyo tobanaad. 

   Ma jiro baadil guul soo hooyo ,mar walbana sida diinteena na bartay ,tarriikhda qorana ay na bartay, xaqa  ayaa  guusha ku danbeeya had iyo goor .waxa maanta Somaaliya ka socdo ,gaar ahaana magaalada Muqdisho ,waa iyada oo la rabo in xaqi lagu doono baadil ,mana guulaysanayo ,xaqa xaq ayaa lagu doonaa, keddibna ilaahey ayaa garab istaago ,Al-xaq waa magacyada suubaan ee Ilaahey mid ka mid ah. 

   Soomaali waxay ku habsaantay garab-siinta baadilka ,Qaar baa isticmaarka madow u sacaba tumayo, iyaga oo muraayad shaydaanka u suray ka arko in ay danahooda sidaa ku gaari karaan,qaar kale ayaa iyagana Aritree qayla dhaantooda laga maqlayaa, howlahoodana kama marno howl Shaydaan ,kuwaa halkaa joogo si uma wada arko falkooda, waxaa ku jiro rag ay ka dhab tahay dadaalka ay ugu jiraan gaarista ummadda Soomaaliyeed oo xor ah, waxaasa ku dhax milqan qaar sabab u ahaa in dalkeena, sidiisaba gacanta u galo isticmaar madow oo  ay gadaal  ka riixayaan dowlado ay ku fogaatay neceybka ay u qabaan diinta Islaamka oo gaarto heer ay dadkeeda isku xukumaan  ,  ragga Ariteree joogo waxaa iyagana ku jiro Xuseyn Caydiid oo magaalada Muqdisho ku yimid diyaarad duug ah oo ay Tigreeda leedahay ,keddibna ku soo baraarugay isaga oo ku jiro daabuurka shanaad ee adeegayaasha Tigreeda, sidaana uga cararay Tigreeda Addis-Ababa ,carana ugu tegay Tigreeda Asmara.

   Ragga Aritree joogo waxaa ku jiro Col Cumar Xaashi oo aanan hore loo arkin arrin Soomaali isugu timid ,ha xumaato ,hasa samaatee ee uu raali ka yahay tan iyo inti ay burburtay Dowladdi dhexe ee Soomaaliyeed 1990, col Cumar Xaashi wuxuu ka mid noqday dhowr iyo tobaneeyo isbahaysi, welina lama haayo isbahaysi uu ku jiro oo guul soo hooyay,markaad shaqisyadiisa dhinac walba ka fiiriso wauxuu Col Cabdulahi Yusuf kala mid yahay doonista mansab wacan oo baadil lagu gaaro ,iyo ka mid noqoshada isbahaysiyo ay howshooda ku dhamaato fashil iyo yaa maqlay ebed baadil guul lagu gaaray.

           Ragga Aritree joogo waxaa isagana ku jiro Sharif Xasan Sharif aadan oo aan isaga lahayn hadaf cad oo siyaasadeed, goor-walbana isbahaysi la galo ,hadba ruuxi dhegta ugu sheego wixi waqtigaas isaga ugu muuqdo in ay ku jirto dantiisa gaar ahaaneed ,Shariif Xasan waa nin aanan u bislayn hogaanimo, si ilduufana ugu soo dhax dhacay hardanka siyaasadeed iyo isqab-qabsiga u dhaxeeyo hogaamiyayaasha Soomalida ,hashiisyadi siyaasadeed ee Shariif Xasan horay u galay, dhamaan wxaa mirahooda gurtay  dhinaca kale ee isaga heshiiska la galay ,Shariif Xasan  dadka uu isbahaysiga la galo, markaad gadaal u fiiriso waxaa kuu soo baxayo in uu yahay nin aanan ku xisaabtamin Beri, balsa uu yahay nin ay aragtidiisa ku kooban tahay maalintaas sida arrinka yahay,Shariif Xasan isagana lama haayo isbahaysi uu ka mid noqday oo guul soo hooyay.

     Hadaba hordhac dheer ka gadaal ,su'aasha na hortaal Soomaali weyn oo dhan ,"waa sidee Qoona loo xagtaa, Ilkana ku nabad galaan", waa sidee dalkeena looga xoreeyaa cadawga Tigreeda ee nagu soo duulay iyo hogaamiyayaal cadaw ku ah danaha dalkooda iyo dadkooda iyada oo aanan lugaha lala sii gelin, howl keeni karto in ay daba dheeraato. dhibaatada ay ummaddeena ku haayaan dhinacya badan oo isku haayo maareynta arrimaha waddankeena.

     Xabashi waxaa lagu bxin karaa oo kaliya, abuuritaanka isbahaysi ay ka madax banaan yihiin shaqsiyaad ay tuhma ka qabaan ummadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan shaqsiyaad iyaga lagu tirinaayo in ay dowr weyn ku lahaayeen murugada Soomali weyn dul tiil 17 toban sano oo gadaal i noo dhaaftay ,hadaba sidaa darteed shaqsi walbo oo dadaal ugu jiro qaabaynta iyo diyaarinti qaabki waddankeena looga bixi lahaa Isticmaarka madow iyo dabadhilifyadiisa, waa in uu horta isaga ka digtoonaada la dhaqanka shaqsiyaadkaas aan kor ku soo sheegnay,.wax dhib ah kuma jiro in laga faa'iidaysto waqtigan, Aritree naca ay u hayso nidaamka ka Arrimiyo Addis-Ababa iyada oo aanan maanka laga saarin in uu Asaasi Afooriqi yahay nin aad u neceb araga dal Islaam ah oo deris u ah ee isku ku xukumayo diinta Islaamka.

  DFMk  uma soo jeedo dhegaysiga dhinacyada siyaasadeeda iyo joogitaanka tigreeda ee waddankeena aad u diidan ,sidoo kale dhinacyada siyaasad ahaan  DFKM ka soo horjeedo ,aadna u diidan joogitaanka tigreeda ee waddnkeeda waxaa aad uga dhax muuqdo shaqsiyaad aan u taagnayn dan waddaniyeed ,arrintoodana aynan dhaafsiisnayn doonista dana aad gurracan, oo marki horaba sabab u ahaa in dalkeena ay ku dabadheeraato ku jiritaanka dhibaato aan gacanteena ku abuurnay.

   Talo ku jeedo ruux walbo oo waddani ah ,doonayana maslaxadda ummaddeena Soomaaliyeed ,taladaas waa in uunnan ruuxaas ka soo dhax muuqan dad loo yaqaan in ay gacan aad u mugweyn ku lahaayeen dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed,waxaa kale oo aan kula talinaynaa ragga ay ka dhab tahay u taagnaashada waddankeena oo ka xoroobo Tigree, in haddii ay dhacdo in laga fursan waayo ka tashiga shaqsiyaadkaas waqtigan xaadirkaa, in ay taladooda haddeer ku darsadaan sidi ay uga digtoonaan lahaayeen in aynan kuwaas dhankooda marnaba kaga imaan falal iyo hadalo waxyeelayn karo u istaagida in dalkeena laga xoreeyo tigreeda ku soo duushay iyo dabadhilifyadooda..

Tigree,Dabadhilifyadooda Iyo Wixi Xunba Ha Na Daayaan

10/08/2007

    Abdullahi Moallim Mahamud  (Cabdullhi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Muqdisho Weli Kuma Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed... Akhri..

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com