SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: Feb 4, 2007

  • C/llaahi Yuusuf oo beesha caalamka ku eedeeyey in ay iska indha tirayaan…
  • Sheekh Shariif oo si weyn loogu diyaar garoobayo imaanshihiisa Yaman..
  • C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo isku mari la’ qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta..
  • Dowladda Mareykanka oo taageertay mowqfika Dowladda Talyaaniga ..
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysey Dilkii Col Maxamed Cali Khalaf...
  • SOMALIDA QURBAHA OO KU KULANSAN STOCKHOLM
  • UGANDA: Afhayeenka Ciidamada UPDF oo lahadlay saxaafada
  • Exploring a Comprehensive Stabilization, Reconstruction and Counter-Terrorism Strategy for Somalia - February 6, 2007

C/llaahi Yuusuf oo beesha caalamka ku eedeeyey in ay iska indha tirayaan…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay khudbad ka jeedinayey mar la dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu ka warbixiyey safaradii iyo shirarkii uu kaga soo qaybgalay wadamo ka mid ah adduunka, waxa uuna sheegay in wadamadii iyo shirarkii uu ka qaybgalay ay dhamaatnood diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, waxa uuna u soo jeediyey in ay kala qayb-qaatan sidii ay Soomaaliya meel la isugu keeni lahaa loona taageeri lahaa Dowladda Federaalka.

C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Sheekh Aadan Madoobe uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo yiri “mar hore ayaan filayey in Sheekh Aadan Madoobe uu ku guuleysto Guddoomiyaha waayo waa nin SRRC ah, waxaana u imid sidii aan u ogaalan lahaa in Sheekh Aadan Madoobe uu ku guuleysto guddoomiyaha Baarlamaanka”, waxa uu sii daba dhigay “haddii uu xilka sidii la rabay u gudan waayo, waxa uu marayaa wadadii uu maray Shariif Xasan, waayo ayuu yiri shariif Xasan waxa uu ku takrifalay awoodii Baarlamaanka oo uu ku darsaday middii Xukuumadda”.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in la heshiiso dhamaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Dowladdu waxay ka talisaa dalkiisa intiisa badan, cid aan la xaajoono oo naga soo horjeedana ma jirto, balse shir dib u heshiisiineed ayaan u fureynaa beelaha Soomaaliyeed” C/llaahi Yuusuf ayaa intaa ku daray “Caalamku waxa uu sanka naga gelinayaa la heshiiya Maxaakiimta, Maxaakiimtu xaggey joogtaa, waa la wada og yahay meesha ay mareene, caalamka waxaan leenahay sanka ha naga gelina waxaan jirin, oo dowladdaan taageera, iyada ayaa la aqoosanhaye”. Madaxweynuhu waxa uu carabka ku dhiftay in 26-ka bishan ku beegan tahay xiligii ay Dowladda Federaalka soo degtay magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegay in mudo labo bilood ah uu Baarlamaanku fasaxan yahay.

Sheekh Shariif oo si weyn loogu diyaar garoobayo imaanshihiisa Yaman..


Gabar Soomaaliyeed oo Muddo Dheer La ildaran Wadne Xanuun oo Gargaar Codsaneysa... Akhri...

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen in jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ay si aad ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta gudiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saacadaha soo socda la filayo in uu gaaro dalka Yemen.

Jaaliyadda ayaa magacowday guddiyo kala duwan oo soo dhaweeya Sheekh Shariif iyo xubnaha kale ee la socda, sidoo kale Dowladda Yemen ayaa iyana diyaargarow ugu jirta soo dhaweynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo dalka Yemen ay haatan ku sugan yihiin qaar ka mid ah xubnihii Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif ay ku wehlin doonaan safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah wadamo carbeed iyo waliba wadamo kale oo ku yaala qaaradda Yurub.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Shariif uu gaari doono xarunta Midowga Yurub ee Brussels ee dalka Belgium, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu martiqaad ka helay Midowga Yurub oo iyagu taageersan Mowqifka Sheekh Shariif ee ku aadan dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo isku mari la’ qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ay isku mari la’ yihiin oo ay isku khilaafsan yihiin qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta beesha caalamku ku dhawaaqday.

C/llaahi Yuusuf ayaa shirkii Midowga Afrika ee dhawaan ku dhamaaday dalka Itoobiya, waxa uu shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay inay ka qaybgasho shir kasta oo dib heshiisiin ah oo lagu dhameynayo dhibaatada Soomaaliya.

Geedi ayaa isagu dhawaan sheegay in beesha caalamku iska indho tireyso shirkii dib heshiisiinta ee dalka Kenya ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay u dhan yihiin dhamaan ummadda Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in beesha caalamka looga fadhiyey Dowladdaasi, balse aysan munaasab ahayn in xiligaan ay tiraahdo, waa in la qabtaa shirweyne dib u heshiisiineed. Kulan ay yeesheen C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayey iskula soo qaadeen arrimahaasi, waxayna wararku sheegayaan in labada mas’uul isku mari la’ yihiin qaabka loo qabanyo shirweyne dib u heshiisiin Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka oo taageertay mowqfika Dowladda Talyaaniga ..

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay mowqifka Dowladda Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya kaddib markii ay dhawaan Dowladda Talyaanigu sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso shir dib u heshiisiin ah oo loo qabto dhamaan ummadda Soomaaliyeed oo ay jiraan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in mowqifka Dowladda Talyaaniga uu yahay mid wax ka taraya dib u heshiisiinta ummadda Soomaa-liyeed, iyadoo dhawaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu soo dhaweeyay mowqifka Beesha Caalamka ee dib u heshiisiinta.

Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Talyaaniga ayaa waayadan isku khilaafsanaa arrimaha Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Talyaanigu ay ku eedeysay Dowladda Mareykanka in ay maskaxdeedaka weerartay Dalka Soomaaliya oo aysan kala tashan Dowladaha Yurub.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysey Dilkii Col Maxamed Cali Khalaf...

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha ayaa tilmaantay in ay walwal iyo walaac ku haysto xaaladda nabadgelyo daro ee Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda oo ay kus oo kordheen qaraxyo, madaafiic iyo dilal abaabulan oo loo gaysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xaruntu waxay si kulul u cambaareysay dilkii loo gaystay Col. Max’ed Cali Qalaf oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo shalay lagu dilay xaafadda Baar Ubax ee degmada Hawlwadaag, sidoo kale xaruntu waxay cambaareysay qaraxyadii iyo madaafiicdii kuwoodii ugu dambeeyey oo ay ku dhinteen ku dhaawacmeen dad soo barakacay oo ay madaafiicdu ku haleeshay xerooyinkii ay deganaayeen, kuwaas oo ay markii horeba xaaladdoodu nololeed aad u liidatay, waxayna xaruntu tilmaantay in dhamaan falalkaani ay xadgudub ku yihiin Shareecada Islaamka, Xeerarka Soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida, Axdiga Federaalka ee Dowladda Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha.

Xaruntu waxay ka codsa-neysaa Dowladda Federaalka in ay damaanad qaado nabadgelyada iyo xaquuqda aasaasiga ah ee leeyihiin dadka rayidka ah, waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa Maryahan Xuseen Awreeye oo ah Guddoomiyaha xarunta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



SOMALIDA QURBAHA OO KU KULANSAN STOCKHOLM

Xubno ka tirsan ururka Somali Concern Group (SCG) oo fadhigiisu yahay UK ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay waddanka Sweden, magaalada Stockholm oo uu ka jiro kulan Somalida dibedda ah ee ku wajahan xaaladda waddaka. Kulankan oo bilaabanay Sabtiga ayaa socon doono illaa iyo maalinta Axadda ah ee 4ta February.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Somalida deggan Europe oo ay ka wadda imanayaan waddamada Europe, USA iyo Canada. Mudane Abdi Isma'il Samatar ayaa isagana kulankan ka soo qeybgalaya, laguna waddaa inuu warbixin siiyo Somalida deggan Sweden Habeenka Sabtiga ah. Sidoo kale Mudane Mohamed Abdullahi aya isna ka imanaya waddanka Canada. Xubnaha SCG ee ka qeybgalaya kulankan ayaa kala ah, Guddoomiyaha ururka Mudane Gure, Tarzan, Eng. Yarisow, Mohamed Mukhtar, Ahmed Omar iyo xubno kale.

Kulankan ayaa lagu waddaa in la soo gabagabeeyo fiidka Axadda.
La xiriir: somali@somaliconcern.org


BAAQ KASOO BAXAY XARUNTA XORIYO EE NABADDA IYO WADA-JIRIDDA
- iyadoo la tix-gelinayo ahmiyadda ay leedahay nabadda sokeeye ee bulshada iyo tabagelinteeda,haddaba si :

- loo daboolo ama loo buuxiyo maqnaanta nabadda,maamulka iyo sharciga,isla mar ahaantaa la tayeeyo awoodda waxqabad ee dadka ku hawlan hawshaas.
- looga gudbo marxaladda dagaal oogayaasha taasoo ku caan baxday ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadinka sababtayna dib u dhac dhinac kasta leh...
Akhri Baaqa oo dhamaystiran...


Tuulada Galooley Daa'uud oo laga furay Dugsi Cusub

Febraayo 2, 2007 ayaa markii ugu horreysay laga furay Tuulada Gololey Daa’uud ee Degmada Balcad Dugsi Hoose Dhexe oo ay dhiseen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Britain. Akhri warka oo dhan....


UGANDA: Afhayeenka Ciidamada UPDF oo lahadlay saxaafada

Afhayeenka ciidamada difaaca dalka ugandha Mr Felis Kulayigya ayaa shalay la hadlay saxaafada kadib markay tiro yar oo kamid ah baarlamaanka ugandha ay kasoo horjaysatay ciido udirista dalka ugandha.

Afhayeenkaasi ayaa waxuu saxaafada usheegay in loo diyaariyey 1500 oo ciidan ah, kuwaasi oo qeeb ah Ciidamada Nabadeenta Afrika oo loo dirayo dalka soomaaliya.

Afhayeenka ayaa hadalkiisii waxuu siiraaciyey in ciidamadaasi loo diyaariyey qalabkoodii ay ku howlgalilahaayeen iyo balanqaadkale oo kagayimid xagga doolada.

Ciidamada looqaadidoono dalka sooomaaliya ayaa laga balangaaday, ninkii ku dhaawacmo halkaasi in ay heli doonaan $100.000 ilaa $150.000 oo doolarka mareekanka ah ilaa iyo inta oo ka bogsoonayo ama uu kareesanayo, ninkii ku dhintana in qooskiisa lasiindoono $100.000, inta cimrigooda ka dhimanna ay gacanta ku hayndoonaan doolada ugandha.

Taasi ayaa ah balanqaadkii ugu waynaa oo ay doolada ugandha kabalanqaaday ciidamada difaaca dalka uganda oo loo dirayo dalka soomaaliya.

Inkastoo madaxa ugu wayn Midoowga Maxaaakiimta Islaamiga soomaaliyey Sheekh Shariif sheekh Ahmed uu diiday mar uu shalay u waramayey saaxada dalka kenya.

Abdukadir Adam (Abdilucky)
abdilucky3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2007

DFKMG oo u muuqata in ay ku socoto wadadii Dowladdii Cabdi Qaasim..
.Sheikh Shariif oo ku Baaqay Dib u heshiisiin Guud...
.Sheekh Shariif: ummadda ay ka hortagaan cadowga..
.Yemen oo sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso Shir
.Maraakiibtii imaaneysay Dekedda Muqdisho oo walwalsan
.War bixin ku saabsan Dagaalada ka dhacay Muqdisho...
Wararka oo dhan ka akhri.... Feb 3


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH