SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Nairobi: Arooska wiil uu dhalay Cali Maxamed Geedi oo ay ku baxayso 1.9 million Doolar...

Wargeysyada TV-yada Iyo Idacaadaha Dalka Kenya oo Si Aad ah Uhadal Haya   Aroos Maalintiisi Labaad Kasoconaaya  Hotelada Caasimada Nairobi Uqaalisan Arooskaas oo ay ku Baxday  Lacag Gaaraysa $1,900,000  Dollar [$1.9 million]. 

Waxaa Maalintii Shanaad Aroos Aad ubaaxad weyn kasoconayaa  Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya, Arooskaas oo lagu til maamay Aroos kii ugu Weynaa in tii Sanooyina Aroosyadii ka dhacay Dalal ka Dhaca Qaarada Afrika, Arooskaas ayaa waxa kasoo qayb galay Boqolaal Qafood dadka kasoo qayb galay Arooskaan Ayaa ah Dad Dhammaantood Maqaam ku leh Wadamada Ay udhasheen haday ahaan lahaayeen Yurub, Amerika, Afrika....
 
Arooskan ayaa bilowday Maalinimadii Axada [Aug 12, 2007] Ahayd iyadoona lagu furay Qado aad uwanaagsaneyd, Qadadaan Qaaliga ah  qof kasta laguma casuumin dad gaara oo la ogyahay sida ay yihiin ayaa lagu casuumay kuwaas oo dhamaamtood baabuur cad cad ku yimid Goobta  Xaflada Arooska.
 
Su'aashu waxa ay tahay Arooska Saas Ah yaa Aroosay Tallow Nin kaasi waa Nin kee, Ma Nin ka Aduunka Ugu lacagta badan wiilkisaa, Mase Waa madaxweyne Wiil uu dhalay oo ka Ariminaaya Wadamada Reer Yurub Ama AMeerika Mid maahan Waa Wiil uu dhalay Nin Afrikaana  oo Hadana Somaali kasii ah Hadana Dhalin yaraa Aabihiisa Nin kale maahane Waa Raysalwasaaraha Dalka Dagaaladu ay ladageen Ee Somalia  Cali Maxamed Geedi Wiilkaas Arooskaas loo qabtayna Magaciisu waa Maxamed Cali Maxamed Geeddi.
 
 Aroos lamood kaan Aroos ka weyne Ayaa Xafladihiisu waxa ay si talan taali ah iskaga feersoconaayeen Sedexda Hotel ee Uqaalisan Wadanka Kenya ee Kuyaala Magaalada nairobi ee kala Ah  Grand Regency, Five Starska iyo Hotelka Safari park, qaban qaabada arooskaasi iyo isku dubaridkiisa awgeed waxaa  u jooga magaalada Nairobi wiilka guursanaya Aabihii oo ah Raisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo dadka arooskaasi ka qeyb galayana laga soo kala daad gureeyey meelo  kala fog fog, Arooskaan ayaa waxaa Goob joog u ah oo kasoo wada qayb galay inta badan Safiirada Dawlada Somaaliya ukala jooga Dunida dacaladeeda iyagoona kuwada faraxsanaa in ay goob joog ka ahaadaan Arooska Wiilka Raysalwasaarahooda Geedi.
 
Arooskan ayaa waxa  lawada yaabay oo lama filaan ku noqday dadyow kala duwan oo ku dhaqan Dalkaan Kenya iyo Dad kale oo lagu casuumay iyagoona is weydiinaya Su Aasha Ah.  See suura gal utahay in Dadkii Somaliyeed oo Gaajo udhimanaaya Arooska saan ah Loo Dhigo Qof Somaali ah iyagoo arinkaas Ay tacajab ku noqotay warbaahinta kala duwan ee dalka Kenya ayaa Saacadaha wararku soo galayaan Warar ka ugu muhiimsan Arooskaan ka dhigaaya iyagoona Ciwaan uga dhigaya War kooda  ( WADAN DAD KIISI GAAJO ULE ANAYAAN OO WIILKII RAYSALWASAARAHOODA AROOSKIISA AY KU BAXADY LACAG GAARAYA $1,900,000  waa 1.9 "Milyan" oo Dollar). 
 
Sida ay baahiyeen Ayna Soo daabaceen wargeysyada iyo Tv-yada ugu waaweyn dalka Kenya Arooskaan ayaa la sheegayaa in ay ilaa iyo haatan ku baxday lacag gaaraysa inta la og yahay Intii aan la ogayn oo hoos hoos ubaxday lama sheegaayo waxii waa weyn oo la og yahay ayaa gaaraysa Aduun gaaraya  ilaai $1,900,000 (Hal milyan iyo Sagaal  boqol oo kun oo Dollar), Maa shaa Allaha waraf iyo Shimbiro war is kuma hayaan Sida aan wada og nahay dad Somaaliyeed ayaa gaajo iyo baahi ugu dhimanaaya dalka Somaaliya iyagoona Qaarkood Ay waayeen wax ay dhuunta mar shaan.   
 
Arooskaan ayaa sida la  sheegay waxa uu soconayaa mudo 7 Maalmood ah isagoona Axdii bilowday ayaa hada waxaa uharsan Mudo Shan maal mood ah.

Allaha ha u naxariistee Imaan Cali Sharmaarke iyo Wariye Mahad Axmed Cilmi oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho ayaa Waxa aad uga wada hadlay dadka Masuuliyiinta ah ee Masuulka ka ah Shacabka Somaaliyeed iyadoona Raysalwasaaraha Somaaliya isagoo Arooska Wiilkiisa Jooga Arinkaas uu kahadlay isagoona aad u dhaleeceyey. Balse waxaan oran karna Mudane Raysalwasaare Cali Maxamed  Geedi Madareemi karo Xanuunka Geerida Waayo Maalintaas Mashxarad iyo Alalaas ayuu ku jiray.

 
Guntii Iyo Gabagabadii waxaan wada arki doonaa markuu soo gaba gaboobo Arooska Wiilka Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo si habsami leh usoconaaya iyadoona laqiyaasayo in lacagta arooska ku kacday ay kor usii kici doonto. Hambalyo Maxamed Cali Maxamed Geedi iyo Faa'isa Cabdi Axmed. Hay'adaha Deeqda Baxsha ayaa aad ulayaabay iyadoona La sheegay in Madax katirsan hayada WFP ay Raysalwasaare Geedi kala hadashay Arooskaan aan Maan galka Ahayn Lacagta ku baxaysana ay ubaahan yihiin dad Ka Baahana Ah ee Somaliya.
 
Maryan Saciid Amiin
marlona44@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com