SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


CABDULLAAHI GABAYGAAD DIRTEED      

HaldhaaWaxaa tiriyey:
Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com


Jawaab ku socota: Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud (Abdullahi Spanish) 

  1. Cabdullaahi gabaygaad dirteed, dunida gaarsiisay
  2. Dadka kale ha joogee aniga, wuu i daakhilayee
  3. Markii aan daalacday wadnuhu, wuu i doorsamayee
  4.  
  5. Dorraad shaliyo haddeer, daaro mana galinee
  6. Darintii la ii dhigay barkimo, diiday dhinaciiyee
  7. Sheekhyadu ku daakire sidaan, daal ku soojeeday
  8.  
  9. Dibnahayga dheef uma furoo, layba dacareeyee
  10. Dacaamkii la ii dhigay anaan, dooninoon rabinee
  11. Wax la dubiyo raashinkii, layba dacreeyee
  12.  
  13. Hadh dugsoon anigaan galinoo, daayay noloshiiyee
  14. Duhirkii baqoolaha intaan, doowga kor u qaaday
  15. Oon duurka xulay baan jar dheer siiba daadegayee
  16.  
  17. Dariiquba wuxuu ii ahaan, dowyo godod dheeree
  18. Qalbigay dillaacsamay markaan, dayay dhulkeeniiye
  19. Sida adi laguu daaray baan u danqanayaayee      
  20.  
  21. Doofaarta raacdiyo axmaar, qoodhi daba taagay
  22. Ninkii aan ka durkin iblays, dabala’ weeyaanee
  23.  
  24. Waxba diihaanyo ciil, dibnaha hays gooynin
  25. Duni waa wareegtaa sidii, damalka hooskiisee
  26. Nabsigii diinku sidayee, waayo soo daahay
  27. Maruubuu daf soo oranoo, daaha yuurariyee
  28.  
  29. Axmed gureey ragguu duuliyiyo, duubcadad jamani
  30. Sayidkiyo darwiishkuu sengaha, dookhu kuu tabayo
  31. Maruun bay ka daahiri arlada, doog sidiisiiyee
  32.  
  33. Maruunbaan diyaaradaha laliyo, miigyo soo diriyee
  34. Maruunbaan intaan xamar daf dhaho, aan ku daakiriye
  35. Dekaddii Markaadiyo marbaan, Jawhar soo degiyee
  36.  
  37. Da’ yartiyo shabaabkiyo, wixii dumar haweenaada
  38. Sidii Darwiishkii intaan, duub cad wada siiyo
  39. Maruunbay dushaa uga dhici, daabbad orad weynee
  40.  
  41. Shanta kala dab raacdee, laysku dari waayay
  42. Maruunbuu Allaha daa’imkaa, isku soo duwiyee
  43.  
  44. Melazahaa dayuuska ahiyo, eeyda daba taagan
  45. Maruunbaan intaan dacay ka xiro, aan dullaysaniyee
  46.  
  47. Fanax durugtay Geedigaas lihiyo, doxorrayaashiisa
  48. Diinnaari Ina Yeey iyo, dowlad kuba sheegga
  49. Maruubaan intaan dabin u dhigo, ay ku daadaniyee
  50.  
  51. Dadka yaga rafaadsan ee, diilalyadu hayso
  52. Dhaxntiyo dabaylahaas, diifta uba yeelay
  53. Maruunbaan intaan dogob u shido, ay ku diirsaniye

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 207

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH