SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Ku: Dawlada Somaliland

Ku: Dhamaan Odayaasha, iyo Cuqaasha Somaliland

Ku: Dhamaan Odayaasha iyo wax garadka Beesha Habar-Yoonis

Ku: Guud ahaan dadka wax garadka ah ee gobolka Sanaag.

Ku: Ururadda Haweenka Somali-land.

Ku: Ururadda Xuquuqul Insanka Somali-land.

Ujeedo:

Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi Xaamud ee Habaryoonis.

Waxaa soo gaadhay odoyaasha, aqoon yahanadda, culima`udiinka iyo wax garadka qurba- joogta ah ee Beesha Gabooye xaalad cakiran oo ku saabsan gabadha la yiraahdo  Khadra Yuusuf Cige oo u dhalatay beesha Gabooye.Waxay sheegatay Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ee degan Ceerigaabo in ay  dhaleen gabadha oo ay ka luntay ama la waayey iyadoo saddex jir ah. Hadaba waxaa dadka xog-ogaalka ah ee Beesha Gabooye caddeeyeen in gabadha ay u dhalatay Beesha Gabooye oo ay xitaa joogto Umulisadii ka dhalisay hooyadeed iyo hooyadeedba. Gabadha, Khadra, waa hooyo hadda umushay oo leh nin si sharci ah ku qaba. Waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada gobolka si looga hortago isku dhac. Gabadha waxaa loo diiday in ay ku laabato gurigeedii iyo ninkeedii xagga amaanka awgiis. Waxay gabadhu ku nooshahay welwel iyadoo Umulan in ka yar hal bil.

Waxaanu in badan xidhiidho badan la samaynay Gudoomyaha Gobalka Sanaag (Mudane Cali Cabdi Hurre), Duqa magaalada Ceeri-gaabo (Mudane Ismaacil Xaaji Nuur), gudoomiyaha maxkamadda gobalka Sanaag (Axmed Saalax Yoonis), wasiirka arimaha gudaha Somaliland (Mudane C/laahi Ismaciil Cirro), qaar ka mida oday dhaqameedyada ugu caansan Soomaaliland sida boqor Cisman Ow-maxamuud (Buurmadow) iyo ugaaska beesha Cabdi Xaamud ugaas Rashiid. Waxaanu dhamaan u cadaynay waxgaradkaasi iyo madaxdaasi kor ku xusan in ay beesha Gabooye diyaar u tahay wax kasta oo lagu kala bixo karo, sida shareecadda Islaamka, sharciga Soomali-land, xeerar dhaqameedka Soomaalida iyo waxkasta oo keeni kara in si nabada lagu xaliyo arintan., laakiin beesha Cabdi-xaamud ee ku sugan magaalada Ceeri-gaabo waxay dhagaha ka furaysteen wax kasta oo waan waan lagu gaari karo waxayna door bideen in gabaadhaas umusha ah oo aan wax dambi ah qofna ka galin isteeshinka booliska lagu hayo, haddii la sii dayn lahaana waxay go’aan sadeen in ay si xoog ah ku kaxaystaan.

Waxaa kaloo na soo gaadhay in Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ay rabaan in ay xoog iyo kaa itaal rooni xaalada u isticmaalaan iyagoo aan tixgelinayn amarada dawlada Soomaaliland iyo dadka  wax garadka ah ee degan gobolka. Waxaa Beesha reer Cabdi Xaamud ay diideen in lagu kala baxo:

  1. Shareecada Islaamka
  2. In dhiig laga qaado (DNA)
  3. Wax lagu Xaliyo xeer  dhaqameedka Soomaaliyeed
  4. Waxay diideen amarada maxakamada gobolka Sanaag.
  5. Waxay ka dhega adaygayaan in ay dhegaystaan madaxda dawlada Somaliland iyo Cuqaasha iyo odayaasha gobolka.

Waxaa cad in arrintan Beesha reer Cabdi Xaamud ay raadinayaan danno gaar ah oo ka duwan waxaa ay sheeganayaan. Haddaba waxaa Beesha Gabooye ugu baaqaysaa in ay Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ee arrintan ku doodayaa ay joojiyaan qalalaasaha iyo in ay xoog ku muquuniyaan qabiilka ay ka tirada badan yihiin. Arrinta ay ku doodayaana waxaa jira wax yaalo badan oo lagu cadayn karo iyadoo aan dhibaato cidna loo geysan taas oo muddan in wadada ugu haboon loo maro. Waxaan Madaxda dawlada Somaliland iyo wax garadka Beesha reer Cabdi Xaamud ugu baqaynaa in arrintan si nabad gelyo ah lagu xaliyo. Waxaan Guud ahaan qabiilada Soomalida ee gobolka dega gaar ahaan  Beesha Habar yoonis in ay arrintan u guntadaan oo ay nabad ku xaliyaan.

Guud ahaan dadka reer Soomaaliland waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan oo ay joojiyaan xaqdaradann aan salka lahayn ee ay rabaan Beesha reer cabdi Xaamud. Waa in aan ixtraamnaa diinteena Islaamka oo aan xusuusanaa Xaddiiska nebiga (N.K) in gacanta la qabto qofka xaqdarada wada ee aan lagu taageerin. Waa in la tixgeliyaa nabada iyo wada noolaanshaha dadka ku nool gobolka.

Baaqan waxaa soo saaray Beesha Gabooye ee qurba-joogta ah.

webmaster@dulmane.com 

GABLAMAYEEY SIDEY KU NOQOTAY GABOOYE!!! 

Carrigaa ku xeeran Buurhakaba ayaa waxaa jiri jirey nin ka talin jirey oo kibrey, kibrey oo faaqay oo la odhan jirey Dubkaa Baalloow(daba ku baalle). Ninkani inta uu waddooyinka lasoo maro tago ayuu dabada cirkaa u taagi jirey markaasuu weliba baal shimbireedna suri jirey. Qofkii soo mara ee ka bixiya wuu dili jirey oo baalkiisii buu bixiyey, kii iska dhaafana wuu dili jirey oo dhibka uu ku jiro ayuusan uga gargaarin! Waa laba kala daran mid dooro! Taas waxaa maanta la mid ah Beel ku faaneysa Laandheerinimo, Gobanimo iyo Tiro badnaan markaasey waxay  doonayaan inay dhacaan oo dhallan rogaan Gabadh u dhalatay Beesha Gabooye! Waxaa la qaadan la’yahay sababta ay Gabooye ku noqotay Khadra Yusuf Cige! 

Soomaali jinsiga la yiraahdo waxay ku tashadeen inaan laga fikirin dhibaatada iyo masiibada kusoo fool leh ee ay eegaan uun waxa markaa taagan! Soomaaligu inta uu cududiisa cirbadda le’eg marba kor u qaado oo minjihiisa dhuudhuuban foodooda ku istaago, sanka yaree waleysana kor u taago, wejigana isku tilaab”X” ku qoro ayuu isagoo duulaya qaaba qoowseen dalaq yiraahdaa. Maxaa ku xiga ma taqaan? Tola’ayeey! Ba’nayeey, Ballanbalnay! Waa wareey! Xattaa Bisinka iyo Salliga toona ma xusuusto!. Waxaan isweydiiyaa goormeynu madaxeena yar ee maskaxda rubuca ahi ku jirto ee saaran luqunteena dhuuban aanu ka shaqeysiineynaa? Goormeynu iska daweyneynaa Isfiilitada na haysa? Goormeynu ka ilbaxaynaa kaa itaalrooni, kaa gobsani, kaa laandheeri, kaa qurux badni, kaa tol weyni, kaa jirri iyo mooryaan badni, kaa tuugsani, kaa qaatilsani, iyo kaa carabsani?  

Waxaa la odhan jirey neefkii qoodh ah iyo Dumarka tii qoodh ahba Soomaalidu waa kala dhici jireen si looga helo taran iyo tafiir uumiyaha kale ka tayo wanaagsan. Wuxuu ahaa dhaqan soo jireen ah oo marka la gaaro xilliga Geelu orgoodo waxaa loo raadiyaa Awr caan baxay oo laga soo amaahdaa dhulal fogfog si loogala hadho tafiir wanaagsan, haddii la doonana waaba lasoo dhacaa markaasaa dagaalo ba’ani halkaas ka dhacaan. Waxaa la mid ah Gabadha iyadu laga yaabay dhererkeeda, laxaadkeeda, kartideeda iyo quruxdeeda oo sida Geela loo kala dhaco ayaa iyadana loo dhacaa haddii si kale lagu waayo.  

Ma waxaanu ka hadleynaa quruumo hore? Maya! Maya! Bal haatanba ila soco oo ila eeg waxa ka socda Magaalada Ceerigaabo iyo waxa Beesha Cabdi Xaamud ee Habar Yoonis maskaxdooda ka dhaadhici la’. Inta marba gabadha la qooraansado ayaa haddana raggu eegmo madhan iskula jeestaa markaasaa MAA YAMSHII-da la guraa inta madaxa marba bari iyo bogox loo lulo. Shir deg-deg ah ayay Beeshu ku dhawaaqday: Hooy, Hooy toloow! Hooy Ugaasoow! Hooy Wadaadow! Hooy ma i maqashaan! War hooy Xaakimoow! Waar hooy waaynu isnaqaanaa! Hadda ilmaadeeri waa in istaqaan! Haddaba haddaad baxarka na gelisaan ha nooga bixina hadhoow! Oday bal noo arrimi warka badan iskadaa! 

Cirroole: Iga wallaan abidba iyadoo kale carrigan aysan ka dhallan! Heedda Khadraay!

Dhako: Waar ha gunuusine go’aanka isiiya anigaa wixii nasoo agmara dabka saarayee!

Xaaji Farruur: Xilahay furan hadday Khadra na dhaafto waanu gumoobeynaa!

Cirroole: Waar heedhaha durbaba ha fududaaninee Ka hadla, Khadra sidey ku noqonaysaa Naag Habar-Yoonis oo Reer Cabdi Xaamud ah. Khadra sow naag Gabooye ah oo Hooyadeed iyo Aabaheedba la yaqaana maaha! Xaggaanu khadka ka biloownaa!

Dhako: Wallaahay waa runtaa! Noow! Aabaheed iyo Hooyadeed iska daaye anigaaba aqaana Umulisadii hooyadeed kasoo jiiday! Jinni ninkii keenaa bixiyee noogu yeedha Aqoonyahankeenii iyo wadaadkeenii iyaga xisaabaha laysku dhufto iyo Shareecada yaqaane!

Cirroole: Wallahay waa runtii! dadka waalan marmarbey xikmad ku hadlaan!

Mr. Bidaar: Ma waxaad xallin kari weydeen Gabadh Gabooye ah sidii Beesheenu u hantin lahayd oo loo jinsi rogi lahaa. Waar na dhegeysta! Beesheena dhiigeedu waa ka ugu wanaagsan Soomaalida oo waa V+, Gabooyuhuna wuxuu leeyahay dhiigga Goriilaha ee ah Y+ markaa waxaa la doonayaa inay Gabadhu noqoto Dhiigga V+ si ay u noqoto Beeshan Laandheeraha ah. Sow intaas maaha waxa aad u fadhideen Bisha dhan ee aad xallin kari weydeen?.

Dhamaan: Haaheey! Waallee ku dheh!

Mr. Bidaar: Waa wax fudud waxaasi “simple”, “easy”. Bal eeg intaad le’eg tihiin ee Khadra soo xera gelin weydeen! Maadaama dhiigga gabadhu tahay “Y” qaybta hoose uun baanu ka jareynaa oo aanu ka dhigeynaa “V” kadibna dhiigeedu wuxuu la mid noqonayaa dhiigga ay Beeshu leedahay ee “V”. Maxaa ka fudud?

Cirroole: Kheyr Eebow kusii! Sidaasaa loo yidhi Jahligu waa Mugdi! Bal inta ay nagu qaadatay eega iyo sida sahalka ah ee uu Professor-ku u xalliyey arrintii. Bal Wadaadkana kutubada ha kala furo. Haye Aw-Baalbaal!

Aw-Baalbaal: Horaa loo yidhi Soomaalidu weligeed ma asiibto halka uu xalku ku jiro! Waar kitaabka intaanan baalashiisa rogin, waxaa wanaagsan in Mas’aladan la fahmo. Gabadhu sow kama dhalan Reeraha Midgaha ah? Oo Sow Gabooyaha Ceerigaabo kuweenii maaha? Maxaa keenay Aqoonyahanka iyo Shiiku wax ha xalliyeen? Arrintu sida dharaartaas ayay u caddahaye Gabadha garabka soo jiida oo Reeraha khasab ha lagusoo geliyo. Oo waayo? Reerkii ay ka dhalatay ayaa waxaa lahaa Jifadayada Reer Cabdi Xaamud ah oo ka ab, ka ab reerkey ka tirsanaayeen markaa Warka dadku shubayo ee ah Kitaab ha lagu dhaarto, Dhiig hala qaado, Xeer Soomaali wax ha lagu xalliyo, ha laga baxo! Gabadhu waa annaga! Hadday diidana ama Midgahay ka dhalatay is waalaana dee hawlaha waa la kala leeyahaye Ninka la yiraahdo Dhako iyo jirridiisu hawshooda ha qabsadeen!

Dhako: Igawalla Aw-Baalbaal waa raggeedii! Hawlaha sida loo kala leeyahay kala barta!

Cirroole: Haggaag! Shiikha warkiisu kutubaduu ku qoran yahay oo waa sax!.  Dhiiggan “Y” ee uu Aw-Bidaar leeyahay ha la jaro, maba u hayno mindi lagu jaro. Ta Shiikha ayaanu isku raacnay! Khadra waa gabadh annaga ah! Waa gabadh Habar-Yoonis oo Cabdi Xaamud ah! Maanta way tahay, Berrito way tahay, weligeed way tahay! Anagaa leh! Anagaana Awoowayaasheed lahaan jirney! Laakiin haatan iyada si rasmi ah ayaa loo qarameynayaa oo waa Ina Cirroole, dadkeeda inta kalena Gabooyahooda ha ahaadeen! Bi’idni-Allah taran iyo ubad wacan baa laga helayaa!. Aamiin dhaha! 

Khadra iyadoo umul ah ayey waxay ka dhex barooraneysaa Xabsiga Ceerigaabo oo la doorbidey inay ammaan ku hesho maadaama aysan Reerkeedii iyo carruurteedii ku noqon Karin oo Reer tolkeed loo sheegtay cudud iyo fara badni!. 

WAR HOOY DURDURA GEELBAA KU JABA!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com