SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI

Cali Maxamed Geeddi iyo DFKMG oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "Geeddi uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya..."

December 28, 2006 ayey ahayd markii jaraa'idka adduunku ay qaadaa dhigeen qoraal kusoo baxay shabakada American Chronicle, qoraalkaas oo faallo dheer ka qoray Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Waxaana qoraalkaas lagu xusay eedaymo aad u kulul oo loo soo jeediyey ra'iisul wasaaraha oo lagu sheegay in uu xiriir qoto dheer la leeyahay xukuumada Tigreega asagoo xiriirkaas awgeed danaha Itoobiya hor mariyey halkii uu ka hor marin lahaa danaha Soomaalida. Sidaas daraadeedna in uu ku kacay khiyaamooyin qaran, waa sida qoraalku u dhigay'e.

Qoraalkaasi waxa uu si gaar ah Cali Maxamed Geeddi ugu eedeeyey in uu yahay qofka keliya ee mas'uulka ka ahaa in dalalka Khaliijku ay mamnuucaan Xoolaha Nool ee Soomaaliya. Taas oo qoraalku xusay in xilligii uu u shaqaynayey hay'adda Terra Nuova oo ah NGO laga leeyahay dalka Talyaaniga uu qoray in xoolaha Soomaaliya ay qabaan cudurka Xummada Xoolaha ee loo yaqaan "Rift Valley Fever", taas oo sababtay mamnuucida xoolaha Soomaaliya, isla markaana loo weecday in xoolaha laaga dhoofsado Itoobiya.

Qaar ka mid ah qoraalkaas oo tarjuman waa kan:

Cali Maxamed Geeddi oo ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1951kii, waxa uu aabihiis ahaan jirey Colonel ka tirsanaa ciidankii Nabad Sugiidda Soomaaliyeed (NSS). Waxaana Geeddi laqoray in uu ciidankaas ka mid noqdo markii uu dhigan jirey Dugsigii Sare, shaqadaas oo uu sii wadey xilligii uu dhigan jirey Jaamacadda. Waxa uu sanadihii 70-naadkii dhamaystay tababar militari. Geeddi waxaa loo dhiibey shaqo ah in uu soo basaaso ardayda la dhigan jirtey Dugsiga Sare iyo Jaamacadda. Xukuumadii siyaad Barre waxay xirxirtay oo ciqaabtay boqollaal arday ah "iyadoo sal looga dhigayo akhbaar uu bixiyey Geeddi."

geeddiMarkii uu dhamaytay Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdul ee Muqdisho sannadkii 1974, waxa uu galay kulliyadii xannaanada Xoolaha ee Jaamacadii Muqdisho, taas oo uu ka qalin jebiyey sannadkii 1978. Intii u dhexeysey 1979-1981 waxa uu dhigtay Jaamacada Pisa ee Itaaliya oo uu ku tegey laba sano oo deeq-waxbarasho ah. Waxa uu kusoo laabtay kulliyadii xannaanada xoolaha ee Jaamacada Muqdisho halkaas oo uu sannadkii 1982 ka noqday macallin-kaaliye. Kaddib si degdeg ah ayaa loogu magacaabay madaxa kulliyadaas oo uu hayey ilaa xukunkii Siyaad Barre uu ka dhacay sannadkii 1991.

Dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre waxaa ku xigey xilligii qabqablayaashii dagaalka. Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa mid ka mid labadii qabqable dagaal ee ugu tunka roonaa ee soo shaac baxay dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre ka dib; Maxamed Faarax Caydiid ayuu haa kan kale. Geeddi waxa uu la shaqeeyey Cali Mahdi oo uu u ahaa madaxa agaasinka sahayda. Loolankii xukunka ee u dhexeeyey Caydiid iyo Mahdi ee 1991-1992 waxa uu ahaa waqti ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya. Xilligaas Geeddi waxa uu ahaa Gacan-yaraha Xoghaynta Difaaca ee Cali Mahdi. Dagaalkaas ahliga ahi waxa uu galaaftay ilaa 50,000 oo Soomaali ah taas oo ah in Geeddi lagula xisaabtamo.

Xiriirkiisa Meles Zenawi

Bartamihii sannadihii 80-naadkii, Professor Geeddi aabihiis waxa loo magacaabay in uu caawiyo Meles Zenawi [Zenawi oo xilligas oo soo fakaday Soomaaliya], xilligaas waxa uu Zenawi ahaa madaxa ururkii TPLF (Tigray People’s Liberation Front), Geeddi aabihiis ayaa haa kan loo xilsaaray in uu Zenawi siiyo wax yaabaha asaasiga ah ee uu u baahan yahay. Ugu dambayntiina waxaa loo magacaabay kan isku xiriirinaya Dawlada Soomaaliya iyo TPLF. Caawinaada la siiyey Meles Zenawi waxaa isku dubaridayey Geeddi aabihiis. Xilligaas ayey ahayd markii uu hano-qaaday xiriirka u dhexeeya Geeddi iyo Meles Zenawi.

Khiyaamooyinka Xiriirsan

Markii uu guul daraystay hawlgalkii UNOSOM bishii March 1995, ayaa Geeddi aabihiis waxa uu la xiriiray saaxiibkiisii hore Meles Zenawi. Colonel Maxamed, Geeddi aabihiis, waxa uu Zenawi wiilkiisa u weydiiyey sidii uu uga gacan qaban lahaa taageero siyaasadeed oo kor usoo qaada wiilkiisa, si uu qayb sare uga ciyaaro siyaasadda Soomaalida. Waxay ahayd markii Col. Maxamed uu booqashada ku tegey Addis Abeba in Geeddi uu bilaabay in uu iska fogeeyo Cali Mahdi iyo ururukiisii, uuna bilaabay in uu si furan uga horyimaado isaga (Mahdi). Halkaas waxaa ka bilowday khiyaamooyinkii taxnaa ee Geeddi u geystey guud ahaan dadka Soomaalida, iyo weliba dadkii isaga soo gaarsiiyey heerkaas sare ee Siyaasadda Soomaalida.

Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya, Geeddi waxa uu ku negaadey bannaanka Soomaaliya, inta badan Itoobiya iyo Kenya. Waxa uu lataliye ahaan ula shaqeeyey dhawr laamood oo ka mid ah gobolka Afrikada Bari oo qaabilsan xoolaha. Intii u dhexeysey 2003-2004 Geeddi waxa uu u shaqeeyey "RSLTC" oo laga soo gaabiyey (Red Sea Livestock Trade Commission). "RSLTC" waa laan hoos tagtay faraca Midowga Afrika u qaabilsan khayraadka xayawaanka ee loo yaqaan "AU-IBAR" (African Union’s Inter-African Bureau for Animal Resources), waxaana maal-geliya hay'adda USAID, sidaas ayaa Geeddi ku noqday shaqaale USAID. Hotel raaxo badan oo ku yaal Nairobi, Kenya ayaa waxa uu Geeddi u ahaa xafiiskiisa iyo meesha uu deggan yahay, sida warbixno sheegeen.

"... Intii uu joogey Nairobi waxa uu korka kala socdey barnaamij lagu xakamaynayo cudurada xoolaha Soomaalida barnaamijkaas oo ay maalgeliso beesha caalamku.."

"Markii uu Geeddi u shaqaynayey hay'ad NGO ah oo laga leeyahay Talyaaniga oo la yiraahdo Terra Nuova, waxa uu soo saaray qoraal sheegeysay in Xoolaaha Soomaalidu ay qabaan cudurka loo yaqaan "Rift Valley Fever", arrintaas oo sababtay in Xoolaha Soomaalida ay mamnuucaan Dalalka Khaliijka......"
Sophia Tesfamariam | December 28, 2006
Email: sophia_tesfamariam@hotmail.com
Runtu waxay tahay in uu xirfadiisa iyo jagada uu hayey u adeegsadey sidii uu u curyaamin lahaa dhoofitaanka kobcaya ee xoolaha Soomaalida si uu u caawiyo tababarihiisa iyo macallinkiisa Meles Zenawi. Sannadkii 1996 barnaamij ay maal gelisey USAID oo ku saabsanaa dhoofinta xoolaha ayaa la siiyey Itoobiya, halkii mashruucaas laga siin lahaa Soomaaliya, talo uu bixiyey Geeddi awgeed. Warbaahintu ma xusin in Geeddi keligiis uu mas'uul ka ahaa mamnuucidii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya. Markii uu Geeddi u shaqaynayey hay'ad NGO ah oo laga leeyahay Talyaaniga oo la yiraahdo Terra Nuova, waxa uu soo saaray qoraal sheegeysay in Xoolaaha Soomaalidu ay qabaan cudurka loo yaqaan "Rift Valley Fever", arrintaas oo sababtay in Xoolaha Soomaalida ay mamnuucaan Dalalka Khaliijka, taas oo Soomaalida ka khasaarisay dakhli malaayiin ah oo ka soo geli lahaa dhoofinta Xoolaha Nool. Arrintaasi waxay jid aan muddo dheer sii jirin u furtay xoolaha Itoobiya in ay fursad gaar ah ka heleen suuqyada Dalalka Khaliijka iyo wadamada kale ee Carabta ah.

Kaddib 14-jeer oo la isku deyey in Soomaaliya loo dhiso Dalwad Kumeelgaar ah lagu guulaysan waayey sababtoo ah faragelinta Itoobiya, ayaa sannadkii 2004 waxaa Kenya lagu dhisay Dawlada Kumeelgaarka ah ee Hadda oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdullaahi Yuusuf. Kaddib amar ka yimid Meles Zenawi ayaa Yuusuf waxa uu Geeddi u doortay Ra'iisul wasaare. Waxaa la soo deristey dhibaato ah in Geeddi uusan ahayn xubin ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka ah, waxaana la diidey qodob xeerka baarlamaanka wax looga bedeli lahaa kaas oo ogolaan lahaa in qof aan xubin ka ahayn baarlamaanka lagu dari karo Dalwada Soomaaliya. Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" oo ah hoggaamiye kooxeed xaruntiisu tahay Jawhar waxa uu qaraabo la yahay Geeddi, waxana uu daacad u yahay Meles. Waxaa loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan Baarlamaanka DFKMG, laakiin jagadaas waxa uu uga degey Geeddi, taas oo Yuusuf u ogolaatay in uu Geeddi u magacaabo Ra'iisul wasaare.

Bartamihii sannadihii 90-naadkii waxaa sii xoogeystey xiriirka u dhexeeyay Geeddi iyo xukuumada Tigreega ee laga tirada badan yahay ee Itoobiya, waxaana markaas (Geeddi) xukumaadaas looga dhigay basaas. Waxaa bil kasta la siin jirey mushahar lagu siinayo xogta qarsoon ee uu ku biirinayey xukuumada Meles. Geeddi waxa uu sii wadey sidii uu danaha xukuumada laga tirada badan yahay ee Itoobiya uga hor marin lahaa tan dadka Soomaaliyeed, waxana uu ka shaqeeyey sidii u garab mari lahaa wadahadal nabadeed oo kasta, waxana uu u yeeray ciidamada macallinkiisa si ay ugu duulaan Soomaaliya.

Ilaa hadda (Maarso 17, 2007) eedaymahaas jawaab rasmi ah kama uu bixin Cali Maxamed Geeddi. Sidoo kale wax jawaab ah kama soo bixin xukuumada uu ra'iisul wasaaraha ka yahay. Siyaasadda adduunka marka laga hadlayo haddii eedayn loo soo joojiyo mas'uul ka tirsan xukuumad, haddii aan xukuumadaasi kaga jawaabin si dhaqso ah waxaa caalamku u arkaan eedayntii la soo jeediyey mid aan xukuumadaasi jawaab u hayn oo sidaas taariikhda ku geleysa ayadoo aan laga jawaabin. Waxaana arrintaas loo yaqaan "Aamusnaantu waa aqbalaad eedayntii la soo jeediyey."

Qaamuusyada Internetka ee kaydiya dhacdooyinka adduunka waxaa beryahan dambe lagu qoray eedaymahaas loo soo jeediyey Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, eedaymahaas oo gelaya taariikhda.  Sawirka hoose waxa uu muujinayaa labo ka mid ah qaamusyada Internetka (www.wikipedia.org, www.answers.com) kuwaas oo qoray: in xilligii uu Cali Maxamed Geeddi u shaqaynayey hay'adda Terra Nuova (Italian NGO) in uu ku dhawaaqay arrin layaab lahayd oo ah in uu sheegay in xoolaha Soomaaliya ay qabeen Cudurka Xummadda ee loo yaqaan Rift Valley Fever, taas oo dhalisay in dalalka ku yaal gacanka Beershiya (Khaliijka) ay mamnuuceen xoolaha nool ee Soomaaliya ee loo soo dhoofinayey dalalkooda, arrintaas oo curyaamisey dhaqaalaha Soomaaliya oo markii horeba liitey.


While working for the Italian NGO Terra Nuova, he made the controversial pronouncement Somali livestock suffered from Rift Valley fever, which caused a ban on Somali animal exports to the Persian Gulf states, hampering the fragile Somali economy... Source: http://en.wikipedia.org/wiki/Ali_Mohammed_Ghedi

Qoraalkii kusoo baxay shabakada American Chronicle oo dhamaytiran oo af-Ingiriisi ah hoos ka akhri.....


Ali Mohammed Ghedi-Meles Zenawi's Stooge and Somalia's Traitor

geeddi iyo zenawi
Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa


January 2007:
Waa Kuma Cali Maxamed Geeddi?

Qoraal dheer oo ku soo baxay shabakada AmericanChronicle.com ayaa si weyn uga hadashay xiriirka Cali Maxamed Geedi iyo Meles Zenawi, waxaana qoraalku sheegay in Geedi iyo Zenawi uu xiriirkoodu soo bilowday xilligii uu Meles Zenawi mucaarka ahaa ee ku sugnaa Soomaliya, maadaama Cali Maxamed Geeddi aabihiis uu ahaa kornayl ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya (NSS). Waxaa qormadu xustay in Geeddi qudhiisana la qoray "NSS" xilligii uu dhiganayey dugsiga sare. Qoraalkaas oo aad u dheer waxaa kale oo uu xusay sidii uu Geeddi ku noqday Ra'iisul wasaaraha iyo xilligii uu kusoo biiray siyaasadda, qoraalka oo cinwaankiisu yahay: Ali Mohammed Ghedi-Meles Zenawi's Stooge and Somalia's Traitor..  | Isha: uu ku soo baxay websiteka www.AmericanChronicle.com

Sophia Tesfamariam
Email: sophia_tesfamariam@hotmail.com


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com