SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Weeraro Isdaba Jooga oo Xalay Gilgiley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...
  • Iska Hor Imaad Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye
  • Qanyare Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeeray W/xigeenka Gashandhiga Dowlada Kmg Salaad Cali Jeelle

Sheikh Sharif in Sanaa under a deal that includes liberalization of 15 soldiers American | Al-nedaa (Carabi)

Weeraro Isdaba Jooga oo Xalay Gilgiley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...

Weeraro saameeyey guud ahaan magaalada caasimada ee muqdisho ayaa xalay markale si weyn u gilgilay afarta gees ee caasimada weeraradan oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh .

Ugu yaraan 2-ruux oo kala ah Gabar iyo Wiil yar oo isku Qoys ahaa, ayaa geeriyooday 3-kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Madfac aad u xooggan oo aan la garaneyn halka uu ka yimid uu ku habsaday Hoygooda oo ku yiilay Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan.

Dadka deegaanka ayaa isla dhexmaraya in Madfacan laga soo riday dhanka Xerada Asluubta ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Madaafiic Hoobiye ah ayaa xalay lagu garaacay agagaarka Dekadda weyn ee Muqdisho, iyadoon ay ku habsadeen ilaa dhowr madfac xeradii Hangash oo ay degan yihiin dadka soo barakacay ee qaxootiyada ah.

Ilaa 5-ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijinayaa in ilaa iyo iminka uu khasaaraha halkaasi ka dhacay gaar-siisan yahay, kuwaasi oo habeenkii xalay ahaa la awoodi kari waayey in Isbital loo geeyo ka dib markii deegaankaasi gebi ahaanba ay gooyeen Ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia.

Dhinaca kale nawaaxiga Hoteelada Kaah & Lafweyn ee Waqooyiga Muqdisho, ayaa kooxo hubaysan ay weerar balaaran oo ay adeegsanayaan Qoryaha Baasuukaha ku qaadeen islamarkaana ay israsaasayn xoogani ku dhex martay ilaalada hoteelada iyo kooxaha weerarka soo qaaday, ma jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iyo iminka la og yahay.

Qaraxyadan iyo weerarada isdaba jooga ah ayaa inta badan bar tilmaameed laga dhigtaa xarumaha ay degan yihiin Mas'uuliyiinta , Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa xukuumada Ethiopia ,waloow ay jiraan meelo ay dad shacab ah ku dilaan madaafiicda haboowga ah ee isdaba jooga ah .

Ilaa (6)Lix ruux ayaa Dhaawac soo gaaray kadib markii Madfac ku habsaday Gaari Rakaab ah oo marayey Agagaarka Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo noociisu ahaa kuwa soomaalidu u taqaano Xaaji khamsiin , ayaa la sheegay in ay 6-ruux oo ahaa rakaabka gaariga saarnaa ay aad ugu ugu dhaawacmeen.

Qoriga madfaca ee ku habsaday gaarigan Xaajiyadda ah ayaa ahaa mid habow ah sida ay xaqiijiyeen goob jogayaal ku sugnaa meesha shilku ka dhacay ,lama garanayo halka uu madafacani kasoo dhacay iyo cidda ka damabaysa ,sidoo kale Dadkii dhaawacmay ayaa durbadiiba loola cararay Isbitaalada Magaalada.

Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa habeen-ba habeenka uu kasii daran yahay iyadoo khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu uu saacadba saacada kasii dambaysa uu sii siyaadayo islamarkaana aysan jirin wax Talaabo ah oo Dowladda KMG ah oo hada gacanta ku haysa guud ahaan caasimada ay ka qaadeen dhinaca amniga.

Iska Hor Imaad Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Iska hor imaad xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada afgooye ee gobolka sh/hoose, oo ay ku dhinteen labo qofood kadib markii uu dagaal qaraari ku dhexmaray degmadaasi ciidamada amaanka degmada Afgooye iyo maleeshiyooyin kasoo jeeda deegaankaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in iska horimaadkan uu ka bilaamay weerar ay xarunta degmada Afgooye ay ku soo qaadeen kooxo maleeshiyo ah islamarkaana ay israsaasayn socotay muddo lagu qiyaasay saacad barkeed ay halkaas ku dhex martay labadaas kooxood iyadoo ciidamada amaanka ee degmada afgooyena ay iska caabin sameeyeen.

Shaqaaqada iyo gacan ka hadalkan sababay dhimshada ayaan la ogayn waxa uu salka ku hayo ,waloow ay jiraan warar dheeraad ah oo sheegaya inay milasyhiyadan weerarka gaysatey ay ka gadoodsan yihiin ciidamada amaanka ee jooga deegaanka afgooye oo ahayn sida la sheegay kuwo aan kasoo jeedin deegaankaas ,ma jiraan warar xaqiijinaya sababta dhabta ah ee ka dambaysa iska hor imaadakan.

Labada qof ee ku geeriyooday iska horimaadkan ayaa mid ka mid ah yahay dadka rayidka ah ee deegaanka halka midka kalena yahay milayshiyadii weerarka soo qaaday sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa halka iska hor imaadkaasi ka dhacay .

Qanyare Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeeray W/xigeenka Gashandhiga Dowlada Kmg Salaad Cali Jeelle

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo xubin ka ahaa Hoggaamiyeyaashii Isbaheysigii la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada oo ay golilhii maxaakiimta islaamku ka saareen magaalada muqdisho islamarkaana kusoo noqday xiligii ay dowlada kmg ah iyo ciidamada xukuumada Ethiopia oo isgarabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta caasimada ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ee dowlada kmg ah Salaad Cali Jeelle.

Salaad cali jeelle oo hadaladiisa ay kamid ahaayeen inay hub fara badan iyo waxyaalaha qarxa kasoo qabteen deegaanka dayniile islamarkaana uu deegaankaasi yahay meelaha laga soo abaabulo qaraxyada iyo dhibaatada magaalada ka jira,waa siduu hadalka u dhigaye


Xildhibaan Qanyare oo degan deegaanka dayniile ayaa waxa uu ku tilmamay inay nasiib xumo tahay in Salaad cali jeelle uu sheego war ku aadan in uu qolo wax qarxinaysa uu hub ka qabsaday beentaasina uu shacabka kumarin habaabiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay xildhibaan qanyare in hubka uu saxaafadda tusay uu yahay kuwa hadda kahor ay meesha ay uga tageen xilligii isbaheysiga oo ay la dagaalamayeen maxaakiimta iyagoo goobta loo yaqaano dugsi shanaad ee uu sheegay salaad cali Jeelle ay u aheyd Maxkamadaha goob ay hoobiyeyaasha ka tuuraan.

“Waxa uu qaatay oo dhan hub sax ah maaha ee waa kuwa Dheemish ah oo dhacay isla markaana aan wax tareyn ee miyuu jiraa in madaafiicda xabadahooda meel banaan la iska soo dhigayo, kolleey salaad hadduu u yaqaano waxaasi hub oo aqoontiisa hubka ay halkaasi gaarsiisan tahay run ahaantii waa wax si aad ah loolayaabo”. Ayuu yiri Qanyare .

Sidoo kale maxamed qanyare ayaa sheegay in dano gaar ah laga leeyahay isla markaasna la rabo in bulshada dareenkooda laga jeediyo wax qabad la'aanta saraakiisha Dowlada ee ku aadan amaanka iyo xasilooniada caasimada.

Waxa kale oo Qanyare laga soo xigtey in uu yiri: Deyniile Agaggaxiso ma joogto.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan xildhibaan qanyare ayaa kusoo beegmay xili uu salaad cali jeelle uu maalintii shalay ahayd ku soo bandhigay dugsiga sare ee booliska 37 xabbo oo rasaasta hobiyayaasha ,120 xabbo oo rasaasta madaafiicda goobta iyo tiro kale oo miinooyinka lidka taangiga , miinada kale iyo waxyaalo kale oo qarxa oo uu sheegay inuu kasoo qabtay dugsi shanaad oo kamida deegaanka dayniile ...

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Wararkii: Feb 8, 2007

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulankii Dhex marey Meles Zanawi iyo Beesha Cayr.
  • Magacyada Wasiirada Cusub ee Raiisul Wasaare Geedi
  • Geedi” Wasiirkii gudan waaya Xilkiisa waa la eryayaa…
  • Baarlamaanka Uganda oo isku khilaafay in soomaaliya loo diro…
  • Dowladda fedaraalka ah oo shalay soo bandhigtey hub laga keeney..

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulankii Dhex marey Meles Zanawi iyo Beesha Cayr.

Waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay 10-Xubnood oo ka tirsan Beesha Cayr oo isugu jiray Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal iyo Aqoonyahano ka dib markii ay Magaalada Aids-Ababa kulan kula soo yeesheen Ra’iisul Wasaaraha wadanka itoobiya, waxayna isla soo qaadeen sidii Beesha Cayr uga qaybqaadan lahayd xasilinta wadanka isla markaana ay u taageeri lahayd Dowladda fedaraalka, kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa Xubnihii ka qaybgalay Max’uud Max’ed Culusow waxa uuna sheegay in martiqaad ka heleen Dowladda itoobiya isagoo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid Dowladda itoobiya looga tuhun bixinayey arimo fara badan oo laga faafiyey Beesha Cayr waxa uuna sheegay Culusow in kulankaasi la ‘isugu afgartay in la sii xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dhinac isla markaana la bixiyo Tuhunadaasi.

Max’uud Culusow waxa kale oo uu sheegay in labada dhinac la ‘isku afgartay in la qabto Shirwayne dib u hashiisiin ah oo lagu dhiso Dowlad karti badan.

Mar wax laga waydiiyey in labada dhinac la’iskula soo qaaday arimo la xiriira Shiikh Xasan Daahir Aways waxa uuna sheegay in arimahaasi aan la ‘iskula soo qaadin hase yeeshee wuxuu sheegay inaan wax handadaad ah lagu sameyn Karin Dadkii taageersanaa Maxkamadahii islaamiga ahaa hadii uusan dambi faraha kula jira.

Max’uud Culusow waxa uu sheegay in kulankaasi uu daba socday kulan Muqdisho horay ugu dhexmaray Wasiirka arimaha dibada iyo Xubnahaan kaasoo la’iskula afgartay kulan lagu qabto magaalada Adis-Ababa, Beesha Cayr ayaa waxay Dowladda itoobiya u gudbisay inaysan marnaba la shaqayn doonin Dowladda uu Madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed waxa uuna ku tilmaamay mid ku dhisay Aarsi waxaa kaloo Dowladda itoobiya u soo jeediyeen in la sii daayo Xubno ka tirsan Beesha Cayr oo ay xir-xirtay Dowladd fedaraalka oo ay sheegeen in ay gacan siiyeen Dowladda itoobiya waxayna ka codsadeen Dowladda itoobiya ay dhex-dhexaad ka noqoto isheysiga Beelaha Soomaaliyeed.

Magacyada Wasiirada Cusub ee Raiisul Wasaare Geedi

Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada waxaana isku shaandheyn xilalkoodii ku waayey Qaar ka mid ah Golihii Wasiiradda kuwana Xilalkoodii ayaa laga bedalay,

waxayna kala yihiin Wasiiradda.

  • ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahana Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xuseen Max’ed Faarax Caydiid, [oo waayey jagadii wasiirka arrimaha gudaha]
  • Wasiirka arimiha Gudaha, Max’ed Shiikh Max’uud Gacma-dheere,
  • ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahana Wasiirka Tacliinta Sare Saalim Caliyow Ibarow,
  • Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow,
  • Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan Cali,
  • Wasiirka Xanaanda Xoolaha Cali Jaamac Jangali,
  • Wasiirka Dib u Dhiska iyo Dib u Dajinta C/raxmaan Shiikh,
  • Wasiirka Caddaaladda Xasan Dhimbil Warsame,
  • Wasiirka dib u hashiisiita Max’ed Cabdi Xayir Maareeye
  • wasiirka Macdanta Maxamed Nuuraani Bakar,

Wasiir ku xigeenada

  • Xasan Cabdi Suuri wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha.,
  • Axmed Maxamed Cabdi wasiir ku xigeenka warshadaha.,
  • Ibraahim Abiikar wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.,
  • abdi Xaaji Yariis wasiir ku xigeenka ganacsiga.,
  • saaq Maxamed Maxamud wasiir ku xigeenka wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta.,
  • c/rxman Xaaji Ismaaciil wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha.,
  • abdi Axmed Xaaji Faarax wasiir ku xigeenka maaliyada.,
  • yuusuf Geelle Ugaas wasiir ku xigeenka warfaafinta.
  • Xasan Abiikar Maxamed (Japan) wasiir ku xigeenka hidaha iyo tacliinta sare.,
  • Maxamed Cabdi Xuseen (Beekoos) wasiir ku xigeenka batroolka iyo tamarta
  • Isaaq Maxamed Nuur Daqarre wasiir ku xigeenka beeraha

Wasiir dowlayaasha

  • Cabdalla Boos Axmed wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta.,
  • axamed Axmed Kulan wasiiro dawlaha wasaarada beeraha.,
  • Khaalid Cumar Cali wasiiru dawlaha golaha wasiirada.,
  • axmed Cumar Gaagaale wasiiru dawlaha boostada iyo isgaarsiinta
  • c/raxmaan Xuseen Aadan Wasiiro Dowladaha arimiha dibada iyo iskaashiga Caalimiga ah.

Geedi” Wasiirkii gudan waaya Xilkiisa waa la eryayaa…

Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Soomaaliya ayaa kulankiisii ugu horay la yeeshay Wasiirada Cusub oo iyagu shalay la magacaabay waxa uu sheegay in sababaha ay Dowladau isku shaandheyn ugusameesan ay tahay ka dib markii Qaar ka mid Wasiirada ay xilalkoodii gudan waayeen isla markaana sameeyey Musuq-maasuq iyo wax is daba marin.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu sheegay in Wasiirada Cusub looga baahan ayahay in ay la yimaadaan Dar-dar la xiriirta howshooda isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya Wasiirkasta lala xisaabtami doono.

Maanta ayaa la filayaa in Wasiirada Cusub lagu hor dhaariyo Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed

Baarlamaanka Uganda oo isku khilaafay in soomaaliya loo diro…

Baarlamanka waddanka Uganda ayaa shalay lagu waday inuu kulan ka yeesho Ciidamada Uganda oo loo dirayo Wadanka Soomaaliya waxaana kulankaasi lagu waramay in dib loo dhigo Mudo todobaad ah ka dib markii Maucaaradka waddanka Uganda ee sheegeen inay aad uga wal-walsan yihiin in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah

“ Ciidamo fara badan ayaa loo diray Wadanka Soomaaliya wayna ku guuldareysteen inay Soomaaliya Nabad ka dhiliyaan hase yeeshee Ciidamo aan sidaasi u Awood badneyn u maleynmeeno inay Nabad ka keeni doonaan “ ayey yiraahdeen Xubnaha Mucaaradka ee Wadanka Uganda waxaa kaloo sheegeen in loo baahan yahay in la cadeeyo Cidda bixinaysa Kharshaka Ciidamada oo ay sheegeen in ay ogyihiin in Kharashkaasi ilaa haatan aan meelo la saarin waxayna soo jeediyeen in Dowladda ay ka tanaasusho darista Ciidamadaasi.

Dowladihiin horay u balan qaaday in ay Soomaaliya Ciidamo u diriyaan ayaa dib ula laabtay dirista Ciidamadaasi.

Dowladda fedaraalka ah oo shalay soo bandhigtey hub laga keeney..

Maalintii shalay ahayd ayaa Ciidanka Booliska Nabadgalyada ee Gobolka Banaadir Howgal ay sameeyeen ayey ku soo qabteen Hub ay Dowladdu sheegtay in ay ahaayeen Hubkii lagu weerari jiray Xarumaha Dowladda fedaraalka ah iyo Ciidamada Itoobiya.

Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir ku Xigeenka arimaha Gaashaandhiga ayaa mar uu ka hadlayey Hubkaas waxa uu sheegay in ay Booliksa ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan Hubkaasi oo uu sheegay in laga soo qabtay Degamada Dayniile gaar ahaan Dugsi shanaad isagoo sheegey laguna raad joogo Kooxihii Hubkaasi faraha ku hayey .

Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in ay Ciidamada Nabadgalyada soo afjari doonaan Kooxaha caadaystay in carqaladeeyaan Nabadgalayada Gobolka Banaadir waxa uuna u soo jeediyey Shacbka Gobolka in ay la shaqeeyaan Ciidamda Amaanka soona sheegaan halka ay ku dhuumaaleystaan

Waa markii ugu horeysay oo ay howgal ay sameeyaan Ciidamada Nabadgalyada kuna soo qabtaan Hub ay Dowladdu ku sheegtay in uu ahaa Hubkii lagu waarariyey Xarumaha Dowladda isagoo sheegay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono Qaar ka mid ah Kooxahaasi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2007

Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH