Halkee ayey ku danbeysay Gacankii
Hodanka (Qandala)
Cabdixakiim
Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
Marka
hore waxaa mahad idilkeed iska leh
Allaah, naxariis iyo nabadgelyana
rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Intaa
kadib, waxaa la yaab leh, waxa ummad
ay hormartay, oo magaalooyin baddan
ay aasaasmeen, oo kuwo hore, horay
ay u mareen, halka ay ku danbeysay
magaaladii Qandala, oo horey loo
oran jiray Gacankii Hodanka. Qandala
waxaa soo maray waqti ay taariikhda
xusto, oo runtii ay aheyd xarumaha
ganacsiga Soomaaliya kuwooda ugu
horeeya. Waxey soo martay waqti uu
qof walboo taga deegaanada Puntland
uu ka warbixiyo. Qandala waxaa ay
aheyd magaalada kaliya uu ka socdo
ganacsi aad iyo aad u baaxad weyn oo
isku xiri jiray min waqooyi illaa
iyo koonfur. Waxa ay laheyd ganacsi
ku xiran Qaliijka oo aad iyo aad u
hormarsan. Waxaa kaloo magaalada ka
dhisnaa Warshaddi Kalluunka Qandala,
oo meel walboo aad tagto lagu arki
jiray kalluunka gasacadeysan ee ay
soo saari jirtay. Nasiib darro
Qandala waayahan kama muuqan saaxada,
ee maxey tahay sababtu?
Magaalada Qandala
-
Runtii markaan sameeay baaritaan
qoto dheer, waxa ii soo baxay
waxyaalaha magaalada la haray inay
ugu wacan yihiin arimaha soo socda:-
-
Waagi la oran jiray magaaladan
gacanki Hodanka, dhaqaalaha kaoo
baxa wuxuu ku mari jiray qaab
Transit, oo lama gelin jirin
magaaladan.
-
Dadka u dhashay magaalada, oo waagaa
ka ganacsan jiray oo xitaa qaarkood
ayan guryo ku lahweyn, halka ay
guryo waaweyn ka dhisan jireen
magaalooyinka waaweyn, sida Muqdisho
oo kale.
-
Magaaladan oon weligeed aanan yeelan
wax ka sareeya dugsi dhexe, oo
maamuladii hore ee jiray oo idil ay
ka seexdeen wax ka qabashadeeda.
-
Adeegyo caafimaad iskaba daa
warkooda.
-
Magaalada oo aan laheyn waddo laami
ah oo aada, taasoo caqabad ku ah
isusocodka ganacsiga iyo dadkaba.
-
Magaaladoon weligeed yeelan maamul u
daacad ah, oo daneeya horumarkeeda.
-
Dadka u dhashay deegaanka oo aad
moodo inaanay diyaar u aheyn
horumarinta adeegyada magaalada.
Runti
marka laga sheekeeyo dhaqaalaha
magaalada soo galay sandihi
Sideetamaadyadi iyo sida xitaa 5%
ka mid ah aanan magaalada loo
gelin, waa waxa qalbigu uu ka ooyo,
oo indhahana ka ilmeysiisa. Mar
marka qaarna waxaad isleedahay aaway
magaladan dadki u dhashay, oo runti
markaad eegto magaalooyinka kale ka
dhex muuqda, oo qaarkoodna ayba
ahaayeen raggi hormuudka u ahaa
ganacsida iyo maaaliyadda Soomaaliya.
Qandala oo ka mid aheyd Degmooyinkii
ugu horeeay Soomaaliya, laga asaaso,
oo xitaa xiligii Dowladii Rayidka,
laheyd rag kasoo gala doorashooyinka,
ayaa manta iska daa inay la tartanto
degmooyinkii la filka ahaa ee
gobolkaa Bari, xitaa waxaa ka
horeeya Tuulooyin yar yar oo hadda
isu sharaxaya inay qaataan magaca
Degmo. Micnuhu maaha inaanay Qandala
laheyn awood ay kusoo baxdo, ee waa
diyaar aanay dadkeedu u aheyn. Warar
lagu kalsoon yahay oo aanu magaalda
ka helnay xilli dhow innagoo
daneynayna in aynu isku dayno inaan
magaalada wax u qabano, oo ka
qeybqaadano wixi suurto gal ah, ayaa
nin ka mid ah Mas’uuliyiinta u
dhashay magaalada, oo markaa ku
sugnaa Boosaaso, ayaa wuxuu nagu
yiri, Qandala, dhaqaale ku filan wuu
yaal, ee waxaanan jirin maamul si
wanaagsan u maareeya. Haddaba
magaaladan oo ah magaalo uu Allaah
ku maneystay Nimcooyin fara baddan,
leh xeeb dheer oo ku wanagsan
Kalluumaysiga iyo ganacsiga, sidoo
kale leh kheyraad dabiici ah, ayaa
waxaa ayaan daro ah inay ka
hormarayaan magaalooyin u baahan in
la kabo, halka Qandala ay iyadu inta
iskabto, magaalooyhin kalena kabi
karto.
Maalin
dhaweyd waxaa nagu maqaal ah in loo
magacaabay Gudoomiye Cusub, oo uu
magacaabay Madaxweyne Cadde Muuse.
Waxaan leeyahay Gudoomiyaha Cusub
bal weynu arki doonaa waxa uu ku soo
kordhiyo magaalada iyo sida uu uga
qeyb qaato tartanka magaalooyinka
Puntland. Runti haddii uu badiyo la
tashiga dadka ehelka u ah wanaaga,
ee la doonaya horumarka magaalada
waxaa uu qaban karaa wax baddan. Ha
isku dayo inuu xiriir la sameeyo
Qurbo Joogta u dhashay deegaanka ee
daneynaya horumarka Qandala.
Sidoo
kale waxa wax lagu farxo ah dhismaha
waddada Boosaaso iyo Qandala oo uu
maalin dhaweyd carrabka ku dhuftay
Madaxweyne Cadde, waa haddii laga
dhabeynayo. Runti waa horumar kusoo
siyaaday Puntland haddii waddooyin
la geeyo magaalooyinka ku yaala
Bariga fog sida Caluula, Baargaal,
Qandal, Iskushuban, Xaafuun, Beyla
iyo kuwa kaloo dhan. Waxa ay noqon
doontaa arin dhaxalgal ah oo
Taariikhda Baal dahab ah u gelisa
Maamulka Cadde Muuse, haddii riyadaa
laga dhabeeyo. Run ahaanti waxaa
wanaagsan in laga mahadceliyo wax
walboo guul ah oo uu maamulku
sameeyo, ee maaha in mar walba
xumaantooda uun la faafiyo
Waxaan
qormadeyda kusoo gabagabeynayaa
Bulshada reer Qandala iyo Qurbo ku
noolka reer Qandalaba inta laysu
tago oo la taageero maamulka cusub,
haloo istaago horumarka magaalada,
oo Qandala waa in wax laga qabtaa
arimaha waxbarashada, caafimaadka,
isgaarsiinta, korontada, biyaha iyo
dhammaan adeegyada muhiimka ah, si
ay ula jaanqaado magaalooyinka kale
ee Puntland ama Soomaaliya. Qandala
waxa u nasab sheegta maanta
Ganacsatada Soomaaliya oo dhan
kuwooda ugu tunka weyn, ee waxaan ku
talinayaa war hooy fursada maanta
jirta halooga faa’ideeyo magaalada..
Sidoo kale waxyaalaha hormariya
magaalooyinka waa iyadoo la siiyo
fursad inay kusoo degaan ama
maalgashadaan bulshooyinka kale ee
reer Puntland ama Soomaalida kale ee
ka yimid Koonfurta Soomaaliya, si ay
magaaladu u noqoto ( Multicultural
City ) sida hadda ay Boosaaso iyo
Gaalkacayo noqdeen. U ogolaada
magaalada inay degaan, ka
shaqeystaan, maalgashadaan
bulshooyinka kal. Intaas waa iga
talo. Ogaada weli ma dhicin magaalo
hal reer kaliya ay degan yihiin oo
horumar wanaagsan sameysay. Sida
arintaas loo gaari karo, waanu kasoo
talo bixin doonaa haddii loo baahdo.
Sidoo
kale Qurbo ku noolka reer Qandala
waxaan kula talinayaa inay
magaaladoodii dib usoo eegaan oo ay
isku dayaan inay wax ka qabtaa
adeegyo baddan oo Muhiim ah, oo
Allaah ka soke ay iyagu wax ka qaban
karaan sida dayactirka iskuulada,
asaasisda rugo waxbarasho, rugo
caafimaad, tababaridda macalimiin
ciyaalka wax bara iyo waxyaalo kaloo
fara baddan.
Ujeedada qormadeyda aan ka leeyahay
waa iga baraarujin iyo bal in
fadhiga laga kaco, ee maaha mid aan
dan kale ka leeyahay, haddii aan wax
saxa ah sheegay waxey ka sugnaatay
Allaah, haddii aan wax khalad ah
qorayna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Ma
Dhabbaa, in uu Maamul Goboleedka
Puntland ogolaaday dhisitaanka Axsaab
Siyaasi ?... Akhri...
Faafin: Feb
18, 2007
Carmo, magaalo ku dayasho mudan
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa
ahaatay.
Kadib burburki ku yimid dowladii dhexe ee Soomaaliya,
sanadi 1991di, ayaa waxa dhacday in dad tiro baddan
ay u qaxeen asal ahaan goboladii ay ka yimaadeen,
halkaasoo ay ka bilaabeen nolol. Meelaha sida aadka
ah loogu qaxay waxaa ka mid aheyd Deegaanada
Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso,
Laascaanood, Garoowe, Gaalkacayo, Qardho, Baran iyo
kuwo kaloo baddan.
Qaxitaankaas loo qaxay deegaamadaas waxaa barbar
socday iyagana magaalooyin yar yar oo aad iyo aad u
dhismay. Magaalooyinkaas oo runti ka faa’ideystay
aaga ay ku yaalaan iyo baahida loo qabay in la helo
magaalooyin laga dhigto deegaan ama kuwo loo xagaa
baxo.
Haddaba magaalooyinkaas waxaa ka mid ah magaalada
Carmo, oo ah magaalo u dhaxeysa Boosaaso iyo
Qardho. Carmo waa magaalo run ahaanti aad iyo aad u
dhisantay, oo horumar ka sameysay dhinacyo baddan.
Carmo waxey ka mid tahay magaalooyinka lagu dhisay
qaab qordheysan ( City Planning ) taasoo soo
jiidatay dadweyne aad iyo aad u tiro baddan, oo
runti ku dhiiraday inay ka dhistaan guryo.
Waxyaalaha kale ee aad loogu amaanay waxaa ka mid ah
iyadoo uu u furan yahay inay maal gashadaan cid alla
cidi daneyneysa, iyadoo aan loo eegeyn qabiil iyo
halka uu kasoo jeedo.
Mashaariicda la taaban karo ee laga hirgaliyay,
Carmo waxaa ka mid ah Akadeemiyada Booliiska, oo
runtii loo dhisay qaab casri ah oo cid walba soo
jiidaneysa. Waana runtii akadeemiyo loogu talagalay,
in lagu tababaro, laguna xereeyo booliiska
Soomaaliya, meel walboo ay ka yimaadaan.
Carmo waa magaalo ay runtii ka muuqato horumar
lagu amaani karo, iyadoo runtii ka hormartay
Degmooyin iyo magaalooyin fac weyn oo horey u jiray.
Carmo magaalo ahaan waa magaalo da’yar, oo
gebigeediiba waxaa la asaasay sanadihi 1997 –
1999ki. Horumarka ay sameyneyso Carmo, runti waa mid
lagu amaani karo, lana oran karo waa magaalo ku
dayasho mudan.
Inkastoo ay Carmo, tahay magaalo soo koreysa, oo
sameyneysa horumar, haddana waxaad moodaa weli
inaanay helin qeybtii degmo ahaan ay ku laheyd
maamul Goboleedka Puntland. Haddaba waxaanu leenahay
oo ka codsaneynaa maamul goboleedka Puntland inuu ku
dhiirogeliyo magaalooyinka noocan ah ee iskood u
sameeyay horumarka, si ay ugu deydaan magaalooyinka
kale, oo uu weliba maamulku lagarab istaago
baahiyahooda.
Qaabdhismeedka Carmo ayaa runtii ah mid la
jaanqaadaya dhismayaasha casriga ah, weliba cabirka
iyo waddoyinka dhinac walba ka mara magaalada.
Haddaba qormdeyda danbe ayaan kusoo qaadan doonaa,
adeegyada magaalada Carmo iyo mustaqbalka yoolka ay
higsaneyso, iyadoo waliba sawiro wadata.
Lasoco qeybta danbe
Wabilaahio Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester UK
Beentu, ma waxey Noqotay wax Leysugu faano
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Marka hore mahad
idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad
gelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay.
Dadka muslimiinta ah waxyaalaha laga xaaraantimeeyay
waxaa ka mid ah Beenta, oo waxaa kusoo ururay
axaadiis tiro baddan iyo aayado baddan oo quraan ah
ayaa lagaga hadlay. Bal waxa dhacda in aayadaha qaar
lagu nacladay beenaalayaasha . rasuulkeeni waxaa ka
sugnaatay inuu yiri qofka mu’minka ah waa suurto gal
in ay waxyaalo kale ka dhacaan, laakiin been marna
kama dhici karto inuu sheego.
Annaga haddeynu nahay Soomaali waxaad moodaa in nala
yiri qofkaan been sheegin maba noolaan karo. Qofki
aad tiraahdo war runta maad sheegto wuxuu kugu
qancinayaa war runta baddan waa leysku nacaa. Waxaad
arkeysaa goobaha ay Soomaalidu isugu yimaadaan, qof
aad is leedahay waa qof sharaf leh, oo si caddaan ah
been ugu sheekeynaya, oo weliba laga dhegeysanayo.
Mar marka qaar waxaa arkeysaa qof wax uu ka
sasabanayo aadan garaneyn oo been qaawan beerka kuu
gelinayo.
Waxa taas kasii daran Tafatirayaasha webside
yada ay Soomaalidu akhriastaan qaarkood oo ku caan
baxay been iyo warar la been abuurayo, iyadoo
qaarkood looga gol leeyahay in leysku diro Beelaha
Soomaalida. Runti haddii ay ogaan lahaayeen cawaaqib
xumada ka danbeysa arimahaas, kuma aanay deg degeen.
Waxa dhacday hadda ka hor in nin ka mid ah raggaas
caadeystay been sheegga, in uu ka sheekeeyay arin uu
yiri goob jog baan u ahaa, oo nasiib darro ninka uu
ka sheekeynayo uu goobtaas fadhiyo isagoo aan aqoon
u laheyn, goortuu ogaaday inuu dhex fadhiyo manta,
uu nafsad ahaantiisi isku qiray inuu beenaale yahay
oo ay dadku yaqaanaan. Fashillad ka xun oo qof
bani’aadan ah ku dhacda tan oo kale weli horey
looma arag. Ogow beentaada baddan aakhirka
ceebaalkeeda ayaad soo taabanaysaa.
Maalmaha qaar waxaad arkeysaa marka qof uu yiraahdo
warkaas ayaa lasoo qoray, in markiiba la weydiinayo
Webka soo qoray, oo qaarkood hadduu sheego la
leeyahay, war ma waxaad weysay meel aad akhrisato oo
kale. Ogow heerkaas marka lagula gaaro, ujeedadu
maaha in qofkan lagu diidan yahay Qabiil, maahma in
lagu diidan yahay shaqsi ahaan, ee waa caadeysi xun
uu caadeystay in uu arimaha qaar uu been abuuro.
Websidte yada qaarkoodna iyadoo la leeyahay keligood
ayaa qoray ayaa haddan la difaacayaa oo la leeyahay
weligood been ay qoreen lama arag. Bal haddaba
akhristow miisaan saar labada web, ee labadaba
afsoomaali wax ku qoraya oo ka wada hadlaya arimaha
Soomaaliya, midna la leeyahay iga daa warkiisa,
midna la difaacayo inuu run baddan yahay, maxey
heerkaas ku kala gaareen. Bal adba.
Qofka ku can baxay runta waxa ammaan ugu filan in
hadalkiisa la qadariyo, oo loo soo istaago markuu
arin ka dhawaajiyo. Kan beenta badanna waxaa ceeb
ugu filan isagoo hadalkiisa laga soo qaado ka’anna
inuu cunug saqiir ah sheekeynayo. Ogow mar haddii
laguu barto beenta in ay adag tahay inaad bulshadaa
kusii dhex noolaato.
Waxaad maqleysaa hebel siyaasi maaha, iyadoo loola
jeedo wax walba runtuu ka sheegaa. Waa yaab war
siyaasi ma waxaa lagu noqdaa in la munaafaqeeyo oo
dadka been lagu qanciyo. Wey haboon tahay in arimaha
qaar la isticmaalo qaab diblumaasi, si wax
look ala ilaaliyo laakiin been qayaxan runti waa wax
aad iyo aad looga fiican yahay.
Waxaa xitaa dhacday in dadkan aynu la joogno (
Europe ) ay hadda nagu barteen beenta baddan, oo
haddii laguu arko qof Soomaali ah inaad tahay aan
wax baddan hadalkaaga la rumeysaneen, sababtuna waa
mid aynu innaga isugu wacan nahay waayo wax walba
been baa laga sheegayaa sida labada isqabta,
lacagrta la qaato, maqnaashaha, caruurta. Marki la
arkay in aynu wax walba been ka sheegeyno ayaa hadda
waxaad arkeysaa in la leeyahay in waxaasi ay run
yihiin iyo in kale warqad caddeyn ah kasoo qaado
kumuunitigiina (Somali Community ).
Runti waa wax laga naxo in ummad dhan lagu barto
been. Waxa haboon in arinkaas laga hortago oo lala
dagaalamo, si sharafteeni ay usoo noqoto. War
innagoo muslimiin ah in nalagu barto been, wax
fiican maaha. Soomaaliyeey beeni raad maleh, ee
sharfteena aynu dhowranno. Ogow qofka Soomaaliga ah
markuu sameeyo falal aan dhaqanka ku habooneyn,
wuxuu matalayaa ummad dhan, oo waa wax hadhow dib
noogu soo noqonaya.
Hadalkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey
runta aynu isbarno, haba qaraaraatee. Ogow qofka
runta kugu nacaa aakhirka isagoo kuu garaabaya ayuu
kuu imanayaa. Goobo baddan oo Soomaali isugu timaado
ayaa waxaad ka maqleysaa Fulaan, waxaan ku jeclahay
waa qof toos ah, oo aan laalaabka aqoon. Weligaa ma
maqleyso qof la leeyahay hebel beenta ayaan ku
jeclahay. Qofka runta baddan dadka dhexdiisa wuu ka
fadilan yahay oo aad baa loo qadariyaa, halka kan
beenta lagu bartay la quursado.
Intaas ayaan hadalkeygi kusoo gababeynayaa wixi sax
ah oo aan sheegay waxey u sugnaatay Allaah, wixi
khalad ahna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....
|