SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Feb 15, 2007
  • Ururkii la dagaalanka Argagixisada oo 18-kii..
  • Sheekh Shariif oo Magaalada Sanca kula kulmey xubno..
  • Ururka PYC oo qabtay doorashadii sadexaad.
  • Dowladda Kenya oo diiday in dalkeeda laga bixiyo .
  • Magaalada Kismaanyo Oo La Ciir-ciiraysa khilaaf Siyaasadeed Oo U Dhexeeya Barre Hiraale iyo Col. Af-guduud
  • Ururka Midaynta Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed Siminaar ku soo gabagabeeyay Muqdisho
  • UN Somalia Humanitarian Monthly Analysis for the months of December 2006/January 2007

Magaalada Muqdisho Oo Maanta Ay Gil-gileen Qoryaha Madaafiicda Ee BM-ka Oo ay Dad Ku dhinteen.

Madaafiicda rasaasta Hoobiyaha iyo BM ka oo ciidamada Ethiopia ay la beegsadeen qeybo ka mid ah magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhinatay inta la og-yahay 3qof , iyagoo ka jawaabaya weerar hoobiye ah oo ay kooxo hubaysani ku soo qaadeen dekedda weyn ee muqdisho .

Dhawaqa madfaca ayaa gil-giley guud ahaan caasimada kasoo ku soo dhacay isgoyska black sea oo ku yaala degmada hodan ee magaalada muqdisho oo ah goob ay dadku aad ugu badan yihiin islamarkaana boosteejo u ah gawaarida isaga kala goosha xaafado kamida magaaladsa muqdisho .

Goobjooge ku sugnaa meesha uu madfacu kusoo ag dhacay oo magaciisa qariyey ayaa saxaafada u sheegay ,in Ciidamada Ethiopia ay madaafiicda ka soo rideen inta u dhaxeysa Jaamacadda Umadda Somaliyeed Qeybta hoyga iyo warshaddii Kabida iyagoo dhowr madfac kusoo riday daafaha iyo gudaha magaalada muqdisho .

Qaraxyo gaaraya Ilaa 5 madfac oo aan la garaneyn cidda ka dambeysay ayaa ku dhacay agagaarka dekedda magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhacay halkaas .

sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen gudaha dekedda weyn ee magaalada muqdisho lama oga qasaaraha ka dhashay halkaasi .

Dhanka kale madaafiic ayaa la sheegayaa inay kusoo dhaceen xaafadaha magaalada Muqdisho, inkastoo wali aan la ogayn khasaaraha soo gaaray deegaanada ay madaafiicdu kusoo dhaceen.

si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay hore u shaaciyeen ciidmada dowlada kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia inay madaafiic ugu jawaabi doonaan meeshii lagaga soo rido xabad yar ama mid weynba ha ahaatee .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah oo u baahan qaliin degdeg ah...
Akhri....


Ururkii la dagaalanka Argagixisada oo 18-kii..

18-ka bishan oo ku beegan maalinkii la aasaasay ururkii la dagaalanka Argagixisada ee ay isku baheystay 11 xubnood oo ka mid ahaa qabqalayaasha dagaalka, ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in qaar ka mid ah qabqablayaashaasi ay Muqdisho ku xusi doonaan sanadguuradii ka soo wareegtay magacaabista isbahaysigaasi. Ururkaan ayaa markii la aasaasay waxaa qabsaday dagaal kaga yimid golihii Maxaakiimta Islaamiga ah, aaqiritaankiina keenay in gebi ahaanab laga saaro dalka hubkoodiina lagala wareego, waxaana arintaasi si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha Muqdisho, oo iyagu 16 sano dhibaatoo badan kala kulamay qabqablayaasha, waxaana wixii ka dambeeyey shacabka Soomaaliyeed u iftiimaay waa cusub iyagoo heley nabad buuxda.

Ururkaasi waxa uu miciin biday qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya kaddibna waxa ay bilaabeen abaabul ka dhan ah Maxaakiimta Islaamiga ah, waana midda keenay in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Dowladda Itoobiya ayaa qabqablayaashii dagaalka waxay u soo jeediyeen in aysan sameyn Karin wax la yiraahdo dhaqdhaqaaqa siyaasdeed oo ay ku ekaadaan xarumahooda, basle qabqablayaasha dagaalka waxaad moodaa in aysan ku qanacsaneyn markii laga saaray saaxadda Siyaasadeed ee dalka. Sanadguuradii ka soo wareegtay isbahaysigaasi ayaa la ogeyn in Dowladda Federaalka ah la og tahay, iyadoo sharciga xaaladda Deg-dega ah uu qorayo in aan la qaban Karin wax shirar ah oo aysan Dowladdu ka warqabin. Xubnaha ururkaani aasaasay ayaa haatan waxay wadaan olole ay ku doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan siyaasadda dalka, waxyna maalin walba kulamo ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, hadaba waxaan sugno waa 18-ka bishan iyo waxay qabtaan xubnihii isbahaysigii la dagaalanka argagixisada, oo qaarkood weli ku maqan dagaalka dibaddiisa.

Sheekh Shariif oo Magaalada Sanca kula kulmey xubno..

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Sanca ee dalka Yemen kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Maxaakiimtii Islaamiga, waxanaa kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ayuga qayb-qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta ummadda Somaaliyeed, waxana la filayaa inay dhawaan booqashooyin ku kala bixiyaan qaar ka mid ah Wadamada carabta iyo Midowga Yurub.

Sheekh Shariif oo dhawaan gaaray Magalada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxa uu mudo joogay Magaalada Nayroobi oo kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ay isla soo qaadeen sidii Sheekhu uga qayb-qaadan lahaa dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

Dowlada Mareykanka ayaa waxay horey u sheegtay in Sheekh Shariif aan sinaba looga maarmin siyaasadda Soomaaliya, maadaama Sheekhu uu taageerayaal fara badan ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo la og yahay in Magaalada Muqdisho ka socdaan iska caabin xoog leh oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee gacanta siiyey Dowladda Federaalka ah.

Ururka PYC oo qabtay doorashadii sadexaad.

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta INXA ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashadii saddexaad ee ururka PYC (Peace Youth Club), waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda INXA oo ugu horeeyo Guddoomi-yahooda C/naasir Axmed Cusmaan.

Doorashaan ayaa waxaa guddoomiyenimo ku tartamay labo xubnood, hase yeeshee dhowr wareeg ayey is mari waayeen, aaqiritaankiina waxaa la go’aamiyey in Guddoomiyaha loo magacaabay C/llaahi Cali Max’ed, guddoomiye ku xigeena waxaa loo mgacaabay Naciimo Abuukar Xasan, waxanaa magacaabistaasi ku qancay dhamaan xubnaha guddiga fulinta ee ururkaasi. Guddoomiyaha cusub iyo guddoomiye ku xigeenka ayaa lagu dhaariyey guddiga fulinta hortooda, waxayna labaduba ballanqaadeen inay si cadaalad ah ku hogaamin doonaan ururkaa oo ka mid ah ururada u ololeeya dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Dowladda Kenya oo diiday in dalkeeda laga bixiyo .

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Dowladda Kenya ay diiday in dalkeeda laga maamulo baasaboorka cusub ee ay dhawaan hirgelisay Dowladda.

Mas’uul u hadlay Dowladda Kenya ayaa waxa uu sheegay in dowlad kasta baasaboorkeeda waajib ku tahay in laga xukumo dalka gudihiisa, balse ma aheyn la durlsaaro Dowladda Kenay.

Waxaa la filayaa in dhawaan xaruntii waaxda Socdaalka ee Nayroobi ku lahayd Soomaaliya loo soo raro Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda Federaalka.

Dowladda Kenya ayaa waxay dareentay in Baasaboorka si laalaab ah loo bixiyo, iyadoo dhawaan Magaalada Nayroobi lagu arkay Baasaboorkaasi, baasaboorkaan oo ay ku baxday malaayiin Doolar ayaa ilaa iyo haatan si rasmi ah Dowladdu u bixin inkastoo mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood baasaboorkaasi la siiyey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2007


Magaalada Kismaanyo Oo La Ciir-ciiraysa khilaaf Siyaasadeed Oo U Dhexeeya Barre Hiraale iyo Col. Af-guduud

Feb 14, 2007: Wararka naga soo gaaraya magaalada xarunta u ah gobolka jubada hoose ee kismaanyo ayaa sheegaya inay hareeyeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya wasiirka gaashaandhiga ee dowlada kmg ah barre aadan shire hiiraale iyo taliyaha guutada koowaad ee ciidanka dowlada col,c/risaaq af-guduud .

Khilaafkan ayaa la sheegayaa inuu daba socdo arimo siyaasadeed oo horeba uga jiri jiray gobolkaas oo ah gacan ku haynta magaalada kismaanyo ,iyadoo magaaladaas ay hore dagaalo uga dheceen u dhexeeya gen,Maxamed saciid xirsi morgan iyo col, barre hiiraale ayaa waxay wararku tibaaxayaan inay dib usoo noolaadeen is-hayntii siyaasadeed ,kadib markii ay gobolkaas ladamcay in maamul laga sameeyo .

Khilaafkan oo ka dhashay awood qaybsiga maamulka gobolkaas ayaa hada maraya sida wararku nagu soo gaarayaan meel halis ah ,iyadoo uu khilaafkan sii xoogaystay kadib markii kulankii dhowaan lagu soodhowaynayey saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka gen,cabdi mahdi oo halkaas lagu tuuray bam-gacmeed islamarkaana ay ka dhasheen dhaawacyo halis ah oo soo gaaray saraakiishii iyo shacabkii joogay halkaas.

Xiisada siyaasadeed ee gobolkan ayaa marba marka kasii dambaysa kor usii kacaysa ,iyadoo odayaal iyo wax garad kasoo jeeda gobolka gedo ay warbaahinta qaarkeed u sheegeen in bam-gacmeedkii dhowaan lagu tuuray halkaasi uu ka dambeeyo col,c/risaaq afgudud ,waa siday sheegeene islamrkaasina ay taasi sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee horeba ugu kala dhex jiray labada masuul .

Si kastaba ha ahaatee khilaafkan siyaasadeed dartii ayaa lasheegayaa in saaka col,c/risaaq afguduud looga yeeray magaalada baydhabo oo uu ku sugan yahay madaxweyne c/laahi yuusuf.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Iyo Wafdi La Socda Oo Madaxweyne Yuusuf Kulan Kula Yeeshay Baydhabo.

Feb 14, 2007: Wafdi uu hogaminayo wasiirka arimaha dibadda Ethiopia Sium Musfin oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa saaka kulamo la leh Madaxweynaha dowladda KMG ah ee c/laahi yuusuf .

Kulankan oo haatan ka soconaya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxa uu daba socdaa kulamo hore ay u yeesheen Labadan Mas'uul, iyadoo kadib markii ay kulamadu u dhamaadaana lagu wado in Sium Musfen uu ku laabto magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia .

Sidoo kale kulankan oo aan weli la shaacin arimaha ay ka wada hadlayaan ayaa hadana warar ku dhow -dhow xafiiska Madaxweynaha ay sheegayaan inay isla soo hadal qaadeen xaaladda amaan xumo ee kusoo korodhay magaalada caasimada ee Muqdisho xili ay ka taliso dowlada kmg ah oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen weeraro iyo madaafiic lala beegsanayo xarumaha dowladda kmg ah iyo weliba ciidamada xukuumada Ethiopia..

Wafdigan oo gaaraya ilaa 6 xubnood oo uu ku jiro safiirka Ethiopia ay u soo magacowday Somaliya iyo saraakiil ka socota IGAD oo iayagu sida lasheegay go-gol xaar u ah ciidamada afrikaanka ah ee lagu wado in la keeno dalka soomaaliya dhowaan

Xaalada amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo wadooyinka magaaladaasi ay xireen ciidamo ethiopian ah oo baaraya gaadiidka iyo weliba dadka oo xalay ilaa saaka lagu arkayey wadooyinka soo gala magaalaadaasi ciidamo Ethiopian ah oo aad hubaysan oo gaaf wareegayeen .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Ururka Midaynta Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed Siminaar maanta ku soo gabagabeeyay Muqdisho

Feb 14, 2007: Waxaa maanta lagu soo gabgabeeyay xarunta dhaqaaqa bulshada rayidka siminaar soconayay 3-maalin kaasoo looga hadlayay darisaynta dadka walaalaha ee soomaaliyeed dhibaatadu kala gaartay’ waxaana siminaarkaasi waxaana soo qaban qaabiyay hay’adaha Us Aid iyo Care.

Waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xoogaga mideynta wadaniyiinta Soomaaliyeed Muuse Xuseen Cumar (Muuse afeey) oo u mahad celiyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay siminaarkaan iyo xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed wuxuuna u rajeeyay in ay wax ku soo kordhin doonaan xaalada cakiran ee dalka waxna ka qaban doonaan darisaynta degmooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay mas’uul ka tirsan Hay’ada Care Int. oo lagu magacaabo C/raxmaan Janaale waxa uuna uga mahad celiyay xoogaga wadaniyiinta in ay sii laban laabaan howshooda iyo dhiiri galinta dadka aqoonta u leh darisaynta.

Gabogabadiina waxaa seminaarkan laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ku aadan deriseynta, wuxuuna u qornaa sidatan:-

___________________________

Jamhuuriyada Soomaaliya
Midaynta xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed

 

Ujeedo : howsha derisaynta

Ku: Hay’ada Care International
OG: Dhaqaaqa Bulshada Rayidka

Ugu horayn waxaan halkaan mahadnaq iyo ammaan uga soo jeedinaynaa Hay’ada maalgelisay howshaan waxtarka leh ee siminaar-ka derisaynta oo loo qabtay 5 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaan mahadnaq u soo jeedinaynaa madaxda sare ee dhaqaaqa bulshada Rayidka ah oo soo qaban qaabiyay howsha siminaarkan derisaynta kaasoo ka furmay hoolka shirarka ee xarunta dhaqaaqa bulshada Raiydka 12-02- 2007 waxaana furay gudoomiyaha dhaqaaqa bulshada rayidka iyo gudoomiyaha midaynta xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Siminaarkan muhiimka ah waxaa loo qabtay oo ka qeybgalay 25- xubnood oo waxgaradka horseedka bulshada ah, waxaana fuliyay soona diyaariyay daruusta siminaar kan isla markaana casharada bixinayay Midaynta X.W.S.

Waxaa sharaf noo ah in aan goob joog u nahay xiritaanka simiraarkan faa’idada iyo waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan howlaha darisaynta, kaa soo socday mudo 3-maalmood ah 12-14-2007- waxaana lagu barnayay casharada Hoos ku qoran.

1. Waa maxay daris?
2. Xaqa dariska isku leeyahay
3. Waxa diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed ka qabaan deriska
4. Abaabulka deriska iyo qaab dhismeedkiisa
5. Qaabka xulitaanka xubnaha gudiga deriska shaqaadoodu waxay tahay
6. Kaalinta derisayntu ka qaadato arimaha bulshada
7. Dowrku derisayntu ku leedahay dib u heshiisiinta
8. Kaalinta derisayntu ka qaadato howlaha nabadgalyada
9.. Dowrka derisaynta nabadgalyada xaalada maanta taagan.
10. Deriska cida uu la kaashan karo howsha Nabadgalyada.

11. Soo jeedin talooyinka wax kataraya nabadgalyada.

U jeedada looqabtay siminaarkan

1. In si cilmi ah qoraalkooban looga diyaariyo (Buug) ahmiyad howlaha derisaynta u leedahay min deris ilaa qaran.

2. Howsha derisayntu hadii ay Hirgasho waxaa fududaanayo wax u qabashada iyo adeega bulshada iyo xalinta dhibaatooyinka jira.

3. In howlaha derisayntu dhaqso looga anbaqaado caasimada Muqdisho, ka dibna lagu xijiyo dhismaha gudiyada waaxyaha, Xaafadaha, ilaa degmo, si looga shaqeeyo looguna dhawaado xiriirka bulshada, sida nabadgalyada arimaha bulshada abaabulka iyo wacyi galinta iyo dib u heshiisiinta.

Hay’ada Care iyo US-AID waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa in wajiga 2-aad ee derisaynta loo furo 11-ka degmo ee Harsan anaga oo aaminsan in arintaasi wax wayn ka tarayso howlaha nabadaynta iyo horumarinta bulshada.

Gudoomiyaha Midaynta Xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed
Mudane Muuse Xuseen Cumar (Muuse afeey)
 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH