SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Imbeeki (Gabay) : Falceliska Warqaddii Madaxweyne Thabo Mbeki 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com 

Feb 07, 2007 


Maalmihii la soo dhaafay, waxaa warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay, warqad uu  qoray Madaxweynaha Koofur Afrika, Mudane Thabo Mbeki. Warqaddaas oo markeedii hore lagu daabacay tirsigii 1aad ( 12 -18 Jannaayo 2007) ee wargeyska ANC Today  , wuxuu madaxweynuhu aragtidiisa uga dhiibtay, xaaladda cakiran ee Soomaaliya iyo sidii xalkeeda loo gaari lahaa.

Mudane Mbeki, wuxuu qoraalkiisa ku faahfaahiyay, kaalintii hormuudnimo ee Soomaaliya ay ka soo qaadatay halgankii gobonnimoddoonka Afrika. Magaalada Muqdisho , ayuu Madaxweynuhu xusay, in bartamihii toddobaatanaadkii ay aheyd xaruntii rajada ee howlaha gobonnimoddoonka Afrika laga abaabuli jiray. Madaxweyne Mbeki, wuxuu gabagabadii warqaddiisa, waddamada Afrika ku baraarujiyay, in ay u midoobaan waxkaqabashada dhibaatada Soomaaliya.

Marka si guud loo qiimeeyo, waxtarka warqadda Madaxweynaha, xilligaan murugo ee Soomaaliya ay maanta ku sugantahay, wey sii fiicnaan laheyd in Madaxweyne Mbeki iyo dowladdiisa Koofur Afrika laga helo hiil iyo taageero dhaafsiisan ra’yi warqad ku qoran. Wey sii fiicnaan laheyd in uusan Madaxweynuhu ka gaabsan xaqiiqada na hortaalla iyo gumeysiga cusub ee lala damacsanyahay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Laakiin haddana, Mudane Mbeki, niyadsamaanta, isxilqaanka iyo taageerada uu ku baaqay ee Afrika oo mideysani iney wax u qabato Soomaaliya, waa dadaal mudan in looga mahadceliyo, aadna loogu ammaano.

Sida uu Madaxweynuhu sheegay, bartamihii toddobaatanaadkii, xilligii ay Soomaaliya   aheyd qaran awood leh, waxey garab hagarla’aan ah la barbartaagneyd waddamadii Afrika ee weli ku hoos jiray gacantii gumeysteyaasha. Waqtigaas baaqa Soomaalidu - carruur iyo cirroolaba - wuxuu ahaa “ Hobeey Afrikaay Huruddooy, cadow ku heeryee huruddooy, halyeeyadaadii huruddooy, haad baa cunaayee huruddooy !!

Ka dib 30 sano, waayahaa berisamaadka ee xusuusta madaxweyne Mbeki iyo in badan oo Soomaalida qarannimada jecel ahba ku weyn, nasiibdarro, Muqdisho waxey noqotay Muqdisho kale! Soomaaliya waxay isku bedeshay Soomaaliya kale! Afrika waxey u muuqataa Afrika kale! Adduunkiina waa Adduun kale oo la sii walaaqayo, hoggaankana ay u hayaan indhowgaradyo ujeeddoxumeyaal ahi !  

Haddii shalay, Muqdisho loo yaqaannay Xiddigtii rajada Afrika, maanta! xaalkeedu sidaas waa ka duwanyahay.  Haddii shalay, Soomaaliya ay aheyd hooyadii halganka gobonnimodoonka Afrika, hiil badan oo hagarla’aan ahna laga heli jiray, maanta! waa meel la hilmaamay, la hagraday, dab laga huriyay, kadibna si jeesjees ah loogu sheegayo meel aan loo hoyan oo halaqyogaleen ah!! 

Sida uu sheegay Madaxweyne Mbeki, maanta Afrika waxaa la gudboon in iyadoo mideysan ay si daacadnimo ah ugu gurmato umadda Soomaaliyeed oo dhibaato lixaad lihi ay la soo deristay. Haddii aan sidaa la yeeleyn, oo aysan maanta Afrika waxba tari karin Soomaaliya, waxaa qumman in aysan yeelin, oo aysan noqon, xaabo lagu shito oo lagu karsado lafaha umadda tabaaleysan. 

Ciidamo Afrikaan ah oo maanta qaabka la damacsanyahay loogu diro Soomaaliya, waxay la macno yihiin, ciidamo Afrikaan oo waddanka Koofur Afrika loo diray xilligii Midabtakoorka, si ay maamulkii dulmiga ku dhisnaa ee Pretoria uga kaalmeeyaan kahortagga iyo ciribtirka ururkii xaqudirirka ahaa ee ANC iyo garabkiisii gaashaandhigga ee Umkhonto we Sizwe ( Waranka Qaranka), oo waagaas in badan oo dowladaha ilbaxnimada sheegta ka mid ahi ay u yaqiinneen urur argagixo oo adduunyada khatar aad u weyn ku hayey. 

Sida Muuqata, dhowr waddan oo Afrikaan ah ayey askartoodu hamuun u qabaan in  Soomaaliya ay u shaqo doontaan. Waddamadaasi welwelka kaliya ee ay qabaan waa in meel la saaro kharashka ciidamadooda lagu kireysanayo iyo ciddii ay ugu hagaagi lahaayeen. Nasiibdarro, waddamadaasi ma fahamsana, sababta Soomaaliya seefaha loogu afeysanayo. Nasiibdarro, waddamadaasi ma fahamsana, in waxa maanta Soomaaliya lagu sameynayaa ay iyagana berri ku soo socoto, xaalkuna yahay: Ninkii qeyrkii loo xiirayow, aduna soo qoyso !!.

Gabagabadii, waxaa mar kale mahad badan mudan, Madaxweyne Thabo Mbeki, oo warqaddiisii qiimiha laheyd ay igu dhalisay inaan qalinka u qaato qoraalkaan dheer. Si gaar ah waxaan Madaxweynaha ugu dirayaa gabaygaan hoose oo aan ku magacaabay Mbeki, oo soo baxay 05/02/2007. Gabaygu wuxuu ka warramayaa, xaaladda dhabta ah ee ay maanta ummadda Soomaaliyeed ku sugantahay, wuxuuna dhambaal u dirayaa dhinacyo kala duwan oo ay arrinta Soomaalidu khuseyso. Waxaan rajeynayaa, in warqadda Mudane Mbeki, ay noqon doonto billoowga hiilkii umadda Soomaaliyeed ay in muddo ahba ka dhowreysay saaxiibadooda ay halganwadaagga yihiin ee reer Koofur Afrika.

Waa kan Gabaygii la magacbaxay Mbeki ee akhris wanaagsan:

  1. Ikhyaarow amuurahaad qortiyo ereyadaad sheegtay
  2. Idaacadaha lagu faafi iyo aalad dheereyne
  3. Akhris kii yaqaan wuu arkoo faham ujeedkiiye
  4. Kaan dhaguhu awdneyn u maqal addin sidiisiiye
  5. Soomaali adduunyada dhammaan aag kastoy joogto
  6. U riyaaqe oday iyo ilmaba oddoroskaagiiye
  7. Ahbal qeyrkii u adeegayoo abbabba’leynaaya
  8. Ogaallaawe ma ahidoo shacbigu waa ogsoonyahaye
  9. Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene. 
     
  10. Imbegaati wixii lagu askumay IGAD shirqoolkeedii
  11. Arab Moi arrinkuu gole ka yiri waa afkalaqaade
  12. Aanada la garabsiinayee eexda lagu daabay
  13. Dulmigey Itoobiya waddoo caalamku arkaayo
  14. Inkastood ka gaabsatay Addis dabkey afuufeyso
  15. Angooliyo markaan inta xaqiran garab istaageynay
  16. ANC ( ee en sii) wixii aan tarniyo Umkhonto we Sizwe
  17. Mar haddaad abaalkii xustiyo sidaan aheyn waayo
  18. Istakoor haddaan legednay iyo arxan la’ aantiisii
  19. Edeggii gumeysiga haddii ooddii laga feyday
  20. Oo idinku kaad doorataan eeggan talinaayo
  21. Intaasiba anfaco noogu filan oon ku ba’ayaaye
  22. Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene. 
     
  23. Ixtiraamka aadmiga marbuu eeygu dhaamaaye
  24. Sida awr macsaro shiidayoo indhaha loo duubay
  25. Ama dibi intaasoo hektaar fala aroortiiba
  26. Oogada nin laga fuulayoo loo itaal sheegtay
  27. Oo eheladii lagu dhex raro lana uleynaayo
  28. Ikhtiyaar qof loo diidayoo ilmadu daadeyso
  29. Oo sidii alaabtiyo dharkii suuqa lagu iibsho
  30. Addoonnimo xanuunkeeda iyo eelkey reebeyso
  31. Isticmaar aan nixin waad ogtahay urugadiisiiye
  32. Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene. 
     
  33. Awguul nasiibiyo ixsaan leysla soo doontay
  34. Isii laguma helin gobonnimadaan ku istareexnaaye
  35. Geesiyaa ifkaan laga qarshoo aakhirow kacaye
  36. Waa tuu abaabulku dhacoo iil la doorbidaye
  37. Waa tey madaafiic onkodi aastay xaafado’e
  38. Waa tii awow loo diloo aabbo loo qalaye
  39. Waa tuu dhulkii ololayoo eebo leys daraye
  40. Ayrab geela waa tii la dhacoon ari la reebeyne
  41. Waa taan agoon wada aheyn iyo asayleeye
  42. Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene. 
     
  43. Ilaah Qaadir weeyoo isagaa kownkan maamulaye
  44. Isagaa abuuroo khalqiga qoray arsaaqdoode
  45. Arjigaan direyniyo markuu yeelay aammiintii
  46. Oo ducadii uu naga aqbalay Allaheen weynaaye
  47. Wax la soo adkeystaba markaan tuugadii erinnay
  48. Alalaasku goortuu dhacoon aakah niri maalmo
  49. Goortaan dugsiyo aadnayoo alifkii noo toosay
  50. Ayaxii aboorka ka darnaa miinaduu aasay
  51. Ugxantii dillaacdaa mar kale uumiyii rogiye
  52. Irbad suna rag lagu soo mudoo dhaqankii uuley leh
  53. Afmiishaarro uurku dabanyahiyo eed qabaa yimide
  54. Imbeekow i maqal Afrikadii wey ilduufsheene. 
     
  55. Aaminnimo qof lagu tirinayoo anshax u sii raaco
  56. Indheergarad inaad yahay la hubo aadanuhu sheegye
  57. Ixtiraam annaga oo ku lari iyo asluub gaara
  58. Ugaasow ergaan kaa rabnaa inaad ajiibtaaye
  59. Intii berrito nala eersan laa waa afeef horaye
  60. Mid adeerkaa odaygii ahaa maqal Abwaanow dheh
  61. Mid Afrika amaah lama baryee aayahaa garo dheh
  62. Mid kalana Iskaashiga dulmiga aayarsada hoy dheh. 
     
  63. Aarkii Mandeelliyo haddaad aqalladii gaarto
  64. Ileyskii mugdiga nuuriyow ummaddii Soomaali
  65. Ayaamahan musiibaa heshoy la ibtiloobeen dheh
  66. Orobbiyo waxaa isugu tagay reer Ameerika dheh
  67. Austareeliyana kama maqneyn uubateyntaas dheh
  68. Aasiya afkey xiratayoo weyska eegtaa dheh
  69. Carabihii ikhwaanow lahaa  wey inkirayaan  dheh
  70. Ummadihii midoobana intaa way ajarayaan dheh
  71. Axmaqiyo waxaa loo boqraa kaan waxba ogeyn dheh
  72. Midka aynigaadaana waa laga idleeyaa dheh
  73. Iyagoon itaal badan lahayn iskuxirkii beesha (Afrika)
  74. Agaasimiddii xaqudirirka iyo hobey Afrikaadii
  75. Waxa looga aargudanna waa ololahoodii dheh! 
     
  76. Amakaagga qaaradda ka jira waad ogsoontahaye
  77. Abeesooyin maatada jaqiyo abris wax baabi’iya
  78. Akhlaaqxumo dir lagu soo xuliyo aqli la’aantooda
  79. Afku kuwuu u buuxaa xukuma oo la iibsadaye
  80. Urur horusocdiyo waa u nacab kii aqoon lihiye
  81. Mar haddey abaar iyo colaad iyagii liitaanba
  82. Mar haddey abaalkaan mudneyn badi illoobeenba
  83. Mar haddiiba la amraayo oo lagu adeeganayo
  84. Ijaar yaa na siin iyo hadduu arradbax xaal joogo
  85. Inkaar qabaha ubadkii dhashiyo umulihiis dooxay
  86. Wuxuu maanta noogu soo ordaa waa asluub xumaye
  87. Waa aaran lagu doogsadiyo yey iftiin heline
  88. Waa fitno arooskeede iyo arbush waxow roone
  89. Ammaandarrada waa dhiirrigeli joogna abidkaaye
  90. Askartaa la sheegsheegayee lagu ugaarsanayo
  91. Asaaggood kuwaa uu dirsado waan ehbineynaaye
  92. Olol naara haddii aysan rabin edeb in loo yeelo
  93. intaan ooryahoodiyo dhashii aaway ku barooran
  94. Ashtakaan haddaba sii nahaye yey na soo aadin. 
     
  95. Anfariirnay saaxiib halkuu maray adduunkiiye
  96. Idahaaba dhaamiyo dadkii orgidey foofshaane
  97. Ilbaxnimada lagu faanayana waa i maqashiiye
  98. Axdi meel u yaal iyo ma jiro waxey ilaalshaane
  99. Marba waxa Ilaah sheegta kii ugu awood roone
  100. Ibleyskaa u yeeriya markaa aragti shaydaane
  101. Kii aan addeecinna hubkaa lagu asqeeyaaye
  102. Argagixiso haddii loo yaqaan ruux Islaamoo dhan
  103. Oogidda salaaddiyo haddii ajar la ceebeeyay
  104. Ashahaadda annagaa qirnoo Eebbe caabbudiye
  105. Haddaan  eber baxeynana wallaan inkira yeeleyne
  106. Adolf ( Hitler) sidiisii kuwaa kibirku aafeeyay
  107. Ee dunida afarteeda gees weerar ku ekeeyay
  108. Iimaan la’ aantaa hoddoo wey ambanayaane
  109. Albaabkoodi waxey moodayaan irdo islaameede
  110. Arligaad rabtaan dega ayay arrin ku goosteene
  111. Imtixaan intii aysan mudan oon Alle ciqaabin
  112. Haddey owgeyow talo rabaan waa insaan wuxuye
  113. Isafgarasho nabad baa leh iyo aayatiin wacane
  114. Ogeysii islaax inuu dan yahay ubax la sii beerto.

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com 

Xisaab Qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah : Adduunyadan aan xasileyninee samada xiimeysa... Akhri

Warqaddii madaxweynaha Koonfur Afrika ka akhri halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH